SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Wafti katirsan DFKMG oo Ka Degey Kismaayo...
  • Kulan Albaabadu u Xiran Yihiin oo ay Kismaayo Yeesheen Barre Hiiraale, Cismaan caato iyo Muuse Suudi
  • Kulan albaabadu ay u xiran yihiin oo ay Muqdisho ku Yeesheen Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFKMG..
  • Maamulka Maxamad Dheere oo sii daayay Odoyaal

Wafti balaaran oo ka socday dowlada federalka FDKMG ah ee somalaliyeed oo ay horkacayeen wasiirka wasaarada ganacsiga  al xaaji Muuse Suudi Yalaxow iyo wasiirka guriyayeenta iyo howlaha guud  mudane Cismaan Xasan Cali Caato ayaa saakay  kasoo tagay gagida dayuuradaha ee magaalada kismaayo. 


MAS'UULIYIINTA MAAMULKA ISBAHAYSIGA DOOXADA JUBBA OO SOO DHAWAYNAYA WAFDIGII MAANTA


Yalaxow o Diyaarada k asoo degaya

BARRE HIIRAALE IYO MUUSE SUUDI OO IS DHUNKANAYA

Barre hiiraale,  muuse suudi &   tima jilic

Cismaan Caato

MUUSE SUUDI IYO JENERAL AXMED WARSAME AHNA XILDHIBAAN KA TIRSAN DOWLADA

CISMAAN CAATO, BARRE HIIRAALE, MUUSE SUUDI

Wafdigaan ay horkacayeen wasiirka wasaarada ganacsiga dowlada FDKMG al Xaaji Muuse suudi Yalaxow iyo wasiirka guriyeenta iyo howlaha guud mudane Cismaan xasan cali caato ayaa waxa ay ka koobnaayeen sagaal xubnood ayagoo kasoo dagay goroonka dayuuradah ee magaalada Kismaayo abaare afartii iyo barkii subaxnimo ee saakay, April 11, 2005.

Socdaalkoodan ayaa wafuuda waxa ay ku macneeyeen hordhaca fulinta  howlaha wasaradaha ay ku magacaabanyahiin islamarkaana ay imaatinkooda Kismaayo ay tahay ku dhiira galinta ummadda soomaaliyeed in ay taageeraan dowlada FDKMG ah ee somaaliyeed

Ayadoo socdaalkooda ay kusii mari doonaan maagaalada baydhabo ugu danbayentiina ay tagi doonaam magaalada muqdisho halkaasoo ay ku sheegeen in ay ka bilaabi doonaan nabadeynta iyo kusoo dhaweynta dowlada FDRKMG ah ee somaaliyed. 

Wafdigaan ayaa saakay waxaa garoonka kusoo dhaweeyay xubnaha ugu sareeya maamulka isbahaysiga dooxada jubba oo uu ka mid ahaa wasiirka dib u dajinta iyo dib u dhiska dowlada FDKMG ah ee soomaaliyeed xildhibaan Barre Aadan shire "Barre hiirale" iyo waliba xildhibaan Axmed Warsame iyo xubno kale oo ka mid ah mas'uuliyiinta isbahaysiga dooxada jubba iyo maamulka degmada ayadoo sidoo kale ay soo dhawayntaasi kasoo qayeb galeen ururada bulshada iyo waliba wax garad kale. 

Soo dhaweyn heer sare ah iyo is gacan qaadid ka dib waxa ay wasiiradu fariisteen goob fagaaro ah oo ku taala Airport oo horay loogu sii diyaariayay ayagoo halkaa  kalmada gaagaaban usoo jeediyeen dad waynahii kasoo qayeb galay soo dhaweyntooda ayadoo uu ugu horeyantii halkaasi kalmada gaaban kasoo jeediayay xildhibaan Barre hiiraale isagoo sheegay in maanta ay sharaf u tahay shacaba reer kismaayo ku soo dhiirashada ay qaarka ka midka ah wasiirada dowlada FDKMG  ah ay ku yimaadeen kismaayo taasina ay tahay talaabo horumar u ah shacabka reer kismaayo. Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay wasiirka guriyenta iyo howlaha guud mudane Cismaan xasan cali caato waxa uu isagana sheegay in ay maanta ay umada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u baahanyahiin dowlad  gacan qabata islamarkaana u fulisa danahooda, waxaa sidoo kale halkaa ka hadalay wasiirka ganacsiga alxaaji Muuse suudi yalaxow isagoo ugu horeyntii u hanbalyeeyay umada soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan gaar ahaan shacabka reer kismaayo waxa uu isagana sheegay wasiirka ganacsiga in umada soomaaliyeed ay walaalo yahiin lagana ilbaxay maanta qabyaaladii iyo gooni gooniyeentii taasina ay ku tusayso isu baahnaashaha ay isu baahanyahiin umada soomaaliyeed . 

Waxaa uu sidoo kale Muuse suudi sheegay in hogaamiye koxeed walba ee ku magacaaban magaalo ama gobol manta looga baahanyahay in uu u tana sulo umada soomaaliyeed fiiriyana danahooda iyo dhibaatada ka haysata wadamada shisheeye . 

Qudbado iyo isu hanbalyeen kadib waxa bixitaan isu diyaariyay wafuudii ka socotay dowlada FDKMG ah ee soomaaliyed oo ay hogaaminayeen wasiirka ganacsiga al xaaji muuse suudi yalaxow iyo wasiirka guriyenta iyo howlaha guud mudane cismaan xasan cali caato ayagoo ku laabtay dayaaradii keentay waxayna u kicitimeen magaalada baydhabo oo ay kusii hakan doonaan ugu danabayentiina ay kasii aadi doonaan magaalada muqdisho oo uu socdaalkooda ku wajahnaa. 

Sidoo kale waxa ay sadexda wasir yeesheen kulan gaar ah oo  albaabada u xiranyahay loona diiday saxaafada kulankaas oo saacado qaatay ayaana la garanayn arimaha ay sadexda wasiir kaga wada haldeen ayadoo ilaa iyo iminka aan la garanayen  arimaha ay sadexda wasiir ku falan qeeyeen kulankoodaas  

Hadaba waa markii ugu horeysay oo ay magaalada kismaayo yimaadaan xubno ka tirsan dowlada FDRKMG ah ee soomaaliyeed marka laga reebo labada xubnood ee kasoo hjeeda beelaha daga magalada kismaayo ee Barre hiirale iyo jeneral Axmed warsame balse ma ahan markii ugu horeysay uu socdaal ku yimado al xaaji muuse suudi yalaxow goor sii horeysay 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com


Kulan albaabadu ay u xiran yihiin oo Qaar Kamid ah Labada Gole ee DFKMG ay Ku yeesheen magaalada Muqdisho 

Kulankaan ayaa waxaa uu dhexmaray xubnaha labada gole ee dowladda federaalka soomaliya ee ku sugan magaalada muqdisho,waxaa uu ka dhacay xarunta baarlamaanka ee EX xaruntii xisbiga ee magaalada muqdisho.

Inkastoo bilowgii kulankan loo diiday saxaafadda ayaa haddana waxaa ay soo sareen qodobo dhowr ah, kuwaasi oo ku wajahan nabad ku soo dabaalidda magaalada ,waxaana lagu magacaabay xubno gaaraya ilaa 5 xubnood sida uu sheegay afhayeenka oo loo magacaabay Cumar Xaashi Aadan, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyay in kulankoodii maanta uu ahaa mid kala warqaadasho ah,isagoo intaa raaciyay in xubnihii horay u joogay caasimadda ay soo bandhigeen waxqabadkoodii iyo howlihii ay qabteen. 

Cumar Xaashi Aadan waxaa kale oo uu sheegay in maanta ay magacaabeen Afhayeen iyo xubno gaaraya ilaa lix oo iyagaana uu ku sheegay inay yihiin guddi farsamo,kuwaasi oo uu sheegay inay soo saari doonaan go`aamada lagu shaqeeynayo. 

Xildhibaana Cumar Xaashi waxaa kale oo uu tilmaamay in guddoon lagu gaaray in maalinka berri ah si heer qaran ah loo agaasimo munaasabaddii 45aad ee ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay Ciidanka Xoogga dalka soomaliyeed.

Waxaa uuna shacabka soomaliyeed ugu baaqay inay ka soo qeyb galaan munaasabadaasi isagoo sheegay in maalinka berri ah loo qalayo ciidanka xooga dalka  ilaa 5neef oo geel ah. 

Sidoo kale waxaa uu tibaaxay in ay kulmi doonaan barqanimada 13ka bishan si guddiga farsamada ee maanta la magacaabay ay u soo diyaariyaan howlihii loo xilsaaray ee fulinta 29qodob ee Kenya lagu gaaray. 

Xubnaha maanta lagu magacaabay kulankan waxaa ka mid ah. 

  • Qamar Aadan Cali
  • Zakariye Xaaji Cabdi
  • Isaaq Daqare
  • Axmad Diiriye
  • Saleebaan Colaad

Si kastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan Degmooyinka G/Banaadir ayaa ku hungoobay rajadoodii aheyd in warbixino ay ka dhegeysan doonaan mas`uuliyiinta dowladda ee soo gaaray iyo hanaankii maamul mid ah loogu sameyn lahaa G/Banaadir taasoo qaar ka mida ku abuurtay niyad xumo ku aaddan dowladda federaalka ee lagu soo unkay caasimadda Kenya ee Nairobi, hase ahaatee qaar ka tirsan ciidanka qalabka sida ayaa dhinacooga muujiyay rajada ay ka qabaan iyagoo ka dalbaday mas`uuliyiinta dowladda inay ciidankooda maliishiyada ah ay ka saran caasinadda

Maamulka Maxamad Dheere oo sii daayay maanta Odoyaal iyo Nabadoono u xirnaa maalmihii la soo dhaafay 

Waxgaraadkaan oo ay wehliyaan beeraley ayaa waxaa la sii daayay maanta kadib markii ay ku xirnaayeen wax ka badan 10maalmood xarunta G/SH/Dhexe ee Jowhar. 

Sii deyntan ayaa wararku sheegayaan inay timid markii  wadahadal ay yeesheen wax garadka degmadaasi iyo maamulka Maxamad dheere. 

Odayaashan ayaa xarigoodu waxaa uu la xiriiraa markii ay diideen lacago canshuur ah oo uu maamulka maxamad dheere ku soo rogay. 

Waxaan sii deyntoodii maanta lagu furdaamiyay halkii qofba 1million oo shilin/so ah, Iyadoo lacagta markii hore xabsiga loogu taxaabay ay aheyd in qofkiiba uu bixiyo 5million oo shilin/so. 

Sii deynta raggaan ayaa waxaa sahlay odoyaasha degmada jowhar oo iyagu si weyn uga xumaaday xarigga nabaddoonadaasi. 

Dhinaca kale waxaa degmada Jowhar ka taagan carqalad u dhaxeeysa maamulka maxamad dheere iyo hay`adahii samafalka ee halkaasi ku sugnaa. 

Wararka ayaa sheegaya in is maandhaafka u dhaxeeya maamulka jowhar iyo hay`adaha samafalka uu salka ku hayo dhaqaale ay hay`adhaasi ku tilmaameen Baad uu doonayo maxamad dheere, iyadoo hay`adaha samafalka ee ka howlgeli jiray jowhar ay shalay isaga baxeen magaaladaasi. 

Ma ahan markii ugu horeeysay ee ay hay`adaha samafalka ee ka howlgala soomaaliya ay qaadaan talaabo nuucaan ah oo ay isaga baxayaan gudaha soomaliya, waxaana soo laalaabtay marar badan cadaadiska ay qabqablayaasha dagaalka ku hayaan hay`adaha gargaarka ee howlaha samafalka ka haya soomaaliya,.laakiin hogaamiyayaasha dagaalka ayaa inta badan cadaadiskooda u sababeeya in hay`aha samafalku aysan u hogaansamin maamulada deegaanada ay ka howlgalaan. 

Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu ,Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2005


Qoraal kasoo Baxay Xafiiska Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaliya
Waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in.. Guji

Madaxweynaha Dowladda FKMG ah oo Qado Sharaf u Sameeyay Baarlamaanka...
»Shariif Xasan oo ka hadlay Qado Sharaftii Madaxweynaha
»Taageero Heli maysaan Intaad Nairobi Ku Qayileysaan...
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji....

R/Wasaaraha DFKMG iyo W/Maalgalinta Dibada ee Libiya oo kala saxiixday Heshiis
»Waftigii Ra'iisul wasaaraha oo weli Liibiya ku sugan...
»Wafdi isugu Jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo Gaaray Muqdisho
»Qanyare: Waxaa la gaaray Xaaladii ficilka...
»Cusmaan Boqore: Waxaa la fulin doonaa 29kii qodob...
Warka oo dhan... Guji... Apr 10

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD