SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

GABAYGA ABSHIR BACADLE
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} oo gabay ka tiriyey Aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed Nababgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee... Guji..


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
 

WARARKII FEB 21, 2006

  • Madfac haboow ah oo ku dhacay Dugsi Qur’aan oo ku yaal Xaafada Buula Xuubey..

  • Madfac haboow ah oo ku dhacay Dugsi Qur’aan oo ku yaal Xaafada Buula Xuubey..

  • Shirkii Baydhabo oo qarka u saaran in dib loo dhigo maalmo.

  • Ciidamada Itoobiya oo Sagaal qof ku dilay Deegaanka Yamaarugle…

  • Diyaarado noocoodu ahaa Helicoptero oo shaley Dul heehaabayey Ceelmacaan ..

  • Ciidanka Asluubta oo diyaar garow ugu jira Sannad Guurada..

  • Odoyaasha beelaha Hawiye oo u soo jeediyey Kooxaha Sameeya Isbahaysiga..

  • Natiijooyinka Ciyaarihii Maanta ee Finland.


Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii shalay ka socdey Agagarka Kuliyadda Ciidamada..

Maalintii shalay ahayd ayaa mar kale waxaa foodda is daray Ciidamada Maxkamadaha islaamiga ah iyo kooxihii la magacbaxay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada, waxaana dagaalkaan la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, iyadoo ciidamada Maxkamadda Islaamiga ah ay shalay cagta mariyeen gurigii uu deganaa ninkii uu dagaalku ka bilowday ee Cabdi Waal, sidoo kale Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah waxayna gaareen dugsigii la oran jiray Dugsi Shanaad, waxayna dagaalkaasi ku qabsadeen labo Gaari, iyagoo ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah dib uga soo baxeen dagaalka ayna ku soo laabteen fariisimihii ay ka duuleen.

Cabdi Nuure Siyaad oo u waramayay Saxaafadda ayaa wax auu sheegay in xabad joojintii ay ku baaqeen ay jabiyeen Maxkamada Islaamiga ah isagoo sheegay in wixii haatan ka dambeeya ay dagalka wadi doonaan. Maalintii labaad ayuu xiran yahay garoona Diyaaradaha ee Deyniile iyadoo afhayeen u hadlay Max’ed Qanyare uu sheegay in aysan jirin ciidamo Maxkamada Islaamiga ah oo soo gaaray Garoonka Deyniile.

Madfac haboow ah oo ku dhacay Dugsi Qur’aan oo ku yaal Xaafada Buula Xuubey..

Madfac haboow ah oo aan la garaneyn halka uu ka yimid ayaa waxa uu ku habsaday arday dhiganeysay dugsi Qur’aan oo ku yaal Xaafadda Buula Xuubay ee Magaalada Muqdisho waxaana halkaasi ku dhintay hal arday, taba kalena way ku dhaawacan tahay, iyadoo guud ahaanba uu burburay dugsigii Qru’aanka oo ka sameysnaa Jiingad.

Ardaydii dhiganeysay dugsigaasi ayaa markii uu madfacu ku soo dhacay ayaa mid waliba waxa uu u cararay jidihii uu is lahaa waad ku badbaadi kartaa, qaarkoodna waxaa ka muuqday argagax iyo cabsi.

Ma ahan markii ugu horeysay ay madaafiic ku dhacaan arday dhiganeysay Dugsi Qur’aan kal hore ayay markii arday dhiganeysay Dugsi ku yaal Xaafadda Boon-Dheere mar halkaasi uu dagaal ka dhacay, waxaana ku dhintay labo arday.

Dagaalada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa kooxaha dagaalamaya waxa ay iska tuuraan madaafiicda si indho la’aan ah taasina waxay dhibaato ka soo gaartaa dadka rayidka ah oo iyagu mar kasta lagu dul dagalamo. 

Shirkii Baydhabo oo qarka u saaran in dib loo dhigo maalmo.

Mudo afar maalmood ah ayaa ka harsan maalintii la iclaamiyay in la qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka oo ah 26-ka bishan kaasoo ka dhacaya Magaalada Baydhabo, haddaba iyadoo taasi jirto ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ka socda diyaar garoow loogu jiro qabsoomidda kulankaasi, hase yeeshee xildhibaanada Baarlamaanka ee ka qaybgalaya kulankaas ayaan u muuqan wax dhaqdhaqaaq ah oo la xiriira ka qaybgalka kulankaasi. Haddii aan soo qaadno kuwa ku sugan Magaalad Muqdisho oo la filayay in ay baxaan maalintii shalay ahayd, sidoo kale xildhibaanada Baarlamanka ee iyana ku sugan Magaalada Jowhar ayaa iyana aysan ka muuqan saan saan la xiriirta ka qaybgalka kulankaasi, sidoo kale waxaa laga yaabaa in uu baajiyo dagaalka haatan ka socda Magaalada Muqdisho oo xoogiisa ay ku lug leeyihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxa uu ka codsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi in dib loo dhigo maalmo kooban si dadweynaha ku nool Magalada Baydhabo ay diyaar garoow ugu galaan kulankaasi, sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu sheegay in tasiilaad ay ka filayeen Hay’ado iyana uu dib u dhac ku yimid, hase yeshee Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa waxay u soo jeediyeen Guddoomiyaha in haddii uusan martigelin karin uu iska soo wareejiyo si loogu qabto Magaalada Jowhar oo xarun u aha qayb ka mid ah Dowladda Federaalka. 

Ciidamada Itoobiya oo Sagaal qof ku dilay Deegaanka Yamaarugle…

Warar uu noo soo diray Weriyeena Deegaanka Cabud-Waaq Max’ed C/llaahi Dayuurad ayaa waxa uu noo soo sheegay in Ciidamada Itoobiyaan ah oo soo gaaray deegaanka Yamaarugle ayaa waxay halkaasi ku dileen sagaal qof oo saddex dumar, 11-kalana way ku dhaawacan tahay kaddib la sheegay uu Weriyeehunu sheegay in ciidamadaasi lagu riday rasaas iyadoo aan markii hore wax digniin ah halkaasi soo gaarsiin kaddibana rasaas ayay ku fureen dadkii.

Ciidamadii Itoobiya ayaa markii ay yimadeen Yamaarugel waxay bilaabeen in ay isugu yeeraan Odayaasha labada dhinac waxaana halkaasi weli ka socda kulan saddex geesood ah oo lagu dhameenayo dagalkaasi oio sababay khasaare aad u badan iyo barakicii ugu badnaa.

Dagaalkaan oo ku soo beegmay xili abaar ay ka jirto deegaankaasi ayaa waxaa la sheegay in dadka ku dhaawacma la kala geenayay Isbitaalada degmada Cabud-Waaq iyo Magaalada Gaalkacyo qaarkoodna waxaa la sheegay in haatan la soo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa waxa uu ka bilowday iyadoo labada beelood ee Mareexaan iyo Biciidyahan ay isku haystaan dhul deegaan ah oo ku yaala soonka Shanaad, waxayna Deegaanka Yamaarugle Degmada Cabud-Waaq u jirtaa  ilaa iyo 70Km.

Diyaarado noocoodu ahaa Helicoptero oo shaley Dul heehaabayey Ceelmacaan ..

Dekedda Ceel-Macaan oo dhowr Kiilo Mitir u jirta Magaalada Muqdisho ayaa dadweynaha halkaasi ku sugan ayaa shalay oo dhan daawanayay Diyaaradu Helicoptero ah oo dul heehaabayay dekedda korkeeda.

Diyaaradahaasi oo joog hoose ku duulayay ayaa ilaa iyo haatan la garanayn cidda iska leh diyaaradahaasi, mana jiraan wax dhibaato ah oo ay gaysteen diyaaradahaasi.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo uu leeyahay Mareykanku kuwaas oo la sheegay in ay soomaaliya ka ilaalinayaan in ay u soo dusaan wax ay ugu yeereen Kooxaha argagixisada waxayna dhawaan gacanta ku dhigeen toban ni loo la sheegay in ay ka qowleysanayeen Badda waxayna haatan  ku xiran yihiin xabsi ku yaal Magaalada Mombassa ee Dalka Kenya.

Dhawaan ayaa dekedda Magaalada Boosaaso waxaa dul heehaabayay diyaarado noocaan oo kale ah kuwaasoo ku duulayay joog hoose waxaana markii dambe la ogaaday in diyaaradahaasi ay lahaayeen ciidamada Mareykanka. 

Ciidanka Asluubta oo diyaar garow ugu jira Sannad Guurada..

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa haatan ku jira diyaar garow ku aadan sanadguurada sodonaad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidankasi oo ku beegan maalinta beri ah oo bishu tahay 22-ka Febaraayo.

Xarunta Xabsiga dhexe ayaa waxaa ka socota qaban-qaabada iyo diyaar garowga maalinkaasi, iyadoo ciidanka Asluubta ay maalintii shalay ahayd soo bandhigeen dhoolatus ay ugu diyaar-garoobayaan maalinkaas.

Ciidanka Asluubta oo iyagu burburay markii ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxay qaban jireen howlo muhiim ah u ah dadweynaha Soomaaliyeed iyagoo hayn jiray dambiilayaasha ka gala dalka dambiga, iyo ilaa haaddana ma helin wax daryeel ah, waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay gutaan howlaha Qaranka.

Odoyaasha beelaha Hawiye oo u soo jeediyey Kooxaha Sameeya Isbahaysiga..

Kulan ay shalay ku yeesheen Hotel Peace ee Magaalada Muqdisho beelaha Hawiye, gaar ahaan wax-aradkooda, Culuma u diinkooda iyo odayaashooda, waxayna kaga warmeen kulankaasi sidii wax looga qaban lahaa dagaalka ka soo cusboonaaday jidka Warshadaha gaar ahaan kulyadii hore ee Ciidamada kaasoo u dhexeeya ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysi la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada.

Baaqii ay halkaasi ka soo saareen ayaa waxay u soo jeediyeen kooxihii dhisay isbahaysiga in ay deg deg uga laabtaan, sidoo kale waxay u soo jeediyeen labada dhinac in ay xabadda joojiyaan wixii khilaaf ahna lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad.

Waxay halkaasi ku magacaabeen guddi u howlgala sidii loo qaboojin lahaa xasaraddaasi oo la sheegay in uu yahay mid dhibaato ku  ah dadweynaha Soomaaliyeed oo haatan qaarkood la il daran abaaro kaddib markii dad ka soo qaxay abaarahaasi iyagoo wax raadinaya ay soo gaareen Magaalada Muqdisho kaddibna ay la kulmeen dagaalkaan.

Max’ed Dheere “Qanyare ayaa mas’uul ka ah Dagaalka socda..”..

Max’ed Dheere oo ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa eedda dagaalkan dusha uga tuuray Max’ed Qanyare Afrax, wuxuuna yiri “Awood ayuu dulmiyay, awooddii ayaana maanta heysata, wuxuu ka helo ayuuna leeyahay” oo uu ula jeeday Awoodda Islaamka. Max’ed Dheere wuxuu sheegay in wixii dhibaato ah ee ka yimaada dagaalkaasi uu dusha u ridan doono Max’ed Qanyare. Wasiiru dowlaha Badda iyo Dekedaha Max’ed Jaamac Furux ayaa isagoo ku sugan Gaalkacyo, una warramayay Warbaahinta ayaa waxa uu ku tilmaamay Isbahaysiga Muqdisho looga dhawaaqay mid Ceebeed oo loogu gefay Diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed “iyagoo Wasiirro ah ma ahayn in ay maanta Madaafiic la dhacaan shacabka Soomaaliyeed oo ka daalay dagaallada sokeeye”, waxaana uu intaa raaciyey “Gacmaha ayaa na cun-cunaya ee culumadu ha nagu simeen intaan ka soo gaareyno”, waxaana uu sheegay in ay dagaal la geli doonaan Isbahaysiga loog dhawaaqay Muqdisho. Dhinaca Kale Maxkamadaha Islaamiga ayaa cagta mariyey halkii fariisinka u ahayd ninkii uu dagaalka ka billowday ee Cabdi Waal, iyagoo halkaasi ku qabsaday laba Tikniko ah iyo dhowr maleeshiyo ah, isagana lama garanayo halkii uu ku dambeeyey       Max’ed Dheere oo ah Guddoomiyaha G/Shabeellaha Dhexe ayaa eedda dagaalkan dusha uga tuuray Max’ed Qanyare Afrax, wuxuuna yiri “Awood ayuu dulmiyay, awooddii ayaana maanta heysata, wuxuu ka helo ayuuna leeyahay. Max’ed Dheere wuxuu sheegay in wixii dhibaato ah ee ka yimaada dagaalkaasi uu dusha u ridan doono Max’ed Qanyare. Wasiirk Dowladda Badda iyo Dekedaha Max’ed Jaamac Furux ayaa isagoo ku sugan Gaalkacyo, una warramayay Warbaahinta ayaa waxa uu ku tilmaamay Isbahaysiga Muqdisho looga dhawaaqay mid Ceebeed oo loogu gefay Diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed “iyagoo Wasiirro ah ma ahayn in ay maanta Madaafiic la dhacaan shacabka Soomaaliyeed oo ka daalay dagaallada sokeeye”, waxaana uu intaa raaciyey “Gacmaha ayaa na cun-cunaya ee culumadu ha nagu simeen intaan ka soo gaareyno”, waxaana uu sheegay in ay dagaal la geli doonaan Isbahaysiga loog dhawaaqay Muqdisho. Dhinaca Kale Maxkamadaha Islaamiga ayaa cagta mariyey halkii fariisinka u ahayd ninkii uu dagaalka ka billowday ee Cabdi Waal, iyagoo halkaasi ku qabsaday laba Tikniko ah iyo dhowr maleeshiyo ah, isagana lama garanayo halkii uu ku dambeeyey.

Sidoo kale Yuusuf Mira Seeraar oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa isna cambaareeyay isbahaysigaasi kuna tilmaamay mid la doonayo in Soomaaliya loogu horseedo dagaal isla markaana lagu hor istaago kulanka Baarlamaanka oo ka dhacaya Magaalada.

Sidoo kale bulshada rayidka ah ayaa cambaareeyay isbahaysigaani iyo waliba dagaalada ka soo cusboonaaday agagaarka kulyadii hore ee Jaale Siyaad, waxayna ka codsadeen labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan oo ay wada hadal arrinta ku dhameeyaan.

WAR CUSUB: Waxaa warar Jowhar k aimanay sheegeen in Maxamed dheere uu sheegay hadal cusub oo ah in uu dagaalka gelayo oo taageerayo "isbahaysiga Argaggixisada".

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Natiijooyinka Ciyaarihii Maanta ee Finland.
 
Ciyaarahan oo Saaka ka bilawday Garoonka Myyrmaki Oo ku yalaana Helsink Vantaa. Waxaana isla maanta dhacay sadex ciyaarood oo ay ka qayb galeen 6 Koox.
 
Kooxaha Maanta ay Natiijadu ahayd Sidatan:
 
Oslo Norwey (6)        Vs    Banadir Sweden (1)
Somali Finland(6)       Vs    Edmonton Uk (2)
Kanava Finland  (1)    Vs     London Star (3)
 
Bari Waxaa Ciyaaruhu ay dhexmari doonaan Kooxaha
 
Olympic Odens Vs Kanava Finland
Horseed Sweden Vs Somali Finland
Copenhegen        Vs Oslo Norwey.
 
Ridwaan Xaaji X Cabdiweli.
Helsink, Finland.
ridwanhaji@yahoo.com

Yaa Gacanta ku haya Garoonka Dayniile
»Warar Degdeg ah oo ku saabsan dagaalka Muqdisho..
»30 qof ayaa ku dhintay dagaalka "isbahaysiga Argaggixida"
»Maxamed Dheere oo eedayn kulul dusha uga tuuray Qanyare
»Mudane Furux: isbahaysiga Ceebeed waa la dagaalameynaa
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 20

Soomaalida Minnesota oo si weyn uga Qayb galay Bannaanbaxii Minneapolis
Warbixin iyo sawiro laga qaaday Bannaanbaxii lagu muujinayey Jacaylka Nebi Muxamed NNKH... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com Feb 21, 2006