SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

OGADENIYA: Casharka dhabankayga ka muuqda iyo u codaynta Itoobiya 

  • Hereri Haji  hereri01@hotmail.com

Rabbiga ina ahaysiiyey baa mahad leh magaciisa ayaanan ku bilaabayaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ka ahaato Rasuulkeenii suubanaa. 

Maalmahan  markii aan arkay dad Soomaali ah oo u ololaynaya dagaalna u gelaya  Itoobiya  ayaan wadankayga  ugacan gelinayaa waxaan xasuustay maalintii ugu horaysay ee ay ciidanka Malas Sanaawi  soo galaan wadanka Ogaadeenya  oo ay dadka qaar ku faraxsanaayeen waaga gumaysi ee cusub ee noo berayaya.

             Maamahaas walow ay kusoo beegantay  xilli  ay Jabhadii wadanka ka jirtay la godgashay  dawladii Soomaaliya, JWXO kale na aysan markaas hubqaad ahayn, ayaa waxa ay shacabku kujireen xaaladan haatan dadka Soomaaliyeed ku jiraan oo kale. 

            Maalmahan oo kamid ahaa horaantii sanadkii 1991ayaa waxa ay dadka u ololaynaya Itoobiya sheegayeen in ay Itoobiyadii na gumaysan jirtay ay dhacday tana tahay tii  na xoraysay! arintaasi oo  laba sano kadib ay beenisay Itoobiya markii ay lasoo baxday mididii qarsoonayd ee ay hoosta ku wadatay, arintaasi oo isku dartay  dadkii labada weji kala aaminsanaa  isuguna keentay in Itoobiya weligeedba tahay cadawga aanu leenahay aysan ahaana karin saaxiin ay naga dhaxayn karaan dano gaar ani. 

Soomaaliyana danaha ay Itoobiya ka leedahay Ogaadeenya  mid la mid ah ayay ka leedahay waayo hadiiba ay Soomaaliya gacanta ku dhigto ma Ogaadeenya ayaa hadal ka taaganyahay,si bay  maya u tahay, marka walaalka Soomaaliyeed ee caqliga u saaxiibka ahoow miyaadan ku wax qaadanayn xaalada ka taagan wadanka Ogaadeenya tani iyo maalintii ay Axmaaradu soo gashay wadanka Ogaadeenya qarnigii 16.

             Ilama aha in aan ka naxayo dhibaatada aan la ildaranahay hadii ay idinsoo gaadho hadiiba ay Soomaalidu Itoobiya  u ogolaadaan in ay soo gasho wadankooda balse walaalkayga Soomaaliga ah waxaan uga digayaa in aytaas ka tanaasulaan aysana sinaba ku ogolaan  in ay Axmaaro qabsato. 

            Itooya waxa ay hore u ahaan jirtay agagaarka Maqale iyo Shawa (Abasiniya) maantana waxa ay ciidanka Itoobiya  ku sugan yihiin dhabarka gobolka hiiraan iyo meelo ka dheer, halkan ay si dadbanna ugu taliso gobollo muhiim ah oo dadlka Soomaaliya kamid ah iyada oo ilaashanaysa danaha gaarka ah ee ay ka leedahay dhulwaynaha Soomaaliyeed ee geeska Afrika. 

            Hadaba Soomaaliga caqliga u saaxiibka ahoow sidee ayay kuula muuqataa hadiiba caalamku u ogolaado in ay Itoobiya geli karto gudaha Soomaaliya maalin cad, goorma ayeyse kasoo bixi?

Dadka  u ololaynaya soo gelitaaka Itoobiya ee wadanka Soomaaliya ayaa ku sheegay in ay haatan dhamaatay waxa uu Cabdilaahi  Yuusuf  ku sheegay sheeko baralayda (Old Fashion) ee ah dib u raadinta goboladii Soomaaliyeed ee gumaystahii Ingriisku yaradka u bixiyey. 

Balse anigu shaqsiyan arinta mid ka wayn in Itoobiya kaaga shaqayn dib u dhiska iyo soo celinta nadabgelyo ee Xamar ayaan  meesha ku arkaa, soomaliga maskaxda fayoowoow waxaan u arkaa in ay maalinta ay Itoobiya Soomaaliya soo gashaa ay tahay maalintii kuu dabnayn lahayd xoriyadii, isla waynidii iyo Soomaalinimo aad ku faanto,wadankana waxaa  lagu maamuli qoriga Adis ababa kasoo foorara, go’aanka maamul ee sarena waxa lala sii mari ama yeelanba ninka Tigreega ah ee wakiilka ka  noqda Tigreega, waxaa ayna kugu noqon sidii dhegmaayadii oo kale weligaana aadan helayn wax Itoobiya lugta kaaga saara, maalintaas ayay   u cadaan doontaa ninkii maanta u malaynaya in hadiiba ay Itoobiya haysato Ogaadeenya uusana kaga daba hadlayn  in ay u wadi isaga danta uu leeyahay Soomaaliyana ay la saaxiibi, mid xasuuso walaalka fayoowoow Ogaadeenya inta uu rabbi xoriyada usoo celin way la dagaami Itoobiya la’aanta Soomaaliyana way dagaalami sida maanta cad inta Ogaadeenya xabadi ka socotona  Itoobiya Soomaaliya lama heshiin hayso, hadii ay la heshiisana waa hadii la haysto oo ay Itoobiya isku keen darsatay. 

Walaalkayga soomaaliga ahoow maanta raacsanoow ama ha raacsanaan waxaan hubaa kiina raacsan iyo kan diidan ba in aad ka shallaayi doontaan maalinta ay Itoobiya soo gasho Soomaaliya,marka waxaan  idinkula dardaami in aad cashar wax ku oolah  ka qaadataan walaalahiina Soomaaliyeed ay Itoobiya dulaysatay hadh iyo habeena xabadda la dhacayso, firidhkoodiina dunida dacaladeeda qaxoontiga ku yahay, kuwooda ugu sokeenaaya ay ku xidhanyihiin magaalada Hargaysa.

Hereri Haji  hereri01@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 25, 2005

Prof. Geeddi oo Wareegto Soo Saaray
Wareegtadan waxaa lagu magacaabay 11 Xubnood si ay u xasiliyaan Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.. Guji..

Dagaallo lagu Naafeeyey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
Ka akhri wararkii Xorriyo ee maanta...
Guji...

Garyaqaano madax banaan oo loo saarayo dalabkii madaxweynaha ee la xiriiray Go'aankii baarlamaanka
»Shirkii Jamacada Carabta oo u ahaa fursad DFKMG
»Kismaayo: Hawlgal lagu soo qabqabanayo Burcadda
Wararka oo dhan ka akhri... Guji...

Howlgal ay Booliska Boosaaso ku Qabteen Burcad
iyo Aqoon isweydaarsi lagu soo gabagabeeyey jaamacada Bariga Afrika Boosaaso..
Warbixintii C/fataax Jaamac


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD