SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cidlada anaa isdhigey ee cidna eersanmaye!

Turjumid: Abuzuhri Al-Hassan!

 Khalid wuxuu kusoo biirey xifdiga Qur’aanka.Wuxu ahaa wiil yar oo xishood badan, dagan,. Wuxuu kuwanaagsana xifdinta iyo muraajacada Qur’anka. Dadka oo dhan ayaa jeclaadey sida uu Diinta ugu dadaalayo awgeed.Macalinkiisii Qur’an oo kahadlaya arintas wuxuu yiri:

Wax ceeb ah kuma aanan arag ilaa marka laga reebo maahsanan iyo fikir farabadan sida qof ay wax kamaqanyihiin. Maalin ayaan ukaxeeyey dal xiis yar xaga bada. bal waa intaas oo sirta weyn ee wiilkan yarka ah kuqarsoon, baddan weyn kula kulmo dareen kasoo saara sirta weyn ee kuduugan ee uu lafikirsanyahey.

Waxan is-hortaagay wiilkan yar ee aamuska badan , waa jawi gabigiisba wada aamusan!! 

Waxyar kadibna waxa kasoo fakatey ilmo kulal iyo hinraag…waa Khalid oo oynaya. Waxan jecleystey in aanan oohinta macaan ku kala goyn waaba intaas oo ay dajiso dareenkiisa.Waxyar kadib wuxuu yiri:

“Waan idin jeclahay, Qur’aanka waan jeclahey,dadka Qur’aanka waan jeclahey… laakinse Aabahey! Aabahey had iyo jeer wuxu iiga diga inaan idin raaco, wuu idinka cabsi qaba, wuu idin necebyahey. Adinka dartiin ayuu iila coloobey; isagoo soo daliishanaya sheekooyin aan sal iyo baar laheyn! Ani ahaan markan waxan kheyr aheyn idinkuma arkin, Qur’an akhris, waji kheyr kamuuqdo iyo hadal wanaagsan.

Markan kusoo biirey taxfiidka Qur’anka, waxan dareemey raaxo iyo sakiinah aan horey uhelijirin! Waxaan kudadaalaa inaan xifdiyo Qur’anka habeyn iyo maalinba.

Aabahey wuxuu dareemey isbadalka kuyimid noolasheyda.  Si’uu ku ogaadeba inaan taxfiidka tago oo aan wadaadada saaxibo kadhigtey!

Habeen habeenada kamid ah

Waxan sugayney inuu kasoo laabto maqayadaha iyo sheekeysiga saaxibadiis sida ay caadadu aheyd, waxanu sugi jirney inta uu kasoo laabanayo si’uu noola casheeyo. Wuxuu guriga lasoo galey waji ay caro iyo xanaaq kamuuqato. Waxan wada fariisaney xeeradii cashada. Dhamaan waa la wada aamunsanyahey sidii ay caadadu aheyd cabsi laga qabo. Qof waliba wuxu kabaqayaa inuu hadalo isagoo jooga. Waxyar kadibna waxaa xeraga goostey aamuskiisii markii uu iweydiyey: Waxan maqley inaad lasocoto waddaado! Carabka ayaa hadalka soo dhifan waayey,codkii ayaa iga lumey, jawaab igama sugane wuxuu soo qaadey Ibriiq(kildhi) wajiga ayuu iiga dhuftey. Dhulka ayaa ila wareegey, kadibna dhulkaan kudhacay. Waxa kor ii qaadey hooyaday. Gacmaha hooyadey ayaan kusoo miyirsadey; waxan sii maqlaa cod leh: Faraha kaqad,haddii kale wixii isaga kudhacay ayaa…!Hooyadey gacmaheeda ayaan kadhexsiibtey oon uguur-guurtey xaga qolka jiifka- isagoo igu sii sagootinayo aflagaado iyo cay tan ugu fool xun.

Maalin alle keeno, wuu idilaa, wuu icaaya, laad iyo feer ayuu igala daala; wax alle iyo wixii gacantiisu haleesho iigama turo- ilaa uu jirkeygu noqdey bar cad iyo bar madow.Waan karhay, waxaan uqaadey xiqdi iyo xumaan.

Maalin maalmaha kamid ah,anagoo dul fadhina cashada ayuu igu yiri: “Istaag oo hanala casheyn” Inta aanan kicina isaga ayaa istagey oo wuxuu ila fuuley laad iyo feer ilaa aan kuhabsadey saxanka dushiisa. Waxaan ismoodsiiyey inaan kuqaylinayo wajigiisa oo aan kuleeyahey: Waan kaa aar goosandoona, waan kudilidoona sida aad ii dileysid. Waan kucaynaya sida aad ii cayneysid… waan weynaandoona ….waan xoogeysandoona.. Adna waad gaboobi doonta, waad taag dareen doonta... Markaas ayaan kugu samayn doona waxa alle iyo waxa aad igu sameyneysid maanta!!!

Kadibna guriga ayaan orod kaga baxay. Waan iska ordaya, meel aan u ordayana ma ogi… ilaa  aan soo dul istaagey baddan, halkan aan taaganahey. Musxafka ayaan kudul habsadey anigoo akhrinaya… ilaa aan wadi waayey oohin darteed!!!

Intaas marka uu marayo waxaa kasoo‘gobo’ tiri ilmo!Yaab iyo amakaak ayaa iga soo harey; hadalkii ayaa iga soo bixiwaayey. Ma waxaan layaabaa ‘abahan’ dugaaga ah ee qalbigiisa naxariista laga qaadey, mise waxan layaaba ‘wiilkan’ yarka ah ee ilaahay hanuunka ladoonay ee waalidkiisu ladiidanyahey! mise labadoodaba… xariirka wiilidnimo ee kala go’ay ilaa uu noqday sida xariirka kadhexeye waxarta iyo dawaacada,ama dhurwa iyo libaax?!!

Gacanta ayaan qabtey anigo ilmada kamasaxay, waxaan iskudayey inaan samirsiiyo. Allah ayaan kheyr uweydiiyey, waxana kubooriyey inuu waalidkiisa u ixsaan falo, dhibtiisa udul qaato.

Waxan ubalan qaadey inan walidkiisa lakulmidoono, kalana hadlidoono arintan.

Mudo marka ay kasoo wareegtey, waxan kumashquulsanahey sidii aan Khalid aabihiis mowduucanna ugula hadlilaha,iyo sidii aan isu barilahaa marka hore.

Ugu danbeyntiina, waxan go’ansadey inaan qaabilo wixii kadhacaba ha kadhaceene.

Gurigisii ayaan abaarey, ayadoo gacanta igariireyso , wadnuhuna I,boodayo; albabkii ayaan gar-garaacey, talow muxu idhihi doona! Waa kan Khaalid aabihiis oo albaabka furay mise waxa ihortaagan waji careysan oo indhihiisa shar kamuuqdo. Inta aandhoolo cadeeyey ayan isku dayey bal inan caradiisa iska yareeyo oo aan soo jiito! Intan hadlinba, wuxuu ilaacay kalarka(kuleetiga).

Markan kusigtey inan cagaha dhulka kaqaado ayuu igu yiri: Ma adigaa wadaadka Khaalid wax kubara masjidka? “MM…Aa….arrrr” Ayaan kuhantaatacay. ‘sikumeelgaaer ah ayuu dhulka iigu soo celiyey’ wuxuna yiri: “Walaahi haddii aan kugu arko adigoo Khaalid lasocdo luguha ayan kaa jabinaya;Khaalidna idin iminmaayo maanta kadib.

Inta wixii uu afka kuhayey ee candhuuf aheyd isu keeney ayuu wajiga iigatufey, albaabkana sinaxariis daro ah indhaha iiga dhuftey, taas oo aan uqadanwayey inuu intaas iiga harey!

Wajiga ayaan kamasaxay wixii uu iigu deeqay; dib ayan isaga noqdey anigoo nafteyda kusasabayo “Rasuulkii ilaheyba waxa lola dhaqmey si sidaas kadaran. Tolkiis ayaana beeniyey,waa lacaayey,waxa lala dhacay dhegxaan, jirkiisa yaa laga dhiijiyey waxa dhabarka lagasaarey madheerta xoolaha. Way ceyriyeen oo waxay kasaareen wadankiisii”

 

Waxa kasoo wareegey maalmo, bilo,sanado anigoo aan Khaalid arag. Habeen salaada cisha kadib anagoo joogna masaajidka dhexdiisa, gacan adag ayaa garabka gadaal iqabatey. Haaaah… waa gacantii iqabatey luqanta mudo kahor… waa wajigiisii... laftiisii… waa muuqaalkiisii… waa afkii igu tufay waxaanan uqalmin. Hase ahaate, waxaa wajigiisa kamuuqda isbadal. Wajigii xanaaqsana wuxuu noqdey mid niyad jabsan… jirkii xooga badna wuxuu laliita tiiraanyo iyo ciil; waxaan ku iri: 

Haye Adeer!” Oohin ayuu afka furtey! Subxaanahali,waan uqaadanwaayey,ninkii qalafsana ee xooga badna, goormuu isbadalkani kudhcay! “Hadal adeer, waxaa naftada kujira soo saar” Ayaan ku iri anigoo ubeer jilcaya!

Xoog intuu uneefsadey ayuu yiri: Khalid…Khalidkii aad taqaney ma’aha. Khalid wiilkii aad wanaga ,dagananta,iyo barinimada ku ogayd ma aha. Maalintii uu idinka go’ay ayuu kuxirmey koox kamid ah kooxaha fasaadka. Wuxu bilabey sigaar, diley oo cadaabey si’an ugureebo haseyeeshe wax faa’ido ah kama soo naaso cado! Jirkiisii usha ayuu laqabsaday, cananta iyo qaylada wuu kuraaxaystaa!

Ninweyn ayuu noqdey oo aan hadal yeeleyn! Dhafrida habeenka iyo soo dhixistu waa ucaadi!Iskuulkii waa laga soo ceyriyey!

wuxuu noo yimaadaa isagoo cabsan oo kuhadaaqaya waxaan  lafahmeyn. Jirkiisii ayaa isbadaley, madow ayaa wajiga kafuuley, indhihiisu waxay noqdeen sida dabka, qalbigiisii wanagsana,xuman mooye wanaag mayaqaan.

Maalin alle keenaba waa dagaal,aflagado,feer iyo weerar joogta ah. Bal ufiirso anigoo aabihiis ah ayuu idilaya”

Halkaa markuu marayo ayuu  hadalkii wadiwaayay oo oohintii ayuu dib ubilabey! Isagoo ilmada iska tirtirayana wuxuu yiri: “Wiilkeygow, qabta Khaalid! Gurigeygu waa idin furanyahey;raaliban ka’ahey inuu idin raaco oo idinla noolado.Waan ku tuugayaa, garka iyo gomoda ayaan kuhaysta! Hadafkeygu waa inuu Khaalid kusoo noqda wanaagii”

Waxan ku iri: “Adeer waxa maanta kuhaysto waa waxaad abuuratey mirahoodii; hadana waan iskudayaya inan bal wax kaqabto oo aan Khaalid lakulmo” 

Waxaan awoodayda isugu geeyay inan Khalid kusoo celiyo shabaabka, jidkii toosana iyo hanuunkii uu kaleexiyey aabihii iyo saaxibada xun ee uu maciinka bidey kadib markii laga reebey dadkii wanagsana.

Waxan geed dheer iyo geed gaaban ufuuley sidii aan Khaalid uhor fadhiisanlaha, isagana wuxuu ku dadaalay inuusan hortayda iman. Waraaqo iyo fariimo kala duwan ayan udirey,waxan iskudayey inan kuhorsugo gurigooda hortiisa saacado badan iyo maqayadaha. Talaabo kasta oo aan qaado, waxay kudhamataa natiijo la’aan oo kuma guuleysan inaan qaabilo Khalid! 

Maalin maalmaha kamid ah anigoo iska lugeynaya wado,waqti aad ukulul ayaa waxaa horteyda sikadis ah kasoo baxay Khalid! Isla markiba waan gartey walow uu isbadaley jirkiisii; isaguna wuu igartey. Inuu iga cararo ayuu isku dayey. Gacanta ayaan ku dhegay, laabta ayan laabta usaarey “Waxay aheyd xaalada aad qiiro leh”, Khaalid wuu is-heynwaayey oo afka ayuu oohin furtey aniguna waan kudarey! Inta dhowr daqiiqo ah ayaan isku dheganeyn oo aan suuxsaneyn!!!

Guriga ayaan ukaxeeyey, waxan wada fadhiisaney mudo dheer. Wuxuu iga soo bilaabey sheekada markii uu dugsiga katagey iyo isbadalkii kadanbeeyey. Waxaan usheegey inuu aabihiis iga dalbey inaan arintiisa soo dhex galo oo aan dib ugu soo celiyo xalaqadii Qur’aan. Waxan dareensiiyey inuu aabihiis imika jecelyahey dadka wanaagsan. Waxan ugu baaqey towbad-nasuux inuu layimaado.

Waxaan ufarey albaabyada rajada iyo raxmada Allah inay waasictahey. Waxaan kubooriyey inuu dib ugu soo laabto masjidkii, xalqadii Qur’anka iyo lasocodka dadka  wanaagsan.

Markaan kabad-badiyey waanada iyo waxsheegis ayuu oohin ladhacay isagoo leh: “ Ma irumeysaneysa macalin Salmaanow waan jeclahey inaan dib idinku soo laabto, masaajidkii, Qur’aankii…haseyeeshe ma’awoodo… ma awoodo! Aabahey, naceybka dadka wanaagsan  uu uqabo ayuu kudumiyey waxkasta oo wanaagsan oo aan samayn jiray.

Waxaan noqdey qof kunool hadaf la’aan, waxaan weheshadaa mukhadaraadka, filmada xun, dumarka , soo jeedka iyo safarada. Macalin waqtigii aan soo noqonlahaa waa tagey, meel aan wax kaqabto majoogo ee iska keydhaafa aan kusocdo godka modow ilaa aan guntiisa soo taabanayo,Allah uunba og  meesha uu kudhamaan doono”

Inta uusan iga dhaqaaqin ayuu isoo eegey- eegmo naxariis kujirto; wuxuuna yiri: “Macalin Salmanow, Allah ii bari inuu ii danbi dhaafo dunuubteyda iyo jariimooyinka aan gaystey. Habaar aabaheygii ii horseedey naarta HAAWIYA!”

Kadib wuu iga dhaqaaqey isagoo ay ilmadu kaqubaneyso, isagood moodo inuu ku leeyahey: “Waxaas waa wuxuu aabahey gaystey, ma’aha waxaan anigu galabsaday”

Kulankaas wixii kadanbeeyey aniga iyo Khaalid xiriirkayagu wuu kala go’ay. Aabihiis ayaa goor danbe ii sheegey inuu kasii darey, caasinimo, micsiyo iyo mujrinimo. Waxaan ubaryi jirey Allah inuu soo celiyo. 

Habeen aad umadow, salaada subax kahor ayaan guriga kasoo baxay si’aan daawo ugu soo iibiyo ilmo iga xanuunsanaya. Jidka wuxuu hormara guriga Khaalid. Waxay isheydu qabatey baabuurta poliska oo hortaagan guriga Khaalid, gaariga ayaan kadagey waxaan aadey guriga bal inaan soo ogaado waxa meesha kadhacay. 

Waxaan lakulmey Khaalid walaalkiis oo aad u ooyaya; waxaan weydiiyey waxa dhacay. Wuxuu ii sheegey masiibada meesha kadhacdey.

Khaalid ayaa guriga kusoo laabtey waxyar kahor salaada Fajir isagoo sakhraansan oo isla hadlaya. Albaabka ayuu gar-garaacay, hooyadiis ayaa damacdey inay kafurto haseyeeshe Khaalid aabihiis ayaa udiidey inay furto.

Khaalid albaabkii ayuu xoog ugaraacay ilaa uu aabihiis usoo baxay si’uu meesha ugu cayriyo. Labadoodii ayaa goroda isla galay, aflagaado iyo gacan kahadal ayaa dhex marey. Khaalid oo aan is ogeyn ayaa weerar kusoo qaadey aabihiis, odeygiina wuxu bilaabey inuu isdifaacaya ayaa madaxa kaga dhiftay ul!

Khalid markaas ayaa miyir ugu danbeysey oo wuxuu jeebkiisa kasoo saarey toorey- odaygii ku boobay. Dhowr toorey kadib odeygii odaygii dhulka ayuu ku dhacay isaga oo dhiigu meel kasta boodayo,Khaalidna cagaha ayuu miciinsadey.

Ambalaskii ayaa yimid, waxaa lala cararey odeygii oo aan dhiman aana nooleyn…intii lasii wadeyna wuxuu neefsadey tii ugu danbeysey.  

Khaalidna waa lasoo qabtey, waxana loo taxaabay xabsiga si loogu diyaariyo maxkamad xukunta dilkiisa!! 

Waxaan kaqayb galey Janasada, waxay aheyd mid lala wada qiiroodey oo lawada ooyey. Markaan sidu sharcigu ahaa uduceeeyey ayaa ku iri: Khaalid aabihiisow ma imaqleysa…taas waa wixii aad abuuratey… tana waa wixii kasoo go’ay” 

Isha sheekadan: Qisasun murawica, nihaayaatuha mu’sifah

By: Max’ed Amiin Al-Jundi, daarul iimaan, Alexdaria.

Turjumid: Abuzuhri Al-Hassan!

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2004

»Galayax iyo Gabayadii[Qormadii Shaafici]
»Cabdullaahi Yuusuf Axmad Mise? [Cali-Koor]
»SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]
»Quruxda yaan u leenahay, Qalabka yaan u sidanaa [Eelay]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD