Seekh Mustafa Sheekha Masjidka Oslo oo sheegey in ay dadka Soomaaliyeed wax qaban karaan
Sheekh Mustafaa oo ah Sheekha Masjidka Oslo oo maanta kasoo qayb galay shir ka dhacay Oslo oo loogu magac daray Danta Qurbo jooga Soomaaliyeed oo ay si wada jir ah iskula soo qabanqaabiyeen Norsom iyo SWO ayaa gabagabadii shirka waxaa halkaasi hadalo gaaban oo wacdi diineed iyo wacyi galin ka soo jeediyay Sheekh Mustafa oo isagu aad uga hadlay in aysan Soomaalidu noqon kuwo xumaanta inta badan ka hadla ee ay noqdaan kuwa qof kastaa wixii uu sameeyo ee wanaagsan ku amaana isagoo faray in Ilaahay laga cabsado kana yiri hadalo diini ah goobtaas Sheekha ayaa si wayn uga hadlay in ay dadku ka daalin in ay wax qabtaan qof kastaana uu isku dayo wixii uu qaban karo oo wanaag ah Sheekha oo dadkoo ay u muuqdeen mid ay ku maqsuudeen ayaa Ilaahay Ajar ha ka siiyee xirey shirkaas
dhanka kale Cabdi Kuuriya ayaa ka hadlay wax qabadka mid ka mid ah
ururada Soo qabanqaabiyay shirarkaan kala duwan isagoo ka hadlay wax
qabadka SWO Somali Welfare Organisation dhanka NORSOM oo uu u hadlay
Xasaan Dheere oo aad uga hadlaya muhiimadaa wada shaqaynta ururada iyo
guud ahaan NORSOM intaba
waxaa aad loola yaabay kadib markii uu goobtaasi soo istaagay wiil aad u
dhalin yar oo ku hadlaya Afsoomaaligi rasmiga ahaa isla markaana uu
maanso la yiraah Agabla halkaasi ka mariyay wilkaas oo la yiraah Suldaan
ayaa dadkii oo dhan waxay yiraahdeen waxaan u haysanay in caruurteeni ay
af Soomaliba ku hadal markaan aregney wiilkaan dhalinyarada ah rajo ayaa
noo muuqatay