SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Madaxweynaha Dowladda FKMG ah oo Qado Sharaf u Sameeyay Baarlamaanka.
  • "...albaab walba oo aan garaacno waxaa nagala horkeenayay intaad ku sii qayilaysaan Hotelada Nairobi lagama yaabo inaad heshaan taageero buuxda ee waa inaad ku laabataan dalka haday dhab idinka tagay nabad ku soo dabaalida dalka soomaaliya" C/Laahi Yuusuf
     
  • C/Laahi Yuusuf oo u ambabaxaya Itoobiya, Qirayna khilaafka ku dhexjira Dawladda
 
Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
canabmumtaz@yahoo.com | April 10, 2005

Madaxweynaha dowladda FKMG ah ayaa maanta qado sharaf u sameeyay labada gole ee baarlamaanka iyo dowladda waxaana lagu qabtay Hotelka safari park ee magaalada Nairobi.

 
Munaasabadan oo si wayn looga soo qayb galay waxaa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan sheikh Aadan oo sheegay in loo baahan yahay wax walba in lagu dhameeyo wadahadal iyo  is afgarasho taas oo gundhig u noqon karta xal buuxa oo laga gaaro soomaaliya oo dhan.
 
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in wax walba ay yihiin dib u heshiisiin, lagana maarmin in la helo dib u heshiisiin, waxa uu intaas ku daray gudoomiyaha arrinta hadda taagan in ay tahay sidii dowlada uga hirgali lahayd dalka Nabadana loogu wada gurman lahaa, waxa uu intaas ku daray in la ogaan doono cidii Nabad rabta marka la tago soomaaliya.
 
Intaas ka dib waxaa hadalkii qaatay madaxweynaha dowladda FKMG C/llaahi Yuusuf Axmad oo ugu horeyn uga mahadceliyay xubnaha labada Gole sidii ay uga soo qayb galeen casuumadan,waxa uu ka warbixiyay safarkii uu dhawaan ku soo maray qaar ka mid ah wadamo ku yaala jaamacada carabta.
 
Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed
Madaxweynaha Soomaaliya: Abdullahi Yuusuf Ahmed
Somali parliament Speaker  Sharif Hassan Sheikh Adan
Afhayeenka Baarlamaanka Som.
Sharif Hassan Sh. Adan
Madaxweynuhu waxa uu u sheegay labada gole in uu guul wayn ka soo gaareen shirkii jaamacada carabta,wadamadii carbeed waxa ay balan qaadeen ayuu yiri taageero ay siinayaan umadda soomaaliyeed iyo dhaqaale,waxa ayna nagula taliyeen ayuu yiri inaan ku laabano dalka si aan u helno taageero iyo dhaqaale xoogan oo jaamacada carabtu na siisi ayuu yiri.
 
Dalka liibiya kulamadii aan la yeelanay madaxda dalkaas ayaa sidoo kale dhamaantood nalaga taageeray ayuu yiri,laakiin albaab walba oo aan garaacno waxaa nagala horkeenayay intaad ku sii qayilaysaan Hotelada Nairobi lagama yaabo inaad heshaan taageero buuxda ee waa inaad ku laabataan dalka haday dhab idinka tagay nabad ku soo dabaalida dalka soomaaliya, waxa uu intaas ku daray madaxweynaha in loo balan qaaday taageero dhaqaale iyo ciidamo ka socda jaamacada carabta oo nabad galyada ka qayb qaata.
 
Dhinaca kale mar uu ka hadlayay khilaafka dowlada iyo baarlamaanka waxa uu si cad u qeexay in khilaafkaasi jiro, laakiin wadahadal lagu dhamayn doono wax walba oo khilaaf ah,waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in wasiiro iyo xildhibaano xalay waraaqaha casuumada la siiyay ay saakay iska dhaqaajiyeen iyagoon cidna la tashanin, waxa uuna intaas ku daray in wax un ay tabanayaan dadka baxay maanta ee ka tirsan labada gole.
 
Qudbadda madaxweynaha oo aad u dheereyd,waxa uu sheegay in uu ka mid yahay kuwa ugu dhibka badan soomaaliya,dagaal ninkii wax ka yaqaana ayaa nabad keeni kara ayuu intaas ku daray waxa uuna ugu baaqay siyaasiyiinta is haya sida uu hadalka u dhigay in ay ka soo dagaan buuraha ay saaran yihiin hadii kale aysan waxba ku hagaagi doonin iska daba wareeg khilaaf joogto ah.
 
Waxa uu sheegay C/llaahi Yuusuf in caawa uu ambaxabayo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas uu uga qayb gali doono caawa shir ka furmaya, waxaan hor dhigi doonaa ayuu yiri barnaamijkeena iyo waxa aan kaga baahanahay shirkaas dowlad ahaan.
 
Munaasabadan waxaa ka maqnaa xildhibaabo iyo wasiiro uu ka mid yihiin Ra'iisul wasaare ku xigeenka 1aad ahna wasiirka warfaafinta Maxamad Jaamac Sifir iyo xildhibaan Dr. Cali Baashi, balse waxaa ku sugnaa xubno badan oo ka socday labada gole.
 
Ugu dambayn waxa uu C/llaahi soo qaatay sadex qodob uu baarlamaanka u sheegay habeenkii la doortay markalena uu ku celiyay kuwaas oo kala ahaa. 
 
- Inuu mas'uuliyada uu qaaday u guto si habboon oo dalka ku soo celiyo qarannimadii iyo kala danbayntii.

-Inuu isaga oo shaqadiisa fushanaya iyo xilkiisa ku geeriyoodo iyo

-Inuu ummadda Soomaaliyeed dib ugu soo celiyo xilka loo doortay oo caddeeyo inuusan waxba ka qaban karin dalka.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2005

R/Wasaaraha DFKMG iyo W/Maalgalinta Dibada ee Libiya oo kala saxiixday Heshiis
»Waftigii Ra'iisul wasaaraha oo weli Liibiya ku sugan...
»Wafdi isugu Jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo Gaaray Muqdisho
»Qanyare: Waxaa la gaaray Xaaladii ficilka...
»Cusmaan Boqore: Waxaa la fulin doonaa 29kii qodob...
Warka oo dhan... Guji... Apr 10

Waftigii Ra'iisul Wasaare Geedi oo Tripoli Kula Kulamay Jaaliyadda Soomaaliyeed
»Ra'iisul Wasaare Geedi oo Xamar u Magcaabay Guddoomiye
»
Ciidamo Ethiopian ah oo soo galay xudduuda soomaliya
»Baydhabo: Wafdi xildhibaano ah oo lagu sameeyay jidgooyo
»Madaxweynaha DFKMG oo ku soo Laabtay Nairobi...
»
Ra'iisul wasaare Geedi oo aan la socon Madaxweynaha
»Xildhibaano ku sugnaa Muqdisho oo u safray G/Bay & Bakool
»Hogaamiyaha UNAFRIK oo soo gaaray Nairobi
»Howl-wadeenada SSUP oo soo gaaray magaalada Nairobi
»Xisbiga SSUP oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho
Wararka oo dhan... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD