SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Dec 9, 2006

  • Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Agagaarka Diinsoor..
  • Ciidamada Itoobiyaanka oo qorsheynaya inay weeraraan Garoonka ..
  • Banaanbax looga soo horjeedo go’aankii. Qaramada midoobey oo ka dhacay.
  • Xaaladda Magaalada Boosaaso oo shalay kacsaneyd markii.
  • Beesha Dirisame Gaajecel oo Dooratay Gudi Aqoon yahan iyo gudi Ganacsi
  • Beesha Qubeys oo heshiis ku gaartay in ay taageeraan Shareecada Islaamka

Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Agagaarka Diinsoor..

Shalab galabnimadii ayaa dagaal aad u qaraar duleedka Magaalada Diinsoor ku dhex maray Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Dowladda Federaalka oo gacan ka helayey ciidamo Itoobiyaan, waxaana dagaalkaasi socday mudo hal saac ah, iyadoo wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya iyo kuwidii Dowladda Itoobiya dib loo soo riixay isla markaana ay khasaaro kala kulmeen dagaalkaasi, waxaa la xaqiijiyey in Dagaalkaasi ciidamadii Dowladda iyo kuwaii Itoobiyaanka ahaa looga qabsaday labo gaari oo kuwa xamuulka ah iyo labo kale oo kuwa dagaalka ah, waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in ay jiraan dhimasho, waxaana sidoo kale la sheegay in dagaalkaasi lagu qabtay maxaabiis isugu jirta Itoobiyaan iyo Soomaali.

Warar dhanka kale aan ka helnay aaga hore ee Dagaalka ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Dowladda Federaalka ay dib ugu soo sikadeen goobihii ay markii hore ka yimaadeen, waxaana la sheegay in Ciidamada Maxaakiimtu horey ugu dhaqaaqeen dhinaca xerada Manaas oo ah xero ay degan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka.

Ciidamada Itoobiyaanka oo qorsheynaya inay weeraraan Garoonka ..

Warar hoose oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ay qorsheynayaan in ay weerar ku soo qaadaan Garoonka Balidoogle, kaddib markii sidaasi ay kula taliyeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ah.

Saraakiishaasi waxay sheegeen in qabshada garoonkaasi ay tahay mid muhiim ah ciidamada afrikaanka ah ee Imaanaya Soomaaliya, iyadoo aagaasi ay aad ugu xoogan yihiin Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah.

Waxaa tan iyo xalay aaga Buur-Hakaba ka socday dhaqdhaqaaq aad u xoogan oo labada dhinac ah, iyadoo ciidamada Maxaakiimta la geliyey heegankii ugu balaarnaa. Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay horey u sheegeen in aysan dhulkooda u ogolaan doonin Ciidamo Shisheeye ayna dagaal xoogan la geli doonaan, waxaana haatan muuqata in Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay Gobalka Baay haatan ka haystaan labo Magaalo oo kala ah Diinsoor iyo Buur-Hakaba.

Banaanbax looga soo horjeedo go’aankii. Qaramada midoobey oo ka dhacay.

Maalintii shalay ahayd ayaa deegaanada ay ka taliyaan Maxaakiimta Islaamiga ah waxaa ka dhacay banaanbaxyadii ugu balaarnaa ee looga soo horjeedo go’aankii Golaha Ammaanka ee fasaxayey in Soomaaliya loo diro Ciidamo afrikaan ah, waxayna ka qaybgalyaashii banaanbaxyadaasi ku dhawaaqayeen (waxaan la jihaadi doonnaa ciidamo kasta oo la keeno soomaaliya) (waxaan uga digeynaa Dowladaha Soomaaliya ciidamada u soo wada in ay ka fiirsadaan). Banaanbaxii ugu balaarnaa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana isugu soo baxay kumanaan kun oo Dadweyne waxaana hadalo u jeediyey Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in Dalkooda la keeno ciidamo shisheeye, isagoo ku tilmaamay go’aankii Qaramada Midoobey mid dhinac ah oo ay ka shaqeeyeen Mareykanka iyo Itoobiya.

Xaaladda Magaalada Boosaaso oo shalay kacsaneyd markii.

Warar naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd xaaladda Magaaladaasi ay aad u kacsaneyd kaddib markii Khadiibyada Masaajida magaaladaasi ay qorsheynayeen saladdii Jimcaha in khudbadooda ku soo qaadaan in lala jihaado ciidamada Shisheeye ee la keeno ee ay ugu horeyso Dowladda Itoobiya.

Markii ay maqleen Maamulka Puntland waxay ciidamo kor dhoobeen inta badan Masajidda halkaasi ku yaala, taasina waxay keentay in masaajidda qaarkood ay ku kaceen xoogaa banaanbaxyo rabshado wata, waxaase ka hor istaagay Ciidanka Booliiska.

Waxaa laga cabqsi qabaa in kacdoon ka dhac ah maamulka Puntland uu ka dhaco gobaladaasi iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolo ka tirsan Puntand.

Beesha Dirisame Gaajecel oo Dooratay Gudi Aqoon yahan iyo gudi Ganacsi {Go’aanana ka soo saaray Shirkoodaas}

Shir ay ujeedadiisu ahayd in loogu dhagysto warbixin Gudi farsamo ay kal hore ay beesha Dirisame Gaajecel isku argaratay dhisme labo gudi oo kala ah Aqoonyahano iyo ganacsato qodobana ka soo saaray shirkoodaas

Gudigaas ayaa tiradoodi kala yihiin min 11 Xubnood

Gudiga Aqoonyahanada ayaa waxaa ay kala yihiin sidan:-

  • 1-Axmed Aadan Maajoor Gudoomiye
  • 2- C/qaadir Xasan Abuukar ku-xigeen
  • 3- C/rashiid Max’ed Sh Amar Xoghayn
  • 4- Max’ed Xuseen Shiikh Xaamud Af-hayeen
  • 5- C/casiis Axmed Ibraahin Qasnaji
  • 6- Max’ed Maxamuud Goodir Xubin
  • 7- C/qaadir Aadan Maajoor Xubin
  • 8- Aadan Daahir Calasow Xubin
  • 9- Muqtaar Shiikh Xaamud Xasan Xubin
  • 10- Max’ed Barre Xasan (Raggow) Xubin
  • 11- Ilyaas Aadan Xaaji Xasan Xubin

Gudiga ganacsiga ayaa magacyadooda waxaa lagu kala magacaabay xubnahan

  • 1- Xaaji Aadan Kuule Aadan Gudoomiye
  • 2- Xasan Max’ed Max’uud (Xasan Dheere) ku-xigeen
  • 3- Max’ed Shiikh Xuseen (Maxamed Dheere) Xog-hayn
  • 4- Abiikar Aadan Isaaq Af-hayeen
  • 5- C/laahi Macalin Daa’uud Qasnaji
  • 6- Cabdulaahi Isaaq Dhicisow Xubin
  • 7- Xasan Barre Shiidow Xubin
  • 8- Macalin Aadan Maaxay Xubin
  • 9- Aadan Cusmaan Aadan Xubin
  • 10- Caddow Cali Xeyle Xubin
  • 11- Aadan Macalin Axmed Xubin

Qodobada ka soo baxay shirka ay yeelatay beesha Dirisame Gaaljecel

Ayaa kala ah

1 – in la dar-dar galiyo Maxkamada Sheecada Islaamka ee Degamada Ceel Cali iyadoo lala kaashanayo Midowga Maxaakimta Soomaaliyeed

2- in Degamada Ceel Cali laga Dhigo xarun difaac iyo tababar maadaama degmada ay hada ku sugan yihiin Maleeshiyo gaaraysa 500 oo u baahan tababar kuwaas oo diyaar haday helaan baahan tababar ka dibna diyaar u ah difaaca dalka iyo diinta maadaama waqti xaadirkan uu wadanku ku fool leeyahay Cadow u baahan in loo diyaar garoowo, degmadu waxay xad la leedahay Gobolka Bakool iyo Ethiopia.

3- In Dib loo habeeyo Dugsigii Sare ee Degmada iyadoo lala kaashanaayo Ha’ayadaha Samafalka ee daneeya waxbrashada iyo dadka u dhashay deegaankaas meel kasta oo ay joogaan .

Ugu danbayntii cidii u baahan inay la soo xariirto Beesha Dirisame Gaaljecel labada gudi ee kor ku xusan, sidoo kale waxay beesha ugu baaqaysaa Ummadda Soomaaliyeed marka la gaaro im la sameeyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Beeshu ay diyaar u tahay inay codkooda siiso qofkii ay u arkaan inuu u qalmo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyadoo beesha u fiirin Eex iyo Qabiil.

Beesha Qubeys oo heshiis ku gaartay in ay taageeraan Shareecada Islaamka

Waxaa maalintii shalay kulan balaar ku yeeshay magalada Muqdisho Qeybaha ay ka koobantahay beesha Qubeys oo ay kaga wada hadlayeen Waxyaabo ay ugu horeyso in si isku mida loo qaato ku dhaqanka shereecada Islaamka

Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadlay dad ay ka mid ahaayeen, nabadoon xuseen Geeddi Jimcaale oo yiri “Maanta wixii ka dambeeya waxaan ILLAHEY hortis taageereynaa islaamka sidaas ayaana ku midownay qeyb kasta oo inaga mid ah” ayuu yiri nabadoonka.

Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay xoghayaha guud ee golaha maxkamadaha Sheekh Ibraahim Maxamuud Suuley oo ku furay aayado quraan ah iyo wacdi uu u jeedinayo ka soo qeyb galayaashii shirka beesha, wuxuuna dhinaca kale, si aad ah uga codsaday in aaney noqonin arrinta ay isugu yimaadeen mid hadal uun ku ekaata balse ay ficil ku daraan, meel kasta oo ay joogaana beesha Qubeys.

Sidoo kale, waxaaa iyaguna halkaasi ka hadlay odayaal iyo nabadoono iyo culumaa’udiin ay ka mid ahaayeen Xaaji Cali Oorey, Muxumud Geeddi Cilmi, Macalin Muuse C/nuur Sheekh Cismaan, C/raxmaan Gaabow Max’ed, nabadoon Geescadde, Abshir Geeddi, Max’ed Cali Xaashi, Sheekh aadan Jimcaale Cali, Cusmaan Axmed Goome, Sheekh Muuse Ow-max’ed, Xaaji Axmed yare, nabadoon Bashiir Macalin Iley iyo xubno oo faro badan.

Gabadii kulankaasi waxaa lagu dhisay gudi la magac baxay gudiga hirgelinta shareecada islaamka ee Beedha Qubeys kaas oo isugu jira culum’udiin, Aqoon yahano iyo nabad doono gudigaas ayaaa howshiisiu noqon doontaa fulinta, dhaqaalaha iyo wada tashiga beesha waxayna magacyadooda kala yihiin:-

  • 1-Sheekh Max’uud sheekh Ibraahim Suulay
  • 2-Max’ed Cali Ooray
  • 3-Max;’ed Axmed Max’ed (Xaaji dheere)
  • 4-Dr.Xuseen Cabdi Cilmi
  • 5-Isaaq Xaashi Jimcaale
  • 6-Mux’ud Max’ed C/llahi (Caddaan)
  • 7-Xuseen Geedi Jimcaale
  • 8-Cabdi Nuur Sheekh Cismaan
  • 9-Mux ‘ud Geedi Cilmi
  • 10-Max’ed Cali Xaashi
  • 11- Cismaan Axmed goome
  • 12-Farxaan Cali Aadan
  • 13-C/jamaal Axmed Ibraahim
  • 14-Axmed Max’ed Xasan

waxaa kaloo jira xubno talo ku maqaan oo dib loo soo macaabi doono waxaana kulankani dhamaan dadkii ka hadlay isku raaceen wixii hada ka danbeeya Beesha gudaha iyo debada kuwo ku tiirsan wada tashi iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Guriga uu magaalada ka degan yahay Max’ed Axmed Muuse waxa uuna ku soo dhamaadaay doco is fahan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Iska Hor-imaad ka Dhacay Boosaaso
Iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Booliska Boosaaso iyo Dad ku jiray masaajid kahor khudbadii salaada jimcaha ee maanta iyo Maamulka Soomaliland oo lagu eedeeyey in uu gacanta ugu jiro Xukuumada Ethiopia.. Akhri... Dec 8

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2006

Ethiopia: Soomaaliya waxaan kula jirnaa Dagaal


Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha: VOA]

HFKMG: Soomaaliya Ciidan Itoobiyaan ah ma joogaan

Idd Bedel Mohamed
Dec 6, 2006: Ciid Beddel Maxamed [Idd Bedel Mohamed] oo ah Ku-xigeenka wakiilka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo su'aal laga weydiiyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aan ciidamo Itoobiyaan ahi joogin Soomaaliya, isagoo weriyihii su'aas weydiiyey ugu jawaabey ma garanayo meesha aad ka heshay warkaas... Halkan ka daawo... [Isha: UN]

AP: 6,000 ilaa 8,000 oo ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya...

Dec 7, 2006:  Warbixin ay qortay ha'adda wararka ee AP ayaa sheegtay in ay heshay warara sir-Qarsoodi ah oo sheegaya  in Soomaaliya ay ku sugan yihiin 6,000-8,000 oo ah ciidamada Itoobiya. [Isha: AP]. Mar sii horeyseyna ayey ahayd markii uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya si rasmi ah u qiray in ciidamadiisu ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....

"Maamulka Puntland oo ka Shaqaynaya isku Dhac kadhaca Degaanka Nugaal"
Sidaas waxaa yiri afhayeenka xisbiga Ramaas... Akhri...

»Gabar yar oo la xanuunsan Biyo Caloosha uga buuxa

DGPL: Culimada haddii laga maqlo kelmeda Jihaad waxay mutasanayaan xabsi
Maamulka Soomaliland oo lagu eedeeyey in uu gacanta ugu jiro Xukuumada Ethiopia.. Akhri... Dec 8

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....

Midowga Maxkamadaha oo Ganafka ku Dhiftay Go'aankii Golaha Ammaanka..
»C/llaahi Yuusuf oo Ka Walwalsan Xiriirka Geeddi & Zenawi
»Xeeladaha Qaadka lagu soo geliyo Muqdisho...
»Ciidamadii Itoobiya ee joogey Bandiiradleey oo laga soo..
»Dowladda Kenya oo la filayo in ay xayirada ka qaado...
»Suudaan oo uu ka socdo Shir looga arrimaha soomaaliaya..
»Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo siminaar u soo gabagabeysey..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... Guji... Dec 7

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD