SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

XORAYNTII SOOMAALI GALBEED & SOOMAALI ABOW::
GUJI BATOONKA HOOSE (DHEXDA)
si aad u daawatid Filimka
 

Wararkii July 22, 2006

  • Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay ku faraxsan tahay in ay gasho wadan Carbeed..

  • Dowladda Federaalka oo ku kala qaybsantay Ciidamada Itoobiya..

  • Warar ku saabsan Ciidamada Itoobiya ee soo galey soomaaliya..

  • Dowladda oo Ciidamada Itoobiya kula talisay in…

  • Sheekh Shariif oo la sheegay in uu dib ugu yeeranayo xubnihii ka joogey....

  • Golaha Maxaakiimta iyo Isbahaysiga SNA oo uu socdo wadahadal...


Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay ku faraxsan tahay in ay gasho wadan Carbeed..

Wargeys ka soo baxa wadanka Itoobiya oo ay leeyihiin kooxaha mucaaradda ayaa wax ka qoray ciidamada Itoobiya ee galay gudaha dalka Soomaaliya, waxa uuna wargeysku sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku xadgudubeen shuruucdii iyo axdigii u yiilay Midowga Afrika iyo kan wadamada IGAD kaddib markii Ciidamadooda ay amar la’aan iska galeen gudaha wadanka Soomaaliya. Wargeyska oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay galeen wadanka Soomaaliya wax loogu yeeray sidii ay u difaaci lahaayeen Dowladda Federaalka, hase yeeshee wargeyska isagoo soo xiganaya mas’uul ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Itoobiya ayaa waxa uu yiri “Aad baan ugu faraxsan nahay in Ciidamada Itoobiya ay galaan wadan ka mid ah ama ku jira Jaamacadda Carabta”, waxa kaloo uu sheegay in Wargeysku in ciidamad Itoobiya ee galay Soomaaliya tiradoodu ay haatan gaareyso ilaa iyo 5-kun oo askari, waxa uuna hoosta ka xariiqay in laga yaabo in ciidamada Itoobiya iyu kuwa Ereteriya ay ku dagaalamaan gudaha dalka Soomaaliya iyagoo kala taageeray Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga. Xisbiyada Dalka Itoobiya ayaa horey uga digay Dowladda Itoobiya aysan ku deg degin gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, waxayna sheegeen in arrintasi ay keeni karto in Dadka Muslimiinta ah ee ku nool gudaha dalka Itoobiya ay kacaan kana xumaadaan ciidamada Itoobiya ee galay Soomaaliya. Gen. Max’ed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiishii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in aysan daah cidna ka saareyn in Ciidamada Itoobiya ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in ciidamadaasi gelidii ay soo galeen Soomaaliya ay saameyn ku yeelan doonto Wadamada Geeska Afrika, Yurub, Ameerika iyo jaamacadda Carabta, waxa uuna u soo jeediyay Ciidamada Itoobiya ay si dhaqsi leh uga soo baxaan gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka oo ku kala qaybsantay Ciidamada Itoobiya..

Ciidamada Itoobiya ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya horeyna u sheegay in ay difaaci doonaan Dowladda Federaalka ayaa wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo, waxay sheegayaan in Dowladdu Federaalku ay si weyn ugu kala qaybsantay ciidamada Itoobiya ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Baydhabo.

Qaarkood waxay sheegeen in Dowladdii Federaalka ahayd ay magan u noqotay Dowladda Itoobiya, iyagoo sheegay inay isaga bixi doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan Magaalada Baydhabo, waxaana ugu badan kuwa diidan Ciidamada Itoobiya, Xubnaha Golaha Baarlamaanka.

Wasiir ku xigeenka War-faafinta Salaad Cali Jeele ayaa gebi ahaanba dafiray in Ciidamada Itoobiya ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay ciidamada ay dadku arkeen ay yihiin kuwo Soomaali ah oo laga keenay gobalka Gedo loona keenay Magaalada Baydhabo tababar dhianca ciidamada ah.

Cabdi Cabdule Siciid (Jini Boqor) oo ah Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee soo galay Baydhabo ay yihiin kuwo wata dano gaar ahaaneed, isagoo sheegay in aysan ahaynba kuwa difaacaya Dowladdda Federaalka.

Warar ku saabsan Ciidamada Itoobiya ee soo galey soomaaliya..

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo, waxay sheegayaan in qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Baydhabo ay xaqiijiyeen in Ciidamada Itoobiya ay soo galeen Magaalada Baydhabo, lana dejiyay xero ay horey u degaanan jireen maleeshiyadii RRA-da oo la oran jiray Ceel-Doon, waxayna sheegeen in ay wataan ilaa iyo 100 Gaari oo tikniko ah, qaar kale waxay noo sheegeen in Ciidamada Itoobiya la dejiyay meel ku dhow deegaanka Daynuunaay 20Km u jirta Magaalada Baydhabo.

Jeneraalka loo xil-saaray howlgalka ciidamada Itoobiya ee soo galay Soomaaliya ayaa kulan saacado waxa uu la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, waxyana isla soo qaadeen qaabka ay wada shaqeyn u dhexmari karto Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya.

Calankii hore ee Itoobiya

Calanka cusub ee Itoobita

et adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 (oo ah intii ay Soomaaliya ku jirtey burburka) sida kamuuqata sawirka sare waxaa dhexda kagajira xidig shangees ah oo kudhexjirta qayb buluug ah. Sida hoos kamuuqata Calanka Soomaaliya waa buluug xidig dhexda kagajirto.

Taariikhda Calanka Soomaalida

 



Websiteka W/A/D Itoobiya

Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya iyo Calaamadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya...

Wasaaradda Arrimaaha Dibada Itoobiya ayaa websitekooda rasmiga ah ku daabacay qoraal ah in "Soomaalidu ku jiraan riyo maran oo ku saabsan Soomaaliya oo midaysan", waxana ay websitekooda dhanka sare kaga sawireen khariidad ay Itoobiy aku darsadeen qaybo kamid ah Soomaaliya, sida qaybo ka mid ah gobolka Gedo, Gobolada dhexe, Gobolada Woqooyi Bari iyo Woqooyi Galbeed iyo dalka Jabuuti.. Febraayo 6, 1996 (oo ah intii Soomaaliya ku jirtey dagaalkii ahliga ahaa) ayey ahayd markii Itoobiya bedeshey calankeedii, kuna soo siyaadisey xiddigta shanta gees leh oo la dhex geliyey calanka Itoobiya. [Eeg calanka cusub ee Itoobiya iyo xilligii la sameeyey].

Qoraalka dheer ee ay Itoobiya ka qortay siyaasadeeda ku aadan Soomaaliya waxa ay ku xustay sida ay u damacsan tahay adeegsiga dekedaha Soomaaliya, si joogto ah, taas oo ay u malayneyso in ay taasi ku hir geleyso xiriirka ay la leedahay dowladda cusub, si, ayay yiraahdeen, ay u xidido saarto waxa ay ugu yeereen dhaqdhaqaaqyada nabad diidka ah ee ka soo ankumaya Soomaaliya. Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya (inta ay si waadax ah u sheegeen) ee ay qortay wasaaraddooda arrimaaha dibadda ka akhri qoraalkan: Ethiopia's policy towards Somalia  iyo Ethiopia's policy towards Somalia Continued...

English:: Dhegeyso: itoobiya waxa ay diidan tahay Guusha maxkamadaha Islaamiga..


Dowladda oo Ciidamada Itoobiya kula talisay in…

War aanu ka helnay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed diidayna magiciisa ahna Xildhibaanada sida weyn uga soo horjeeda ciidamada Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Baydhabo, waxa uuna sheegay in ay yihiin kuwo si aad ah u hubeysan.

Xildhibaankaasi waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay kula talisay ciidamada Itoobiya in mar hore ay gacanta ku dhigaan garoonka Diyaaradaha ee Ballidoogle oo uu sheegay in garoonkaasi uu yahay garoon muhiim u ah arrimaha Ciidamada, kaasoo ciidamada u sahlaya weerarada xagga xirka ah.

Golaha Maxaakiimta ayaa la sheegay in ciidamo aad u xoogan ay haatan u fadhiyaan Garoonka Ballidoogle, maadaama dhawaan si rasmi ah loogu wareejiyay Garoonkaasi oo markii hore ay lahaayeen Ciidamadii cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif oo la sheegay in uu dib ugu yeeranayo xubnihii ka joogey....

Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la sheegay in uu warqad qoraal ah u diray xubnaha Golaha Maxaakiimta ee ku sugan Magaalada Khartuum oo halkaasi u jooga sidii ay wada hadal ula yeelan lahaayeen Dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Sheekh Shariif ayaa warqaddiisa qoraalka waxa uu ku sheegay in xubnaha matalaya golaha Maxaakiimta ay si dhaqsi leh dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho, maadaama ay Dowladda Federaalku dalka soo gaisay ciidamo Itoobiyaan ah.

“Marnaba la xaajoon-meyno Dowlad dabada ku wata cadowga Ummadda Soomaali-yeed” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in Golaha Maxaakiimtu aysan ka bixin ballantii ahayd ka qaygalka kulanka Khartuum, balse ay si weyn uga soo horjeedaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed intooda badan ayaa si weyn uga soo horjeeda ciidamada Itoobiya ee ku soo duulay gudaha dalka Soomaaliya, qaarkoodna waxay sheegeen in wixii haatan ka dambeeya aysan aqoosaneyn Dowladda Federaalka ee martida u ah Ciidamada Itoobiya.

Salaad Cali Jeele oo ah wasiir ku xigeenka War-faafinta ayaa si weyn u dafiray in Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamada soo gaaray Magaalada Baydhabo ay yihiin ciidamo laga keenay Gobalka Gedo, kuwaas oo loo tababaro sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka deegaanadii ay ka yimaadeen.

Golaha Maxaakiimta iyo Isbahaysiga SNA oo uu socdo wadahadal...

Golaha Maxaakiimta ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Muqdisho ayaa haddana waxay golaha Maxaakiimtu isha ku hayaan xaruntii Madaxtoonyada ee Villa-Somalia iyo waliba Idaacaddii Jamhuuriyadda Soomaaliya oo haatan ay gacanta ku hayaan Isbahaysiga SNA ee uu hogaamiyo Xuseen Caydiid, waxaa lagu waramay in labada dhinac uu haatan u socdo wada hadal la doonayo in Golaha Maxaakiimta lagu wareejiyo xarumahaasi.

Mas’uul ka tirsan Golaha Maxaakiimta ayaa waxa uu sheegay in Wada hadalku uu haatan marayo meel aad u wanaagsa, miro dhalkoodana la dareemi doono maalmaha soo socda.

Isbahaysiga SNA ayaa horey u sheegay in ay diyaar u yihiin in Golaha Maxaakiimta ay diyaar u yihiin in ay ku wareejiyaan Villa-Somalia iyo xarumaha kale ee halkaasi ku yaala.

Maalintii shalay/doraad ahayd ayaa Golaha Maxaakiimta lagu wareejiyay Tikniko iyo kooxo maleeshiyo ah oo ay lahayd Maxkamadda Islaamiga ah ee Siinaay taasoo haatan si rasmi ah uga mid noqotay Golaha Maxaakiimta.

Golaha maxaakiimtu marka ay la wareegaan dhamaan goobaha muhiimka u ah Gobalka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in ay dib u furi doonaan dibna u howlgeli doonaan dhamaan saldhigyadii Booliiska, sidoo kale waxa ay Maxaakiimtu dadka degan ka saari doonaan dugsiyadii Dowladdii hore oo haatan hoy ah dad aad u fara badan.

AKhri: Oct 14, 2005: Shirkii ugu dheeraa Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee Embaghati oo ku dhamaaday in Somaliya loo gacan galinayo Itoobiya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
C/lahi Yuusuf oo aan Saxiixin Heshiiskii Puntland & Range Resources...
ayaa ku laabtay Baydhabo arrintaas oo.... AKHRI July 21

Sheekh Shariif “C/llaahi cid ku heysata madaxweyne-nimada ma jirto...”
»Indhacadde, “waxaan weerareynaa Adis Ababa haddii...”
»Safiyo Xiiray: Waxaan Kanada uga imid sidii aan aqoonteyda
»Siminaar Cudurka AIDS-ka oo loo qabtay Suxufiyiin....
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu arkay Magaalada Baydhabo….
»"Itoobiya oo isu diyaarisay in ay ku duusho Soomaaliya"...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji..... July 21

Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka Sweden oo qoraal ay qortay dood dhaliyey

Golaha Wakiilada DG Puntland oo Doortay Gudoomiye Cusub
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa loo doortay... Akhri...
Safiyo Xiiray “Waxaan Kanada uga imid sidii aan carruurta soomaliyeed uga faa’iideyn lahaa aqoonteyda”

Waxaa dhawaan Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee premier Education lagu qabtay xaflad ku saabsaneyd gebagabadii sanad dugsiyeedkii 2005 iyo 2006, waxaana xafladdaasi ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay gobalka Banaadir, Dalladaha waxbarashada, waalidiinta iyo ardayda wax ka barata dugsigaasi, waxaana halkaasi warbixin ka soo jeediyay maamula dugsigaasi Safiyo Xiiray Qaasin oo sheegtay in Dugsiga mudadii yareyd ee uu furnaa maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan carruuta la keenayo , waxayna sheegtay in mudadaasi ay Ardaydu wax badan ka faa’iideen waxbarashadii, iyagoo qaarkoodba la dhihi karo waxay la heer yihiin ardayda dugsiga sare sida ay sheegtay.

“In Dugsiga heerkaan uu gaaro waxaa gacan nagu siiyay waalidiinta, la’aantoodna wax aan wadi lahayn ma jirto’ ayay tiri Safiyo Xiiray oo intaa raacisay “waxaan uga imid wadanka kanada sidii aan aqoonteyda aan uga faa’iideyn lahaa carruurta Soomaaliyeed oo mudo 16 sano ay ku dhacday waxbarasho la’aan”, Safiyo waxay kaloo sheegtay in dugsiga uu ku shaqeeyo Manhajka wadanka Kanada, iyadoo sheegtay in sababaha ay u doorteen ay tahay sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen heerka aqoonta carruuta, sidoo kale waxay sheegtay in carruurta ay baraan Tarbiyada Islaamka.

Xafladdaasi ayaa waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir Maxamuud Cumar Tuutoow oo u mahadceliyay intii gacanta ka gaysatay furitaanka dugsigaani, waxana uu u rajeeyay maamulka iyo Macallimiintaba in halkaasi ay ka sii wadaan howlahooda.

 
 

Gebagabadii xafladdaasi ayaa Macalliminta wax ka dhigta dugsigaasi iyo ardaydii gashay kaalimaha hore la guddoonsiiyay abaalmarino kala duwan iyo shahaadooyin, waxaana waalidiinta Ardaydu u mahadceliyeen Macallin Safiyo Xiiray, waxay sheegeen in ay wax weyn u qabatay bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay ku soo dhiiratay in ay dalkeeda timaado waxna barto Caruurta Soomaaliyeed, waxa uuna dugsigaani dugsiyada kale dheeryahay iyadoo carruuta ay qaataan casharo la xiriira dhinaca Kumbuyuutara, waxaana dugsiga yaala Kumbuyuutaro, waxaadna arkeysdaa cunug yar oo ilaa iyo 7-sano jir ah, oo si wanaagsan u yaqaana ama fahamsan Kumbuyuutarka.

Siminaar ku saabsan Cudurka AIDS-ka oo loo qabtay Suxufiyiin ka kala socotey qaybaha waarbahinta….



Waxaa maalintii shalay ahyad xarunta horumarinta Haweenka ee IIDA lagu soo gebagabeeyay siminaar socday mudo saddex maalmood ah o ay ka qaybgaleen qaybaha warbaahinta ee magaalada Muqdisho, waxaana siminaarkaasi iska kaashaday Hay’adda IIDA iyo Hay’adda CONCERN.

Siminaarkaasi oo lagu baranayay casharo la xiriira qaabka ugu haboon ee looga hartagi karo cudurka Aids-ka oo la sheegay in waqtiyadaan uu ku soo badanayay Dalka Soomaaliya oo laga helay 1%.

Madaxa mashruuca Xaawo Ciise Weheliye oo ka mid ahayd macallimiintii casharada ka jeedineysay siminaarkaasi ayaa waxa ay si aad ah ugu dheeraatay siyaabaha ugu haboon ee looga hortagi cudurkaasi iyo sida loo kala qaado, waxayna sheegtay in bahda Warbaahinta ay yihiin kuwa ugu fudud ee bulshada ka wacgelin kara halista Cudurka Aids-ka.

Macallimiintii kale ee iyana casharada ka bixiyay waxay kala ahaayeen, Xaliimo Sacadiya Sheekh oo iyana si aad ah u faahfaahisay cudurada Bulshada waxayna soo qaadatay Cudurka Waraabowga iyo Jabta oo ay sheegtay inay yihiin kuwo inta badan keena dhalmo la’aanta, isla markaana xiriir la yeelan kara cudurka Aids-ka, waxaa kaloo iyana halkaasi ka hadashay Macalimad Duniyo, waxayna halkaasi ka jeedisay casharo la xiriira sida uu dunida ugu faafayo cudurkaasi, gaar ahaan wadamada Saxaraha ka hooseeya, waxayna sheegtay in Soomaaliya ay deris la yihiin wado uu ku badan yahay cudurkaasi, loona baahan yahay in warbaahintu ay ka bixiyaan baraarujin aad u baahsan si bulshada looga digo cudurkaasi oo aan ilaa iyo haatan loo helin wax daawo ah.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2006


Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD