SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -KENYA
 
Daabaco Boggan | Print

Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya, C/llaahi yuusuf Axmad, oo maanta Khudbad Dheer ka Jeediyay Kulankii Golaha Ammaanka ee Nairobi.
 
Somalia's new president Abdullahi Yusuf Amed waves, Friday, Nov. 19, 2004,  after he asked the U.N. Security Council, meeting in an extraordinary session in Africa, for financial and political support for a major peacekeeping operation to bring stability to his anarchic nation.(AP Photo/Karel Prinsloo)
MDFKMG, Abdullahi Yusuf Amed, oo gacan haadinaya, Jimce, Nov. 19, 2004, kaddib markii uu ka hadlayu  kulankaii U.N. Security Council ee Nairobi | Sawirka: AP
Canab Mumtaz
Somalitalk | Nairobi

November 19, 2004

Madaxweyne C/llaahi yuusuf Axmad oo maanta ka hadlayay Shirka Golaha ammaanka uga furmay shalay xafiiskooda NBI ayaa ka hadlay arrimo badan oo saamaynaya xaalada soomaaliya.

 
Madaxweynaha waxa uu ugu horeyn sheegay in dowlada cusub u socotay dal ay golaha amaanka ka warqabaan oo aysan u dhisnayn wax ciidan ah booliis illaa milatari,arrimahaas amni xumo darteedna ay muhiim tahay in dowladu hesho amaan ay ku socodsiiso howlaha adag ee hor yaala.
 
Waxa uu ka dalbaday golaha ammaanka in ay soomaaliya ka caawiyaan xagga amniga oo ah tallaabada ugu wayn oo aysan dowladdu la'aanteed shaqayn karin, waxa uuna ka dalbaday in ay bixiyaan qarashka ku baxaya ciidamada ka socda midawga afrika oo bixin doona ciidamo.
 
Madaxweyne C/llaahi yuusuf waxaa kale oo u ka sheegay golaha ammaanka in dowladiisa ay wado wadahadalo dib u heshiisiin ah, kana dhex jira beelaha soomaaliyeed iyo siyasiyiinta beelaha, dhawaana la soo af jari doono ayna ka soo bixi doonaan guulo wax ku ool ah.
 
Waxa uu ka dalbaday Golaha ammaanka in ay u fidiyaan dowlada KMG ah taageero dhaqaale si ay dowladu ugu fuliso barnaamijyadeeda siyaasadeed iyo wax qabad oo dhaqaale la'aantiis aanay waxba socon karin, dowladdana waxay ay sugaysaa, ayuu yiri madaxweynaha, Caalamka sidii ay ugu fidin lahaayeen taageero dhaqaale oo ay ku socod siiso arrimaha hor yaala.
 
Waxa kale oo uu ka dalbaday in dowlada soomaaliya u dhalatay ay Qaramada Midoobay [Q.M.] aqoonsi buuxa u fidiso dowlad aan la aqoonsanayna aysan waxba ahayn, waxa uuna ka dalbaday Golaha ammaanka in ay cod midaysan ku taageeraan aqoonsi buuxana ku siiyaan si aysan tacab qasaar u noqon waxii loo soo joogay labadii sano ee la soo dhaafay.
 
Madaxweynaha qudbadiisa oo aad u dheerayd waxa uu ka hadlay arrimo badan oo dhamaantood la xiriira sidii ay Q.M. xil gaar ah iska saari lahayd Soomaaliya iyo sida ay dowladan ku shaqayn karto iyo waxyaabaha horyaala oo caqabad ku noqon kara.
 
Golaha ammaanka ayaa sheegay dhankooda in taageersan yihiin doorashii iyo dhisidii baarlamaanka iyagoo dhaqaalaha shirka ku baxa ogaa hadana sidii usii wadi doona taageerada ay siin jireen somaliya.
 
Waxayna intaas ku dareen in ay muhiim tahay in la sameeyo dib u heshiisiin marka hore mar hadii ay dowladani tahay mid dib u heshiisiineed ay haboon tahay in la dhameeyo.waxayna intaas ku dareen in ay soomaaliya u magacaabayaan guddi la socda talaabooyinka dowlada iyo waxyaabaha ka hirgala dib u heshiisiinta balse way ka muhiimsan tahay in soomaaliya xiligan la geeyo ciidan iyadoo la sameeyo dib u heshiisiin dhex marta qaybaha soomaaliyeed oo dhan si ay uga dhex dhacdo nabad kuwada noolaansho.
 
Wasiirka koowaad Prof Cali Maxamad Gedi oo shirkaas ka qayb galay ayay golaha ammaanka wax ka waydiiyeen goorta uu dhisi doono dowlada iyo xiliga uu gaynayo caasimada soomaaliya ee mogadisho.
 
Ra'iisul wasaraha oo ka jawaabaya arrimahaas ayaa sheegay in uu wasiirada dhisi doono laba todobaad ka dib, uuna gayn doono xamar isla sanadka dabayaaqadiisa balse uu ka hor diri doono guddi sii qiimeeya xaalada jawigana ka sii dhiga mid ay dowlada ku howl gali karto.
 
Shirka Golaha ammaanka oo si wayn ugu dhego-raaricinayay xaalka soomaliya iyo hadalada labada mas'uul ayaa laga filayaa in ay wax ka qabtaan xaalada soomaaliya iyo soo jeedinta madaxweynaha sida wax uga qabteen xaalka suudaan iyo wadamo kale.
 
Golaha ammaanka xafiiskooda NBI oo wadahadal laba maalmood ahi uga furmay shalay waxay muhiimad gaar ah siinayeen arrintan suudan iyadoo maanta ay ku guulaysteen dhinacyad iskuhaya suudaan in ay soo af-jaraan dagaalkii dheeraa ee u dhexeeyay mudada fog ka dib markii ay labada dhinac shir ku lahaayeen dalka kenya mudo laba sano ah (gaar ahaan magaalada Naivasha) ayay ku guulaysteen maanta in ay labada dhinac saxiixaan heshiis lix qodob ka kooban oo ay ka mid ahayd in la sameeyo xabad joojin, in hantida dalka si guud loo wada istcimaalo iyo in koofurta oo ay ka taliyaan mucaradka la siiyo dowlad goboleed.

canabmumtaz@hotmail.com

WARBIXINTA LABAAD:::


 
Kulankii Maanta ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo gabagabeeyay Xarunta qaramada Midoobay waxaana ka hadlay kulankaa Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa Koowaada

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi Somalitalk

Kulanka oo ay iskugu yimaadeen xubnaha ka tirsan qaramada midoobay oo shalay ka furmay magaalada Nairobi ayaa maanta lagu soo afjaray Xarunta Qaramada Midoobay ee Nayrobi iyadoo kulankaa u gudoominayay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay KafinAnan waxaa looga hadlayay Xaalada Qalafsan ee wadanka Suudaan ee ka dhax oogan Mucaaradka iyo Doowlada Suudaan  iyo Amuuraha Ugubka ah ee Soomaaliya, 

Kulanka oo maalintii shalay lagu lafo gurayay Arimaha Suudaan gaar ahaana heshiiskii Magaalada Nayfasha ee Wadanka Kenya ay ku wadaageen Dowlada iyo Kooxaha ku kacsani sidii hore loogu si iftiimin laha , 

Laakiin amuurto saaka way ka duwaneed qaabkii shalay oo waxaa looga hadlay arimaha Soomaaliya dhamaan Doowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay aad ayeey u soo dhaween Guulaha shirkii soomaalidu ku tilbaasday iyagoo guul ku tilmaamay doorashadii Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo Doorashadii Madaxwaynaha Soomaaliya, 

Xubnaha waxa ay qeexeen in guud ahaan gobolka gaarahaan Soomaaliya ay caawin doonaan iyagoo sheegay in ay taageero dhinac walba ah la siin doonaan Doowlada Soomaaliyeed, 

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay kulankii maanta isaga oo codsaday in soomaalidu ubaahantahay taageero dhaqaale mid siyaasaded isagoo intaa ku sii daray in Dalka Soomaaliya la geeyo Ciidamo Nabada ilaaliya isagoo Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed madaxwaynaha Soomaaliya ayaa kulankaa ka sheegay in horay dowlada Soomaaliyeed uga codsatay Midoowga Afrika ciidamo gaaraya 15000-20000kun oo nabada Dalka Soomaaliya suga Madaxwaynahu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in ay doowladiisu tahay doowlad Dib uheshiisiineed ayna wadaan wada hadalo  isagoo ka codsaday Qaramada Midoobay in ay taageeraan sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidamadii Qalabka siday ee Soomaaliyeed , 

Qaramada midoobay ayaa dhinacooda ka muujiyay in ay taageeri doon Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka,

Dhinaca kale Raysul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa isaguna goobtaa ka hadlay isagoo sheegay in xukuumadiisa uu dhisi doono ilaa labada Asbuuc ee fooda nagu soo haya ama bishaan dhaxdeeda Raysul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa shaaciyay in doowldu dhaqso ugaari doonto Gudaha Wadanka Soomaaliya

axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk | Nov 19, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

 



HTML CD