SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII JUNE 2, 2006

  • Waftiga Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Liibiya
  • MAAMULAHA DUGSIGA MAKA AL MUKARAMA ” WAXAA INOO SOCONAYO IMTIXAANKII SHAHAADADA DUGISGA DHEXE LOOGA BAXAAYEY .
  • Wefdi ka socda Dowlada Soomaaliya oo soo gaaray Sweden

Waftiga Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Liibiya

Madaxweynaha dowlada federaalka kmg soomaaliya mudane C/laahi yuusuf axmed iyo wafdigiisa ayaa Khamiistii ka qeyb galay shirkii todobaad ee dowladaha siin-saad ama saaxil-wasaxaraa oo ka dhacayey dalka libya, shirka ayaa waxaa furay madaxweynaha dalka libya mucamar al qadafi. Waxuuna madaxweynaha libya ka hadlay wadamada ka mid ah ururgoboleedkan ee dhibaatadu haysato dalalkooda sida eretaria, daafuu,r soomaaliya, qaasatan waxuu ka hadlay dalka soomaliya sidii looga qaban lahaa amaan darida ka jirto iyo dhibaatada iyo macluulsha, waxayna yabooheen dowladaha saaxil wasaxaraa in ay soomaliya la garab tagan yihiin cidamo iyo weliba taageero, waxaana loo saaray guddi ka soo shaqeeyo arimahaas waxaana soomaaliya ugu jira gudigaas ismaaciil maxamuud hurre buubaa oo ah raiisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka iskaashiga gobolada shirkan oo ku eg gebi ahaanba maalinta beri ah ayaa u muuqdi mid ahmiyad iyo guul weyn ugu fadhiya dowlada dalka soomaliya gaar ahan dowlada federaalka soomaaliya

wafuudi ka soo qeybgashay shirka dhamaan waxaa xalay loo sameeyey casho sharaf cashadaasi oo uu u sameeyey madaxweynaha martida loo yahay waxaa dhanka soomaliya ka qeyb galay ismaaciil maxamuud hure buuba, madane salaad cali jeelle iyo xubno kale .

Wafdiga ka soo qeybgalay shirka ayaa ka kooban 15 xubnood oo isgu jira safiiro iyo wasiiro, xildhibaan iyo xoghayn la taliyeyaal shirkan oo Jimcada xirmaya.

Saciid anteno
saciidanteno@yahoo.com

MAAMULAHA DUGSIGA MAKA AL MUKARAMA ” WAXAA INOO SOCONAYO IMTIXAANKII SHAHAADADA DUGISGA DHEXE LOOGA BAXAAYEY .



Dugsiga h/dhexe ee maka al mukarama wuxuu ku yaalaa degmada yaaqshiid ee magalada muqdisho, Wuxuu hoostagaa dalladda FPENS waxaana iska kaashaday hirgalintiisa dhalinyarada islaamka ah iyo bangiga horumarinta islaamka.



Waxqabadka dugsiga waxaa ka mid ah aqoon kororsi ,warfaafinta, caafimaadka, sportiga



Wuxuuna qeyb ka yahay ilaa afar dugsi oo kale ah dugsiga h/dhexe iyo sare ee macalin jaamac ,dugisga h/dhexe iyo sare ee janaraal daauud , dugsiga h/dhexe iyo sare ee jaabir bin xayaam oo isagu waxbarasdhadiisu ay tahay luqada englishka

Waxaana gacan ka geysta dhaqaalihiisa waalidiinta ardayda oo bixisa bishiiba $10 dolar oo fii ah tan iyo markii la aasaasay waxaa ka qalin jabisey arday gaareyso 450. arday wuxuu ku sheegay dhibaatooyinka ku soo noqnoqdo xabadaha iyo dagaalada sokeeye oo uu ahaa kii ugu danbeeyey ee dib u dhac ku sameeyey qabashada imtixaanaadka mudo todoba cisho ah.


Cabdulahi maxamed maxamuud ( QOSLAAYE ) oo Ah maamule ku xigeenka dugsiga h/dhexe ee maka al mukarama ayaa ii sheegay in wax barashadu ay laba u qeybsan tahay koorso degdeg ah iyo waxbarsho caadi maadooyinka la dhigo ayuu sidoo kale ku sheegay qoslaaye in ay ka mid yihiin xisab, joqrafi, taariikh, seynis, caafimaad, tarbiyo wadaniya = oo la mid ah muxaadirooyin.

Sidoo kale wuxuu maamule ku xigeenku intaa ku daray in dugsigu uu heysto sadax shahaado sharaf oo uu ku helay howl Karnimo dheeraad ah waxeyna kala yihiin shgaahaadooyinkaasu (1) mid uu ku helay ciyaaraha fudud (2) mid uu ku helay baaskidka (3) iyo mid uu ku helay akhrinta quraanka kariimka ah



Maamulaha dugsiga h/dhexe ee maka al mukarama cabduqadir maxamed xasan ayaa sheegay in ay u socdaan ardada dugsigaasi imtixaankii shahaadada dugsiga dhexe looga baxaayey isaga oo sheegay in talaadada la soo gabagabeyndoono wuxuuna xusey in dugsigaani uu ka mid yahay jimciyada maka al muka rama ee ka tirsan dalada Fpens isaga oo xusey in ay waxka bartaan arday kor u dhaafeyso 530 oo kala ah 390 arday oo lab ah iyo 140 dhedig ah labada gelinba ayna wax ka dhigaan macalamiin gaareyso 15 oo jaamiciyiin ah .

Wuxuu sheegay maamuluhu in dugsiga maka al mukarama oo la furey sanad dugsiyeedkii 2003/2004 uu sanadka danbe ku soo biiri doono qeybta dugsiga sare oo hada ardada dhameysatey ay waxbarashada dugsiga sare ku qaataan dugsiga h/dhexe iyo sare ee macalin jaamac oo ay ka wada tirsan yihiin jimciyeda maka al mukarama .

Cabduqadir maxamed xasan wuxuu sheegay in wada shaqeyn wanaagsan ay kala dhaxeyso dadka deegaanka degmada yaashiid ee uu dugsigu ku yaalo wuxuuna xusey in ay ka xun yihiin iyaga iyo waalidiintuba dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka sii sii ee hakadka geliyey howlihii imtixaanaadka dugsigaasi .

dugsiga maka al mukarama ayaa ka kooban 13 fasal waxaana la dhigtaa 5 cisho todobaadkii iyada oo ardayduna ay ku qaataan maadooyinka tarbiyada islaamka, luqada carabiga, somaliga. Juqrafiga, xisaabta , taariikhda ,iyo sayniska wuxuuna u rajeeyey ardayda ka qeybgalaysa imtixaanka shahaadada dugiga dhexe guul iyo natiijo wanaagsan




Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Mogadishu – Somalia
002521576666
002521653623


Wefdi ka socda Dowlada Soomaaliya oo soo gaaray Sweden

Ikraam Cali-kaar

Wefdi uu hogaaminayo wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlada KMG ah ee Soomaaliya C/risaaq Cismaan Jurile iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada ayaa habeenkii xalay ahaa waxey soo gaareen magaalada Stockholm ee caasimada Sweden, halkaasoo maanta uga bilowday booqasho qaadaneysa labo cisho.

Ujeeda wefdigan ayaa la sheegay iney dowlada Sweden ay kala tashanayaan shirka loogaga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Adduunka, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub kaasoo lugu wado inuu qabsoomo dabayaaqada sanadkan aynu ku jirno.

"Waa wax aad u wanaagsan inaan hada helno fursad suurtagal ah oo aan kaga doodno xaalada iyo isbadalada siyaasadeed ee haatan Soomaaliya lugaha la gashay si deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay gar gaarka u gaarsiiyaan" ayey tiri Annika Bjuner Söder oo ah afhayeenka dowlada Sweden islamarkaasina u xil saaran soo dhaweynta wefdiyada soomaalida ah ee dalkan imanaya.

Maalinta berito ah ayaa lugu wadaa in Annika Söder iyo wasiirka iskaashiga caalamiga ah shir jaraa'id ku qabtaan wasaarada arrimaha dibada Sweden halkaasoo ay kaga wadahadli doonaan waxyaabihii kasoo baxay kulanka ay madaxda Soomaalida la yeesheen mas'uuliyiinta dowlada Sweden.

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2006

Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo  dagaal kula wareegay Suuqa Xoolaha
»Gudoomiyaha Hay’adda INXA oo welina ku Xiran Bosaaso..
»Madaxweyne C/llaahi Yusuf oo Mareykanka ka dhaadhiciyay
»Max’ed Dheere oo ay la socdaan dhowr Tikniko ah oo soo..
»Colaado baryahan ka jiray Gobalka Hiiraan …
»Dalladda Culumada Soomaaliyeed oo u soo jeediyay in..
Wararka oo dhan ka akhri... Guji... Jun 1

Warar GooGoos ah: May 31
»Ugaas Max’edWali "Bashiir markii laga awood roonaaday..
»Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Sawiro iyo Warbixino u...
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka qaybgalaya Kulan ay ..
»Hay’adda ICRC oo ka dalbatay Muuse Suudi in uu...
»Guddoomiyaha G/Banaadir oo shalay soo gebgabeeyay..
»Max’ed Dheere oo lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay..
»Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Gaashaan oo...
»Xubnihii Golaha Deegaanka ee Baydhabo oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 31

Minneapolis/St. Paul: Wiil Soomaaliyeed oo 19-jir ah oo Toogasho lagu Diley


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD