SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

 
MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA MUDANE CABDULAAHI YUUSUF AXMED  OO UMUUQDA IN UU HELAY KAL SOONIDA HOGAAMIYAASHA SIYAASADA SOOMAALIDA

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk


MDFKMG, C/lahi Yusuf

Tan& Doorashadii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya 10 Ogtobar Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed Waxa uu waday kulamo is daba joogo oo uu la wadaagay Aqoonyahanka, Culumaa u diinka Waxgaradka, Haweenka & Siyaasiyiinta Soomaaliya. 

Kulankii ugu qiimiga badnaa waxa uu la wadaagay Madaxwaynihii xilka kaga horeeyay Dr C/qaasin Salaad Xasan iyaga oo meel isla dhigay in laga fakaro sidii loo samato bixin laha shacabka Soomaaliyeed oo iyagu dhibaato qabay 14 Sanoo na soo dhaaftay, 

Dhinaca kale waxaa taageero xoogan muujiyay  Xidhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo isagu shaaca ka qaaday in uu la shaqaynayo Doowlada uu madaxda ka yahay Cabdulaahi Yuusuf Axmed taasi oo aheed guul ay dad badani ku farxeen. Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax waxa uu sheegay in hadii il loo magacaabana uu ka fiirsanayo in uu anfaco iyo in kale hadii aan loo magacaabina la shaqaynayo dowlada , 

Waxaa jiray xili madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed  Afur iyo casho sharaf u sameeyay Xubnaha Xidhibaanada Aqoonyahanka ku sugan Magaalada Nairobi oo ay gacmaha is qabsadeen Xildhibaan Cusmaan Cali Caato iyago oo u muuqaday rag meel iska dhigay qilaafkii dhaxdooda ahaa, Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa xiligaa sheegay in Mr Cusmaan iyo isagu isku meel ku dhasheen kana wada shaqayn doonaan nabada iyo xasilinta Soomaaliya, 

Dhinaca kale kulamo qaatay Sadex Cisho ayeey wada yeesheen Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Xidhibaan Al  Xaaj  Muuse Suudi Yalaxow.

Labada  masuul ayaa wada dagan hal Hoteel iyaga oo kala dagan dabaqa Labaad iyo midka Sadaxaad interkontener, wadahadalada Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow iyo Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaan cidina ka war hayn oo albaabada ayaa u xirnaa laakiin Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow ayaa doorashadii Madaxwayne Yuusuf ku tilmaamay mid sax ah waxna uusan ka qabin in soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye, 

Maanta sidoo kale waxaa jiray kulan dhaxmaray Xildhibaan  Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere" iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed,  cidina ma ogo kulanka labada mas uul waxaase la rajeeynayaa in ay kawada hadleen xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xasilin lahaa wadada Nabada oo soomaaliya ka raagtay mudo badan.  

Hogaamiyaasha siyaasada ee soomaaliya ayaa kawada Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya marka laga reebo Jan Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo isagu xiligaas Dagaaloo kula Jiray Dooxada Juba, waa Xiligii la xulayay Baarlamaankee, 

Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo isagu inta badan yaqaana dabeecadaha Hogaamiyaasha ayaa umuuqda nin ka guul gaaray intii badneed in ay ka wada shaqeeyaan nabada soomaaliya , 

Madaxwaynaha DFKMG waxaa hor yaala hawl adag iyo in uu soo magacaabo Wasiirkiisa koowaad isla markaasna wasiirka uu magacaabayaa noqdo nin u cuntami kara dhamaan Hogaamiyaasha kooxaxa Soomaaliya Dowladana gayn kara Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya, 

Dhinaca kale madaxwaynaha soomaaliya waxaa u dhiman in ay wada kulmaan Raga dooxada Juba Bare Shire Adan "Bare Hiiraale", Yuusuf Mire Adan Yuusuf Seeraar iyo Hogaamiyaha S.NA Xildhibaan En Xusseen Maxamed Faarax Caydiid. 

Waxaa kaloo madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed Horyaala in wada xaajood dhaba la wadaaago Waqooyiga Soomaaliya iyadoo xubnaha Xidhibaanada Soomaaliya ay walaac horleh ka muujinayaan Colaadaha hada soo cusboonaaday , 

Si walba xaalku ha ahaadee hadii madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ku guulaysto siina wado wada xaajoodka Geesinimada leh ee uu la wadaagayo hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida waxaa laga yaabaa in ay doowladiisu wax tar noqoto  ayna mira dhasho, hadiisa uu ka gaabiyo waxa uu raacayaa wadadii Cali Mahdi Maxamed, Jan Maxamed Faarax Caydiid, Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan  oo dhamaantood Afgarad Buuxa ka keeni waayay Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya, Nairobi Somalitalk

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2004


MADAXWAYNAHA DFKMG OO KA DHURSUGAYA XUBNAHA BAARLAMAANKA IN AY IS WAA FAJIYAAN QODOBADA 46-47  Si uu u magcaabo wasiirka koowaad...  Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD