SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
30 Jun 2006
 
Ciidammada Itoobiya oo dhoolla-tus ku samaynaya Ogaadeenya.
 
Eritereya oo si wayn u canbaaraysay Itoobiya iyo Maraykanka.
 
Baarlamaanka Maraykanka oo Itoobiya cadaadinaya.
 
Banaanbax ka dhaxay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab-Kenya.
 
 
 
======================   
 
Wararka ka imanaya gudaha Ogaadeenya ayaa sheegaya in ciidammada gumaysatada Itoobiya ay dhawaan billaabeen dhoolla-tus ciidan oo ay ku samaynayaan meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, gaar ahaan gobollada ku ogog-leh xadka Soomaaliya. Dhoolla-tuskan ciidan ayaa la sheegayaa inay ka qayb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka noocyadooda kala duwan, sida kuwa qummaatiga u kaca iyo diyaaradaha Miigga ah.
 
Diyaaradahan ayaa ilaa iyo toddbaadkii hore ku dul-wareegayay hawada magaalooyinka waawayn ee Ogaadeenya iyo nawaaxiga xadka dheer ee Ogaadeenya la wadagto Jamhuuriyadda Soomaaliya.
 
Dhoolla-tuskan ayaa la filayaa inuu la xidhiidho diyaar garowga ay xukuumadda gumaysatada Itoobiya ugu jirto sidii ay u weerari lahayd dalka Soomaaliya. Xukuumadda Itoobiya ayaa toddobaadkan dhexdiisa sheegtay inay ciidammadeeda heegan galisay, isla markaana diyaar u tahay inay gasho gudaha Soomaaliya haddii ay isa soo tarto waxa ay ugu yeedhay khatarta Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya.
Xukuumadda Itoobiya ayaa, iyadoo taageero ka haysata dalka Maraykanka, ku talajirta inay faragalin ciidan ku samayso dalka Soomaaliya, si ay u kala tuurto fursadaha cusub ee u soo gacan galay dadwaynaha soomaaliyeed oo markii ugu horraysay muddo 15 sano ah nabad iyo xasillooni ka dareemay dalka intiisa badan, isla markaana rumaysan in mar dhaw xal siyaasadeed loo hali doono dhibaatada dalkooda.
 
Eritereya oo si wayn u canbaaraysay Itoobiya iyo Maraykanka.
 

Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen.
Dawlada Eritereya ayaa arrin aan waxba ka jirin ka soo qaadday beenintii ay xukuumadda Itoobiya beenisay in ciidammadeedu galeen dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay in faragelinta ay Itoobiya ku hayso dalalka deriska ah ay quwado waawayni ku taageerayaan.
 
Sargaal u hadlay wasaarada arrimaha dibada ee Eritereya ayaa sheegay in dawlada Maraykanku ay siyaasad gurracan ka wado gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay xukuumadda TPLF u adeegsanayso meel-marinta siyaasadeeda. Sargaalkan ayaa tilmaamay in hadda la wado dadaallo lagu doonayo in lagu wiiqo ifafaalaha wanaagsan ee lagu yagleelayo qaranimada Soomaaliya, iyadoo laga shaqaynayo sidii dalka Soomaaliya mar kale looga hurin lahaa dagaal sokeeye.
 
Sargaalkan u hadlay wasaarada arrimaha dibada ee Eritereya ayaa sheegay in xukuumadda TPLF ay oggolaansho ka haysato dalal waawayn, iyadoo loo fasaxay inay door ka qaadato burburinta fursadaha Soomaaliya u soo baxay. Wuxuu kaloo intaas raaciyay in arrimahaas taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale labadaba lagu siiyo.
 
Sargaalkan ayaa sheegay in dawlada Maraykanku ay mar hore saldhigyo millatari ka samaysatay dalka Jabuuti iyo galbeedka Itoobiya, iyadoo ku gabbanaysa qorshayaasheeda ah la dagaallanka argagixisada, balse ujeeddada dhabta ah ee ciidammadeedaasi u joogaan ay tahay maaraynta qaska laga wado gobolka Geeska Afrika.
 
Wuxuu kaloo intaas ku daray in dawlada Maraykanka oo ku guul darraysatay siyaasaddii ay ka lahayd gobolka Geeska Afrika, ay hadda isku dayayso inay gabbaad kale samaysato, iyadoo iska dhigaysa inay ka shaqaynayso xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
 
Sargaalkan u hadlay wasaarada arrimaha dibada ee Eritereya ayaa dalalka kala duwan iyo ururrada ka jira gobolka Geeska Afrika ugu baqay inay fiiro gaar ah u lahaadaan arrimaha gobolka ka socda, isla markaana ay ka dhawrsadaan inay gacan ka gaystaan qorshayaasha kala duwan ee Maraykanku ku damacsan yahay inuu ku dhibaateeyo dadwaynaha soomaaliyeed, kuna curyaamiyo fursadaha la taaban kara ee hadda horyaalla bulshada soomaaliyeed.
  
Baarlamaanka Maraykanka oo Itoobiya cadaadinaya.
 
Qorshe lagu cadaadinayo xukuumadda kaligii taliye Meles Zenawi ayuu oggolaaday Guddiga Xidhiidhka Caalamiga ah ee Baarlamaanka Maraykanka, waxaana qorshahan xubnaha Baarlamaanka la soo hordhigi doonaa bisha Sebtember, si ay anisixiyaan. Qorshahan, oo ay ka soo shaqeeyeen labo xubnood oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Caalamiga ah ee Baarlamaanka, kuwaasoo ka kala tirsan labada xisbi ee Republican-ka iyo Democrat, waxaa si wadajir ah u oggolaaday xubnaha Guddiga oo dhan.
 
Oggolaanshaha qorshahan ayaa ka dhigan in dawlada Maraykanku ay qaadatay mawqifkii siyaasadeed ee dalalka Midowga Yurub ay ka qaateen xukuumadda kaligii taliye Meles Zenawi. Qorshahani wuxuu ka dhigan yahay in Maraykanku uu qiray in xukuumadda Itoobiya ay si nidaamsan oo bahalnimo ah ula dhaqanto dadka siyaasadeeda mucaaradka ku ah, isla markaana ay ku tumato xuquuqda aadanaha iyo inay khatar tahay xaaladda madaxda mucaaradka ah ee xabsiga sharci darrada ah lagu hayo.
 
Guddiga Xidhiidhka Caalamiga ah ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa intii aanuu qorshahan oggolaanin wuxuu dhagaystay warbixin dheer oo ku saabsan siyaasada kaligii taliye Meles Zenawi, taasoo ay soo jeedisay Ana Gomes, oo ah madaxa Ergada Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Itoobiya.
 
Arrintan ayaa ka dhigan farriin cad oo loo dirayo xukuumadda Itoobiya, taasoo loogu sheegayo in beesha caalamku ay hal meel uga soo wada-jeeddo oo ay ka dalbayso inay ixtiraamto xuquuqda aadanaha, isla markaana xadhigga ka sii dayso madaxda mucaaradka ee xidhxidhan, sidaas waxaa tidhi Elizabeth Nega, oo ka tirsan dadka qorshahan ka denbeeyay, isla markaana ay walaalo yihiin Berhanu Nega, oo ah ninkii loo doortay duqa magaalada Addis Ababa oo hadda ku jira dadka Meles u xidhxidhan.
 
30 Jun 2006.
Axmed Gaal-Eri                   
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2006


Xafladdii Gabagabada Sanad-Dugsiyeedkii 2005-2006 ee dugsiga Imaam Shaafici...

XAFLADDA KA AKHRI HALKAN......


BOSTON, USA: Wiil Soomaaliyeed oo 19-jir ah oo Toogasho Lagu Diley
Magaalada Boston ee dalka Maraykanka ayaa... Guji...

Is-bedelkii ka dhacay Muqdisho oo saameyn ku yeeshay Puntland iyo Soomaaliland..
»Xafladdii Gabagabada Sanad-Dugsiyeedkii 2005-2006..
»Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in ay soo..
»Culumaa’u-diin ka yimid Puntland oo soo gaaray Muqdisho
»C/llaahi Yuusuf oo warqad qoraal ah u diray Sweden...
»Golaha Guurtida Hawiye oo Maxaakiimta ka dalbaday in ay..
»Wafdi ka socda SCG oo gaaray Muqdisho...
»Baabuur badan oo cadowga meelo kala duwan lagaga gubay.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 27


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD