SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Belaayaduba Baarlaamaankey Ahayde; Balanteennu waa Baydhabo...

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waxaan horay maqaal ahaan ugu soo qoray cinwaankii ahaa: Shariifka Xamar iyo kan Baydhabo kee raacnaa! Waxaan ku xusay maqaalkaas cidda Shariifka Baydhabo dooratay iney ahaayeen 275 xildhibaan ooy intooda badan soo xuleen dagaaloogayaashii laga guuleystay iyo kan aan weli laga guuleysan, korneyl C/hi. Maxaa ka wanaagsanaa khudbaddii uu sheekh Shariif ka hor akhriyey dadkii reer Jowhar? Waa hadalka dadka iimmaanka leh. 

Maxaa ciidamo shisheeye loo keenayaa? Soow shacabkii oo maxkamaduhu hormuud u yihiin iskama qaban wixii waddanka dhibka ku hayey 16 sano ee u dambeysay? Waxaan aamminsanahay markii xildhibaannadii iimmaanka la’aa (waa kuwa u codeeyey in shisheeye/Xabashi la keeno) arkeen in nimankii doortay iyaga  laga raayey sidoo kalana milicsadeen guulaha isdabojoogga ah ee maxaakiimtu gaartay kuna kasbadeen shacabkii Soomaaliyeed ayey u muuqatay ineysan helidoonin cid ay magaciis ku qaraabtaan. Xildhibaannadaasi iyagoo daneynaya dantooda shakhsiyeed ayey doorbideen intii dadkaas kheyrka lihi Soomaaliya xukumilahaayeen in ay Itoobiya u yeertaan si ay ugu cabiidiyaan shacabka Soomaaliyeed iyaguna u noqdaan xubno iska dhexfadhiya baarlammaan-ku-sheeg. 

Horay beynu usoo aragnay in seddexda nin ee dowladda u sarreeyaa aysan dan ka lahayn shacabka Soomaaliyeed. Waxaa u daliil ah iyadoo lagu jiro mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee soo mara Soomaaliya ayey shir iclaamiyeen iyadoo dadkii degenaa tuulooyinka hareerahooda ahaa ay gaajo u dhimmanayaan. Waxay diyaarado ku khasaariyeen malaayiin doolar oo shacabka abaartu heysay oo dhan biyo u deeqay. Sidoo kale dagaalladii lagula jiray isbaheysiga sharka waxba kama qaban. 

Awal waxay ciidamo shisheeye keenisteed u soo mariwaayeen afartii wasiir ee la casilay oo ay islahaayeen iyagoo jooga ma dhihi kartaan wadaado xag jir ah keliya baa diidan ciidan shisheeye. Hadda waxay aamminsanyihiin haddii 4-taas nin tageen in shacabka Soomaaliyeed oo dhami argagixiso yihiin eysanna mudneyn in wax la weydiiyo! Waxaa jirta qisadii nabi Daa’uud (CS) iyo labadii haweeney ahaa ee wiilka isku qabsaday. Nabi Daa’uud (CS) wuxuu u xukumay tii aan wiilka dhalin kaddib markay is-oohisay laakiin nabi Suleymaan (CS) baa howshii soo galay. Si uu nabi Suleymaan (CS) u ogaado midda wiilka dhashay ayuu yiri ha la ii keeno mindi si aan idiin ku kala gooyo. Taan wiilka dhalin raalli bey ku noqotay laakiin tii dhashay ayaa tiri nabigii Ilaahayoow iska sii iyada si wiilku u badbaado. Marka xildhibaannadii u codeeyey inaan ciidan shisheeye la keenin waa mahadsanyihiin. Maxaakiimta ayaa sidii nabi Suleymaan (CS) noo caddeeyey in xildhibaanno badan oo idaacadaha aan ka maqli jirnay oo qiiro iyo oohin muujinjiray iyagoo sheegaya ineysan rabin in la keeno ciidan shisheeye khaasatan kuwa safka hore ayaa waxaa dhowrkii maalmood oo u dambeysay la arkayey iney hal mar kala fireeyeen oo ay noqdeen kuwa ugu afdheer ee u ol’oleynayey in ciidan shisheeye Soomaaliya la keeno. 

Qofkii ka baqaya in dhaxalka laga qadsho wuxuu ku waashaa hala qeybiyo! Soomaali run bey sheegtay. Markii xildhibaannadii arkeen in howshey labo sano wax ka qabanwaayeen ay maxkamaduhu wax ka qabteen dabadeedna shacabkii gudo iyo dibadba soo dhoweeyey ayey waxay ka badinwaayeen in ciidan Xabashi la keeno si ay u helaan gunno iyo mushaar! 

Waxaa Ilaahay mahaddii ah in shacabka Soomaaliyeed baraarugay. Marka hadda waxay si dhaqso ah diyaar ugu yihiin in inta Baydhabo la qabto lakala diro xubnaha baarlamaanka loona raaciyo saaxibadoodii – isbaheysigii sharka. Xaggee ciidamada shisheeye ka soo degin? Teeda kale, danuubteennii baa tirobadatay marka waan u baahannahay cadow shisheeye oo Soomaaliya noogu yimaada si aan ula jihaadno oo aan Ilaahay ajar uga raadsanno. Waxaa qof kastoo Soomaaliya ku waajib ah in aan la seexan inta Baydhabo laga qabanayo dadka kusoo wada cadow shisheeye. Qof walba oo qurbaha joogoow waxaad ehelkiinna u direyso u raaci boqol doolar oo ku socota odayaasha iyo maxkamadaha si waddanka loo xoreeyo. Haddii kale aynu af la soo taagnaanno. Teeda kale yeysan maxkamadaha iyo shacabku kabaha iska bixin inta arrintaas khiyaamada qaran ah wax laga qabanayo. Runtii, khiyaamadani wey ka dhib badantahay tii isbaheysiga sharka maxaa yeelay dagaaloogayaashu waxay u socdeen keliya dad wadaaddo ahaa laakiin hadda xildhibaannadu waxay iibsadeen shacabkii Soomaaliyeed oo cid walba leh. 

Ilaahay idinkiis Baydhabo waxay ahayd meeshii korneylku uu ka galay Kenya 1978 markuu dhicisoobay inqilaabkii ay wateen. Markaas wuxuu heystay ciidankii qeybta 60 oo ka badnaa kuu hadda Baydhabo ku heysto. Marka waxaan Ilaahay ka rajeynayaa in markaanna uu ka taallaabidoono xuduudaha marka shacabka oo maxaakimtu hogaaminayaan ay Baydhabo u jiheystaan si khiyaamadaas qaran wax looga qabto. 

Waxaa la sheegaa in dagaalkii Uxud uu nabigu (SCW) uu soo saaray seef oo uu yiri: yaa xaqeeda siinaya? Dadkii usoo baxay waxaa ku jiray ina-eedihiis Subeer binu Cawaam laakiin ma siin ilaa laga siiyo Abuu Dujaanah. Subeyr wuxuu yiri anoo yaaban oo isleh muxuu adoo ina-eedihiisa kuugu diiday ayaan goostay bal inaan fiirsho waxa Abuu Dujaanah falo. Sidoo kale waxaa jiray nin mushrik ah oo qofkii muslim ah oo uu ku yimaadaba dilaya sidoo kalana dhaawaca muslimiinta is raacinaya. Markaasaan Ilaahay weydiistay in Abuu Dujaanah iyo mushrikaasi iska  horyimaadaan. Sidii bey noqotay laakiin markey labo seefood is dhaafsadeen ayaa  Abuu Dujaanah iska difaacay tii mushrika laakiin tiisii dishay mushrikii. Subeyr wuxuu yiri markaasaan gartay xigmaddii nabiga (SCW). Hadda waxaa fiican in C/hi Yuusuf oo wata wiilal ay isku qolo yihiin oo qaarkood dadkoodii kusoo xasuuqay Bari sidoo kalana soo dilay Suldaan Hurre ay ay iska horyimaadaan shacabka Soomaaliyeed oo maxkamaduhu horboodayaan Baydhabo si loogu dhammeeyo C/hi. Waxaan kula talinayaa in wiilasha Baydhabo joogaa ay ku noqdaan gobolkoodii. Iyagu Puntland bey ka yimaadeen ilaa haddana ma jiro hogaamiye reer Puntland ah oo ku biiray ururkii sharka marka waxay ka baqaan ma leh. Laakiin haddey taladaas diidaan haddee waxaa guuleysanaya kuwa kheyrka wada. Ha arkeen wixii qabsaday wiilashii dagaaloogayaashu soo waaleen. Marka hadday diyaar u yihiin in ay u dhintaan korneylka si uu qabsado Soomaaliya isagoo kaashanaya Xabashi  haddee adduun iyo aakhiraba waa hoogayaan. 

Marka shacabkoow yaan la baqin. Haddii xitaa adduunkoo dhami isu yimaado cidna wax nagama qaadikarto. Keliya waxaa nagu dhacaya wixii Ilaah noo qoray. Waxaan kaloo soo dhoweynayaa dagaaloogayaashii Xamar oo sheegay iney ka baxeen isbaheysigii sharka. Marka waxaan ka codsaneynaa iney hubka ku wareejiyaan odayaasha iyo maxkamadaha si wax looga qabto xildhibaann-ku-sheegga  khiyaamada qaran galay. Marka arrintaan oo kale waxay ku fiican  tahay degdeg. 

Waxaan ka baryeynaa Ilaaheennii u dhammeeyey dagaaloogayaashii Xamar iyo Jowhar inuu sidoo kale u gargaaro Soomaaliya oo nagu caawiyo inaan iska qabanno kuwa khiyaamada ka wada Baydhabo.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 14, 2006

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD