SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII:: July 3, 2006

  • Dowladda Cali Geeddi oo ay soo Wajahday Xaalada Cakiran..
  • Dekedda oo maalinta sabtida ah uu ku soo xiran doono Markab ay u raran ..
  • Dowladda Ereteriya oo sheegtay in aysan ilaabi doonin abaalkii ay u galeen..
  • Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo ku soo fool leh..
  • Wafdi ka socda ka socda Qaramada Midoobey oo shalay la kulmay Golaha Maxaakiimta.
  • Maxaakiimta Islaamiga oo la guddoonsiiyay deeq daawo..
  • Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay masuuliyiinta dowladda Hoose

Dowladda Cali Geeddi oo ay soo wajahday xaalada cakiran..

 

Dowladda Cali Max’ed Geeddi oo doraad ka badbaaday in la rido ayaa haatan waxaa soo wajahay dhibaato hor leh o la doonayo in looga taqluso, kaddib markii ay si isdaba joog ah isku casilayaan inta badan wasiiradii ay ka koobneyd dowladdaasi.

 

Cali Max’ed Geeddi ayaa haatan garan la’, cidda u ku bedelayo wasiiradaasi, waayo waxaa isaga codka kalsoonida siiyay 80 ka tirsan Golihiisa Wasiirada, haddii uu damco in uu Golaha baarlamaanka ka raadiyo Wasiiro cusub taasi way ku adkaaneysaa waayo, lagama helayo hal xubin oo taageersan Cali Max’ed Geeddi, dadka siyaasadda u kuurgala ayaa waxa ay sheegeen in Cali ay mar fursad soo martay, taasoo ahayd markii uu helay codka kalsoonida ay la gudbooneyd in uu iska casilo xilka, hase yeeshee maanta waxaa la doonayaa in meel cidlaa la soo istaajiyo, waxaana haatan Cali la gudboon in uu si dhaqsi leh isaga casilo xilkaasi, iyadoo Salaad Cali Jeele uu ku eedeeyay C/llaahi Yuusuf iyo Shariifka in ay ka dambeeyaan burburka Dowladda Cali Max’ed Geeddi.

 

Dekedda oo maalinta sabtida ah uu ku soo xiran doono Markab ay u raran ..

 

Warar aanu helnaya ayaa waxay sheegayaan in Maalinta sabtida ah dekedda Magaalada Muqdisho uu ku soo xiran doono markab tijaabo ah oo ay u raran Hay’adda WFP, kaasoo mucaawino u sida dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho.

 

Qaramada Midoobey ayaa waxay horey u sheegtay in ay si dhaqsi leh u soo gaarsiin doono mucaawino dalka ku nool Gobalka Banaadir, iyadoo maalmahan dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ay ka socotay howl lagu nadiifinayo, waxaana laga soo saaray biro duug ah oo yaalay gunta hoose ee badda, maadaama Dekedda mudo 11-sano ah wax shaqo ah laga qaban.

Dadweynaha ku nool Gobalka Banaadir ayaa la filayaa in ay si aad ah soo dhaweeyaan arrintaani, iyadoo Garoonka Weyn ee Magaalada Muqdisho uu haatan si caadi ah u wato howshiisa ayna ka soo degayaan diyaarado. Howsha lagu furay Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Golaha Maxaakiimta kaddib markii ay ka adkaadeen hogaamiye kooxeeyadii oo mudo 15 sano ah hor taagaan shacabka diidayna inay qabtaan howlo noocaan oo kale ah. Golaha Maxaakiimta ayaa maalmahan lagu wareejinayay goobihii uu qaranku lahaa, waxaana ugu damebeyay iyadoo maalintii shalay ahayd golaha maxaakiimta lagu wareejiyay Dugsigii tababarka Ciidamada Booliiska iyo waliba halkii laga hogaamin jiray ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

Dowladda Ereteriya oo sheegtay in aysan ilaabi doonin abaalkii ay u galeen..

 

Wasiirka Arrimaha dibada ee Dowlada Ereteriya ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Ereteriya ay gacan siin doonto shacabka Soomaaliyeed, maadaama mudadii ay halganka ku jireen ay gacan ku siiyeen halgankaasi oo ay kaga xoroobayeen Dowladda Itoobiya.

“Abaalkaasi ma ilaabi doono, waxaana diyaar u nahay in haatan aan gudno” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sheegay in Dowladda Itoobiya aysan rabin in Soomaaliya ay noqoto dowlad, isla markaana ay hesho xasilooni.

 

Dowladda Ereteriya waxay sheegtay in ay si dhaqsi leh shacabka Soomaaliyeed u soo gaarsiin doonto mucaawino, waxayna si weyn u soo dhaweysay is bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dowladda Ereteriya ayaa dhawaan lagu eedeeyay inay shixnado hub ah ka dejiysay magaalada Muqdisho, hase yeehsee Dowladda Ereteriya waa ay beenisay warkaasi, waxayna sheegtay in warkaasi ay faafisay Dowladda Itoobiya oo iyadu si sharci daro ah ku soo gashay gudaha dalka Soomaaliya.

 

Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo ku soo fool leh..

 

Waxaa maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho soo gaari doona wafdi ka socda Dowadda Talyaaniga oo uu hogaaminayo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya.

Safiirka ayaa u imaanaya Magaalada Muqdisho sidii uu kulamo ula yeelan lahaa madaxda Maxaakiimta Islaamiga ah, sidoo kale waxa u kuurgalayaa xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho.

 

Safiirka ayaa kal hore kula kulmay Magaalada Dhuusa-mareeb Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay isla soo qaadeen arrimo fara badan, hase yeeshee safarkaas safiirku ku tagay Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka carootay Dowladda Federaalka oo sheegtay in talyaanigu wado qorshayaal uu ku doonayo in uu ku burburiyo Dowladda Federaalka, hase yeeshee Dowladda Talyaanita waa ay beenisay warkaasi, waxayna sheegtay in ay dhex dhexaad ka tahay arrimaha Soomaaliya ay taageersan tahay Dowladda Federaalka.

 

Wafdi ka socda ka socda Qaramada Midoobey oo shalay la kulmay Golaha Maxaakiimta..

 

Maalintii shalay ahayd ayaa Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Qaramada Midoobey, waxa uuna wafdigaasi kulan gaar ah la yeeshay Golaha Maxaakimta Islaamiga ah, waxaana la isla soo qaaday sidii Qaramada Midoobey ay gacan u siin lahayd shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo bilihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagalo ay waxyeelo ka soo gaartay dad fara badan.

 

Wafdigaani ayaa waxa ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gargaar u soo gaarsiin doonaan shacabka Gobalka Banaadir, iyadoo guddoomiye ku xigeenka Golaha maxaakiimta uu sheegay in Golaha Maxaakiimta ay diyaar u yiiin ay sugaan ammaanka Hay’adaha samafalka ee ka socda Qaramada Midoobey, waxa uuna wafdigaasi shalay soo kormeeray goobi muhiim ah oo ka tirsan Muqdisho, isla shalay ayay dib ugu laabteen magaalada Bayroobi iyagoo warbixin siin doona Qaramada Midoobey.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Gudoomiyaha midowga maxaakiimta Islaamiga oo maanta la guddoonsiiyay deeq daawo mucaawino ah oo dhan hal tan

Guddoomiyaha Midowga maxaakiimta islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la wareegay deeq daawo mucaawino ah oo uu soo gaarsiiyay Md. Faarax Axmed Max'ed oo wakiil ka ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jarmalka.  

Deeqdan dawada ah oo ay soo dhiibeen ururka xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka oo uu wakiil ka yahay Manfred Albander ayaa waxaa loo soo marsiiyay Md. Faarax Axmed Max'ed oo isagu dhowaan Muqdisho soo gaaray, waxaana wareejinta deeqdaasi goob joog ka ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ud Xasan Cali Cadde (Gaabow). 

Deeqdan dawada ah oouu hadal gaaban ka jeediyay Md. Faarax Axmed Max'd ayaa wuxuu sheegay in kaddib markii ay ogaadeen in magaalada Muqdisho ay nabad gelyadeeda dib u soo noqotay isla markaana ay maxkamaduhu la wareegeen gacanta ku haynta caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa wuxuu sheegay iyadoo laga shidaal qaadanayo xiriirka ka dhexeeya dowladda Jarmalka iyo Soomaaliya  ayaa wuxuu ururka xiriirka Jarmalka iyo Soomaaliya ugu talo galay in deeqdani uu u soo diro Soomaaliya, wakiilna uu isagu ka yahay, taasoo uu sheegay in ay sii xoojineyso howlaha nabad gelyada iyo wax u qabashada dadka u baahan. 

Dawadan ayaa isugu jirta noocyada dawada ee kala geddisan, waxaana loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka u baahan sida ugu dhaqsiyaha badan.  

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna ka hadlay munaasabadda guddoonsiinta deeqdaasi ayaa ka mahad celiyay deeqdan wax ku oolka ah, wuxuuna ku bogaadiyay ciddii isku xil qaantay inay tahay cid u soo gurmatay shacbiga Soomaaliyeed. 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ud Xasan Cali Cadde (Gaabow) oo kulan xasaasi ah la yeeshay masuuliyiinta dowladda Hoose

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Dr. Max'ud Xasan Cali Cadde (Gaabow) ayaa xafiiskiisa shir kula yeeshay ku xigeennada duqa magaalada Muqdisho, howl wadeennada, saraakiisha ciidanka deegaanka iyo shaqaalaha dowladda hoose ee magaalada Muqdisho. 

Kulankan ayaa looga hadlay dardar gelinta howlaha dowladda hoose haddey noqon laheyd maamulka waaxda dhulka iyo arrimaha suuqyada iyo shaqaalaha iyo nadaafadda.  

Guddoomiyaha oo xubnahaasi la hadlay ayaa uga warramay howlahaas ballaaran ee hor yaalla xilligan dowladda hoose iyo sida loogu baahan yahay in loo labalaabo, iyadoo lagu shaqeynayo howlaha iskaa wax u qabso, cid kastana uu waajib ka saaran yahay inay ka qaadato kaalinteeda.  

Gudoomiyuhu waxa uu ku boorriyay dhammaan masuuliyiinta dowladda hoose in maadaama ay nabaddii iyo ammaankii la wareegeen maxaakiimta islaamka, dibna ay u soo noqotay nabaddii muddada dheer ka maqneyd caasimadda dalka ee Muqdisho ay dowladda hoose waajib ku tahay in kaalintii lagu yiqiinay ay ka qaadato maadaama caasimaddu ay tahay muraayaddii dalka, wuxuuna sheegay in xoogga la saaro oo tallaabta koowaad ay noqoto dhinaca nadaafadda iyo uruurinta qashinka,  wuxuuna ka codsaday qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho in qoys kasta uu gurigiisa hortiisa ka bilaabo, wuxuuna faray saraakiisha iyo ciidanka deegaanka inay ka qaataan kaalintooda.  

Wafdi ka socda Hay'ada Q.M oo saakay ka soo dagay Airport-ga caalamiga   

 Wafdi ka socda Hay'ada Q.M oo saakay ka soo dagay Airport-ga caalamiga ah ee  magaalada Muqdishu ayaa kulan kula leh Maasuuliyiinta Maxaakimta.  

Kulankaan oo ah mid loo diiday in saxaafadu ka qeyb gasho ayaysan jirin cid si rasmi ah u og wax yaabaha looga wada hadlayo, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in ay ka wada hadlayaan sidii Hay'adaha Q.M ay uga howlgali lahaayeen magaalada Muqdisho. 

Muuse Maxamud Jiisow
Somali39@hotmail.com

Muqdisho Somalia
002521576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2006


Fikradda Dowladda Maraykanka ee ku Aaddan Soomaaliya.....

Dowladda Maraykanku waxa ay DFKMG iyo Maxkamadaha Islaamiga ugu baaqday in ay dib u bilaabaan wada hadalkii Khartuum.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka, Tom Casey, oo ka hadlayey arrimaha Soomaaliya ayaa yiri: "Dowladda Maraykanku waxa ay taageereysaa hirgelinta dowlad shaqayneysa oo ay ka mid yihiin dhammaan qaybaha Soomaaliya." Waxana uu intaas ku daray "Sidaas waxaa lagu gaari karaa oo keliya in la yeesho wadahadal guud oo ay ka qayb qaataan dhamman qaybaha Soomaalida sida bulshada rayidka ah, haweenka, ganacsatada, hoggaamiye dhaqameedka, iyo Maxaakiimta Islaamiga & Hay'adaha Federaalka ee Kumeelgaarka ah".

Fikradda guud ee USA ee ku aaddan Soomaaliya ka dhegeyso: Halkan..... (Real Player) | ama Halkan...... (MP3).

Kacdoon la mid ah Kii Muqdisho ka Socda Jubadda Hoose....
»Ra’isul Wasaare Geeddi oo doonaya in uu dowladiisa isku..
»Shirkii IGAD oo la sheegay in uu hareeyay khilaaf ku aadan..
»Wasiiro Farabadan oo markale is casiley ka dib markii..
Wararka oo dhan halkan ka akhri.... Aug 2

Kulan Cilmiyeed Dhowaan ka Furmi Doona Magaalada Qardho
Degmada Qardho iyo qaar kale oo kamid ah magaalooyinka gobollada w/bari  waxaa diyaar garow loogu jiraa.. AKhri Aug 2

WARSAXAAFADEED: XAFIISKA QARAMADDA MIDDOBAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADDA SOOMAALIYA
Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Middobay u qaablisan arrimaha Somalia ayaa... Akhri...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD