SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  NAIROBI

XILIBAAN DR MAXAMUUD CABDULAAHI SIFIR: SHACABKA SOOMAALIYEED WAA KA GUDBAY KOOXEEYSI IYO IS GAASHAAN BUURSI WAXA AAN SOO DHAWEEYNAYAA DOORASHADA GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYEED IYO KU XIGEENADIISA

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com 

Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi jaamac Sifir ahna Shirgudoonka beesha Direed ayaa war saxaafadeed uu ku taageerayo qaabka uu hada u socdo shirka soomaalida ka soo saaray magaalada Nairobi ee Dalka Keenya Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi Sifir waxa uu sheegay in shirka soomaalidu hada marayo heer gabo gabo ah isla markaasna ay dhamaadeen is beeleeyso kooxeeysi gaashaan buursi dadkuna ay fahmeen in ay lagama maarmaan tahay in soomaalidu Hesho Doowlad qarameed

Dhinaca kalle Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir waxa uu sheegay in ay si cadaalada ku dhacday doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya ee 15 Bishan ka dhacday Mbagathi Hoolka Shirarka Soomaalida oo lagu doortay Shariif Xasan Shiiq Adan dhinaca kalle waxa uu guul ku tilmaamay Xilibaan Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir doorashooyinkii Xigay oo iyagana Xilkooda loogu Doortay Gudoomiye Ku xigeenada Koowaad iyo Labaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Cismaan Cilmi Boqore dhinaca kalle Xilibaanku waxa uu hanbalyo u diray dhamaan umada soomaaliyeed isago ugu hanbalyeeyay in ay heli doonaan doowlad ay ku qaboobaan waxna ka qabata dhibkii umada soomaaliyeed heestay mudada badan

Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac waxa uu sheegay in umada soomaaliyeed looga baahanyahay in ay taageeraan Doowlada lagu soo dhisi doono Dalka Kenya isagoo sheegay hadii aysan umada soomaaliyeed taageerin doowladaas in aysan waxba qaban karin soomaalidana looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan Doowlada

Dhinaca Kalle Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir waxa uu Beesha Caalamka ka codsaday in ay taageeraan Doowlada Soomaaliyeed isagoo sheegay hadii aysan beesha caalamku taageerin doowladaas aysan waxba qaban karin Xilibaanku waxa uu sheegay in ay beesha caalamku Door muhiim ah kulahaayeen habsami u socoshada shirka soomaalida iyagoo Juhdi& Dadaal badan galiyay miro dhalinta shirkaa Deeq badana soo gaarsiyay intii uu shirku socday

Xilibaanku waxa uu mahad badan u soo Jeediyay IGAD Midoowga Yurub Jaamacada Carabta IPF iyo Midoowga Afrika wadamada Mareeykanka Kenya Itoobiya Suudaan Eritareeysa Yugaandha Jabuuti iyo dhamaan Wadamada Daneeya Arimaha Soomaaliya isagoo ku amaanay Dadaalkoodii ku aadanaa wada hadalada Soomaalida

Dhinaca Kalle Xilibaan Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir waxa uu sheegay in aad uga xunyahay in warbaahinta qaar ay qoreen in Beesha Direed ee waqooyiga ay dooran Doonaan Mid ka mida musharaxiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Wada hadalada Soomaalida taasi way dhamaatay waana ka gudubnay kooxeeysi iyo is gaashaan buursi ayuu yiri Xilibaanku hada waxeeynu nahay Qaran waxa uuna sheegay in umada soomaaliya hada ay diyaar u tahay in ay doortaan Madaxwayne Tayo Leh oo shacabka Soomaaliyeed ku hagi kara wadada Nabada Maadaama shacabka soomaaliyeed soo maray dhibaatooyin aad u badan

Dhinaca Kalle Xilibaan Cabdalla Xaaji Cali ayaa ku tilmaamay warar aan Jirin in Beesha Direed ee isaqu ay wataan Dad gaara waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in umada soomaaliyeed ay Doortaan Madaxwayne Aqoon Karti iyo Diinba leh

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2004

SOMALITALK JAWHAR:: WARAYSI GABAR SOOMAALIYEED OO QABTA CUDURKA AIDS-ka
»Reerkii ay ka dhalatay gabdhaas oo go’aan la yaab leh ka gaaray iyo war naga soo gaarey Jawhar waraysiga ka dib Guji

Silsiladda Taariikhda Islaamka::
Muuqaal Guud oo ku saabsan Carabta: Nabiga (scw) Kahor Qaybtii 2aad ee Qormadii Shiikh C/risaaq

Maxamed Cabdulle Wardheere (Fuje)
oo Taageero Weydiistey Dhammaan Mujtamaca Soomaaliyeed.. wuxuu gaariga dhigan jiray agagaarka Afar irdoodka Muqdisho, maanta taageero ayuu kaa sugayaa


»2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»Gargaar iyo Dhawr [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 


» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD