SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UGANDA/NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

Waftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha DFKMG oo Ka Degay Kampala

MDFKMG oo uu soo dhoweynayay Madaweyne ku xigeenka Ugadha.
ISHA SAWIRKA:
Newvision Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FKMG ee Soomaaliya iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa waxa shalay galab 3:40pm waqtiga Afrikada bari ka degeen garoonka caalamiga ah ee Entebbe Airport. Waxaana halkaas ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Uganda, Prof. Gilbert Bukenya, iyo wasiirada kala ah: Kirunda Kivejinja iyo Nshimye Sebuturo, iyo Safiirka Kenya u fadhiya Ugandha Brig. Matayo Kyaligonza. Waxaana madaxweynaha lagu soo dhoweeyay 21 mad-fac oo salaan sharaf ah.

Waxaa kale oo garoonka waftiga kusoo dhoweeyay jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Ugandha oo uu hor kacayay ganacsade Umar Ahmed Mandella. Halkaas oo uu Cabdullaahi Yusuuf ku qacan qaaday dadkii soo dhoweeyey intii aysan u dhaqaaqin magaalada, halkaas oo uu kula kulmi doonaan madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Museveni iyo saraakiil kale oo ka tirsan dawlada Uganda.

Waftiga Soomaaliyeed waxa ay Ugada booqasho ku joogi doonaan muddo laba maalmood ah, kadibna waxay uga sii kicitimi doonaan dalak yemen.

Tarjumadii: SomaliTalk | Nov 5, 2004 | Isha: Newvision Uganda


XIDHIBAAN MAXAMED MAXAMUUD GUULEED GACMO DHEERE: MIDNIMADA UMADA SOOMAALIYEED KU BADALANMAAYO MANSAB SIYAASADEED WAANA TAAGEERSANAHAY MADAXWAYNAHA IYO WASIIRKA KOOWAD

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqa)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk | Nov 4

Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere) oo ku sugan magaalada Nairobi kana mid ahaa xubnihii Xaadirka ku ahaa shirka Soomaalida ee lagu soo Doortay Doowlada uu madaxda ka yahay Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed , 

Dhinaca kale Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) oo isagu ah aqoonyahan ayaan wax ka waydiinay aragtidiisa ku aadan sida ay ula muuqato  Magacaabida Porf Maxamed Cali Geedi oo habeenimadii xalay loo magacaabay Wasiirka Koowad, 

Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) waxa uu sheegay in shirkan loo soo maray dhibaatooyin badan isaga oo sheegay in soomaalidu muda 14 sanadood ah ucadilneed Nidaamka Doowliga ah marka manta hadii aan helnay Bidhaan doowladed Alla ayaan ku xamdinaynaa waana soo dhawaynayaa waxaana Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay Taageeraan Dawolada Cusub lana shaqayaan , 

Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) Mar aan waydiinay Fikirka uu ka qabo Raysul Wasaraha Dhawaan la magacaabay waxa uu sheegay in lamagacaabay Xubin Firfircoon oo ka mida Aqoonyahanka Soomaaliyeed Isla markaana waxa sii siyaaday ama Kobcay Rajadi aan ka qabnay Dhamaystirka doowlada, 

Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) Waxa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed aysaarantahay mas uuliyad wayn loona baahanyahay in ay Danahooda gartaan ayna ogaadaan in dhalaankooda iyo wadankooduba dayacnaa mudo badan , 

Dhinaca kale Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) oo aan waydiiyay qoraal saxaafada qaarkeed qortay waxa uu cadayay  in lagu ban abuurtay oo umado kale ayaa adeegsaday buu yiri Ujeedadooda balse ma ahayn Afkaar aniga iga timid waxaana codsanayaa ayuu yiri in laga fiirsado qoraalada iyo dadka ay waraysanayaan wariyaashu, 

Dhinaca kale Saxafiga warkan laga soo xigtay ayaa ii sheegay in Teleefoonka Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere uu qalday isla markaana si qalada warka loo siiyay kadibna waxaan ogaaday in Xidhibaanka uusan warkan dhihin laakiin ayuu yiri  

Waxaan ogaaday xiligii aan warkan siiyay Shabokadaha qaarkood wariye dayax waa saxafi Wargayska Ayaamaha ujooga Shirka Dibu heshiisinta Soomaalida  

Dhinaca kale Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) ayaa sheegay in uu wadanka Soomaaliya u hurayo dhiigisa maalkiisa iyo Aqoontiisa Isagoo sheegay in uusan mansab Siyaasadeed ku xirayn Horumarka dalkiisa iyo dadkiisa waligay waxaan ka shaqayn jiray Nabada Midnimada Cadaalada Sanado badan ayaan dantayda gaar ahaaneed ka doorbiday mida guud ee umada Soomaaliyeed maantana Suuro gal iima ahan in aan ka hor imaado Midoowga iyo maslaxada umada Soomaaliyeed ayuu yiri Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) oo Goordhawayd iigu waramayay Hotelka 680 ee Magaalada Nairobi  

Cidii si gaara Xidhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmodheere) xiriirkiisa gar ahaaneed urabtaa  ama Jacel Figradiisa ku wajahan Maamulka Cusub ee Soomaaliyaay Waxa ay  ka heli kartaa  Teleefoonkan  + 254722218181


MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA MUDANE CABDULAAHI YUUSUF AXMED OO MAANTA KA DHOOFAY NAIROBI
Nov 4, 2004

madaxwaynaha Soomaaliya mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyi wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay magaalada Nairobi wafdiga madaxwaynaha Ayaa Booqasho ku soo gaalaa bixin doona wadamada Yugaandha iyo Yaman Madaxwane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa Hagaamiyaasha dhigiisa ah ee Cali Cabdalle Saalax Iyo Yuwere Musanfani kala hadli doona arimaha labada dal iyo soomaaliya wafdiga madaxwaynaha waxaa ka mid ahaa

  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudana Shariif Xasan Sh Adan
  • Xidhibaan Cabdulaahi Sh Ismaaciil
  • Xidhibaan Moowliid Macaane Maxamuud
  • Xidhibaan C/kariim Axmed Cali
  • Xidhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Madaxwaynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ilaa iyo Xiligii Xilkiisa qaran loo magacaabay waxa uu safar ku tagay Magaalada Adis Ababa ee Wadanka Itoobiya isaga o halkaa kula kulmay Hafya salano Mile Sanawi Cumar Alfa iyo masuuliyin kaloo badan ,

Madaxwaynaha waxaa la falayaa in uu waydiisto wadamada u hada booqanayo Taakuleen iyo ciidamo si doowladiisu u noqoto mid saldhigi karta

Dadka siyaasada Madaxwayne Cabdulaahi Yuusf Dura waxa ay sheegayaan in Safarada lagu aadayo Dibada ay ka Muhiimsantahay Mida Gudaha Soomaaliya

Dhinaca kalle saraakisha ku dhawdhaw Madaxwaynaha Waxa ay sheegayaan in inta aan gudaha Soomaaliy la aadin lo baahanyahay in Aduunka la waydiiyo Mucaawino iyo Agab si loo soo celiyo Haykalkii Siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqa)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk


Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha oo ay ka mid yihiin wasiirka kowaad iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo maanta ka ambabaxay NBI.

Canab mumtaz
SomaliTalk |Nairobi | Nov 3

Somalia's newly elected President Abdulahi Yusuf (L) holds hands with his newly appointed Prime Minister Mohamed Ali Ghedi, after addressing the media in Kenya's capital Nairobi, November 3, 2004. Somalia's new president chose academician Ghedi as prime minister on Wednesday, overlooking the powerful warlords and clan chiefs who have dragged the country through 13 years of civil war and anarchy.   REUTERS/Antony Njuguna
Madaxweyne Abdulahi Yusuf oo kor u haya gacmaha ra'iisul wasaaraha cusub  Ali Mohamed Ghedi, Kenya Nairobi, November 3, 2004.... Sawirka: Reuters
 
 
Safarkan ayaa ka mid ah dhowr safar oo ay madaxweynaha iyo madaxda labada golle ku kala bixinayaan dhowr dal oo ka mid ah qaarada Afrika iyo wadamada carabta.
 
Wafdigan ayaa ugu horeyn ku sii hakan doona dalka Ugandha iyagoo wada hadalo halkaasi kula yeelan doona madaxdweynaha dalkaasi iyo baarlamaanka ugandha, waxayna kala hadli doonaan arrimo la xiriira taageerada dowlada cusub ee Soomaaliya oo xagga amaanka ay ka mid tahay arrimaha ay kala hadli doonaan Dowlada ugandha,mar kalena waxay ka dalban doonaan ciidamo nabad ilaalineed oo Dowladda ka caawiya wax ka qabashada amaanka.
 
Safarkan oo aan horay loo sii shaacinin waxa kale oo ay uga sii gudbi doonaan wadanka Yeman oo ka mid ah jaamacada carabta, waxayna sidoo kale kala hadli doonaan taageerada dowladda oo uu horeyo u balan qaaday madax weynaha dowlada yaman markii uu ka soo qayb galay dhaartii madaxweynaha waxa uuna sheegay in dowladiis waxii taageero ah ay u fidin doonaan walalahood Soomaliyeed.
 
Dhamaan safarkan oo sida ay wararka sheegayaan qaadan doona mudo ku dhaw todobaad  waxay la xiriraan sidii ay dowlada u heli lahayd taageero dhaqaale iyo mid caalami ah intaba.
 
Baarlamaanka KMG ah ayaa sii wadan doonaan doodaha ay Axdiga iyo xeer hoosaadka oo wax laga badalayo iyadoo uu shir gudoomiye u sii ahaan doono Gudoomiye ku xigeenka BFKMG ah ee Somaliya Prof Dhalxa.
 
Dhinaca kale qaar ka mid ah ergadii horey u waysay xubinamad baarlamaanka ayaa sheegay in lagu xadgudbay Q.47 oo sheegayay in dowladda laga dhisi karo gudaha baarlamaanka iyo banaankaba, kuna eedeeyay baarlamaanka kuwo isku koobay awooda kaligood oo aan waxba u ogolaanayn dadka banaanka ka ah baarlamaanka. waxayna soo jeediyeen in arrintan uu ka fiirsado baarlamaanka ayna wax u ogolaadaan dadka aan ka mid noqonin baarlamaanka.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2004


GeediRA'IISUL WASAARAHA DFKMG  EE SOOMAALIYA OO LA MAGCAABAY
Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi oo... Guji...
Culimada Soomaaliyeed oo Baaq Samo ka talin ah u Jeediyay madaxda S/land iyo P/land
Culimada ugu waaweyn ee bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibaddaba dalka ayaa... Guji...
»Will Soomaaliyeed oo ku guuleystay abaalmarinta geesiga sannadka 2004 ee Sweden

»Kulan Bulsheed Ballaaran oo ka dhacay Dalka K/ Afrika


DAAWO: BUSH OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAHANIMADA USA

MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA  OO UMUUQDA IN UU HELAY KAL SOONIDA HOGAAMIYAASHA SIYAASADA
Kulamo xiriir ah oo uu madaxweynaha DFKMG la yeeshay hoggaamiyayaasha Siyaasada ayey u muuqataa in uu.. Guji..

MADAXWAYNAHA DFKMG OO KA DHURSUGAYA XUBNAHA BAARLAMAANKA IN AY IS WAA FAJIYAAN QODOBADA 46-47  Si uu u magcaabo wasiirka koowaad...  Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji
 

DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji


Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD