SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Amaxaaroy Ishaydaad aragtee igumaad soo dheerayseen!!!!!

Shacabigu iyo dawladba waad wada salaaman tihiiin

Tan iyo markii dawldii jaale siyaad ay bur bur tay waxaa dhagaheena ka badatay xabashi ayaa kan soo siisay hub ,xabashiaya kan kale kan ku dirtay, xabshi ayaa qabsatay meel, xabashi ayaa waxaa samaysay.

Hadab suaasha is waydiita lihi waxay tahay
1-"somalia ma waxa ay noqtay kilil ka mid ah kililada xabshida ?
2- madaxdii soomaalia ee la qayb san laha madaxda africaanka ah ee dhigooda ah ma waxay noqdeen daba dhilif xagii iyaga looo noqon lahaa daba dhilif? mase caruur abohoo dhintay oo eedaadaysa ayeynu nahay ?

waxaan hadaba halakan ka cabiraya fikirkayga ku waajahaan waxyaalaha ka dhacaaya dalka xiligan xaadirka ah.ugu horayn waxaan wax ka odhanay dawladan la soo dhisay ee  uu horjooogaha u yahay C/laahi yuusuf axmed iyo laba argtiyood ee ay kala haystaan Madaxweynaha / Raiisal wasaaraha, iyo Gudomiyaha barlamaanka Shiriiif xasan iyo raga la jira,  taas oo ay meelo badan ku kala duwan yihiin sida dalkii oo lagu noqdo ciidamo la'aan fikradaa oo ay qabaan shiriif iyo raga la midka ah iyo in aan dalkii lagu noqon karin ciidamo itoobian la'aanteed taas oo ay leeyihiin raga ay ka dambayso itoobia.

Hadab ma idinla tahay in uu maamuli karo dalka amaba dawladan  nin ka baqaaya dalkii loo doortay ?

Jawaabtu waa maya, se ma idinla tahay in ay ina xukumi dawlad dibad meer ah? maya

Hadab inaga  oo og maanta in ay durba  labadii gole ay ku kal qaybsameen arinta ku noqoshada dalka iyo caasimada halka laga dhigaayo, ayaa waxaan soo jeedin laha in ay dadku tashadaan oo ay tageero buuxda ay siiyaan geesiyaasiyaashii hore iskaga hayey guusha ee iminka gartay in ay u taliyaan dalka iyo dadkaba,kuwaasi waa kuwa gartay in aanay intaa in ka badan dibad joog noqon, garatay in ay dadkooda ka ilaaliyaan nin aan gayin garan waxay gudaan.

Suaal kale aya iyna meesha tala:- horta midi waa mide dawladan waxaa loo soo sameeyey in ay xukunto shacabka soomaaliyeed ee maaha dawlad loo soo doortay in ay xukunto dad kale oo itoobian ah? ama ay xukumaanba itobiyan. iyada oo ay taas tahay ayaan waxaan kula ralin laha c/laahi yuusuf in badan ayuu madaxweyne doon ahaa, iminka hel markaa ha yimaado meesha uu u doonaye madaxwayniniumadu waa halkan uu cabsonayee. adna mudane raiisal wasaare go'doon ha noqon oo tolka waa soomaliye haka fogaan ee kaalay waatan meeshaad ku dhalataye, waliba in badan wan kugu artay adoo shicib ah hargaysa markaa mudne adna waa intaa taladay.

c/wahaab maxmed ibraahim
hargaysa | north west of somalia
 wahaabii@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan...

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 16, 2005


. Ayaan Xirsi "Faan miyey mooday faallaadii wargeyskaTime ?" | ikram
. XAALADA MAGAALADA QUDUS OO CAKIRAN
| Xoday
.
SOOMAALIYA: MAXKAMADAHA ISLAAMIGU MA ISLAAM BAA?

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD