SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Nin baahan lala ma tashado.

Ducaale Hadal-Wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com

Waad salaaman tihiin saaxiibada Webka, Netka iyo Somali oo dhan.

 
Marka hore waxa salaan iyo bogaadin qiimo weyn leh loo soo gudbin hayaa oo hawada loo soo marin hayaa xildhibaanada sharafta leh ee dawladda  FKGS sida xilkasnimada leh ee ay uga soo horjeesteen ciidamo xabishi ah in dalka la keeno.
 
Waxa ay ku guulaysteen in ay itaalkooda tusaan cadawoga iyo Caanyada daba socota ee awrkiraalaha loo wato. Waad ku mahadsantihiin.
 
Waxa kale oo mahad ballaaran loo soo gudbin hayaa aqoonyahanada aan waxba kala harin dalkooda in ay ku difaacaan qalinkooda dhumucda weyn sida :
1. Dr. Cali Hiraabe
2. Mr.  Cabdulwaaxid Kahliif
3. Mr. Maxamuud Samatar.
4. Mr. Xassan Waran-kulule
5. Ms. Khadra Yussuf
6 Mr. M.H.Ingiriis
7. Mr. Mursal Maxamed ( Garaad )
8. Mr. F.A.Jama
9. Mr. Cabdulweli Xassan
10. Mr. Gaagaale   .................        etc. etc.
 
156ka xubnood ee xildhibaanada dawladda FKGS ee u codeeyay "No" ciidamo shisheeye iyo aqoonyahanada kor lagu soo xusay waxa ay mudaan yihiin billad sharf oo halkan looga soo gubin hayo. Waxa aan muran ku jirin in ay sidaas taariikh ku galeen.
 
55ka xildhibaan ee taageeray keenidda ciidamo xabashi, kuwa ka aamusay, Qabqable Cabdulaahi Yussuf, Miskiin Prof. Geedi iyo Qoraayada isku sheeg-yada ay ka mid yihiin kuwa dhibsaday aragtida xalaasha ah ee ay ku saxan yihiin Dr. Ali Hiraabe iyo xildhibaanada Somalia waxa laga xunyahay halka ay la martay aqoontoodu iyo meel ka dhaca lagu sameeyay kalsoonidii iyo madaxnimadii loo egmaday. " Very Sorry". Waxa loo sheegahayaa in ay ka dhacday saacaddu. Sidaas darteed waxa la farahayaa in ay kan danbe soo raacdaan Jaalayaasha ayaga ahi !!
 
Nin baahan lala ma tashado ! ( Waa xadiith Nebi Muxammad SCW laga weriyay oo saxiix ah oo musnad ah Bukhari iyo Muslim ).
 
Cabdullaahi Yususuf-Yey waa nin baahan. Waxa uu u baahan yahay oo haysata wax yaalaha soo socda ee ay ka midka yihiin :
 
1. Taageero la'aan Somaliyeed & mid quwadaha aduunka ah.
2. Talo xumo.
3. Tacliin la'aan.
4. Tacab la'aan.
5. Tusmo la'aan.
8. Tabar la'aan ( caafimaad )
9. Tawxiid la'aan.
10. Toogo la'aan ( Somali nacayb ).
11. Tayo la'aan ( saaxiib xumo )
12. Tarbiyad la'aan
13. Tijaarad la'aan ( faqri & Gaajo )
 
Sadex iyo tobanka tiro nasiib xumo ( number 13 ) ayaa haysata Cabdulaahi Yusuusf-Yey. Sidaas darteed waa nin baahan oo aan lala tashan karin. Caleemo saarkiisu na waa calaamad xun. Wax aan dib-u-dhac ahayn ma soo wado dhaxal na ma leh. Iska dhaaf wax uu xallilo ee waxa aan laga dhammaan doonin hadba dhibaatada uu asagu abuuro iyo bilaaya uu asagu beero xallinteeda. 6 bilood waa sanad barkiis oo weli la fadhiyo Nairobi iyo jahawareer maalin kasto cusub oo ay somaalidu isku sii nacdo iyo dagaal hor leh, kala qaybin iyo qabiil wax ku doon aanu qaddarkeeda dhammayn.
 
Waxa loo soo jeedin hayaa mar kale Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Al-Shariif...... Al-Ashariif ...... oo uu deeqay codkiisu Somalida mudadii yarayd ee uu xilka hayay sida wadaniyadda  leh ee uu hawlaha ku maamulahayo ama ku daadihinahayo ee dadnimada asal raacnimada ah leh in uu xildhibaanidiisa ula soo guuro Xamar sida ugu dhaqsaha badan halkaas na dib loogu tashto oo la sii ambaqaado guusha yarta ah ee la hayo inta aysan burburin oo loo yeerto Madaxweynaha dhabta ah ee doorashadii-sa mar hore la il-duufay Md. Cabdulaahi Cadow. Waa in C/Yussuf xilka laga xayuubiyo sababta oo ah waxa uu kahatar geliyay dalka in uu cadaawe gacanta u geliyo. waxa uu kow ka ahaa dumintii qarankii Somaliyeed. Waxa  uu sabab u ahaa dhibaatada ku habsatay ummaddii Somaliyeed. Waxa uu mas'uul ka yahay 3 milyan oo qof oo Somaliyeed oo aduunka daafihiisa qaxoonti ku ah. Waxa uu mas;uul ka yahay boqolaal kun oo Somali naf la caari ah oo badaha aduunyada ku halligmay oo uu kaluunku hilibkoodi ka dhergay.
Sida ay u dhisan tahay dawladdu ayada oo wax yar laga bedelahayo ha laga eryo oo ha laga saaro C/Yussuf markaas na ha loo soo taago Maxkamd dembiyada uu ka galay dalka iyo dadka Somaliyeed.
 
Wa billaahi tawfiiq.
 
Ducaale Hadal-Wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 25, 2005

Prof. Geeddi oo Wareegto Soo Saaray
Wareegtadan waxaa lagu magacaabay 11 Xubnood si ay u xasiliyaan Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.. Guji..

Dagaallo lagu Naafeeyey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
Ka akhri wararkii Xorriyo ee maanta...
Guji...

Garyaqaano madax banaan oo loo saarayo dalabkii madaxweynaha ee la xiriiray Go'aankii baarlamaanka
»Shirkii Jamacada Carabta oo u ahaa fursad DFKMG
»Kismaayo: Hawlgal lagu soo qabqabanayo Burcadda
Wararka oo dhan ka akhri... Guji...

Howlgal ay Booliska Boosaaso ku Qabteen Burcad
iyo Aqoon isweydaarsi lagu soo gabagabeeyey jaamacada Bariga Afrika Boosaaso..
Warbixintii C/fataax Jaamac


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD