SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii June 24, 2006

  • C/llaahi Yuusuf “Waxaan ballanqaadeynaa in aanu fulino..”

  • Jaamacadda Carabta oo ballanqaaday in ay Soomaaliya…

  • Ciidamada Puntland ee ku sugan Gobalada Baay iyo Bakool oo loo digay …

  • Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiskii..

  • Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamo…

  • Salaad Cali Jeele “Dilkii Weriyaha waxaa ka..”

  • Baabuur gumaysiga lagaga gubay Balliga Marsin.


C/llaahi Yuusuf “Waxaan ballanqaadeynaa in aanu fulino..”

Madaxweyana DFKMGS Cabdilahi Yusuf Axmed oo saxaafada la hadlayey kadib markii ay DFKMS iyo Maxaakimta Islaamiga ah qalinka ku duugeen heshiis horu dhac ah oo ka koobnaa 7 qodob ayaa sheegay in dawladiisu ay dhaqan gelinayso heshiiska Khartoum.Waxaana uu sheegay in dawlada federalka ku meel gaarka ah ee Somaliya ay tahay dawlad dib u heshiisiin Qaran aysan ahayn dawlad dagaal ama dadka kala fogaynaysa isla markana ay ku hawlan tahay sidii ay u midayn lahayd Somalida oo dhan.

Waxaa madaxweyne Cabdilahi Yusuf Axmed uu sidoo kale ugu baaqay Maxaakimta Islaamiga ah in ay iyaguna dhaqan geliyaan heshiiskii Khartoum. Waxaana uu intaa ku daray in Somalida oo dhan laga doonayo in ay ku cibri qaatan dhacdooyinkii hore ,ayna ka fogeeyan shacabkooda dagaalo hor leh si dib loogu soo celiyo Somaliya qaranimadii ayna noqoto mid xoog leh. Waxaa ugu dambayntii uu madaxweynuhu mahadnaq balaaran u jeediyay Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Al-bashir iyo shacabka reer Sudan kuwasoo iyagu keenay in Khartoum lagu gaaro heshiiskan. Waxaa sidoo kale uu madaxweyne Cabdilahi Yusuf u amaanay kaalinta J/carabtu iyo xogha yaheeda Guud ay ka qaateen xaqiijinta heshiiskan.

Dhinaca kale Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay sheegeen in ay iyana ay dhinacooda ka fulin doonaan heshiiskaasi si loo helo dowlad Soomaaliyeed, oo dalka ka badbaadisa dhibaatada iyo nabadgelyada xumada, iyadoo Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah mar uu ka hadlayay xaflad lagu soo gebagabeynayay sanad dugsiyeedkii 2005-2006 waxa uu sheegay in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay dib u uruurin doonaan ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Booliiska si ay uga qayb-qaataan nabadgelyada iyo xasiloonada Magaalada Muqdisho.

Jaamacadda Carabta oo ballanqaaday in ay Soomaaliya…

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusaa oo isagu soo qaban-qaabiyay heshiiskii dhex maray Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka dhacay dalka Suudaan ayaa waxa uu sheegay Xoghayuhu in Jaamacadda Carabta ay Soomaaliya ka kaalmeyn doonto dib u dhiska dalka iyo dib soo celinta adeegyadii bulshada iyo waliba sidii dib loogu soo nooleyn lahaa kaabayaashii Dowladda ee ku burburay dagaalada sokeeye.

Caamir Muusaa waxa uu sheegay in maalmaha soo socda dalka Soomaaliya ay Jaamacada Carabtu u soo diro kaalmo, si gacan loo siiyo dadkii ay abaaruhu waxyeeleeyeen iyo kuwii dhibaatadu ka soo gaartay dagaaladii dhex maray Midowga Maxaakiimta iyo Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada.

Jaamacadda Carabta waa markii ugu horeysay oo kaalmo noocaan ah ay u ballanqaado Soomaaliya, sidoo kale Beesha Caalamka ayaa iyana ballanqaaday in ay gargaar la soo gaari doonaan dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya afartii bilood ee la soo dhaafay kana dhacay Magaalooyinka Muqdisho, Balacad iyo Jowhar.

Ciidamada Puntland ee ku sugan Gobalada Baay iyo Bakool oo loo digay …

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Magaalada Baydhabo habeen hore lagu daadiyay qoraalo looga dalbanayo ciidamada Puntland in ay isaga baxaan gobalada Baay iyo Bakool, kadib markii gobaladaasi ku dileen dad fara badan, waxana ugu dambeeyay dilkii loo gaystay dad rakaab ah oo saarnaa Gaari u socday deegaanka Iidaale laguna rasaaseeyay agagaarka Manaas halkaas oo lagu dilay labo qof oo rayid ah saddex kalana lagu dhaawacay.

Warqadahaan oo isugu jiray soo jeedin iyo hanjabaad ayaa waxaa la sheegay in ay daadiyeen urur isku magacaabay dhallinyarada gobalada Bay iyo Bakool, hase yeeshee afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka waxa uu sheegay in gacnata lagu soo dhigay raggii ka dambeeyay dilkii loo gaystay dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa Gaariga.

Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiskii..

Waxa maalintii khamiista ahayd dalka Suudaan ka dhacay heshiis dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowlada Federaalka, heshiis-kaasi ayaa si weyn looga soo dhaweeyay caalamka iyo waliba Soomaaliya, waxaana ugu muhiimsanaa Dowladda Mareykanka oo sheegtay in heshiiskaasi uu wax ka tarayo sidii Soomaaliya ay nabad waarta uga dhici lahayd isla markaana ay u shaqeyn lahayd Dowladda Federaalka oo iyadu weli aan helin goob rasmi ah oo ay ku shaqeysto.

Heeshiiskaan ayay Dowladda mareykanku sheegtay in loo baahan yahay in labada dhinac ay si weyn uga dhabeeyaan taasoo lagu gaari karo in Soomaaliya ay dib u soo ceshato qarannimadeedii.

Dhinaca kale xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey xoghayaheeda guud Kofi Annan ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskaasi kuna tilmaamay mid ka shaqeynaya in Soomaaliya ay mar kale ka dhex muuqato beesha Caalamka, waxa uuna u soo jeediyay labada dhinac ee heshiiska gaaray in ay si ficil ah uga shaqeeyaan heshiiskaasi, isla markaana uu deg deg u dhex maro is fahan, si ay u soo noqoto amarkii iyo kala dambeyntii, waxaa kaloo heshiiskaani soo dhaweeyay Jaamacadda Carabta oo iyadu ahayd middii soo qabanqaabisay heshiiskaasi.

Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamo…

Maalintii shalay ahayd ayaa fagaaraha Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho salaaddii jimaca kadib isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan kuwaas oo ka soo horjeeday in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye.

Intii uu socday banaanaxu aysanna bilaaban khudbaduhu ayaa waxaa halkaasi lagu dilay nin ka tirsanaa Taleefishinka Channel Four ee dalka Ingiriiska, waxa uuna dhasho ahaan ka soo jeeday Wadanka Sweden, dilkaas markii uu dhacay ayaa dadweynihii isugu soo baxay banaanbaxa waxay bilaabeen in ay kala firxadaan, iyadoo Mas’uuliyiintii Midowga Maxaakiimta ee halkaasi ku sugneyd, ayaa waxay dilkaasi ku tilmaameen mid la doonayo in lagu xumeeyo ama lagu hor istaago guulaha ay gaareen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo in Caalamka loo muujiyo in Muqdisho ay tahay meel nabadgelyadeedu ay aad u xun tahay, si dalka loo keeno ciidamo shisheey.

Banaanbaxa dadkii ka qaybgalay ayay waxay halkaasi ku gubeen calanka Itoobiya, iyadoo dadku ay ku dhawaaqayeen “Itoobiya dalkeena u ogolaanmeyno, hadii ay soo gashana waxaan ballanqaadeynaa in aanu la jihaadeyno”.

Salaad Cali Jeele “Dilkii Weriyaha waxaa ka..”

Salaad Cali Jeele oo ah Wasiir ku xigeenka war-faafinta ee Dowladda Federaalka ayaa mar uu u waramayay warbaahinta waxa uu ka hadlay dilkii maalintii shalay ahayd loo gaystay Weriyihii u shaqeynayay Channel4 una dhashay Wadanka Sweden, waxa uuna Salaad Cali Jeele sheegay in dilkaasi uu ahaa mid la soo qorsheeyay ayna ka dambeeyeen wax uu ugu yeeray kooxo Argagixiso ah, balse farta kuma uusan fiiqin waxa ay cidda ay ahaayeen.

Salaad waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin Kooxo Argagixiso oo aan dooneyn in Soomaaliya ay nabad heshos. Hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysay oo Weriye Ajnabi ah lagu dilo Magaalada Muqdisho intii ishaysigu u dhexeeyay Dowadda Federaalka kuna kala sugneyd Muqdisho iyo Johwar ayaa waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho Gabar Weriye ah oo ka tirsaneyd BBC-da, waxaana lagu hor dilay Hotel Saxafi, dilkeedana waxaa la isku tuurtuuray labada dhinacd, sidoo kale Dowladdii Carta markii ay dalka ku sugneyd ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay nin Jeneral ah oo la oran Yuusuf Tallan.

Isku soo duuboo dhamaan dilalkaasi waxa ay ahaayeen kuwo la xiriirinayay arrimo siyaasadeed maadaama xiliyadii dilalkaasi dhacayeen ay dalka isaga soo horjeedeen kooxaha siyaadda, ilaa iyo haataanna ma jirto dad loo qabtay dadkii ka dambeeyay dilkaasi, xitaa ma jiraa wax baaritaan ah oo lagu sameeyay dhacdooyikaasi.

Jens Assur: "Soomaaliya waxey kamid tahay meelaha lugu ugaarsado warfidiyeenada"

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
23 Jun 2006
 
Baabuur gumaysiga lagaga gubay Balliga Marsin.
 
JWXO oo baaq ka soo saartay qorshe gumaysigu dadka kaga rarayo deegaannadooda.
 
 Ciidammada gumaysiga oo gubay Sasabane dadna ku xidhxidhay.
 
Heshiis dhexmaray maxakimta islamiga ah iyo dawlada ku meelgadhka ah.
 
G/Xigeenka Jaaliyada Ogadenya ee Switzerland oo aan ka waraysanay banaanbixii ay ku hor qabteen xarunta qaramada midoobay(Maqal).
 
Xubin Jwxo ah oo tuugo budhcad ah ku dhaawacday wadanka K/Afrika(Maqal).
 
 
======================
 
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheeegay in baabuur Uuraal ah ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga gubay Balliga Marsin.
Wariyuhu wuxuu noo soo sheegay in markii ay taariikhdu ahayd 19/06/06 ciidammada gumaysiga Itoobiya baabuur Uuraal ah lagaga gubay Balliga Marsin, iyadoo ay halkaas ku bas-beeleen baabuurkaas iyo wixii saarnaa oo dhan.
 
Baabuurkan ayaa waday ciidammo gumaysiga ka mid ah oo hawlgal u socday, hase yeeshee ciidammada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogaadeenya ayaa halkaas ku baabi’iyay, qaabkaasna ku baajiyay hawlgalkii ay u socdeen.
 
Wariyuhu wuxuu kaloo noo soo sheegay in markii ay taariikhdu ahayd 17/06/06 uu dagaal ku dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaystada Itoobiya meel u dhaxaysa Fidaale iyo Banyare. Waxaa ciidammada cadowga halkaas lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
JWXO oo baaq ka soo saartay qorshe gumaysigu dadka kaga rarayo deegaannadooda.
 
Ciidammada gumayiga Itoobiya ayaa billaabay qorshe aad u xun oo dadwaynaha Ogaadeenya si qasab loogaga rarayo qaar ka mid ah deegaannada ay degaan. Qorshahan ayuu gumaysigu uga jeedaa sidii uu dadwaynaha u xakamayn lahaa, isla markaana dhaqdhaqaaqooda u koobi lahaa.
 
Qorshahan waxaa hadda lagu fuliyay dadwaynihii ku dhaqnaa deegaannada u dhexeeya Abaaqorrow, Qarri-jiqood iyo Iimey, kuwaasoo dhammaantood laga soo raray meelihii ay degganaayeen, la isuguna keenay Banyare, oo degmada Iimey ka tirsan.
 
Dadwaynahan, oo xoog lagaga soo raray meelihii ay degganaayeen, waxaa laga gubay aqalladoodii, si ayna dib ugu noqonin. Wuxuu sidoo kale gumaysigu dilay 16 nin oo ka mid ah dadkii deegaannadii degganaa.
 
Dadkan wuxuu gumaysigu ka soo raray dhul-daaqeenkii ay degganaayeen, wuxuuna isugu keenay deegaan kooban oon lahayn daaqsin xoolaad oo ku fillaan karta, sidaas darteed waxaa dadwayhahan iyo xolohoodiiba la soo deristay xaalad aad u qallafsan, haddii ayna xaaladdan si degdeg ah uga bixina waxaa ku soo fool-leh xaalad bani’aadamnimo oo aad u xun.
 
Sidaas darteed waxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ugu baaqday dunida in dadkaas loo gurmado oo arrintooda wax laga qabto intayna talo faraha ka bixin.
Waxay sidoo kale JWXO beesha caalamka ka codsatay in xukuumadda Itoobiya lagu cadaadiyo inay dadwaynahaas oodda ka qaado oo u oggolaato inay deggaannadoodii ku laabtaan, isla markaana ay joojiso qorshayaasha noocanoo kale ee ay ku cadaadinayso dadwaynaha Ogaadeenya.
 
 
Ciidammada gumaysiga oo gubay Sasabane dadna ku xidhxidhay.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa gubay tuulada Sasabane, isla markaana ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin.
Ciidammo badan oo gumaysigu leeyahay ayaa weeraray tuulada Sasabane, wax yar ka dib markii tuulada duleedkeeda lagaga gubay labo baabuur oo Uuraal ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan 120 askari.
 
Ciidammadan ayaa markaas ka dib ku gaydhaday dadawynaha rayadka ah een waxba galabsanin, waxayna dab qabadsiiyeen tuulada. Waxay sidoo kale tuulada Sasabane kala tageen 17 qof oo rayad ah, kuwaasoo aan ilaa iyo hadda la garanaynin meesha ay ku denbeeyaan.
 
Dhinaca kale magaalada Awaare waxaa toddobaadkii hore ka baxay toban qof oo isugu jira dhalinyaro iyo odayaal deegaankaas magac ku lahaa, kuwaasoo ku biiray ciidammada qalabka sida ee JWXO. Dadkan ayaa magaalada Awaare ka baxay oo ku biiray ciidammada qalabka sida, ka dib markii ay u adkaysan kari waayeen dhibaatada uu gumaysigu iyaga iyo dadkooda ku hayo.
 
Hal toddobaad oo kaliya ayaa laga joogaa markii ay 21 qof sidanoo kale uga baxeen magaalada Xamaro oo ku biireen ciidammada qalabka side ee xoreynta Ogaadeenya.
 
Heshiis dhexmaray maxaakimta islaamiga ah iyo dawlada ku meelgaadhka ah.
 
Dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ee awoodda ku qabsaday magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa heshiis ku dhexmaray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan. Heshiiskan ayaa dhigaya in Maxkamadaha Islaamiga ahi ay aqoonsadaan dawlada ku meelgaadhka ah, iyo in dawlada ku meelgaadhka ah ay iyaduna dhinaceeda aqoonsato xaaladda siyaasadeed ee cusub ee Soomaaliya ka dhalatay intii ay Maxkamaduhu guulaysteen.
 
Waxay kaloo labada dhinac ku heshiiyeen in laga fogaado arrin kastoo dagaal keeni karta ama calwin karta xidhiidhka labada dhinac. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in maxkamad la horkeeno denbiilayaasha dagaalka. Ugu denbayntii waxay labada dhinac ee Maxkamadaha Islaamiga ah iyo dawlada ku meelgaadhka ah isku afgarteenin badhtamaha bisha soo socota lagu kulmo magaalada Khartuum, si looga wadahadlo arrimaha siyaasada iyo amniga ee dalka Soomaaliya.
 
Ergooyin ka socda dawlada ku meelgaadhka ah iyo Maxkamadaha islaamiga ah ayaa talaadadii tegay magaalada Khartuum, is ay uga wadahadlaan arrimaha Soomaaliya. Kulankan waxaa dhedhexaadinaysay Jaamacadda Carabta, oo ay hadda madax ka tahay dawlada Suudaan.
 
Heshiiskan ay labada dhinac isla gaadheen waxaa madashii kulanka ka akhriyay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Camri Muusa, waxaana gobjoog ka ahaa madaxwaynaha Suudaan Cumar Al-bashiir iyo madaxwaynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
23 Jun 2006.
Axmed Gaal-Eri                   
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Wareegtooyin iyo Bayaano laga soo saaray Xiritaanka Baarlamanka Puntland
»Wareegto: Xafiiska Gudoonka Golaha Wakiiladda DGPL.
»Bayaan ka soo Baxay Shacabka Puntland.....
»Xisbiga Ramaas oo Bayaan kasoo saaray Xiritaankii..
»Wareegto: Xafiiska Kusimaha Madaxweynaha Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji...


Heshiis Khartuum ku Dhexmaray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo DFKMG
Qodobada ay wada saxiixdeen waxaa ka mid ah in maxkamad la soo taago qabqalayaashii dagaalka, iyo in labada dhinac uu midba kan kale... Guji...


Waraysiyo Ku Saabsan Guddoomiyihii Baarlamaanka DGPL oo Xilkii Laqa Qaaday....
iyo Puntland oo ka laabatay Qodob ka mid ah Heshiiskii ay la galeen shirkadda "Range Resources..."... Guji.... Jun 21

VOA: Safiirkii USA u Fadhiyi jirey Itoobiya oo Ka Hadlay Xaalada Cusub ee Soomaaliya & Ciidama Itoobiya
Ka Dhegeyso VOA:: Halkan ama Halkan


TAARIIKH KOOBAN EE ISBEDELADA UGU DAMBEEYEY SOOMAALIYA::: Akhri...:

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD