SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Howlo isugu jirta indho fiiqid qaliin daaweyn , ceelal qodid iyo daryeelka guud oo ay dhaqaatiir reer masar ah ka wadeen muqdisho iyo gobolada u dhow dhwo oo la soo gabagabeeyey

howlahaan oo socday 4tii bishaan ilaa 16kii isla bishaan ayaa waxaa ka faaiidaystey dad badan oo u baahnaa isla markaan aan heli karin qarashkii ay isaga bixin lahaayeen iyo dhaqaatiir aqoon u leh cudurada haayo ,,

Dr.Muuse Xuseen Cumar, agaasimaha isbitaalka Carafaad aya ugu horey u mahadceliyay dhaqaatiirta u dhalatay dalka Masar kaalintii ay ka qaateen howlihii samafalka iyo taageerada isugu jiray ee ay ummadda soomaaliyed ee tabaleysan u qabteen, wuxuuna sheegay in howshaan ay tahay mid ku timid heshiis ay siwadajir ah u gaareen hay-adaha Al=jimciya al sharciya al ra'iisiyah iyo Zam-zam, taasoo uu sheegay in howlahi ay socdeen mudadii u dhaxeysay  4tii ilaa iyo 16ka bishan, isagoo cadeeey in waqtigasi ay dhaqaatiirta iyo hay-adu ay ummadda soomaaliyeed  ka taakuleeyeen dhinacyada caafimaadka, waxbarshada, daryeelka aqoonta, xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay iyo goobaha lagu cibaadeysto, wuxuuna Dr Muuse ugu baaqay dhaqaatiirtaasi inay sii wadan kaalmooyinka ceynkaasi oo kale ah oo  ummadda soomaaliyeed lagu gargaarayo.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay agaasimaha hay-ada wadaniga e Zamzam Dr Shuceyb Cabdiladiif Sheekh Bashiir oo ka waramay dadaalkii ay hay-ada Zamzam u soo gashay sidii dadka soomaaliyeed ee tabaleysan loo gaarsiin lahaa kaalmooyinka ay u baahan yihiin isagoo tusaale u soo qaatay  dadka ay waxyeeladu u geysteen fataahada wabiyada iyo kuwa soo barakacay ee ku nool Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, wuxuuna cadeeyey in hay-adu ay sii wadi doonta badi goobta ay ugu jirto in kaalmooyin la gaarsiyo dadka soomaaliyeed e tabaaleysan.

sidoo kale dadkii ka faaiidaystey ayaa waxaa ka mid ahaa haweenka kala ah

1 xabiibo maxamed nuur 25 jir ah degan xaafada carafat oo iyadu isu furaad sida ay ii sheegteyna ku gaabsatay wax la iga qalay ma garanayo .

shamso xaashi geele oo iyana laga qalay minka iyo xaliimo cumar yaxye oo iayana laga qalay buro mcaloosha uga tiilay , dhaqtarada waxey kala ahaayeen sided oo kala ahaa

  • Dr Cali Fu: aad
  • Dr Caadil
  • Dr daariq
  • Dr ashraf
  • Dr Mugdii
  • Dr islaam
  • Dr Cali
  • Dr Maxamed

kuwaas oo dhamaantood la siiyey hadiyado lagu weyneynaayo shaqada ay u qabteen bulshada smaliyeed waxaana ka mid ahaa waxyaabihii lasiinayey cawisyo iyo shaarar ka sameysan dharka loo yaqaano aliindiga ee lagu farsameeyo wadanka gudihiisa taas oo ay aad ugu farxeen samafalayaashaa reer masar

isaga oo saxaafada la hadlaayo agaasimaha ispitaalka mudane muuse xuseen cuimar ( muuse afay )  ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa

"Anaga oo aad iyo aad ugu faraxsan ilaahayna ugu xamdiyeyna sida farxada iyo rayn raynta leh ee ay noogu soo gabgabeeyeen howlihii daryeelka iyo taakulaeynta caafimaadka ee bulshada somaliyeed loo qabanayey , iyada oo la fulinayo heshiskii wadajirka ahaa oo ay wada galewen Al_jimciya Al_sharciya Al raisiyah iyo hayd.adda wadaniga ah ee zemzem , heshiiskaas oo jamciyada Al sharciya Al raisiyah oo si walaaltinimo ah ugu soo gurmatey ummada somaliyeed ee 16 ka sono dowlad la.aanta ahaa uguna sii darsantay abaaro iyo fatahaado ,oo si weyn oo xusuus iyo taariikhba leh wax uga qqabatey cudurada kala ah Cafimaadkaguud , caruurta ,maqaarka ,haweenka ,indhaha baarista , daawo siinta ,iyo qaliinka , waana howlo xusuusweyn ku reebtey maskaxda umadda som,aliyeed abaal weyn uga heyndoonto Aljimciya Al_sharciyah Al raisiyaha wax qabadka qalbiga saameeyey .

howshaan guusheeda waxey ku timid fadli ilaahay ka sokow ,iskaashiga iyo wada shaqeynta xoogan Al jamciya Al sharciyah Akl raisiyah iyo hay .adda wadaniga ee zemzem ugana wakiil ahayd howlaha fulintooda maamulka taqaatiirta iyo shaqaalaha ispitaalka carafaat ,

annagoo aad iyo aad mahadweyn ugu celineyno Aljimciya Al_sharciyah Al raisiyaha guusha weyn ee ay gaartey ujeedada iyo himilada ay ugu tumid somaliya , shacbiga reer masar  iyo shacabka somaliyeedna xiriir soo jireen ah uu ka dhaxeeyo ayaan wax qabadkaas ku amaaneynaa , sidoo kale waxaa amaan taa la mid ah mudan hay.adda wadaniga ah ee zemzem oo mar walbo ku fikirta siday uga samata bixin laheyd dhibaatada heysata bulshadeena dhinacyada :>

Caafimaadka dad iyo duunyo , waxbarashada , daryeelka agoonta , goobaha lagu cibaadaysto  ( sida masaajidada iyo dugsiyada quraanka ) iyo celka qodista dhulka oonleyda ah . Aljimciya Al_sharciyah Al raisiyaha gobihii ay ka shaqaysay laga swoo bilaabo 4tii bishaan il;aa 16 ka bishaan , waxeyna kala yihiin isbitaalka carafaat , fatahaada gobolka sjhabeellada dhexe ,ispitaalka lasaleeti ee dadka waalan lagu xanaaneeyo , iyo xeryo qoxooti ee gobolka banadir qaarkood , ayada oo markastaba ay ahayd saldhiga laga hogaamiyo howlaha oo dhan isbitaalka carafaat , oo najaxad howlaha door weyn ku leh .

anigoo ku hadlaayo magaca dadweynaha aad daryeelka caafimaad u fidiseen iyo dhaqaatiirta iyo shaqaalaha ispitaalka carafaat waxaan isdiin so gudbinayaa hambalyo iyo bogaadin qalbiga ka soo go.day , ayaga oo weligood ay idin xasuusan doonaan sida aad ugu so gurmateen , waxaana ilaahay idiinkaga baryeynaa in uu idinka siiyo ajar iyo xasanaad badan oo aad ku heshaan aduunyo iyo aaqiro traam ah ,  sidoo kale waxaan idinka rajeynaynaa in aad mustaqbalka daryeel kan ka xoog badan kana waxtar badan aad u fidin doontaan dad weynaha somaliyeed ee walaalihiin ah islaamkana idin la ah

qoralkaan ayaa waxaa ku saxiixnaa isla markaana saxaafada u aqriyey agasimaha guud ee ispitaalka carafaat muuse xusen cumar ( muuse afay )

dhakhtar  tiro qaliin

cudurada maqaarka waxaa la daaweeyey 2.490 qaliina waa 19

cudurada haweenka waxaa la daaweeyey 1.610   qaliin 28

cudurada indhaha  waxaa la daaweeyey    2.277   fiiqid 92

         cudurada guud waxaa la daaweeyey       3.539  

       cudurada caruurta waxaa la daaweeyey  3.198  
 

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD