SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Imtixaanaadkii Iskoolada Puntland iyo kuwa Shahaadada Sare ee Caalamiga ah oo lagu soo Gabagabeeyey Boosaaso. 

Maamule ku xigeenka Dugsiga Sare Iimaamu Nawawi Boosaaso

Wakiilaka Puntland ee Shahaadaad Caalamigaa Maxamed Macalin

Waxaa sitimaankii hore bilowgiisii Tariikhda markay ahayd 08-01-2005 ka bilowday Guud ahaan Puntland Imtixanaadkii Sanad Dugsiyeedka bartamahiisa oo ah Mid loo qiimeeyo Ardayda kadib marka ay galaan Imtixaanka Weyn. Imtixaankaa oo Shalay la soo gabagabeeyey ayaa Maamula Kuxigeenka Iskoolka Sare Imaamu Nawawi Boosaaso Mr: Cabdixaafid Cali Yuusuf oo aan wax ka wax ka waydiinay Arimaha Waxbarasho ee Iskoolada Gacanta ay ku hayaan oo dhigtaan Arday dhan 3000 Sadexkun Arday ayagoo in badan waqtigooda u hurey ayaa ku jawaabay: waxaan  salaamayaa Guud ahaan bahda Boga Somalitalk oo in badan ayaguna u faa'iideeya Dadka walaalahooda ay ku Diin iyo Dadnimo abtirsadaan, markaan ka jawaabo su'aasha aad iwaydiisay waa mid aad u gudo wayn lakiin hadaan wax ka iraahdo waxaan in badan ku dadaalnaa sidii walaalahayaga ama Caruurtayada oo ah Mustaqbalkii Barito ee Dadkaan iyo Dalkaan Soomaaliyeed in ay helaan Waxbarasho Bilow ah ilaa heerka Dugsiga Sare, waxbadan waad ka warqabtaan in uu burburey nidaamkii Dawladeed oo la la'yahay mudo ku dhawaad 14 Sano taasna ay wax wayn u dhimayso Jiritaankii Bulshada, Waxbarashadu waa ka mid lakiin intayada is xilqaantay waxaan kala kulanay dhib lakiin xanuun walba oo aan soo marnay waxaan haynaa maanta faa'iido aad u macaan oo Illaahay uu Gartay in uu ka badbaadiyo Arday lagu qiyaasi karo 10,000 Toban kun oo qaar  waxbarasho ku jira iyo kuwo Jaamacado dhigta iyo kuwo Shaqeeyaba oo Iskoolada wax ka dhiga ama u shaqeeya Shirkadaha. 10,000 Tobankaa kun waa Boosaaso kaliya inta kale ee Gobolada Puntland ama Soomaaliya ku kala baahsan waa ka badanyihiin intaana waxaa ku dadaalayay Waxbarashada in ay sii wadaan Aqoonyahano angoo kale ah. Marka waa Naxariis Illaahay intuu u garto kaga badbaadiyay  Dhibka Soomaaliya ka jira oo aan rajaynayno in Illaahay naga saaro oo Dawlad nagala wareegta Xilkaan Adag Illaahay nookeeno.

Maamule ku xigeenka waxa uu ka mid yahay Aqoonyahanada waqtigooda u hurey in ay uga faa,iideeyaan Jiilka soo socda ama Da' yarta soo koraysa in ay helaan waxbarasho ilaa Dugsiga Sare, Maamule Kuxigeenka ayaa ii sheegay in ay Ardaydaa si ay u sii wataan Waxbarashadooda ay u doonaan Jaamacado Deeqa ee Dalka dibadiisa ama Gudaha Dalka kuwa ka dhisan sida Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso.

Guud ahaan Arimaha Bulshada, sida Waxbarashada iyo Caafimaadka oo ka mid ah arimaha Bulshada kuwooda ugu mihiimsan ayaa wax daryeel ah ka helin Ha,adaha samafalka ee wadanka ku sugan kuwaas oo marwalba sheegta in ay Samafal ama Taakulayn u hayaan Arimaha Bulshada iyo Dhanka Maamulka Dawladeed oo Wasaarad ahaan ay jirto lakiin aan wax u qaban Arimaha Bulshada. 


Wakiilka Shahaadada Calamigaa oo Dhex taagan Imtaxaanka oo socda

Waxaa Dhanka kale ayaguna Imtaxaano baryahaan ka socday Macadka Barashada Maamulka iyo Maareenta UNITAD ee Boosaaso Imtaxaanadaas  oo ay soo diyaarisay Jaamacada Caalamiga ah ee Afrika kuna taal dalkaa Suudaan oo ay Imtaxaan kaga qaadaysay Ardayda rabta in ay hesho Shahaadada Sare ee Caalmiga ah oo ay bixiso Jaamacada ku taal Dalkaa Sudan, shahaadadaa ayaa cidii haysataa ay hore ka galaysaa Jaamacadaha Aduunka Gaar ahaan kuwa Afrika iyo Carbta sida uu noo sheegay Wakiilka Shahaadada Calamiga ee u fahdiya Puntland Mr: Maxamed Macalin Axmed, waxaa jiray Wakiil ay soo dirsatay Jaamcadu oo Imtaxanadkaa keenay kadibna Dib u qaatay marka ay Ardaydu dhamaystaan Imtaxnaadkaa, wakiilka Puntland Mr: Maxamed Maclin ayaa ii sheegay in ay Ardayd gaaraysa 60 Lixdan Arday ay Imtaxaankaan u fariisteen kahorna ay Arday hada Jaamcado ka dhigata Suudaan oo isla Jaamacadu ay u soo saartay waxbarashadaa in ay helaan Ardaydaa waxaana ay gaarayaan ayuu igu yiri wakiilku ilaa 60 Arday inta heshay shahaadadaa waana wada heleen waxbarashada kuwaana waxaan rajaynaynaa in ay helaan waxbarasho Jaamacadeed inta ku Guulaysata Shahaadada Caalamigaa.

Imtaxaankaa ayaa soo gabagaboobay Tariikhdu markay ahayd 15-01-2005 Ardayda gashay Imtxaankaa ayaa ka socday Guud ahaan Gobolada Puntland ayadoo wakiilka Imtixaanka ee Jaamacada uu noo sheegay in ay Soomaaliya guud ahaan ay ka socdaan Imtaxanaadkaa Shahaadada Caalamigaa sida Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Warbixintii: c/fatax jaamac
SomaliTalk.com | Bosaso
somalitalkpl@yahoo.com

Labo Million oo Muslimiin ah oo Xalay Ku Negaadey Mina
» Marabtaa labo Sano ee Dembi dhaaf ah
» Caado Soomaali Dumisey Ciid-Al-Axdaa
Dhaammaan ka akhri halkan Jan 19


Cadde Muuse oo Soo Saaray Wareegto
» MDGPL oo booqday magaalaad Boosaaso...
» Waanwaan Nabadeed: Beelaha Wada Dega Damalo-Xagar
» Xafiis Jaaliyadda Somaliyeed oo Furay Kiruna, Sweden
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 19

Cadde Muuse oo La Weydiistey in uu Codsi Siideynta Samsam ah u diro Riyaale
» Codsi: soo Deynta Samsam
» Codsi: Saacidaadda dhibaatada Sunaamida
Warka oo Faahfaahsan ka akhri halkan.. Jan 19

Labo Dagaal oo ka Dhacay Aaga Ceerigaabo iyo Mudug
»Aagga Cerigabo: Dagaal ka bilowday Qaad, 17-qof dhimasho
»Mudug: Dagaal ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof
»Baaq kasoo baxay Jaaliyada Kuwait ee kasoo jeeda SSH
»Baaq Nabadeed kasoo baxay Jaalayada Sanaag Bare ee UK
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji.. Jan 18

»Xukumada Riyaale Daacad ma ka tahay in la qabto Doorshada Baarlamaanka.... [Warbixintii Qodax & Kaahiye]

Soomaalida Norway oo Lagu Eedeeyey Dhaqan Xumo...
» Soomaalida Norway oo Lagu eedeeyey Dad-dilmo
» Saxaafada Norway iyo ka hadalkooda Soomaalida..
Warka oo faahfaahsan ka akhri halkan.. Guji.. Jan 18

Madaxwaynaha Soomaaliya oo sheegay in uusan tagayn Muqdisho
»Muqdisho: Xarunta Ra'iisul wasaaraha & Baarlamaanka
»Marrunbaa in Jabuuti aqoonsatay Somaliland?
»Cadde Muuse oo Kedis ku Tegey Deegaanka Adhi cadeeye
»Wafti oo la socdo Maxwell oo Booqday Soomaaliya
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan.. Guji... Jan 17

»MASHRUUCA:- TARTANKA 2aad EE QUR’AANKA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD