Xorriyo
nin Gayaa ha Guursado.
Jaamac Cawaale
cawaale1@yahoo.co.uk
Naag soomaaliyeed baa waxaa laga sheegay
inay tiri:-
- Maangaab aan aqoon iyo lahayn madadka
haasaawe
- Oo hadduu muran idin dhexmaro meel ku
jabinaaya
- Inaan meel cidla ah wagartamaa yay
maskabi dhaanta.
Tuducyadaas yari waxaan rajaynayaa inay
tooshka si fiican ugu ifiyeen sawirnimad kuwa inta kasoo durduriyeen dhulkii
iyo dadkii ay soo baaba,sheen hadda raba inay dadkii ay waxaas oo halaag ah
u gaysteen ka helaan inay madaxweyne ka dhigaan.
Qab qablayaasha Nairobi inta ku qamaamay
yiri madaxweynenimo ha naloo doorto, waa kuwa gabadhaasi ay ka hadlayso, bal
maxay xil iyo masuuliyad ka yaqaaniin! soo kuwii dadka soo baabi,iyay maaha,
bal maxay horumar, baraare iyo dawladnimo ka yaqaanaan! kuma jiro mid
kalaliya oo yaqaan dawladnimada iyo hormarku waxa uu yahay, dawladnimada iyo
horumarka waxaa aasaas u ah ammaanka, sharciga iyo kala dambaynta oo lasoo
celiyo,xuquuqda muwaadinka oo la dhawro, xuquuqda muwaadinkana waxaa ugu
muhiimsan oo ay lama huraan tahay in la ilaaliyo waa dhiigga muwaadinka
inaan loo daadin si sahal ah , inaan sharafkiisa la dhaawicin tusaale ahaan
qofka muwaadinka ah inaan gurigiisa loo soo dhicin oo aan ilmihiisa iyo
xaaskiisa ama odaygeeda hortooda lagu ihaanayn, inaan qofka muwaadinka ah
hantidiisa la boobin, sharciga waa in la ilaaliyaa oo booliis tababaran oo
akhlaaq leh waa inay xasilloonida iyo kala dambaynta dhawraan ee yaanay
noqon in military loo soo diro markii ay madaxweynaha nin is qabtaan waayo
millitariga madaxweynuhu ma leh ee dalkaa leh madaxweynuhuna cidna dalka
kama leh, hay,adaha garsooka lama kala xigo, tusaale ahaan haddii wasiirka
gaashaandhiga ay is qabtaan islaanta suuqa yaanyada ku gadanaysa waa inay
maxkamad ku kala baxaan ee wasiirku aanu shan askari soo kaxaysan,
madaxweynaha ama ra,iisulwasaaraha waa in wax loo sheegi karaa, la
dhaleecayn karaa, dhaleecaynta dadkana madaxdu waa inaanay cuqdad ka qaadin
ama xabbadayn ee waa inuu ogaadaa inay yihiin dadkiisii oo wixii ay ka
rabeen ku hungoobay marka haddii uu cabashada dadka wax ka qaban karana waa
inuu wax ka qabtaa haddii kalana waa inuu meesha ka tagaa, qab qablayaashu
inay waxaas garanayaan uma malaynayo oo haddii muran idin dhexmaro meel bay
ku jabinayaan haddaanay ku khaarajinba, bal ka warrama Tony Blair waa
ra,iisul wasaaraha ingiriiskee, beri dhawayd waxaa dhacday asagoo ka hadlaya
dhisme xiran gudihiis dad badanina ay bannaanka ku mudaaharaadayaan ayaa
wiil yar oo dhawr iyo toban jir ahi inta ka dhex istaagay dadkii si aad ah
ugu qayliyay Tony, wiilku waxyaabaha uu ka hadlayay waxay xambaarsanaayeen
garasho sare waxaa ka xasuusanahay waxyaabihii uu lahaa, “waxaad noqotay
macangag maro ku dheg ah, wax laguu sheegi karo lama arko, ummaddii dhismaha
bannaanka ah ayay ku mudaaharaadayaan waxayna leeyihiin dagaal ma rabno adna
waxaas oo dhan maqli maysid dagaal uun baad adabada haysaa ilaahbaan kugu
dhaarshaye wax maqal…. Tony inta wiilkaas yari hadlayay oo dhan si miyir leh
ayuu u dhagaysanayay markii wiilkii yaraa la qaboojiyayna hadal micne leh
buu ku hadlay ee ma oran ha la khaarajiyo, waa dhexdaas ah waxaa dhacday in
Cabdullaahi Yuusuf uu kula kulmay London oo uu iska daaweeyo jaaliyadda reer
Puntland meel fagaare ah, asagu markii hore wuxuu moodayay in meesha
guulwadayaal ay iskugu yimaadeen u sacbinaya uun oo wuxuu u haystay dadkii
joogay xeryihii jabhadaha dad la mid ahi inay meesha joogaan, marka nin
dhallinyaro ah baa wuxuu waydiiyay su,aal malaha ku qalloocatay sidii jawaab
looga sugayay buu wuxuu la soo booday asagoo aad u neeftuuraya, wallaahi
ninkaasi qabiil ahaanbuu igu colaadinyaa, ninkaas caddaanta badan aabihiis
iyo hooyadiisba waxay ahaayeen dad dhuxusha ka madow (macnaha waa wacal)
ilaah baan idinku dhaarshaye bal qofkaas ka warama waa afkii xeryaha
jabhadaha looga hadli jiray innaba ha le,kaatee wax isdhawrid ahi kuma
jiraan, maxaad u malaynaysaan haddii uu Boosaaso dhexdeeda su,aashaas ku
waydiin lahaa? meeshii dad caqli lehi joogaan waxaasoo kale waxba looma
dhiibto ninkaas odayga ahi hadda wuxuu joogaa Nairobi anigu ma hubo inay ka
dhab tahay inuu madaweynenimo rabo oo waxaaba laga yaabaa inay Itoobiyaanku
ugu tala galeen inaanu meesha ka tegin inta dawlad la samaynayo si hadhawto
ay mucaarad ahaan ugu isticmaalaan, ilaahay baan idinku dhaarshaye ninkaasi
muxuu ka garanayaa dawlad hoggaaminteed, hadda ka hor waxaan xasuustaa in
BBCda laanta afka soomaaligu ay fursad siisay aanay musharixiinta kale siin,
waxaa la waydiiyay maxaad ka qabanaysaa haddii madaxweyne lagaa dhigo, asagu
waagaas wuxuu u haystay in madaxweyne laga dhigayo ee uma haysan in
madaxweynaha tartan loo gali doono oo dadku dooran doono, wuxuu yiri
culimada iyo diintaan baabi,inayaa. Culimada iyo diinta in la baabi,iyo
horta ilaahay baa ka ilaalinaya, ee laakiinse qof caqli lihi ma ku hadlaa
warkaas, haddii culimada iyo dugsiyada quraanka nalaka baabi,iyo xageee baan
aadaynaa soow dadku diin la,aan ma soo baxayaan, marka ninkaasi miyaanu
iswaydiin dadku diintooda waa kaa ceshanayaane iska aamus, marka waxaasi ma
barnaamij madaxweynenimo lagu raadiyaa, qaar jahli iyo qabyaaladi ay iskugu
darsameen baan arkay oo leh maraykanka iyo reer galbeedku ninka diinta la
dagaalamayay rabaa, marka Claahi waa is tusayaa, horta soow kama horrayso
inay yaqaannaan ninkan, ma meel aan xabashi ahayn buu yaqaan, caqli
xumadiisa se waa ninkii yiri Cali Khaliif waa Al-Itixaad, miyaanu ogayn
maraykanku inay Cali Khaliif yaqaaniin waxa uu yahay ee aanay asaga aqoon,
miyaanu aqoon in Cali Khaliif uu ilmahoodii wax u baray maraykanka waa nin
ma gudbe ah, waa Galti, Galti waxaa la yiraahdaa ninka asagoo weyn magaalo
soo gala ee markaas aan si sahal ah aan ula qabsan karin dhaqanka iyo
ilbaxnimada reer magaalka ee mar walba ee badawnimadu ka muuqato, marka
Claahi tababarkii hoob jacda ee ruushka waxba uguma kordhin, waligiis
mansab siyaasadeed ma qaban, jago sare oo dhaafsiisan taliye urur ma arag,
waligiis waxa uu u dhexeeyay xero askareed iyo xero jabhadeed iyo xabsi,
dunida horay u martay dadka noocaas ah waa laga ilaaliyaa inay masuuliyad
qabtaan illeen waa ku dhex gaardinayaane, waxaana suurawda dadkana inay kala
dilaan illeen cuqdad baa galaysa marka wax kasta oo damcaanba inay sameeyaan
ay ku fashilmaan, arrimaha aan kor ku soo sheegnay tusaale waxaa nagaga
filan Claahi toddobaadkii hore markii uu Dubai tegay, waxaa uu kiraystay
Hotel, markaas soomaali daacad u ah oo u malaynaya inuu madaxweynenimo u soo
wado oo qaar xawilaadlayaal ah iyo kuwo ganacsi kale meelaha ku haysta ayaa
waxay u soo kexeeyeen shaqaalihii hotelka si ay iskula sawiraan, qaacad uu
Hotelku leeyahay oo layskaga qaxweeyo ayaa waxaa soo dhoobtay intaas oo
waiters, kookeyaal, kuwa qolalka nadiifiya, kuwa dadka boorsooyinka u qaada
iyo soomaali badan oo meesha kafee iskaga cabbaysay, Claahi wuxuu mooday
inay dawladdii imaaraadka madax sare oo ka mid ah ay meesha fadhiyaan, wuxuu
arkii jiray Cqaasin oo madaxda imaaraadka iyo carabta kaleba la fadhiya
amaba afrikada katiifado guduudan loo dhigo markaas cuqdad nafsaani ah baa
iskaga dhacday hase ahaatee arrinta galabtaas meeshaas ka dhacday si fiican
buu ugu nafisay oo wuxuu u qaatay inuu Jaalle Cqaasin ka aar gutay ninkii
been moodayaw fiiri websiteka Claahi Yuusuf ee la yiraahdo Allpuntland
sawirradii laga soo qaaday ninkii dadka meesha jooga ee carabta ah ka garta
hal qof oo masuul ah ha ila soo xiriiro, arrinku sow uma eka Cqaasinow rag
is guraye?.
Doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka ee
dhacday arbacadii waxay ahayd guul wayn oo u soo hoyatay guud ahaan ummadda
soomaaliyeed ee amxaarada iska dhicinaysa gaar ahaanna xildhibaannada oo
muujiyay maanta inay masiirkii ummadda ay dhabarka u ruteen, hadal iyo
dhammaantiis xildhibaannow ma sidii la idin moodayay mase sida aad noqoteen
waxaa la idin moodayay inaad qab qablayaasha amxaarada ka baqaysaan laakiin
hadda waa la idinku seexan karaa.
Doorashadii baarlamaanku waxay si cad
bannaanka ugu soo saartay madaxweynaha xiga ee soomaaliya maxaa yeelay
dharbaaxadii lagu dhuftay Sheikh Aadan Madoobe waxay sugaysaa Claahi yuusuf
iyo Ina Caydiid oo ilaa hadda laga la,yahay war madaxweyne noqonmaysaane
meel fariista, madaxweynaha mustaqbalka ee soomaaliya lama xirto.
Galaangalkii iyo isgaashaanbuuraysigii
xildhibaannadu sidanuu u dhacay:-
TNG-du Cqaasin uu hoggaaminayay waxay
culayskoodii iyo wixii ay lacag hayeen isugu geeyeen Maxamed Cabdi Yuusuf
ra,iisulwasaarihii ugu dambeeyey ee dawladda ku meelgaarka ahayd. SRRCda iyo
Claahi Yuusuf waxay xoogaa kharash ah oo ka sii haray xoolihii Puntland
galiyeen Sheikh Aaden Madoobe.
Samatabixinta, G8 iyo bulshada rayidka ah
oo wada jira oo uu taageerayay Claahi Axmed Caddow waxay aad u taageerayeen
Shariifka.
Haddaba markii wareeggii hore oo dhawr qof
isku soo taagtay uu dhammaaday musharixii TNGda iyo rag kalaa tanasulay
kadibna TNGda codadkoodii waxay ugu dareen kuwii Samatabixinta, G8ka iyo
bulshada rayidka ah halkaasna waxaa ka soo baxay isbahaysi cusub arrintiina
waxay isku baddashay rag iyo amxaaro, haddee dharbaaxadii amxaaro ku dhacday
waa la ogaa waliba codadkii ragga waxaa ka maqnaa laba cod oo muhiim ahaa
Barre Hiiraale iyo Axmed Warsame oo si ula kac ah dagaal loogu furay, marka
waxaa muhiim ah in labadaas nin ay shirka yimaadaan intaan la gaarin
doorashada madaxweynaha.
Anigu qiyaastay ma filayo in Claahi Yuusuf
iyo ina Caydiid ay doorashada ka tanasulayaan intaan cod bixinta la gaarin
waayo bisaylkaas ma leh, laakiinse waxaan filayaa wareegga koowaad in ina
Caydiid uu codkiisa kaliya heli doono Claahi Yuusufna dibirtii ugu dambaysay
baa ku dhacaysa marka waxaan soo jeedin lahaa in inta aanay doorashadu
dhicin in Jaalle Cqaasin asagoo xeerinaya waxyaabo fara badan uu tanasul
sameeyo taas baddelkeedana xubnihii TNGda ahaa tixgalin la siiyo, arrinta
labaad waa in Claahi Axmed Caddow markii doorashadii Carta uu Cqaasin kaga
adkaaday uu ugu yaraan meeshaas ugu hambalyeeyey uguna duceeyay, ugu
yaraanna uu mar u noqday ergay markii uu u diray Ethiopia markaas sida
daahirka ah lama arag meel Claahi Axmed Caddow uu ku majaxaabiyay
xukuumaddii uu hormuudka ka ahaa Cqaasin, wixii qarsoonna yaan lagu
dambaabin runteeda lama hayee, waxaa kale oo iyana muhiim ah in Cqaasin uu
madaxweyne ka ahaa dalka muddo ku dhaw afar sano si arrintaasi ay taariikhda
u gashana Cqaasinow waxaa muhiim ah in si xafladaysan lagaagala wareego
xukunka sidaasna waxaad ku noqonaysaa madaxweyne dalka muddo xukumay ka
bacdina xukunkii lagala wareegay halkii aad ka ahaan lahayd madaxweyne mar
la caleema saaray meeshii uu ku dambeeyayna aanay cidi war ka hayn arrinka
ugu dambeeya ee ay muhiimka tahay inaad xeerisid waxaa weeye in aad u baahan
tahay inaad si aan is qab qabsi lahayn oo karaama leh aad u noolaatid adigoo
waliba oday la xushmeeyo oo aan Aaden Cadde Cismaan waxba ka dhicin, taasina
suurta gal noqon mayso haddii warlordsku meesha qabsadaan marka sida la
ogyahayna adigiyo Caddow waxaad tihiin laba nin oo aad saaxiibbo u ahaa
marka ninyahaw adiga afartii sano waxaa kugu filan inaad tiraahdid warlord
amxaaro hubaynayso iyo reer galbeed baa I diiday, ee haddii shan sano oo
kale lagu doorto ogow reer galbeedku meeshoodii bay kaa taagnaanayaan
amxaaro iyo warlordna ku dayn maayaan marka ilaahay baan kugu dhaarshaye
shan sano oo kale ha na lugoyn ma khasaarin karno shan sano oo kale ee
ninyahaw iska naso warlord ma hid oo dambi laguuma haystee .
Ugu dambayntii xildhibaannadu ayagoo
mahadsan naruurada iyo rajada xoogga leh ee muuqata ha iska baabi,inina, nin
idin gatay mustaqbal idinma hayo warlord iyo qashinna dib ha ugu soo
noqonina xildhibaannaad tihiine, waad maqasheenoo maraykankii iyo reer
galbeedkii waxay idin yiraahdeen nin fiican doorta haddaad rabtaan inaan wax
idinla qabanno waagii carta la joogayna saasay yiraahdeen markii la
dhagaysan waayeyna waxay yiraahdeen waxaad ka heshaan waxba ha naga
siinina.
Hadda fursad fiican baa jirta reer
galbeedkii waxay yiraahdeen kormeerayaal ha loo soo diro doorashada
madaxweynaha, musuqmaasuqa iyo laaluush bixintana ha la joojiyo marka
bulshada caalamku way noo godlantahaye yaan la gaagixin ogaada haddii qofkii
meesha ku habboonaa aad doorataan waa idinka kuwa ugu horreeya oo ka
intifaacaya waayo haddii dawladdaas dad la yaqaannaa ay hoggaaminayaan waxay
keeni karaan dhaqaale farabadan marka idinna guryo baabuur baad helaysaan
haddiise aad rabtaan inaad hor tubnaataan guriga jalle Cqaasin idinkoo diifi
idin hayso idinka lee waaye.
Caddow iyo Cali Khaliif ilaahay baa naga
yaqaan waxa ay yihiin laakiin gaalada waa noo soo baryi karaan oo ragga
maanta dunida haysta Washington iyo New York bay caffee kula cabi jireen
marka ha la ogaado annagaa u baahan in ka badan inta ay iyagu noo
baahanyihiine aan keensanno ha noo shaqeeyaane waayo ninka wax yaqaan waa
lagu shaqaystaa oo aqoontiisaa laga faa,iidaystaa ma waxaan ka caqli
yarnahay Maxamed Siyaad Barre asaguba markii uu maraykanka ka yaababa Caddow
buu u dirsan jiraye.
Ballanteenu waa 10ka Octobar hal ku
dhiggeenuna waa “Layskama dur duriyee –Sumcad dunida yaa ku leh?”.
Xildhibaannow Xorriyo amxaarada ha laga
ilaaliyo, ilaahay baa na dilayee Xorriyo qab qablayaal dagaal iyo amxaaro ma
gayyaan bal soo xasuusta Guduudo Carwo iyo hoballadii kale ee waaberi iyo
lixdanaadkii :-
- Diqsi malagi galaybaa- Fuud kulul
dabaashee
- Marku dalaq yiraahdaa- Nolol ugu
dambaysee
- Waa naga dardaarane- Yaw diga
amxaarada..
Dadkii qabkaas lahaa maanta meeshaas waxa
dhigay waa muslin daacad dhiibtay sidii uu gabyaagu u sheegayba.
Anna waxaa idiin hayaa heestii macaanka
badnayd ee toddobaadkii aan ku raaxaysannay oo miraheediina la,ii soo
saxay.
Nabadeey….
Jaamac Cawaale
cawaale1@yahoo.co.uk
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan
Faafin:
SomaliTalk.com
|
Sept
19,
2004
Shir looga hadlaayay
barashada Soomalida iyo xaquuqda Aadmiga:
ayaa
ku soo gabagaboobay maanta magaalada Oslo ee dalka
Norwey
Guji sept 17
»BAARLAMAANKA
CUSUB SHAKI BAA KUJIRA SHARCI AHAANSHIHIISA
Faalladii Maxamed 'Ingiriis'
»SHIRKA KENYA OO SOO
GAARAY MEESHII UGU HALISTA BADNAYD
Faalladii Maxamed Jantiile
»XILMA DHIBAYAASHA NA
LOO XULAY:
Faaladii Cabdulla
»Xildhibaannadii Soomaaliyeed oo
Xil-kasnimo Muujiyey
[C/waxid]
»Shariif,
Sheikh mise Qaadwale? [Xirsi]
»Shacbiga:
Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|