TAHNIYAD AROOS.
Maamulayaasha iyo
howlwadeennada wargeyska Haldoor ee afka Soomaaliga ku
soo baxa kana soo baxa magaalada Khartoum ee xarunta
dalka Suudaan oo kala ah dadkan hoos ku xusan, ayaa
waxey hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaan arooska
iyo aroosadda Munniir Sheekh Cabdullaahi Xaaji Cabdi iyo
Khadro Sheekh Ibraahim Sheekh Cabdiqaadir oo 13/9/2004,
ku aqalgalay xaafadda Hillaac ee magaalada Baladweyn ee
xarunta gobolka Hiiraan Soomaaliya.
Waxey bahda wargeyska
lammaanaha Alle uga baryayaan noolal aayatiin wacan
nabad iyo wanaag badan guri lagu nastiyo kheyr oo lagu
nagaadaa. Iyo iney noqdaan kuwii kala hela ubad dalkooda,
dadkooda, danahooda, dariskooda iyo diintooda anfaca ee
loo aayaa laguna aayaa.
Aamiin-Aamiin.
1- Abwaan Maxamed
Cabdiqaadir [Stanza] Guddoomiye.
2- Mudane Mahad Xaashi
tafatire.
3- marwo Khadro Cali
Yuusuf lataliyeguud.
4- Marwo Sacdiyo
Cismaan Cali xogheyn.
5- Mudane Cabdullaahi
Axmed Dayib xubinguddi.