SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Xoriyo
 
Daabaco Boggan | Print

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • War-saxaafadeed ay soo saartay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO-ONLF)
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo Kenya soo weeraray
  • Dublamaasi Itoobiyaan ah oo baxsaday.
  • Hargaysa oo lagu waxyeelleeyay dad gobollo kale u dhashay
  • Saraakiil Itoobiyaan ah oo tagtay Adhicaddeeya
  • Haweeynayda Carafaad oo walaac ka muujisay booqashada Saraakiisha Falstiiniyiinta ee Carafaad soo booqanaa.
  • Barnaamujkii aragtida halgamaaga oo aanu caawa ku soo qaadan doono qaybtii labaad ee qoraalkii Dr. Saasiq uu cinwaanka uga dhigay dagaalkii Ogaadeenya iyo suugaan halgameed.

 War-saxaafadeed ay soo saartay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO-ONLF)

 

 Warsaxsaxaafeed ka soo baxay JWXO oo ay kaga jawaabeyso hadal ka soo yeedhay ninka ku magacaaban Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Magaalada Hargeysa oo todobaadkii hore saxaafada Magaalada Hargyesa u sheegay in JWXO ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Adhicadeeye iyada oo uga qayb gashey qab qabiileed.

 

  Warsaxaafaadeedka JWXO oo bishan Nov 6, 2004 loo qaybiyey saxaafada xorta ah oo ciwaankiisu ahaa “Lax gawracan Geedaha kama leexato” ayey JWXO si adag ugu beenisay in ay ku lug lahayd dagaalkii u dhaxeeyey labada beelood ee walaalaha ah.

 Waxayna JWXO ku tilmaantey Cabdulaahi Ducaale oo ah Wasiirka Warfaainta ee Hargeysa in uu “Yahay dabhuyriye”, iyadoo intaas raacisay in mabda’a daris wanaag ka sokow, shacabka reer Ogaadeenya uusan ogolaanayn inuu ururkiisu daraf ka noqdo dagaallo ka baxsan xuduudka dalkiisa.”

 

 JWXO waxay tilmaantey in “Maamulka Woqooyi galbeed uu caadeystay dhaqanna ka dhigtay inuu shacabkaas dulman ee ree Ogaadenya uga soko maro cadowga Wayaanaha”

 Ugu danbeytii; “JWXO iyadoo ka faa’iideysanaysa munaasabadda barakaysan ee bisha Ramadaanka waxay u sheegaysaa Maamulka Hargeysa inuu joojiyo dabhurinta iyo aafa ka talinta aan cidna wax u tarayn lagana digtoonaado, iyo inay sidoo kale, Maamulka Hargeysa deg deg kusoo deyso shacabka rayidka ah ee xabsiyada ay ku gurtay ,ka dib markay dhacdey guryahooda iyo maalkoodii ay ku lahaayeen magaalooyinka waqooyiga Somaliya ,qaarna ay si budhcadnima ah uga gadatay Maamulka Itoobiya”

 

 Ciidamo Itoobiyaan ah oo Kenya soo weeraray

 

Boqollaal askar oo hubaysan una dhashay dalka Itoobiya ayaa jimcihii soo weeraray gobolka Turkana ee dalka Kenya, waxayna weerarkaas ku dileen afar qof oo kalluumaysato ah iyo sargaal ka tirsan ciidamada booliska Kenya, sidaas waxaa jimcihii laga soo xigtay xarunta guud ee booliska Kenya ee magaalada Nairobi.

 

 Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska Kenya waxay saraakiisha kenyaanka ahi kormoor ku samaynayeen meelo ku dhaw xadka ay Kenya la leedahay xukuumadda Itoobiya markii ay soo weerareen ciidamo hubaysan oo gaadhaya qiyaastii 250 askari, kuwaasoo ka soo gudbay dhinaca Itoobiya.

 

Booliska Kenya wuxuu kaloo intaas ku daray in weerarkaas uu ku dhaawacmay mid ka mid ah ciidamada booliska, halka mid kalana la la’yahay.

Ciidamo gurmad ah ayaa sabtidii halkaas la geeyay, si ay ammaanka u sugaan, isla markaana faahfaahin uga soo bixiyaan qaabkii uu weerarkaas u dhacay. Mana aha markii ugu horeeysay ee ciidamo Itoobiyaan ah ay weerar ku qaadan wadanka Kenya, waxaana jirtay marar badan oo xubno Baarlamaanka Kenya ka tirsan ay dhaleeceen u soo jeediyeen ciidamada wadanka Itoobiya oo weerar qaawan ku soo qaaday gudaha wadanka Kenya.

 

Dublamaasi Itoobiyaan ah oo baxsaday.

 

Wariyaha RX uga soo warama wadanka maraykanka ayaa soo tabiyey in Dires Gessese oo ka mid ahaa diblamaasiyiinta Safaarada Itoobiya ku leedahay wadanka Masar uu magangalyo siyaaseed ka codsaday dowlada maraykanka kadib markuu uu baxsaday.

 

 Diblamaasigan oo booqasho ku tagay wadanka Maraykanka ayaa sheegay in uusan dib ugu noqonayn shaqadii uu u hayay Safaarada ay Itoobiya ku leedahay wadanka Masar, isla markaasna xafiiska Qaxootiga u qaabilsan wadanka maraykanka iska dhiibay.

 

 Inkasta oo aan wali wax faah faahin ah laga helin dibla maasigaas hadana waxaa la rumaysan yahay in uu jiro khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo maamulka sare ee xukuumada Itoobiya. Mana aha markii ugu horeeysay ee ay baxsadaan diblamaasiyiin Itoobiyaan, waxaana ilaa sanadkii la soo dhaafay baxsaday in ka badan 25 Diblamaasi oo ka shaqeeynayay safaaradaha ay Itoobiya ku leedahay wadamada dibada.

 

 EPRDF oo xisbiyada mucaaradka ah ugu baaqday inay doorashada ka qayb qaataan

 Ururka ka taliya dalka Itoobiya ee EPRDF ayaa xisbiyada mucaaradka ah ugu baaqay inay si nabadgelyo ah uga qayb galaan doorashada la qaban doono bisha May ee sannadka soo socda.

Baaqan wuxuu ururka EPRDF soojeediyay, ka dib markii toddobaadkii hore lagu dhawaaqay in EPRDF iyo isbahaysiga mucaaradka ah ee UEDF ay isla gaadheen heshiis ku saabsan inay ka wada-shaqeeyaan arrimaha ku saabsan doorashada soo socota.

 

 Ururka keligii taliska ee EPRDF, isagoo munaasabadaas ka faa’iidaysanaya, wuxuu xisbiyada kale ee mucaaradka ah ugu baaqay inay halganka hubaysan ka tanaasulaan oo ay adegsadaan qaab nabadeed oo ay awood siyaasadeed ku hanan karaan.

 

 Hase yeeshee in kastoo isbahaysiga UEDF uu arrimaha doorashada heshiis kala galay ururka talada haysta ee EPRDF, haddana waxaa heshiiskaas ku gacan saydhay xisbiyada MEISON iyo EPRP oo ka tirsan isbahaysiga UEDF, kuwaasoo sheegay inaanay marna EPRDF iskaashi la yeelanaynin.

 

 Ururka EPRDF wuxuu sheegay inaanuu heshiis noocan ah la gaadhaynin ururka Oromada ee OLF, haddii aanu ka tanasulin dagaalka hubaysan oo uuna doorashada qaab nabadgelyo ah uga qayb qaadanin. Ururka OLF ayaa xukumuuda Itoobiya kala soo horjeeda dagaal hubaysan oo uu kaga doonayo madax banaanida Qoomiyada Oromada, mana muuqato wax gor gortan ah oo uu ka galayo xaqa ay qoomiyada Oromadu u leedahay madax banaanideeda.

 

 Hargaysa oo lagu waxyeelleeyay dad gobollo kale u dhashay

 

 Maamulka ka taliya magaalada Hargaysa ayaa kala faquuqa dadka soomaalida ah ee ku dhaqan magaalooyinka uu ka taliyo ee ka soo jeeda gobollada kale ee Soomaaliya.

 Waxyeellooyinka noocan ah oo in muddo ahba ka jiray gobollada Woqooyiga Soomaaliya, waxaa ugu denbeeyay ganacsato gobollo kale ka soo jeeda oo maalmihii ina dhaafay hantidoodii lagu boobay magaalada Hargaysa. Ganacsatadan ayaa la sheegay inay muddo aad u dheer degganaayeen magaalada Hargaysa, isla markaana magaalada aad looga yaqaanay.

 

 Waxaa sidoo kale magaalada Boosaaso dhawaan soo gaadhay dad u dhashay gobollada Puntland oo laga masaafuriyay magaalada Hargaysa. Dadkan ayaa la sheegay inuu tababar caafimaad uga socday magaalada Hargaysa, hase yeeshee la soo masaafuriyay iyagoon tababarkoodii dhamaysanin, waxayna arrintani ka denbaysay ka dib markii maamulka Riyaale dhawaan lagu jabiyay weerar gardarro ah oo uu ku qaaday nawaaxiga Laasacaanood.

 

 Saraakiil Itoobiyaan ah oo tegay Adhicaddeeya

 

 Dawlada gumaysiga Itoobiya oo si wayn faraha ugula jirta arrimaha Soomaaliya ayaa la sheegay inay saraakiil u dirtay gobollada Puntland, si ay maamulka Puntland ugu cadaadiyaan inuu qaboojiyo xiisadda dagaal ee dhawaantan ka dhex oogantay isaga iyo maamulka Hargaysa.

 

 Sargaal sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa daba-yaaqadii toddobaadkii hore gaadhay magaalada Garowe, wuxuuna maamulka Puntland gaadhsiiyay inuu ciidamadiisa dib uga soo gurto jiidda hore ee dagaalku ka socdo.

 

 Waxaa sidoo kale la sheegayaa in sargaal Itoobiyaan ahi uu kormeer ku tegay goobihii uu dhawaan dagaalku ka dhacay oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka  Puntland.

 Xukuumadda gumaysiga Itoobiya in kastoo ay afka ka sheegtay inay u kala dab-qaadayso labada dhinac ee dagaalku dhexmaray, si ay xiisadda u qabojiyaan, haddana waxaa la ogsoon yahay inay iyadu ka denbaysay isku dhacyada ka dhex billowday maamullada Puntland iyo Hargaysa, waxayna ka shaqaynaysaa sidii ay u carqaladayn lahayd nabadaynta dalka Soomaaliya.

 

Haweeynayda Carafaad oo walaac ka muujisay booqashada Saraakiisha Falstiiniyiinta ee Carafaad soo booqanaa.

 

Hogaamiyaha Falastiintiiniyiinta Yasir carafaat oo lagu dawynayo isbitaal ku yaala magaalada Paris ee xarunta Faransiiska oo in dhawaalaba laga dayrinayey xaaladiisa caafimaad laguna tilmaamay xaalad udhaxaysa geeri iyo nolol ayaa la ogolaaday inay booqan karaan saraakiil ka tirsan maamulka Falastiin , booqashadaas ayaa waxaa aad u dhaliishay haweenayda uhoyata Yaser Carafaat oo lagu magac-aabo Suha Carafaat oo ku sugan magaalada Paris.

 
Saraakiishaas  oo ay kamid yihiin Ra`iisal wasaaraha Falastiiniyiinta  Axmed Qureec, ninka haatan haya hogaaminta ururka PLO Maxamuud Cabbaas iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiin Nabiil Shacath ayaa ku booqan doono hogaamiyaha reer Falastiin Yaser Carafaat oo aad u xanuunsan isbitaalka uu kujiro.

Xaaska Yaser Carafaat Suha ayaa waxay ku tilmaamtay booqashada saraakiishaasi, isku day lagu doonayo inay aasaan Yaser Carafaat si ay u dhaxlaan mansabkiisa waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Suha ayaa iyadoo la hadlaysa telefishinka afka Carabiga ku hadla ee Aljazeera waxay sheegtay in xaaladda Yaser Carafaat ay wanaagsan tahay islamarkaana uu weli nool yahay, dibna loogu celin doono gurigiisa magaalada Ramallah.

Mr. Carafaat oo aad u xanuunsan da,diisuna tahay 75 sano ayaa waxaa cisbitaalka ku yaalla magaalada Paris la geeyay 10 maalmood ka hor,. Waxaana jira warar laysla dhexmarayo oo sheegaya in Mr. Carafaad uu galay Kooma aan dib looga soo  noqon  karin.

Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiin Nabiil Shacath ayaa telefishinka CNN u sheegay in Mr. Carafaat uu Kooma ku jiro, laakiin dib looga soo celin karo.

Si kastaba ha ahaatee hogaamiyashaa reer Falastiin ee Yaser Carafaat ku booqan doona cisbitaalka uu ku jiro ee magaalada Paris ayaa waxaa la sheegay inay ku soo laaban doonaan magaalada Ramallah iyagoo sida Yaser Carafaat.

 

09.11.2004

C/Nuur Sh. Maxamed

radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada


Ra'iisul wasaaraha DFKMG ah iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka dagay UAE
Prof:Cali Maxamad Gedi iyo wafdigiisa ayaa.. Guji..

Dad ay xukuumada Itoobiya xabsiyada u taxabtay
ka akhri wararka Radio Xoriyo..  Guji...

»Soo Saarihii Filimkii Lagu Aflagaadaynayay Gabdhaha Muslimka ah oo La dilay

Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha DFKMG  oo Ka Degay Kampala, Uganda
»Gacmodheere oo taageeray Madaxweynaha Soomaaliya
»Wafdi uu Hogaaminayo MDFKMG oo ka Ambabaxay NBI
..Dhammaan ka akhri halkan.. Guji... Nov 5

RA'IISUL WASAARAHA DFKMG  EE SOOMAALIYA OO LA MAGCAABAY
Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi oo... Guji... Nov 3

 


Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad
Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD