SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  KENYA

Wasiirada A/Dibada IGAD oo ku sii jeeda Newyork.
taageero iyo aqoonsi caalami sidii ay ugu raadin lahaayeen Dowladda ka dhalan doonta shirka.
 
Canab Mumtaz.
Somalitalk.com.
Nairobi.
canabmumtaz@yahoo.com

Wasiirada arrimaha dibada ee IGAD ayaa ka qayb gali doona shir ka dhacaya xarunta QM ee Newyork si ay taageero caalami iyo aqoonsiba ugu raadiyaan Dowlada ka dhalan doonta shirka dib u heshiinta soomaaliyeed ee ka socda dalka kenya.

 
Wasiirada ayaa kala hadli doona qaramada midoobay taageerada ay soomaaliya uga baahan tahay caalamka iyo aqoonsiga dowladda dhawaan ka dhalan doonta shirka.
 
Qaar ka mid ah wasiirada oo uu ka mid yahay Wasiirka A/dibada jabuuti Cali Cabdi Faarax ayaa maanta u ambabaxay Xarunta Qaramada Midoobay ee Newyork iyadoo wasiirada kalena ay dhawaan ka baxayaan Naiorbi.
 
Wasiirada oo ka hadlayay maqnaanshaha labada siyaasi ayaa sheegay in ay ka xun yihiin xiisadaha ka jira magaalada kismaayo oo ay iska soo horjeedaan Labada hogaamiye siyaasadeed ee Gen Maxamad Saciid Xersi morgan iyo Barre Aadan shire hiiraale,waxayna sheegeen in ay u tanaasulaan shacabka soomaaliyeed kana soo qayb galaan dhismaha dowlada loogu jiro.
 
waxaa kale oo ay wasiiradu Hambalyo iyo taageeraba u direen Baarlamaanka oo ku guuleystay in ay si nidaam ah ku doortaan gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah iyadoo aysan jirin cid faragalin ku samaysay si cadaalad ah oo ay arkayaana ay u dhacday doorashaas waxayna Hambalyo u direen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aadan una rajeeyeen in uu xilkiisa u guto sida ugu cadaladsan.
 
Wasiirada ayaa soo mari doona ka dib marka ay ka soo laabtaan shirkaas xarunta midawga afrika ee Adis Ababa waxayna kala hadli doonaan ciidamadii soomaaliya la gayn lahaa si ay u sugaan amniga ka hor inta aan dowlada la gaynin gudaha soomaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2004

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

MUSLIMIINTA WADANKA AUSTRALIA IYO DOORASHADA SANADKAN (VOTE 2004)
Mudo kayar bil waxaa wadanka Australia kadhici doonta doorashadii guud ee ... Guji... Sept 11

Botaan Barre: Shirka Kenya Waa la Majara Habaabiyay
talada Shirkana dadka soomaaliyeed waa laga weeciyay
Guji

Urur  Laga aas-aasay Gobolka Awdal
ururkaas oo lagu magcaabo "Free Awdal Forum" Guji Sept 11

Dagaal ka dhacay Waafdhuug oo gumaysiga lagu naafeeyay
wararkii Radiyo xorriyo ee maanta...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..


RIYAALE vs SAXAAFADDA.. GUJI


Maxamed Dheere vs Xijaabka




HTML CD