Barnaamijkii Radio Xoriyo
25 Mar. 2005
Roobabkii Gu’ga oo ka curtay gobollo
Ogaadeenya ka mid ah
Suxufiyiin Oromo ah oo la xidhxidhay
Eritereya oo diiday inay wada-xaajood
ka gasho arrimaha soohdinta
Eritereya oo shardi ku xidhay ciidamo
ay Soomaaliya u dirto
Iyo Barnaamij gaar ah oon ku
faaqidayno waxyaabihii ay saxaafadda soomaalidu ka qortay arrimaha
Itoobiya
======================
Roobabkii Gu’ga oo ka curtay gobollo
Ogaadeenya ka mid ah
Roobabkii Gu’ga ayaa si fiican uga curtay
qaar ka mid ah gobollada Ogaadeenya, oo hadda ku jiray xilligii Jiilaalka.
Gobollada uu roobka Gu’gu ilaa iyo hadda ka curtay waxaa ka mid ah gobollada
Faafan, Nogob iyo gobollada dhinaca galbeedka ka xidha labadan gobol.
Maalmihii ugu denbeeyay oo dhan waxay
roobab lixaad leh ka da’ayeen nawaaxiga magaalada Jigjiga. Waxay roobab
midkan la mid ahi ka da’ayeen inta badan degmooyinka gobollada Jarar iyo
Nogob, iyadoo dadwaynuhu ay aad ugu diirsadeen.
Xilliga Jiilaalka ee hadda sii dhammaanaya
ma ahayn mid aad u kulul oo dhibaatooyin soo gaadhsiiyay xoolo-dhaqatada iyo
dadwaynaha kale ee Soomaalida Ogaadeenya, hase yeeshee waxaa kulaylkiisa
laga dareemay meelo ka tirsan gobolka Jarar.
Suxufiyiin Oromo ah oo la
xidhxidhay
Raadyaha afka Oromada ku
hadla ee RSF ayaa sheegay in xikuumadda Itoobiya ay dhawaan xabsiga u
taxaabtat labo suxufi oo Oromo ah oo ka shaqayn jiray tilifishinka dawlada,
qaybtiisa Oromada.
Labadan suxufi oo lagu kala
magacaabo Shiferraw Insermu iyo Dhabassa Wakjira, waxaa lagu eedeeyay inay
xidhiidh la leeyihiin Ururka Oromada ee dagaalka hubaysan kula jira
xukuumadda keligii taliye Meles Zenawi.
"Iyadoo Itoobiya isu
diyaarinayso doorashaooyinkii qaranka, ayaa labadan suxufi lagu hayaa xabsi
ay ururrada caalamiga ahi sheegeen in dadka lagu jidhdilo oo si xun loogula
dhaqmo, sidaas waxaa sheegay radyowga Oromada ee RSF"
Raadyuhu wuxuu kaloo intaas
ku daray in xukuumadda Itoobiya ay ku xadgudubto sharciga Midowga Afrika ee
ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo dadka, iyadoo waliba xarunta Midowga Afrika
ay dhawr kiilo mitir u jirto meelaha ay xadgudbyadaasi ka dhacayaan.
Labadan suxufi ayaa xabsiga
la iskaga hayaa iyadoo xukuumaddu ayna soo bandhigin wax caddaymo ah oo ku
saabsan xidhiidhka ay la leeyihiin Ururka Oromoda ee xukuumadda kula jira
dagaalka hubaysan.
Eritereya oo diiday inay
wada-xaajood ka gasho arrimaha soohdinta
Diblumaasi sare oo ka tirsan qaybta
xidhiidhka dhibada ee xafiiska madaxwaynaha Eritereya ayaa ku gacan saydhay
in dawlada Eritereya ay wax wada-xaajood ah ka gasho arrimaha go’aankii
Guddiga Qaramada Midoobey ee ku saabsanaa soohdinta u dhexaysa Eritereya iyo
Itoobiya.
Diblumaasigan, oo ka hadlay shirwayanaha
61aad ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey, ayaa sheegay in "xorriyadu
ay tahay halbowlaha asaaska u ah xuquuqda dadka bani’aadamka ah", dadwaynaha
Eritereyana ay xorriyadu u tahay asaaska xuquuqda kale oo dhan. Wuxuu sidaas
darteed sheegay in dadwaynaha Eritereya ay sii wadi doonaan diidamada ay
diiddan yihiin isku day kasta oo lagu doonayo in meel lagaga dhaco ama xal
dhexdhexaad ah lagaga galo xorriyadooda.
Diblumaasiga Eriteriyaanka ahi wuxuu sidoo
kale sheegay in aqbalaadda wada-xaajood laga galo go’aankii soohdintu uuna
ka dhignayn oo kaliya in meel lagaga dhaco xuquuqda iyo sharciyada ay
leeyihiin dadwaynaha Eritereya, balse ay tahay in la caawinayo xoogagga
doonaya inay burburiyaan qawaaniinta caalamiga ah, kuwaasoo uu ula jeedo
xukuumadda Itoobiya oo iska indha-tirtay go’aankii Qaramada Midoobey ee
soohdinta ku saabsanaa.
Wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in
xukuumadda Addis Ababa lagu cadaadiyo inay ka waantowdo xeerarka caalamiga
ah ee ay ku tumanayso.
Eritereya oo shardi ku xidhay ciidamo ay
Soomaaliya u dirto
Dawladda Eritereya ayaa shardi ku xidhay
ciidan ay Soomaaliya u soo dirto. Dawlada Eritereya waxay sheegtay inay
Soomaaliya ciidan u dirayso haddii ciidanka Soomaaliya loo dirayo uu yahay
mid ka socda Midowga Afrika, sidaas darteed waxay dawlada Eritereya mar kale
ku celisay mawqifkeedii ahaa inaanay ka mid noqon doonin ciidan uu talada u
hayo Urur Goboleedka IGAD.
Dawlada Eritereya ma ayna caddaynin sababta ay u diidayso inay qayb ka
noqoto ciidamo uu maamulayo ururka IGAD, hase yeeshee dadka siyaasada
gobolka u dhuun-duleela ayaa sheegaya in dawlada Eritereya ayna raalli ka
noqonaynin in ciidammadeeda Soomaaliya la gaynayo ay Itoobiya talada u hayso,
maadaama ay xukuumadda Itoobiya isku waddo inay iyadu hooggaamiso ciidammada
IGAD ee Soomaaliya loo dirayo.
Dhinaca kale sargaal sare oo ka tirsan
dawlada Kenya ayaa sheegay in dalalka Nayjeeriya iyo Koonfur Afrika ay
doonayaan inay ciidan nabad ilaalin ah u diraan dalka Soomaaliya. Dawlada
Kenya ayaa hadda ka hor labadan ka codsatay inay taageeraan ciidanka nabad
ilaalinta ee dalalka IGAD ay doonayaan inay Soomaaliya u diraan.
"Maadaama ay Nayjeeriya iyo Koonfur Afrika yihiin walaalahayo naga awood
badan waxaan ka ka codsanay inay Soomaaliya u diraan ciidan nabad ilaalin
ah, sidaas waxaa yidhi Peter Ole Nkuraiya, oo ah wakiilka joogtada ah ee
wasaarada arrimaha dibada ee dalka Kenya".
Nkuraiya ma aanuu sheegin xilliga ay labadan waddan ciidammada Soomaaliya u
dirayaan, laakiin wuxuu tilmaamay inuu jecel yahay in ciidammada Nayjeeriya
iyo Koonfur Afrika ay la shaqeeyaan ciidamada nabad ilaalinta ee Suudaan iyo
Uganda ay Soomaaliya u dirayaan, kuwaasoo lagu wado inay bisha soo socota
Soomaaliya gaadhaan.
Dhinaca kale ciidammadii ay xukuumadda
Itoobiya ku soo daabushay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ogaadeenya ayaa
loo malaynayaa inay dib ula noqotay. Toddobaadyadii denbe oo dhan waxay
xukuumadda Itoobiya ciidamo aad u tira badan u ku soo uruurisay xadka
Soomaaliya iyo Ogaadeenya, gaar ahaan duleedka magaalada Gal-dogob ee
gobolka Mudug iyo tuulada Axmed Gurey ee gobolka Galguduud.
Waxay kaloo Itoobiya ciidamo ku soo
uruurisay magaalooyinka Feerfeer, Mustaxiil iyo Qallaafo ee fanka ku soo
haya gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.
Dadka deggan nawaaxiga Balan-balle iyo Gal-dogob
ayaa sheegaya in ciidammadii faraha badnaa ee beryahan fadhiyay nawaaxigaas
aan dhawrkii maalmood ugu denbeeyay halkaas lagu arag, lana filayo inay
fadhiisamadoodii dib ugu noqdeen.
Lama garanayo sababta ay xukuumadda
Itoobiya ciidammadeeda dib ugu celisay, hase yeeshee waxaa hubaal ah in dib
u-noqosahadani ay xidhiidh la leedahay diidamadii qayaxnayd ee dadwaynaha
soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Soomaaliya uu hordhigay in ciidamo Itoobiyaan
ah nabad ilaalin loo keeno dalka Soomaaliya.