SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Iscafis Dhex maray Xubnaha Baarlamaanka FKMG
  • Dowladda Soomaaliya oo guuraysa bisha May.
  • Dalalka Carabta oo Soomaaliya ugu Deeqay $26 Million Doolar
  • Soomaaliya oo Laga rabo In ay Bixiso Deyn dhan $430 million
  • Dad Shicib ah oo lagu dhacay Jubbada Dhexe
Is gacan qaad dhaxmaray Xubnihii Baarlamaanka Soomaaliyeed ee gacan ka hadalku horay u dhex maray

Nairobi (Maarso 25, 2005): Xubnahan waxaa ka mid ahaa Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Maxamuud Gacmodheere, Macalin Jiis, Cabdulaahi Geedi Shadoor, C/rixmaan Xaaji Ismaaciil , C/kaafi Macalin Xasan iyo Xubno kale oo ka tirsan labada Gole ee Xukuumada Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.

FATWA::::
Haweenku Ragga Ma Tukin Karaan

Xubnahan oo ay dhaxdhaxaadintooda Bilaabatay Labo cisho ka hor ka dib markii ay soo kala dhaxgaleen Hogaamiyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa lagu dhameeyay wada hadal iyagoo maanta is cafiyay sheegayna in ay soo Afjarayaan Colaadii udhaxaysay.

Gacan ka hadalkan ayaa Sababay in Xabsiga loo dhaadhiciyo Xubno ka tirsan labada gole ee Xukuumada Soomaalida uuna ka Mid ahaa Wasiirka Ganacsiga Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow, Xidhibaan Xuseen Carraale Cadaan iyo Xidhibaan Macalin Jiis.

Waa markii labaad oo ay Xubnaha Baarlamaanka Soomaalidu gacanta iskula tagayaan iyagoo hada ka hor iskula tagay Gacanta ka dibmarkii Rasulwasaare Geedi magacaabay Xukuumadiisii ugu horaysay oo ay baarlamaanku kala noqdeen kalsoonida.

Hase yeeshee Gacan kahadalkan ugu danbeeyay Ayaa Daba Jooga ka dib markii Xubnaha Baarlamaanku ka doodeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka socda Mudoowga Afrika iyo Jaacamada Carabta oo aan la kala saarin dhinaca kalena waxaa jiray Xubno ka tirsan Baarlamaanka soo jeediyeen in aan la keenin wadamada Dariska la ah Soomaaliya Sida Jabuuti, Itoobiya, Kenya.


Dowladda Soomaaliya oo guuraysa bisha May.

  • Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 24, 2005
    EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com 

Nairobi (Maarso 24, 2005): Wasiirka iskaashiga gobolka ee dalka kenya Mr.John A.Koach ayaa maanta shir jar'aad uu ku qabtay Nairobi ku sheegay in xiliga ay dowlada FKMG ahi ka baxayso dalka uu yahay bisha May ee sanadkan dabaqaaqadeeda.

 
Wasiirka waxa uu sheegay in bisha shanaad ee sandkan ay shir iskugu imaan doonaan wasiirada arrimaha dibada ee urur goboleedka IGAD,kadibna go'aan rasmi ah laga gaari doono guurista dowladda isla bishaas dabayaaqadeena ay dowladdu u guurayso dalka soomaaliya.
 
Wasiirku ma sheegin halka ay dowladdu dagayso, waxa uu sheegay in ay guurayso oo kaliya ayna u saarayaan guddi u diyaariya diyaaradihii ay ku bixi lahaayeen iyadoo qarashyadoodana ay bixin doonaan Hay'addaha dhaqaalaha shirka bixiya.
 
Bishan bilowgeedi shir ay iskugu yimadeen wasiiradda A/dibada ee IGAD waxa ay sheegeen in ay bilaaabayaan qorshaha wajiga 1aad ee ciidamada soomaaliya oo la bilaabanaya bisha afaraad sagaal iyo labaatankeeda (29-4-05) ee sanadkan mana aysan sheegin xiliga ay dowladdu guurayso.

Khilaafkii ka dhashay go'aankii wasiiradda ee ku aadanaa guurista dowlada ayaa sii lixaadsanaya iyadoo aragtiyo kala duwan ay ka bixiyeen siyaasiyiinta ku jira dowladda, waxa ayn ku tilmamen in go'aanka dowladda ay ku dagayso baydhabo iyo jowhar uu yahay mid dhaawac ku ah dastuurka u dagsan dalka.

Wasiiradan oo uu ka mid yahay wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow ayaa sheegay hadii dowladda la geeyo magaalo aan mogadisho ahayn in ay ka dhalan karaan dhibaatooyin wax u dhimi kara dastuurka oo sheegaya in caasimaddu tahay magaalada mogadisho oo aan laga badal karin.

 
Fikirkan Muuse Suudi waxaa la qaba wasiiro kale uu ka mid yahay W/amniga Maxamad Qanyare, W/Lacagta Abdikariim Axmad Ali iyo wasiiro kale oo dhamaantood ka soo baxay shikii wasiiradu ku go'aamiyeen dowladda la dajiyo labadaas magaalo ee Baydhabo iyo Jowhar.
 
Qaar ka mid ah Deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa wada dadaal lagu dhexdhexaadinayo dowladda dhexdeeda iyo baarlamaanka,waxa ayna sheegayaan warar ku dhawdhaw hay'addahas in ay sugayaan soo laabashada madaxweynaha.

Dalalka Carabta oo Soomaaliya ugu Deeqay $26 Million Doolar

Dhanka kale wadamada Carabta ayaa Soomaaliya ugu ugu deeqay $26 million dollars, arrintaas mucaawinada ah oo soo baxday kaddib markii ururka carabtu ay ku shiereen Algiers. Lacagtaas waxaa loogu talo galay dib u dhiska dalka sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibada Abdullahi Sheikh Ismail oo ay soo xiganeey hay'ado warbaahineed ee Faransiis ah.

Soomaaliya oo Laga rabo In ay Bixiso Deyn dhan $430 million

  • "Soomaaliya waa in ay bixisaa deynta lagu leeyahay oo dhan $430 million inta aan mar kale loo bilaabin in lacag la amaahiyo" World bank

Bangiga aduunka (World bank) iyo IMF waxa ay rabaan in ay Soomaaliya bixiso $430 million doolar oo ah deyn ay sheegeen in Soomaaliya lagu leeyahay, lacagtaas marka ay Soomaaliya bixiso ayaa loo bilaabi karaa in mar kale Soomaaliya deyn la siiyo, sidaas waxaa werisey hay'adda wararka ee Reuters oo soo xiganeysey Makhtar Diop oo ah wakiilka World bank u qaabilsan Somalia, Kenya iyo Eritrea.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 24, 2005
EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com 


Dad rayid ah oo ay ku jiraan 17 qof oo u dhashay dalka Sinsibaar ayaa maanta burcad hubaysani dhac xogan ugu gaysteen deegaanka dhay Tubaako oo ku dhow deegaanka Xaramka ee gobolka ee  Jubbada Dhexe. 
  • Cabdiqadar Nuur Maxamed "filipiin" | SomaliTalk | Kismaayo
    cabdiqadar@somalitalk.com ama cabdiqadar84@hotmail.com

Dadkaan ayaa waxay ahayeen dad rayid ah oo kasoo kicitimay magaalada muqdisho kuna soo jeeday magaalada Kismaayo si ay oga shaqeytaan ayadoo dhac xoogan loo gayestay gaarigii ay saaraeyeen marka soo gaaray deeganka Dhay Tubaako oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe islamarkaana ah meel had iyo goor lagu furto laguna waxyeeleeyo dadka shicibka ah ee ku safra wadadaas. 

Dadkaan  rayidka ah ee u badnaa reer Sisibaar ayaa hantida laga dhacay waxaa ka mid ahaa Baasabooro iyo lacag iyo alaabo kale ayagoo sheegay in maleeshiyada dhaca u gaysatay ay kula kaceen falal wuxuush nimo ah islamarkaana ay fara xumeeyeen qaar ka mid ah haweenki gaariga la saarnaa . 

Hadaba dadkaan ay maleeshiyada hubaysani dhaca u gaysatay ayaa haatan waxa ay  yahiin kuwo fara maran oo aan haysan qarash ay isku meel mariyaan ama ay ku maareeyaan nafsadooda inta ay joogaan  magaalada Kismaayo ayadoo ay tahay sida ay sheegeen markii ugu horeysay ee ay yimaadaan magaalada Kismaayo ayna u yimaadeen howlo shaqo ah oo dhinaca Bada ah. 

Dhacan ayaa waxa uu yahay kii labaad ee deegaanadaas loogu geysto dad rayid ah ee ku safraya wadadaas tan iyo intiii uu maamulka isbahaysiga ay ku  dhawaaqeen  in ay wax ka qabanayaan  amaanka gobolkaan islamarkaana ay sheegeen In ay xakameyn doonaan falalka burcadnimo ee lagula kacayo dadka ku safra wadadan ayadoo ay jiraan talabooyin lagu hormarinayo dhinaca amaanka ee gobolkan oo ay qaadeen ciidamada amaanka ee gobolkaan tasoo hada u muuqata mid sii liidanaysa siina laciifaysa

Cabdiqadar Nuur Maxamed "filipiin"
cabdiqadar@somalitalk.com ama cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 24, 2005

Prof. Geeddi oo Wareegto Soo Saaray
Wareegtadan waxaa lagu magacaabay 11 Xubnood si ay u xasiliyaan Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.. Guji..

Dagaallo lagu Naafeeyey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
Ka akhri wararkii Xorriyo ee maanta...
Guji...

Garyaqaano madax banaan oo loo saarayo dalabkii madaxweynaha ee la xiriiray Go'aankii baarlamaanka
»Shirkii Jamacada Carabta oo u ahaa fursad DFKMG
»Kismaayo: Hawlgal lagu soo qabqabanayo Burcadda
Wararka oo dhan ka akhri... Guji...

Howlgal ay Booliska Boosaaso ku Qabteen Burcad
iyo Aqoon isweydaarsi lagu soo gabagabeeyey jaamacada Bariga Afrika Boosaaso..
Warbixintii C/fataax Jaamac


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD