SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Wararkii June 29, 2006

  • Ciidamada Golaha Maxaakiimta oo si fudud kula wareegay isgoyska .

  • Dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya oo is dhaaafsanaya hadalo ku saabsan Soomaaliya.

  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galayDegaanka jawiil ee gobolka..

  • Degmada Goldogob oo noqotay dagmadii 2aad ee gobalka mudug oo yeelata golaha deegaanka Puntland.


Ciidamada Golaha Maxaakiimta oo si fudud kula wareegay isgoyska .

Ciidamo wata dhowr tikniko ah kana tirsan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa shalay galabnimadii waxay la wareegeen Isgooyska Bakaaraha halkaas oo ay horey u deganayeen kooxo maleeshiyo ah oo halkaasi ku hayay dhibaato la xiriirta dhinaca gaadiika iyo dadweynaha.

Ciidamada Maxaakiimta ayaa si fudud kula wareegay Isgooyska Bakaaraha kadib markii kooxihii maleeshiyada ahaa ee deganeyd lagu amray in ay halkaasi isaka dhaqaaqaaan oo ay dantooda raacdaan.

taliyaha ciidamada Maxkamadda Islaamiga ah ee Degmada Dayniile Abuu Cuteyba ayaa waxa uu sheegay in wixii haatan ka dambeeya Isgooys-kaasi uu noqon doono mid ay bulshadu si nabadgelyo ah ku marto, waxa uuna u mahadeliyay intii gacan ka gaysatay in si fudud Maxkamadda loogu soo wareejiyo Isgooyskaasi.

Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyagu haatan moodaa in ay la wareegayaan dhamaan goobihii ay horey u deganaayeen Maleeshiyooyinku.

Dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya oo is dhaaafsanaya hadalo ku saabsan Soomaaliya.


Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen.

Tan iyo markii Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ay qabsadeen inta badan Magaalada Muqdisho iyo gobalada ku dhow dhow ayaa waxay arrintani saameyn ku yeelatay Dowladaha Beesha Caalamka oo maalmahan si aad ah uga hadla arrimaha Soomaaliya.

Dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya ayaa iyagu si aad ah uga hadlay arrimaha Soomaaliya, haddii aan soo qaadano Dowladda Ereteriya waxay sheegtay in qalalaasaha iyo dibaatada haysatay Soomaaliya 15-kii ugu dambeeyay ka dambeeyeen Dowladaha Itoobiya iyo Mareykanka oo iyagu diidan in Soomaaliya ay degto oo ay yeelato qaran loo dhan yahay.

“Waxay haatan Itoobiya dooneysaa in ay iska hor keento Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, si mar kale Soomaaliya uga dhacdo dagaal Sokeeye” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Dowladda Ereteriya oo sheegay in haddii Ciidamada Itoobiya galaan Soomaaliya ay iyana dhinacooda ka soo gali doonaan maadaama wadamada IGAD isku raaceen in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah.

Dowladda Itoobiya ayaa iyadu waxay sheegtay in Dowladda Ereteriya ay tahay mida Soomaaliya ku qulqulineysa hubka, taasoo ay sheegtay in uu dhibaato ku yahay cunaqabateyn-ta hubka iyo waliba Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galayDegaanka jawiil ee gobolka..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne waxay sheegayan in maalintii shalay ahayd ciidamo Itoobiyaan ah oo watay dhowr gaari oo tikniko ah ay soo galeen halka lagu magacaabo Jawiil oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Ciidamadaas Itoobiyaan-ka ah oo qalqalgeliyay dadweynaha deegaanka ayaa waxay markii dambe xoog ku galeen xabsi ku yaala degaanka Jawiil waxayna halkaasi kala baxeen nin ay Dadweynuhu ku sheegeen in ahaa nin u basaasi jiray ciiamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa markii ay mudo joogeen deegaanka Jawiil, ayay dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah dadkii deganaa halkaasi ay u firxadeen baadiyaha.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo Itoobiyaan ah soo galaan gudaha wadanka Soomaaliya, dhawaan ayay ahayd markii deegaano ka tirsan Gobalka Gedo ay soo galeen halkaasi oo ay ka gaysteen dhibaatooyin.

Dhinaca kale Xasan Hilowle (Xasan Kacaan) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Beelaha Xawaadle ayaa waxa uu Ciidamada Itoobiya uga digay in aysan mar dambe ku soo xadgudbin gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobalka Hiiraan, waxa uuna u soo jeediyay Odoyaasha iyo Waxgaradka beelihii ku dagaalamay deegaanada Jalalaqsi, Buurweyn iyo Buula-Burdi in ay si daacadnimo ah ugu howlgalaan dhameeyaana khilaafka u dhexeeya labada beelood.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Degmada Goldogob oo noqotay dagmadii 2aad ee gobalka mudug oo yeelata golaha deegaanka Puntland.

Waxaa subxnimadii Arbacada June 28, 2006 si rasmi ah uga furmay degmada Goldagob oo ka tirsan gobalka mudug  shir ay isugu yimaadeen xubnaha ka tirsan golaha degaanka degmadaasi kaasi oo lagu dooranayey gudomiyaha golaha degaanka ahna duqa degmeda goldogab, shirkaan oo ay ka soo qayb galeen 16 xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka cusub ay yeelanayso degmadaasi ayaa waxaa cod kii looqaaday ku guulaystay  C/laahi yuusuf xaaji 13 halka 3 kalena ay ka leexdeen. c/laahi yuusuf xaaji ayaa si rasmi ah u noqtay gudomiyaha golaha deegaanka ee degmada goldogob ahna duqa degmadaasi.

Waxaa sidoo kale la doortay gudoomiye ku xigeenka golaha degaanka ee degmada Galdogob, kaasoo loo doortay Jaaf Maxamuud Guray.

Hawsha doorashada duqa degmada Galdogob waxaa  si wayn uga qaybqaatay lataliyaha wasaarada dawladaha hoose ee jaamac dhagadheere kaasi oo gaaray degmadaasi maaalintii doraad ahayd si uu uga qayb galo goob jeegna uga ahaado doorashada degmadaasi ka dhacaysa.

Waxaa goob joog ka ahaa goobta ay doorashadu ka dhacaysay Issimada deegaanka Goldogob oo uu ka mid yahay Caaqil Cabdiwahaab iyo isimo kale oo badan waxaa sidoo akle joogay dadwayne aad u badan oo iygu markhaanti u noqonaya doorashadii ugu horaysay  oo xor ah oo ka dhacda degmadaasi oo lagu soo dooranayo duq cusub Waxayna hawshaasi ku soo gabagabowday sidii loogu talagalay. 

Sikastaba, hawlaha doorashada lagu dooranayo golayaasha degaanada puntland waxay soo bilowdeen sanadkan bilowgiisii  markaasoo doorashadii ugu horaysay ayaa ka dhacday caasimda puntland ee garowe waxayna tii 2aad ka dhacday bosaso.

hawlaha doorashooyinka puntland  ayaa waxay dadwaynaha u furayaan wadiiqo cusub oo looga gudbi karayo magacaabis shaqsi samayn jiray sidoo kalena waxay noqonaysaa doorasho dimuquraadiyadeed waana  doorashadii ugu horaysay ee ku dhacday dimuquraadi tan iyo intii la dhisay puntland  1998 hawlaha golayaasha degaanka puntland ee iminka  isa sootaraya.

Degmada Galdogob waa degmo ku taala xuduuda dalka  somalia uu la wadaago dalka ethopia waana  dagmo ay marar badan fooda isku dareen dawladii somalia iyo jamhadii SSDF ee uu hogaaminayay madaxwaynaha kumeelgaarka ah ee somalia c/laahi yuusuf axmed kaasi oo mar ay dawlada Ethopia ay u xirtay qabsashadii dawlada Ethopia iyo jamhadiisii SSDF markay gacanta u gashay degmadaasi oo uu khilaaf ka dhashay in degmadaas laga taago calanka Ethopia halka c/laahi na ku adkaystay in ay galdogob tahay dhul somaliyeed ayna haboontahay in laga taago calanka somalia ethopiana ay diiday arintaas taasina waxay keentay in c/laahi yuusuf mudo 6sano ah loo xiro arintaas darteed.

C/rizak koronto
Garowe puntland
koronto_65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2006


Xafladdii Gabagabada Sanad-Dugsiyeedkii 2005-2006 ee dugsiga Imaam Shaafici...

XAFLADDA KA AKHRI HALKAN......


BOSTON, USA: Wiil Soomaaliyeed oo 19-jir ah oo Toogasho Lagu Diley
Magaalada Boston ee dalka Maraykanka ayaa... Guji...

Is-bedelkii ka dhacay Muqdisho oo saameyn ku yeeshay Puntland iyo Soomaaliland..
»Xafladdii Gabagabada Sanad-Dugsiyeedkii 2005-2006..
»Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in ay soo..
»Culumaa’u-diin ka yimid Puntland oo soo gaaray Muqdisho
»C/llaahi Yuusuf oo warqad qoraal ah u diray Sweden...
»Golaha Guurtida Hawiye oo Maxaakiimta ka dalbaday in ay..
»Wafdi ka socda SCG oo gaaray Muqdisho...
»Baabuur badan oo cadowga meelo kala duwan lagaga gubay.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 27


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD