Midowga maxaakiimta oo shalay si rasmi ah
ula wareegay garoonkii diyaaaradaha Muqdisho...
Midowga Maxaakiimta oo maalmahan guulo wax ku
ool ah ku gaaray Gobalka Banaadir ayaa maalintii shalay ahayd waxay si fudud
kula wareegeen garoonkii Weynaa ee diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo isagu
mudo gacanta ugu jiray kooxo maleeshiyo ah oo aan cidna ka amar qaadan.
Ciidamo ka tirsan golaha Maxaakiimta
Islaamiga ah oo wata dhowr tikniko ah ayaa tagay garoonkaasi, iyadoo hor
joogihii Kooxda Maleeshiyada ahayd ee haysatay garoonkaasi uu ku warejiyay
Garoonka Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.
Garoonka oo isagu u baahan dayactir aad u
xoogan ayaa waxaa lagala baxay dhagxaantii iyo carradii ku jirtay Garoonkaasi,
taasoo loo iib geeyay suuqyada Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in
saacadaha soo socda Midowga Maxaakiimtu la wareegaan Dekedda Weyn ee Magaalada
Muqdisho oo halbowle u ah dhaqaalaha bulshada ku nool Magalada Muqdisho.
Sheekh Shariif “Waxaan doneynaa in aanu la
wada hadalno cid kasta..”
Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga maxaakiimta
Islaamiga ah iyo dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah aya shalay kulan ku yeeshay
Hotel Naaso Bahlood, waxaana kulankaasi looga hadlay is bedelka cusub ee ka
dhacay Magaalada Muqdiso oo ay sababteeda leeyihii midowga Maxaakiimta, kadib
markii ay ka adkaadeen qabqablayaashii dagaalka ee mudada 16-ka sano ahayd
dhibaatada ku hayay Bulshada Soomaaliyeed.
Kulankaan oo socday dhowr saacadood ayaa
waxaa lagu lafa guray sidii loo adkeyn lahaa Nabadgelyada Magaalada Muqdisho,
isla markaana loo furi lahaa ilaha dhaqaalaha ee Gobalka Banaadir.
Xubnihii ka qaybgalay kulankaasi ayaa waxay
isku afgarteen in la magacaabo guddi ka kooban 11 xubnood kuwaas oo ka soo
baaraandega sidii maamul loogu sameyn lahaa Gobalka Banaadir, loo furi lahaa
ilaha dhaqaalah, isla markaana dib loogu dhisi lahaa wadooyinka iyoi goobaha
kale ee adeega Bulshada.
Guddigaas shan ka mid ah waxaa qaatay Golaha
maxaakiimta Islaamiga ah, labo waxaa qaatay bulshada rayidka ah, labo kalana
waxaa qaatay ganacsata, labada kalana waxaa loo magacaabay dad magac ku leh
Magaalada Muqdisho, waxaa kaloo la isku afgartay in si wadajir ah looga hortago
cid kasta oo ku soo xadgudubta qarannimada Soomaaliya.
Maanta oo la filayo in
Magaalada Baydhabo ay soo gaaraan ..
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maanta la filayo in magaaladaasi ay soo
gaaraan wafdi ka socda Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD
iyo Qaramada Midoobey kuwaas oo la filayo in ay u kuur galaan xaaladda
Soomaaliya.
Wafdigaan ayaa waxaa uu kulamo
la yeelan doonaan Xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo ay isla soo
qaadi doonaan sida loo dhameystiri lahaa wada xaajoodka u dhexeeya Dowladda iyo
Golaha Maxaakiimta.
Wafdigaan ayaa kadib waxay u soo
gudbi doonaan Magaalada Muqdisho oo kulamo kula yeelan doonaan Golaha
Maxaakiimta Islaamiga ah sidii ay iyana isula meel dhigi lahaayeen sidii heshiis
dhab u dhex mari lahaa labada dhinac.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo qabsaday
Magaalada...

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian
Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha
Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd
arrimaha Afrikaanka, taas oo uu
July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga
socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood
soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee
dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Khudabada Warbixinta Khudbada Annan ka akhri halkan...

|
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Buula Xaawo ee Gobalka Gedo waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah
oo aad u hubeysan ay shalay gebi ahaanba la wareegeen Magaalada Buula Xaawo.
Ciidamadaan ayaa waxay Magaalada
ka degeen dhowr meelood oo ku yaala duleedka Magaalada Buula Xaawo, hase yeeshee
dadweynaha ku nool Magaalada Buula Xaawo ayaa dareen xoog leh ka muujiyay soo
gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Buula Xaawo.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxay
xoog ku forteen gawaari siday Muwaacino oo ay lahayd Hay’adda CARE kuwaas oo ay
haysteen kooxo burcad ah oo gawaaridaas ku doonayay lacag aad u fara badan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo
ay ciidamada Itoobiya soo galaan dalka Soomaaliya, waxayna wararka qaar
sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Baydhabo oo
xarun u ah Dowladda Federaalka.
Mas’uul u hadlay Dowladda
Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee galay Soomaaliya ay
yihiin kuwo doonaya in ay difaacaan Dowladda Federaalka.
Qaybaha kala duwan ee bulshada
ku nool Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u cambaareeyay qabshada Ciidamada
Itoobiya ee degmada Buula Xaawo.
Midowga maxaakiimta oo maanta la
filayo in ay la wareegaan Garoonka Jasiira...
Warar aanu helnay ayaa waxay
sheegayaan in Maanta lagu wado in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah si rasmi ah
loogu wareejiyo Garoonka Diyaaradaha ee Jasiira ee ku yaala Duleedka Madiina oo
mudooyinkaan dambe isticmaali jireen xubnihii ka tirsanaa Isbahaysigii "la
dagaalanka Argagixisada".
Garoonkaan ayaa la sheegay in uu
muhiimad gaar ah ugu fadhiyo Midowga Maxaakiimta, waxa uuna noqonayaa garoonkii
ugu dambeeyay oo ay Maxaakiimta la wareegaan Garoomada Diyaaradaha ee ku yaala
magaalada Muqdisho, waxayna maalintii shalay ahayd la wareegeen garoonkii weynaa
ee Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay horey ula wareegeen garoonka
Diyaradaha ee Cisaley iyo Garoonkii Diyaaradaha ee Dayniile, waxaana la filayaa
in maalmaha soo socda si rasmi ah ula wareegaan Dekedda Weyn ee caalamiga ah ee
Magaalada Muqdisho.
1-da Luulyo oo si aad ah
looga xusay Soomaaliya
Habeen hore iyo shalay ayaa
waxaa si weyn dalka looga xusay sanadguuradii 46-aad ee ka soo wareegtay markii
xoriyadda qaadatay Koofurta Soomaaliya, waxaana ku lamaansanaa Markii Waqooyi
iyo Koofur ay midoobeen.
Xaruna Xisbiga ee Magaalada
Muqdisho ayaa habeen hore waxaa ka dhacay Calan saar uu ka qaybgalay Duqa
Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaabow, waxa uuna sheegay in maanta
ay tahay maalin ku weyn bulshada Soomaaliyeed.
Wararka ka imaanaya Magaalada
Bay dhabo waxay sheegayaan in Guddoomiyaha iyo Ra’isul Wasaaraha ay ka
qaybgaleen xaflad lagu maamuusayay sanadguuradii 46-aad ee ka soo wareegtay
markii ay xoriyadda qaateen Gobalada Koonfureed, isla markaana ay midoobeen
Waqooyi iyo Koofur, hase yeeshee xusaskaan iyo fantasiyahan waxay ku soo
beegmeen xili ay ciidamada Itoobiya ku soo xadgudbeen dhulka Soomaaliya, waxayna
ku tusineysaa in 46-sano kadib ay Ciidamada Itobiya haweystaan in ay soo galaan
gudaha wadanka Itoobiya, taasoo la sheego in ay ugu wacan tahay burburkii ku
yimid ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, iyo waliba dad daba dhilif u ah kuwaas
oo aan garaneyn qiimaha qarannimada Soomaaliyeed oo la dhihi karo waxaan ku
daatay dhiig aad u fara badan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jul 2, 2006
Dr. Max’ed Cali
Ibraahim “U maleyn maayo in heshiiskaasi uu burburi doono..
»Ciidamo Itoobiyaan
ah oo soo galay qaybo Gobalka Gedo…
»Maxkamad Islaami ah
oo la filayo in looga dhawaaqo...
»Sheekh Xasan Daahir
“Ummaddii i dooratay ayaa...
Wararka oo dhan
ka akhri halkan.... Guji....
Jul 1
Xisbiga Ramaas oo
Bayaan ka soo Saaray Garoowe
Waxana uu xisbiga Ramaas shaaca ka qaaday in...
Guji....