SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  NAIROBI

Gen Morgan oo Maanta Warsaxaafadeed ka soo saaray dagaaladii Jubbada hoose.
 
Canab Abdalla Mohamuud,
Somalitalk.com | Nairobi.
 
Gen morgan oo ay wali ilaalinayaan askartii ka soo galibisay garoonka jaadka laga dhoofiyo ee Wilson Airport ee magaalada Nairobi ayaa maanta waxaa uu shir ku qabtay halka uu ka dagan yahay Nairobi ee Venue Holiday Inn Hotelka lagu magacaabo.
 

Gen. Morgan

Sawirkan waxaa Morgan maanta ka qaaday E.A. Eastandard.
Morgan oo maanta saxaafada u qaybiyay war saxaafadeed Ku qornaa Af ingiriis ayaa nuxur ahaan marka la soo koobo qoraalkaasi waxa uu kaga waramay ugu horeyn dagaaladii ka dhacay kismaayo iyo dhooblay ee u dhaxeeyay maliishiyadiisa iyo kuwa Barre.  Morgan waxa uu ku xusay qoraalkaas in dagaalkaas ay sababeen dad isbahaystay sida uu hadalka u dhigay kana kala yimid, muqdisho, marka, galgaduud iyo bardaale, ahna sida ku cadayd qoraalka morgan ururka Al.itixaad oo xiriir la leh Al-Qaacida, waxa uuna qoraalkaasi intaas ku daray in dadkaas isbahaystay oo dhan ay sabab u ahaayeen dagaalkaas ay ku Naf waayeen dad badan kuna dhaawacmen tira kale halka tiro badana ay Qatooti ahaan ku joogaan Maagaalooyinka Gaarisa iyo wajeer.
 
Waxa uu ku tilmamay qoraalkiisa in dadkaas ay weeraro ku hayeen meelaha ay midka yihiin Xaliimo cadey, Hosingow, iyo dhoobley sadex maalmood 15-16-17 isla bishan gudaheeda. Waxaa lagu dilay 13 qofood, waxaana ku dhaawacmay 45 qof halka ay ka barakaceen dad gaaraya sida ku cad qoraalkaas in ka badan 3700(sadax kun iyo todobo boqol oo qoys) iyagoo ku sugan Xadka kenya iyo somaliya.
 
Waxa uu ka dalbaday baarlamaanka iyo Guddiga Howl fududeynta ee IGAD in ay halkaasi u diraan wafdi soo baara xaqiiqda ka jirta uguna baaqay in dadkaas hadii aysan ka joojin waxa ay wadaan ay sabab u noqon karaan in ay burburiyaan dowlada lagu dhisayo halkan, isagoo xusay in uu taageersan yahay baarlamaanka iyo waliba dowlada lagu dhisayo halkanba.
 
Warsaxaafadeedkaas ka dib, Mar wax laga waydiiyay morgan in laga adkaaday sidaasna uu ku yimid kenya isagoo magan galyo doon ah, ayuu ku tilmaamay in tahay wax lala yaabo in wargayska East African standard cadadkiisi shalay uu warkan qoray, waxaan diyaar u nahay ayuu yiri inaan gayno goobaha aan ka talino si ay u arkaan xooggeena sida hadalka uu u dhigay morgan.
 
DHEGEYSO VOA oo ka warbixinaya Morgan maanta...
Mar uu ka jawaabayay in Itixaadka uu sheegay iyo kan itoobiya ay isku mid yihiin ayuu ku tilmaamay in yihiin mid kaliya hadaan umadda laga qabanina ay keeni karaan dhibaato, iyagoo ku soo gambada sida uu hadalka u dhigay morgan maxaakimta islaamiga ah. dadka ku xusan qoraalkii moorgan waxaa ka mid ahaa dad wadaado ah oo soomaaliya laga yaqaano.
 
Ugu dambayn waxa uu sheegay in ujeedadiisa ugu wayn ee uu u yimid shirka ay tahay sidii loo dhamayn lahaa khilaafaadka ka jira gobolka jubada hoose, morgan muuqaal ahaan ma jiro wax dhaawac oo uu qabo marka laga reebo safar ka muuqday.
 
Dhinaca kale garabka uu hogaamiyo barre ee ku sugan shirka ayaa beri lagu wadaa in ay qabtaan shir dhinacooda ay uga waramayaan dagaalkaas, qaar ka mid ah isbahaysiga barre ayaa ii sheegay in maanta uu imaanayo barre hiiraale.
Kulankii Baarlamaanka ee maanta oo lagu magacaabay guddiyo uu ka mid yahay G/nidaaminta doorashooyinka.
  • Ilaa hadda waxaa la hayaa Arjiyada 62 musharax  oo u taagan jagada  madaxweynaha  soomaaliya
GUDIYADA BAARLAMAANKU ANSIXIYAY
BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYAY GUDIYO MAGACYADA GUDIYADAAS

Baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta isku afgartay gudiyadan iyadoo sidoo kalle baarlamaanku dib u balamay maalinka khamiista ah ee fooda nagu soo heeysa hadaba gudiyadu waxa ay kala yihiin sidan:

Gudiga dhameestirka xeer hoosaadka

  • Cali Muumin Ismaaciil
  • Cabdulaahi Sh Ismaaciil
  • Axmed Ibraahim Maxamed
  • Maxamed Cali Daryeel
  • Xasan dhinbil warsama

Gudiga Doorashada Madaxwaynaha

  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh Adan
  • Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Porf Maxamed Cumar Dalxa
  • Gudoomiye Ku xigeenka labaad Mudane Cismaan Cilmi Boqore
  • Ibraahim Sh Cali
  • Cali Axmed Jaamac
  • Axmed Maxamed Saleebaan
  • Drs Fahmo Axmed Nuur
  • Cabdi Kariim Axmed Cali
  • Cabdala Xaaji Axmed
  • Cabdi rashiid Maxamed Xidig

Gudiga Nidaamiyaasha

  • Daahir Xaaji Khaliif
  • Cawil Sheegoow Sagaar
  • Sh Axmed Maxamed Borile

Qore: Axmed Muuse Cabdule(Idaawaca) Kenya, Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com

Kulankii baarlamanka ee maanta ayaa lagu soo qaaday arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen xalinta dhibaatooyinka jubooyinka iyo waliba sidii loo dhamayn lahaa xeer hoosaadka baarlamaanka,iyadoo ay socoto qabashada araajida musharixiinta.
 
Baarlamanka ayaa isku raacay shan xubnood oo loo magacaabay in ay dhameeyaan xeer hoosaadka baarlamaanka, gudoomiyaha ayaa soo jeediyay sadex xubnood uu u magacaabay in ay si KMG ahaan ah u nidaamiyaan baarlamaanka inta laga magacabayo kuwo rasmi ah baarlamaankaba ayaa ku raacay,sidoo kale waxa ay baarlamaanku isla ogolaadeen kow iyo toban kale oo noqon doona isku dubaridayaasha doorashada madaxweyanaha,qabashada araajidooda iyo la socoshada doorashada oo ay ugu horeeyaan gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeenba sidoo kalena ay baarlamaanku ku ansaxiyeen cod ugu badan.
 
Gudiyadan ayaa howshooda isla maanta bilaabay waxaan socda qabashada araajida musharixiinta oo hadda gaaraya inta la ogyahay 62 musharax oo dhamaantood u taagan xilka madaxweyne.
 
Baarlamaanka waxaa kale oo ay soo qaadeen sidii xal buuxa loogu heli lahaa meelaha au ka jiraan dhibaatooyinka iyo abaarahaba,mar kalena ugu baaqay in uu yimaado barre shirka,imaanshaha morgana soo dhaweeyay kuna timaamay in ay bilwo u tahay is afgarad dhex mara labada labada hogaamiye siyaasadeed ee kismaayo isku haya.
 
Kulankii maanta oo bilowday goor dambe oo maanta ah kadib markii ay qaar ka mid ah xildhibaanadu ka maqnaayeen kulankaas ayaa furmay kadib markii la helay tiradii saxda ahayd ee uu ku ansaxmayay sidaas ku furmay.
 
Musharaxiinta oo wada olole ku aadan doorashada ayaa baryahaan dambe shirar iyo kulamo casuumaad ah kula jira xildhibaanada baarlamaanka iyagoo kala hadlaya doorashada,balse qaar ka mid ah baarlamaanka ayaa ku adkaysanaya in ay dooran doonaan kii ay u arkaan inuu xal keeni karo umadana u horseedayo nabad iyo horumar.
 

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2004

ISHA sawirka: Eastandard


SHIR LOOGA HADLAYAY ABAARAHA GOBOLLADA DHEXE:
MUQDISHO: Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dalladda Towfiiq oo ay ku bahoobeen...  Guji.. Sept 27

Tabardarri dhinaca isboortiga ah oo soo wajahday Kooxda Kubadda Cagta Elman FC .. Qormadii Axada ee Amiin

RAJADA SHIRKA SOOMAALIDA:
Rajo Iftiin badan iyo xildhibaanada oo muujiyey in shirku noqon karo mid miro dhala..
Guji...

»SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD