SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

WARARKA SHIRKA KENYA:::
  • Gen Morgan oo maanta lagu soo dhaweeyay Nairobi.
  • Kulankii baarlamaanka ee maanta oo looga hadlay is diiwaan galinta musharaxiinta.
  • Urur la magac baxay National civil forum oo Nairobi lagaga dhawaaqay Prof:Gandi oo ka waramaya.

Gen Morgan oo maanta lagu soo dhaweeyay Nairobi.

Canab Mumtaz.
Somalitalk.com


Gen. Morgan

Gen maxamad Siciid Xirsi morgan ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaarahada Wilson Airport ee magaalada Nairobi isagoo la socday diyaarad ka soo qaaday gaarissa ayna u direen Maamulka Shirka, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha Ciidanka Amaanka ee Kenya,qaar ka mid ah isbahaysigiisa, Qaraabada iyo qaar ka mid ah baarlamaanka KMG ah.

Dib u soo laabashada morgan ayaa ka dambaysay kadib markii si wada jir ah ay beesha caalamka iyo howlwadeena shirka ee IGAD ugu direen baaqyo la xiriira sidii ay shirka dib ugu soo laaban lahaayeen Isaga iyo Barre waxii jirana ay si wada hadal ah u dhameeyaan iyagoo ka cadaynaya baarlamaanka dhexdiisa.

Gen Morgan waxa uu ka maqnaa shirka mudo dhowr bilood,ilaa waqtigaas uu ka maqnaana waxaa gaarayay baaqyo caalami ah iyo kuwo ay IGAD u diraysay waxaana sii fogaaday maqnaanshaha morgan ee shirka kadib markii ay soo shaac baxeen in uu jiro abaabul dagaal oo uu wado morgan ayaa ka dambaysay in uu si hoose oo safar xagga dhulka ah ugu safro barre hiiraale oo ay iskaga soo horjeedaan gacan ku haynta magaalada kismaayo,sidaasna uu dagaalka uga dhacay aaggaas, waxa uuna sababay qasaare dhimasho,dhaawac iyo barakacba leh.

Imaanshaha Morgan ayaa waxaa soo dhaweeyay baarlamaanka, siyaasiyiinta,iyo waliba dadka soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi,si ay u yaraato xiisada halkaasi ka jirta, Gen morgan ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay kuna saabsan dib u soo laabashadiisa, waxa uuna dagan yahay hotel ku yaala magaalada Nairobi.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof.Maxamad Cumar Dhalxa ayaa ii sheegay in ay sugayaan isagana in uu soo gaaro madasha shirka Barre Aadan Shire Hiiraale,kadibna ay ka shaqayn doonaan isku keenidooda si waxwalba ay ugu dhamaadaan si nabad ah.

Kulankii baarlamaanka ee maanta oo looga hadlay is diiwaan galinta musharaxiinta.

Canab Mumtaz.
Somalitalk.com

MUQDISHO::: 16 Qof oo ku Dhintay Shil.
Bus iyo Pick-up isku dhacay:

Shil ka dhacay agaagaarka baar-xaraf oo 8 mile u jira bartamaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, waxaana ku dhaawacmay 14 qof oo kale, shilkan oo dhacay Jimcadii waxaa isku dhacay Bus iyo Pick-up.
ISHA WARKA..

Qodabada ay Baarlamaanka KMG ah ka doodeen maanta ayaa waxaa ka mid ahaa is diiwaan galinta Musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweyne ee dalka, waxaana ay isla meel dhigeen in xiliga qabashada araajida ee tartamayaasha uu ku egyahay dabayaaqada bishan, waxaana lagu wargaliyay in musharaxiintu ay soo bandhigaan ajandaha waxqabadkooda ee tartanka madaxweyne ilaa todobada bisha ogtobar.

Waxaa kale oo maanta uu baarlamaanka ka hadlay in la magacaabo guddi ka kooban ilaa todobo xubnood oo nidaamiya doorashada kana shaqeeya qabashada araajida tartamayaasha, waxaa kale oo la isku raacay in la magacaabo shan xubnood oo iyagana loo xilsaarayo in ay dhamaystiraan xeer hoosaadka baarlamaanka KMG ah isla kulanka soo socdana ay u keenaan qoraalkaas oo dhamaystiran maalinta isniinta ah.

Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka ayaa u mahadceliyay in beesha caalamka iyo IGAD sida ay wali u garab taagan yihiin diyaarna ugu yihiin in dowlad soomaaliyeed ay ka dhalato shirka ka soconaya kenya,dadka soomaaliyedna ka codsaday in soo dhaweeyaan dowaladda si loo gaaro xal buuxa oo leh amaan sugan.

Urur la magac baxay National civil forum oo Nairobi lagaga dhawaaqay Prof:Gandi oo ka waramaya.
 
Canab Mumtaz.
Somalitalk.com
 
Prof.Maxamad Abdi Gandi oo ka mid ahaa Aqoonyahaniinti uu shirka uga socday magaalada Nairobi ayaa ka warbixiyay qaabkii uu u dhacay shirkaasi iyo qodobadii lagaga doodayba.
 
Ugu Horeyn waxa uu sheegay shirkan in ay soo qabanqaabiyeen aqoonyahaniin ka kala timid gudaha soomaaliya dibada iyo kuwo ku sugnaa Naiorbi,ujeedadiisuna ay ahayd sidii dowlada dhalan doonta looga taageeri lahaa dhinacyada adeegyada bulshada.
 
Qodobadii looga dooday Prof Gandi oo ka hadlaya waxa uu yiri,Waxyaabihii looga dooday shirka mudadii uu socday waxaa ka mid ahaa In la helo dib u heshiisiin buuxda oo ka dhalata guud ahaan dalka soomaaliyeed.ku soo dabaalid Nabad ama Amni dalka oo dhan,in bulshada ay helaan Adeegyo Caafimaad oo Tayo leh,iyo in La kobciyo ama kor loo qaado Dhaqaalaha dalka oo hooseeya,in laga hirgaliyo dalka dib u dhis dhinac walba ah sida Wax soo saarka,in la helo Waxbarasho tayo leh bulshada oo dhana wada baahi tirta,wax walbana ay ka horeyso sidii loo heli lahaa amaan ama Nabad taas oo la'aanteed aysan waxba socon karin.
 
Intii uu socday shirkaasi waxaa lagu dhawaaqay Ururu cusub oo lagu magacaabo National Civil Forum,waxa uu ururkan qaban doono oo aan wax ka waydiiyay Prof,Gandi waxa uu yiri waa mid isku keeni doona dadka aan u soo jeedin siyaasada iyo in ay heleen jago sare oo dowladeed,balse ku fakaraya sidii ay ummadda dhibka uga saari lahaayeen uguna horseedi lahaayeen horumar la taaban karo,ujeedada ururkana waa mid ah wax u qabashada sida adeegyada ay u baahan yihiin ee kor ku xusan.
 
Muxuu yahay Ururkan mase taageersan yahay Dowlada laga sugayo shirka kenya,Prof Gandi waxa uu yiri,waxaan taageersanahay shirka ururkana maahan mid siyaasadeed ee waa mid bulshadeed dowladana ka caawin doona adeegyadaas ay shacabku u baahan yihiin,cid uu caqabad ku yahayna ma jirto, ka aqoonyahan ahaan ayaan isku xilqaanay in aan dadkeena iyo dalkeena la garab istaagno wixii u horseedi kara horumar iyo helid amaan buuxa oo ay howlahoda ku fushadaan.
 
Aqoonyahintan waxa ay xuseen in shirkan ay isku hayaan siyaasiyiin meeshana ay ka saareen in aan loo baahnayn aqoon iyaga,balse taasi aysan dhici doonin waxa ay xuseen in bulshada xaqa ay ku leedahay ay gudan doonaan inta awoodooda ah.
 
Aqoonyahaniintan ku dhawaaqay ururkan National Civil Forum, waxaa ka mid ahaa  C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa mar Ra'iisul wasaarihii somaliya, Prof.Abdi Ismail Samatar oo horay shirkan u yimid, Prof,Maxamad Abdi Gaandi oo ka mid ah bulshada rayidka kuna sugnaa shirkan ilaa bilowgiisi, Jaamac Mamaxad Khaalib oo ka mid ah Ururada bulshad rayidka ah, C/qaadir Aadan C/lle oo ka mid ah halgamayaashii Xornimada soomaaliya, Qamar Aadan oo ah gabar aqoonyahanad ah, waxaa kale oo ka mid ahaa aqoonyahan ka kala socday ururada bulshada rayidka ah ee ka howlagala soomaaliya iyo kuwa la shaqeeya hay'adaha caalamiga ah ee somaliya ka howlgala.
 
Ma Dooneysaa Nabad iib ah?

GUJI HALKAN
Gabagabadii shirkan waxaa ay soo jeedin ahaan u soo saareen in la helo dib u heshiisiin taas oo sal dhig u ah wax walba oo la qabanayo si ay ugu dhamaadaan guul,waxaa kale oo ay ka hadleen in la joojiyo dagaalada ka jira soomaaliya ee ay iska soo horjeedaan siyaasiyiinta iyo maliishaadkaba,ugu dambayna waxay xuseen in la hirgaliyo hubka dhigista maliishaadka soomaaliyeed iyo waliba sidii gacan looga gaysan lahaa in loo sameeyo dhaqan celin iyo tababar xirfado dhamaan arrimahana waa kuwo ay dowalada dhalan doonta hadii ay ku salayso barnaamijkeeda ay guul ka gaarin doonto iyagana ay dowladaas kala shaqayn doonaan.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 25, 2004


Aqoonyahniin uu siminaar ugu Dhamaaday magaalada Nairobi
iyo C/ladhiif Afdhuub oo baarlamaanka ka dalbaday in ay u diraan wafdi deegaanka Dhoobley..
Guji...

Safarkaygii Oslo::: Warbixin Nolosha Soomalida Oslo

AF-HAYEENKA URURKA DARWISH PARTY FARACA KENYA
oo soo saaray warsaxaafadeed...
Guji... Sept 24

Prof. Mahdi oo Isusoo Taagey Jagada Madaxweynaah Soomaaliya: Qoraalka musharaxa... Akhri

Xildhiban Sifir: Shacabka Soomaaliyeed waa ka Gudbey Kooxaysi
Xildhibaan Dr. Maxamuud Cabdulaahi jaamac Sifir ahna Shirgudoonka beesha Direed ayaa..
Guji Sept 23

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD