SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Aqoonyahniin uu siminaar ugu Dhamaaday magaalada Nairobi. 
 
Canab Mumtaz.
Somalitalk.com.
 

Aqoonyahaniin ka kala  yimid W/Amerika.yurub iyo wadamo kale ayaa maanta siminaar ugu socday magaaladalada Nairobi mudo shan casho ah lagu soo gabagabeeyay.

 
Ujeedada siminaarkan ayaa ahayd in ay   aqoonyahiintu kaga doodayeen mustaqbalka dambe ee dadka soomaaliyeed,kaalinta ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalka iyagoo ka madax banaan dowlada ka dhalan doonta shirka kadib marka uu dhamaado shirka ka socda magaalada Nairobi.
 
Waxa ay intaasi ku dareen in ay ka madax banaan yihiin shirka dib u heshiinta Soomaaliyeed ee ka soconaya magaalada Nairobi ayna ay yihiin dad iskood isku soo abuubulay ujeedadooduna tahay hadalka u dhigeen in ay ka qayb qaataan maslaxada iyo dib u dhiska dalka iyo dadka soomaaliyeed,una imaanin halka uu shirku ka socdo in ay helaan jago diyaarna aysan u ahayn.
 
Aqoonyahanadan waxaa ka mid ah Prof.Gandi.C/risaaq Xaaji Xuseen,Cabdi ismaaciil Samatar iyo Kuwo kale oo dhamaantood ka wada hadlayay muhiimada ay leedahay in dadka in laga wada hadlo waxa danta u ah dadka soomaaliyed.
 
Aqoonyahiinta inta la ogyahay ma jirto casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen shirka dib u heshiinta soomaaliyeed ee ka socday dalka kenya mudada labada sano ah,waxaana awooda ugu badan lahaa siyaasiyiinta walina ku leh,kuwaas oo loo arkayay bilowgii shirka in ay yihiin kuwa ay ka go'do maslaxada dalka,maadaama shirkii carrte sababta burburisay ay ahayd awooda siyasiyiinta oo ka maqnayd halkaasi,waxaana ku badnaa aqoonyahaniin,Madax dhaqameed iyo Culumo,balse intaba shirkan waa kuwo ay maqan tahay kaalintoodi marka laga reebo siyaasiyiinta isku haysta cidda hogaamin lahayd dalka.
 
 
C/ladhiif Afdhuub oo baarlamaanka ka dalbaday in ay u diraan wafdi deegaanka Dhoobley.
 
C/ladhiif Maxamad Afdhuub oo ka mid ah siyaasinyiinta ka soo jeeda deegaanka Afmadow ayaa warqad qoraal ah u diray gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah.warqadam ayaa ku saabsanayd si baarlamaanku ay uga wada doodaan cidda ka dambaysay dagaalkaas,qasaaraha uu gaystay iyo raadka uu ku yeelan doono mustaqbalka soomaaliyeed.
 
Waxaa kale ku cadaa qoraalkaas sida uu iigu waramay siyaasigan in baarlamaanka ay u diraan wafdi soo baara arrintan Qiimayna ku soo sameeya  dhibka uu gaystay.
 
Waxa uu ka dalbaday baarlamaanka in ay talaabo ka qaadaan labada hogaamiye ee mid uu ahaa xildhibaanada baarlamaanka,hogaamiyaha kale uu ka mid ahaa siyasiyinti shirka wax badan ka soo qayb qaatay.
 
C/ladhiif ayaa mar uu iiga wararmayay degaanadaas ay ka dheceen dagaalada isagoo ka soo laabtay todobaadkan dhexdiisa waxa uu sheegay in uu soo arkay waa sida u hadalka u dhigay maliishiiyad taabacsan barre hiiraale oo uu ka mid yahay Yuusuf Indha cadde in ay weerarkaas kula jireen barre xasuuqna ay u gaysteen magaalada Dhobley oo sida uu sheegay afdhuub ay dadkii ka barakiciyeen dhimasho iyo dhaawacna ka soo gaaray qasaaraha dagaalkaas.
 
Waxaa jira ayuu jiray siyaasiyiin dagaladaas ka qayb qaadanaya hadana shirka dib ugu soo laabanaya isagoo ku sheegay in ujeedooda ugu wayn ay tahay hadii ay yihiin siyaasiyiinta matala deegaankaas in baarlamaanku uu talaabo cad ka qaado arrintaas.
 
Deegaankaas ayaa baryahan xasilan kadib markii ay todobaad ka hor ka dhaceen dagaalo sababay dhimasho,dhaawac,iyo dadkii deegaanka oo dagaalkaas awgiis uga baxay.
 
gudoomiyaha magaalada gaarisa Cabdul mawaaseera ayaa sheegay in ay soo gaareen todobaadki hore dad dhaawac ah oo gaaraya 30 iyo dad kale oo ka soo qaxay dagaaladaas waxa uuna intaasi ku daray in ay qabteen maliishaad hubaysan oo xadkasoo dhaafay sida hadalka u dhigay.
 
Dadkaas ka qaxay magaalada dhoobley waxa ay haatan dib ugu laabanayaan qaarkood guryahooda kadib markii ay xasilanayd todobaadkan magaalada dhooblay.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2004

»Galayax iyo Gabayadii[Qormadii Shaafici]
»Cabdullaahi Yuusuf Axmad Mise? [Cali-Koor]
»SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]
»Quruxda yaan u leenahay, Qalabka yaan u sidanaa [Eelay]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD