SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HOLLAND

Wararkii May 13,2006
  • Shaki iyo muran ka taagan sharciga Ayaan Xirsi
  • C/llaahi Yuusuf oo gaaray wadanka Uganda…
  • Shiikh Aadan Max’ed Deer “Wasiirka koowaad waxa uu ii sheegay in aan sii wado howshii...”
  • Doorashadii Xiriirka K/cagta oo lagu wado..
  • Guurtida Direed ee Beelaha Waqooyi oo ka hadashey..

Shaki iyo muran ka taagan sharciga Ayaan Xirsi

'Been la sheegaa waxay sabab u noqon kartaa in qof laga saaro Nederlaan'

Gabadha xisbiga VVD ee Nederlaand ugu jirta baarlamaanka Ayaan Xirsi ayaa waxay u egtahay inay si sharci darro ah ku qaadatay dhalashada Nederlaan. Tan waxa laga soo dhiraandhiriyay xukun maxkamadda sare ku ridday qoys reer Ciraaq ah sannadkii 2005.

Maxkamadda sare waxay diidday dalab ka yimid qoyskan reer Ciraaq sannadkii 2005, kadib markii maxkamadda gobolka Den Haag ka celisay dhalashadii Nederlaan. Sababtu waxay ahayd iyadoo reerkaasi ay dalabkii dhalashada magacyo iyo da' been abuur ah u gudbiyay.

Sida uu ku warramay khabiirka dalabka dhalashada Professor Rene de Groot waxay ku khasban tahay wasiirka socdaalka ee Nederland inay sida ugu dhaqsaha badan baaritaan ugu samayso dhalashada Nederlaanka ee ay Ayaan Xirsi haysato. Waxaan meesha laga saari karin ayuu yiri Professorku in Ayaan samaysay been abuur aqoonsi markii ay dalbanaysay dhalashada Nederlaanka.

Barnaamij ka baxay dhowaan TV-ga Holland ayay ku qiratay Ayaan inay markii ay timid Holland bilowgii sagaashameeyadii bixisay magac iyo da' been ah. Waraysiyo kale ayay sidoo kale arrimahan ku qiratay walow aan marna su'aal laga keenin sharcinimada dhalashadeeda Nederlaanka ah.

Hilbrand Nawijn oo madax ka ahaan jiray laanta socdaalka ee Holland, haddana ah xubin ka tirsan baarlamaanka ayaa ka codsaday wasiirka socdaalka inay Ayaan ka saarto waddanka. “Markaan u kuur galo arrinta, waxa qummanayd inaan ku celino Keenya. Markii aan ahaa madaxa laanta socdaalka, waanu celin jirnay dadkaas oo kale” ayuu yiri Nawijn.

Professor De Groot oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri, wasiirka socdaalku waa inuu si dhaqso ah fal ula yimaadaa, maadaam ay Ayaan tahay xubin baarlamaanka ah. Haddii ay been ka sheegtay aqoonsigeeda, xaq uma lahan inay baarlamaanka ka mid ahaato. Wasiirka socdaalka Verdonk oo ay Ayaan isku xisbi yihiin oo shalay hadlaysa ayaa tiri Ayaan wax soo gaaraaya ma jiraan mana ahan inay cabsato.

Qareennada u dooda qaxootiga ayaan iyana arrintan la dhacsanayn. “Dadka isku si loo lama dhaqmo” ayay tiri Loes Vellinga oo ah madaxa ururka ay leeyihiin qareennada u doodda qaxootiga. Waxay intaas ku dartay inay ogtahay dad ay qareen u ahayd oo been ka sheeg magac awgiis waddanka lagaga saaray.

Ayaan ayaa ah shaqsi inta badan dhalisa muran iyo sawaxan weyn, iyadoo dadka inta badani u aaneeyaan inayan ku soo biirin siyaasadda gudaha Holland waxyaabo keenaya isu soo dhowaan ee ay xoogga saarto kala faquuqa bulshooyinka. Arrintan ku saabsan shaqrcigeeda muranka dhaliyay ayaan dad badani aaminsanayn inay sababayso in laga saaro waddanka sidii ku dhacday qoyskii reer Ciraaq. Sababta ugu weyn ee loo aanaynayo ayaa ah iyadoo xisbigeedu ka mid yahay dawladda oo ay ku leeyihiin wasiirka qaabilsan socdaalka.

Isha warka: trouw.nl
Tifaftirkii Samaddoon.


C/llaahi Yuusuf oo gaaray wadanka Uganda…

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Dalka Liibiya ayaa gaaray Wadanka Ugandha isaga oo halkaasi kaga qaybgalay shirka Madaxda Wadamada IGAD oo maalmaha soo socda ka furmi doona Uganda.

Ugandha waxaa shalay mar kale lagu dhaariyey madaxweyne Musaveni. Madaxdii kulankaas ka soo qayb galayna waxaa ka mid ahaa: Madaxweynayaasha Thabo Mbeki ee K/Afrika, MwaiKibaki ee Kenya, Robert Mugabe ee Zimbabwe, Jakaya Kikwete ee Tanzania, Paul Kagame ee Rwanda, Pierre Nkurunzinza ee Burundi, Muhamed Abdelaziz ee Saharawi, Omar Guelleh ee Djibouti, Abdullahi Yusuf Ahmed ee Somalia iyo Madaxweyne ku xigeenka Suudaan Salva Kiir iyo  ra'iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ku biiri doona Ra’isul Wasaare ku xigeenka Ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Max’ed Caydiid oo haatan ku sugan Dalka Kenya, waxaana kulankaan looga hadlayaa arrimo la xiriira xaaladda Geeska Afrika.

Shiikh Aadan Max’ed Deer “Wasiirka koowaad waxa uu ii sheegay in aan sii wado howshii...”

Wasiirka dibu heshiisiinta iyo Xiriirka Jaaliyadaha DFKMG Md, Sh, Aadan Maxamed Deer oo aan kula kulamay gurigiisa ayaa ka hadlay halka ay marayaan hawlaha Maamul u sameynta Demooyinka Gobolka Baay. Wasiirku isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri” wali ma jiraan ilaa iyo hada degmo lagu heshiiyey dhismaha maamulkeeda, waxaana jira is qab qabsi badan oo Beelaha dhexdooda ah, waxaana ugu dhow degmada Buur-hakaba, iyadana waxaa laga daba keenay dacwad, inkastoo ay jiraana is qab qabsigaasina waxaan rajeynayaa inuu soo dhamaado Todobaadkaan gudahiisa” Wasiirku waxaa uu intaa ku daray “inkastoo ujeedada Wasaarada ay tahay dibu heshiisiin, dad baa waxay leeyihiin waxaa lagu sameeyey Sed-bursi, Degmooyinka is qab-qabsiga ugu daran uu ka jiro waxaa ka mid ah, Degmada Diinsoor, Qansax Dheere, Berdaale iyo Baydhabo oo ah Xarunta weli lagu heshiin la’yahay.

Mar uu ka hadlaayey sababta keentay in Wasaaradiisu ay ka qayb qaadato dhisamaha maamul u sameynta Degmooyinka iyo Gobolka ayaa wuxuu yiri “Wasaarada Arimaha Gudaha iyo W/Dibu-heshiisiintu isma diidana ee danaha laga leeyahay waa in la heshiiyo, mar hadaan la heshiinin lama dhisi karo maamul, Wasaarada Arimaha Gudahana iyada wax ma magacaabi karto sidii waagii hore, sababtoo ah dadka iyagaa is dooranaaya, hawshaan dhismaha maamulka iyo dib u heshiisiinta waxaa ku shaqo leh oo iska kaashanaaya Wasaarada Dibu-heshiisiinta, W/Arimha Gudaha, W/Warfaafinta, W/Dastuurka iyo Federaalka iyo Wasaarada Maaliyada dhamaantoodna wada shaqayn ayaa ka dhexeysa, marka Wasaaradeenu shaqadeeda waa dib u heshiisiin oo keli ah, meelaha lagu heshiin waayana anagu Dowlada ayaan u gudbinaynaa iyada ayaana go’aan ka gaari doonta.

Wasaaradda arimaha gudaha waxaa laga doonayaa markii uu heshiis meel ka dhacayo in iyaduna ay goob joog ka ahaato, ayna kormeer ku sameyso meelaha heshiisyada ay ka dhacayaan, inkastoo ay ka maqan yihiin Wasiirka iyo ku xigeenkiisa, waxaana muuqata in kaalintooda ay ka banaan tahay halkaas, lamana dhihi karo hawsha Wasaaradda Arimaha gudaha waxaa la wareegtay Wasaarada Dibuheshiisiinta, sababtoo ah mar aan is aragnay aniga iyo Wasiirka koowaad wuxuu ii sheegay mar hadii uu maqan yahay Wasiirka Arimaha Gudaha in uu u magacaabi doono booskiisa Qof kale ee aniga doorkayga ayaan ku ekahay, halkuu jiro Wasiirka Arimha Gudahana waxaa og Wasiirka Koowaad ayuu hadalkiisa ku soo koobay Sh, Aadan Maxamed Deer.

Doorashadii Xiriirka K/cagta oo lagu wado..

Waxaa maalinta Isniinta ah Magaalada Baydhabo ka dhacay doorashadii xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaana ka qaybgalaya ilaa iyo boqol xubnood oo isugu jira Guddoomiyaasha Naadiyada, Musharixiin iyo Martisharaf kale.

Maanta ayaa la filaya in ay Magaalada Muqdisho ka ambabaxaan xubnahaasi, iyadoo Guddoomiyenimada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ay u tartamayaan afar xubnood oo kala ah Yaasiin Abuukar Cariif, Bahiir Max’ed Jaamac (Baashiir Goobe), Muxiyadiin Xasan Cali (Darbaweyne) iyo C/llaahi Axmed Tarabi, Guddoomiyaha ku xigeenada Xiriirka K/cagta waxaa ku tartamaya ilaa iyo Sagaal Xubnood halka Xubnaha iyana ay ku tartamayaan 22-xubnood, waxaana doorashadaan goob joog ka noqon doona saraakiil ka socota Xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA

Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalka Muqdisho..

Waxaa maalintii lixaad galay dagaalkii u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga isku magacaabay la dagaalanka argagixisada iyadoo maalintii shalay ahayd uu dagaalku ahaa mid goos goos ah oo la isku adeegsanayay qoryaha darandooriga u dhaca, inkastoo mararka qaarkood la maqlayay Hubka Hoobiyaha.

Dagaalkii Lixda Maalmood socday Magaalada Muqdisho waxaana ku dhintay guud ahaan marka la isku daro ilaa iyo dad ku dhow 100 qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo dad gaaraya 200 oo qof, iyadoo Isbitaalada ay buux dhaafiyeen dad dhaawac oo qaarkood ay yihiin carruur iyo dad da’ ah.

Ilaa iyo haatanna ma jirto cid isku howshay in ay kala dhex gasho dhinacyada dagaalamaya, inkastoo wali ay soo baxayaan baaqyo labada dhinac looga dalbanayo in ay xabadda joojiyaan oo ay wixii khilaaf ah ku xaliyaan wada hadal.

Guurtida Direed ee Beelaha Waqooyi oo ka hadashey..

Qoraal shalay ka soo baxay Guurtida Direed ee Beelaha Waqooyga deganna Koonfurta Soomaaliya ayaa labada dhinac ee ku dagalamaya Magaalada Muqdisho waxayna ugu baaqayaan in si shuruud la’aan ah xabadda u joojiyaan wixii khilaaf ahna ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.

“Walaalayaal ha noqonina lafihii Maroodiga ee la isku adeegsanayay, sidoo kale khilaafka sababay dagaaladaas uusan u ekaan mid burburiya jiritaankiina dambe” ayaa lagu yiri qoraalkaasi, wuxuuna intaa ku darayaa qoraalku “waad la socotaan mudadii dagaaladu socdeen intii dhimatay, inta dhaawacantay iyo inta barakacday iyo inta hanti ku baaba’day”.

Ugu dambeyntii waxaa qoraalkaasi loogu soo jeediyay Aqoonyahanada Culuma’udiinka Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada ee ka soo jeeda Beelweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay kulan deg deg ah isugu yimaadaan uguna howlgalanaa wadadii dagaalada lagu joojin lahaa, laguna baajin lahaa dhiiga daadanaya, iyagoo garab siinaya Guurtida Hawiye, waxaana qoraalkaani ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guurtiga Beelaha direed ee Waqooyiga Soomaaliya Dr. Ismaaciil Maxamuud Cumar

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
12 May 2006
 
Natiijada hawlgalkii millatari ee Itoobiya ka billowday Ogaadeenya.
 
Dagaallo cadowga lagu naafeeyay.
 
 Shirar degdeg ah oo saraakiisha Itoobiya ku qabteen Jigjiga iyo Qabridaharre.
 
Dad la laayay iyo tuulooyin la gubay.
 
 Baaq JWXO u jeedisay ururrada samafalka iyo ciidammada shisheeyaha ah.
 
======================   
 
 
  Xukuumadda gumasatada Itoobiya ayaa dhawaan hawlgal millatari ka billowday dalka Ogaadeenya, kaasoo ujeeddada ugu waynee ay ka leedahay uu yahay sidii ay u suuragali lahayd soo saarista gaaska Jeexdin. Waxay kaloo hawlgalkan millatari ku doonaysaa inay dadwaynaha Soomaalida Ogadeenya ku xasuuqdo oo ku argagax galiso, si ay u oggolaadaan siyaasadeheeda gumaysi.
 
Hawlgalkan waxaa ka qayb qaadanaya ciidaammo aad u fara badan oo ka baxsan kuwii dalka horay u sii joogay iyo diyaarado kuwa dagaalka ah. Waxay xukuumadda gumaysiga Itoobiya dalka Ogaadeenya keentay ciidammo labo Gaas ka kooban oo u badan qowmiyada Tigreega, kuwaasoo ay ku jiraan ciidammo si gaar ah u tababaran.
 
Xukuumadda kaligii taliye Meles Zenawi ayaa hawlgalkan millatari billowday, ka dib markii ay heshiisyo la gashay shirikado shidaalka qoda oo laga leeyaha dalka India, kuwaasoo ay kula heshiisay inay soo saaraan gaaska Jeexdin.
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya ee fulinaya hawlgalkan, oo xukuumadda Itoobiya ugu magac dartay Hawlgalka Jeexdin, ayaa durba loo gaystay dhirbaaxooyin kulkulul oo argagax ku riday saraakiishii hooggaaminaysay. Waxaana ka mid ah meelaha ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya isku hardiyeen dhawrkii maalmood ee u denbeeyay kuwan;
 
Dagaallo cadowga lagu naafeeyay.
 
Dheenka, oo Jigjiga ka tirsan, dagaal ka dhacay arbacadii oo taariikhdu ahayd 10/05/06 waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 10 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Horo-hawd, oo Jigjiga ka tirsan, dagaal ka dhacay talaadadii oo taariikhdu ahayd 09/05/06 waxaa ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya lagaga dilay 8 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Dagaal kale oo Horo-hawd ka dhacay arbacadii oo bisha May 10, 06 ahayd waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 10 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Dagaal ka dhacay Galaalshe markii ay taariikhdu ahayd 06/05/06 waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 8 askari, 8 klaana waa lagaga dhaawacay.
 
Xawley, oo Barmiilka u dhaw, dagaal ka dhacay markii ay taariikhdu ahayd 09/05/06 waxaa ciidammada saama-la-luudka ah ee gumaysatada Itoobiya lagaga dilay 10 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
08/05/06 dagaal mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammada Wayaanaha ee fadhigoodu yahay magaalada Farmadow waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 8 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
09/05/06 dagaal ka dhacay magaalada Gabagabo waxaa ciidammada maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 16 askari, waxaa sidoo kale laga dhaawacay 11 askari.
 
06/05/06 dagaal ka dhacay magaalada Gari-go’an waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 8 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Wararka ka imanaya dhinaca gobolka Jarar ayaa iyaguna sheegaya dagaallo dhawr ah oo 05/05/06 ka dhacay meelaha ay ka midka yihiin Bullaale, Sasabane iyo Gosaley. Dagaalladaas ayaa khasaare ba’an loogu gaystay ciidammada gumaysiga Itoobiya. Faahfaahin la xidhiidha khasaaraha loo gaystay dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa.
 
Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa sidoo kale Sasabane waxay ku gubeen labo baabuur oo kuwa millatariga ah, kuwaasoo saad u waday ciidammada Itoobiya. Labadaas baabuur iyo wixii saarnaaba waxba kama bixin.
 
08/05/06 waxaa ka dhacay tuulooyinka Jugle iyo Maraacaato, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, dagaal khasaare ba’an loogu gaystay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
Waxaa jira dagaallo kale oo ka dhacay gobollada Jarar, Nogob, Qorraxey iyo Shabeelle oon faahfaahintooda dib idiinka soo tabin doono.
 
Dhinaca kale wariyaha RX uga soo warrama magaalada Jigjiga ayaa noo soo sheegay in (saaka) khamiistii oo taariikhdu ahayd 11/05/06 magaalada Jigjiga ay ku soo dageen shan diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, kuwaasoo sida askar dhaawac ah oo laga keenay dhinaca Ogaadeenya. Waxaa sidoo kale magaalada Jigjiga (saaka) khamiistii soo galay baabuur Uural ah isaguna wada ciidammo ku soo dhaawacmay hawlgalka millatari ee xukuumadda gumaysatada Itoobiya ka waddo dalka Ogaadeenya.
 
Shirar degdeg ah oo saraakiisha Itoobiya ku qabteen Jigjiga iyo Qabridaharre.
 
Saraakiisha hooggaaminaysa hawlgalka millatari ee xukuumadda Itoobiya ka billowdaydalka Ogaadeenya ayaa shir degdeg ah isugu yimid magaalada Jigjiga. Shirkan ayaa lagaga hadlayay sidii wax looga baddali lahaa qorshaha hawlgalkan millatari. Shirkan waxay saraakiisha gumaysigu iugu yimaadeen, ka dib markii ay guuldarrooyin aad u waawayn kala kulmeen dagaalladii ay dhawrkii maalmood ee u denbeeyay la galeen ciidammada xoreynta Ogadeenya.
 
Waxaa jira warar sheegaya in saraakiisha hawlgalkan hooggaaminaysa ay aad uga argagaxeen khasaaraha dhinac walba ah ee goobaha dagaalka ka soo gaadhay muddadii koobnayd ee hawlgalkani socday. Qaar saraakiishan ka mid ah ayaa soo jeediyay in laga noqdo hawlgalkan oo la raadiyo qaab kale oo dhibaatada lagu maareeyo, qaar kale ayaa iyaguna soo jeediyay in la soo celiyo saraakiishii iyo ciidammada Ogaadeenya horay uga hawlgali jiray.
 
Waxaa kaloo saraakiishan argagaxa ku sii kordhiyay, ka dib markii ay askar badan oo hawlgalkan ka qayb qaadanayay iyo kuwo Ogaadeenya horay u sii joogayba dalbadeen in la nabadgeliyo oo loo sii gudbiyo dalal kale, iyaguna ay ciidammada ka soo goostaan.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa iyadoo codsigaas tixgelinaysaa waxay ugu baaqday dhammaan ciidammada Itoobiya ee doonaya inay Jabhadda isu soo dhiibaan loo ballanqaadayo inaan wax dhibaato ah loo gaysan doonin, isla markaana loo gudubin doono meel nabadgelyo ah. Jabhaddu waxay ku guubaabinaysaa ciidammada laga soo xasuuqay qowmiyadaha kala duwan ee qowmiyada Tigreegu qasabka ku keentay dagaalka Ogadeenya inay naftooda badbaadiyaan oo isu soo dhibaan ciidammada xoreynta Ogaadeenya oo u ballanqaadaya inay nabadgelyadooda sugayaan intii looga dirayo meesha ay dalbadaan.
 
Saraakiisha ciidammada gumaysiga Itoobiya waxay markii ay tariikhdu ahayd 04/05/06 isugu yeedheen odayaasha magaalada Qabridaharre, kuwwasoo ay ka dalbeen inay kala shaqeeyaan sidii bulshada Soomaalida Ogaadeenya loogu kala saari lahaa in Itoobiya raacsan iyo in ka soo horjeedda, hase yeeshee odayaasha ayaa dalabkaas ku gacan saydhay. Markaas ka dib ayay saraakiisha Itoobiya si wayn ugu hanjabeen dadwaynaha, waxayna u sheegeen inay waayi doonaan dad badan oo agtooda qaali ka ah haddii ayna dawlada la shaqaynin.
 
Dad la laayay iyo tuulooyin la gubay.
 
Hawlgalkan millatari ee ciidammada gumaysatada Itoobiya ka billaabeen dalka Ogaadeenya waxaa ka mid ah in la sii kordhiyo cadaadiskii iyo xasuuqii lagu hahay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, si gumaysiga loo oggolaysiiyo, sidaas darteed waxay maalmihii denbe dardar sii galiyeen dhibaatooyinkii ay dadwaynaha u gaysan jireen. Dadka ay dhawrkii maalmood ee u denbeeyay laayeen waxaa ka mid ah;
 
1-    Nin Ina Maxamud Aar ah oo aanaan magiciisa oo buuxa helin, kaasoo lagu dilay tuulada Kudunbuur markii ay taariikhdu ahayd 06/05/06.
2-    05/05/06 waxaa Laanqayrta, oo Dhanaan u dhaw, lagu dilay Ina Gabgable oo magiciisa oo buuxa aanaan helin iyo
3-    Cali Kaydsane.
 
Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysatada Itoobiya gubeen tuulooyinka kala ah; Kudunbuur, Bullaale iyo Barraajisle, kuwwasoo ay gubeen, ka dib markii lagu naafeeyay dagaallo nawaaxig tuulooyinkaas ka dhacay.
 
Waxaa guud ahaanba laga qaxay tuulada La-helow, oo gobolka Doollo ka tirsan. Tuulada La-helow waxaa laga qaxay markii ay ciidammada cadowgu u hanjabeen dadwaynaha, dadna ay xidhixidheen.
 
Warar aanu ka helnay ilo xogogaal ah ayaa tilmaamaya in xukuumadda Itoobiya ay ku talajirto inay dadwaynaha ku nool qasab kaga rarto nawaaxiga Jeexdin, oo ah goobta laga soo saarayo Gaaska dabiiciga ah ee xukuumadda Itoobiya heshiisyada kula gashay sharikadaha shisheeyaha ah.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa diyaarinaya qorshe ay dadwaynaha kaga mamnuucayaan inay Jeexdin uga soo dhawaadaan 90 km oo dhinac walba ah. Waxay ku talajiraan inay dadwaynaha ka mamnuucaan inta u dhaxaysa Shilaabo iyo Banka Qorraxay. Dhinaca kalana Shilaabo iyo Yucub. 
 
Jananka hooggaaminaya hawlgalkan millatari ee Ogaadeenya ka socda ayaa la sheegayaa inuu hadda ku sugan yahay tuulada Gabagabo, wuxuuna diyaarinayaa tallaabadii dadwaynaha lag aqaadi lahaa iyo sidii dadwyanaha loogu kala saari lahaa kuwo iyaga raacsan iyo kuwo ka soo horjeeda oo la gumaado. Arrintaas waxaa kala talinaya afar nin, oo la sugayo inay dhawaan soo gaadhaan tuulada Gabagabo, waxayna nimankaasi kala yihiin;
1-    Gurey Fidaar
2-    Khadar Macalin Cali
3-    Laba Go’le iyo
4-    Raxmo Maxamuud Haybe.
 
Baaq JWXO u jeedisay ururrada samafalka iyo ciidammada shisheeyaha ah.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa, iyadoo ka duulaysa hawlgallada millatari ee xukuumadda Itoobiya ka billowday dalka Ogaadeenya, waxay ugu baaqday dhammaan ururrada samafalka ah ee ka hawlgala dalak Ogaadeenya inay la socdan in dalka uu ka socdo dagaal qallafsan oo xukuumadda Itoobiya billowday, kaasoo ay suuragal tahay inuu sii calwiyo nabadgelyada dalka oo markii horaba aad u xumayd.
 
Sidaas darteed waxay JWXO ugu baaqday ururrada samafalka ah inay arrintaas la socdaan oo ka dheeraadaan goobaha millatariga oo qalabkooda iyo gaadiidkooda aan midna loo adeegsanin hawlo shaqooyinkooda ka baxsan, isla markaana ay ka baaraan-degaan sida ay suuragal ugu tahay inay hawlohooda sii wataan iyadoo dagaallo sidaas u qallafsani dalka ka soconayaan.
 
Waxay kaloo JWXO ururrada samafalka ah uga digtay inay ciidammada Itoobiya dhibaatooyin la maaggan yihiin ururrada samafalka ah oo ay doonayaan inay ku qasbaan inay dalka ka baxaan, si ayna markhati uga noqonin denbiyada bani’aadamnimada ka baxsan ee dadwaynaha ay kula kacayaan.
 
JWXO waxay baaq midkan la mid ah u jeedisay ciidammada dalalka shisheeyaha ah u dhashay ee hawlgallada u yimaada dalka Ogaadeenya.
 
12 May 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Madaxweynaha Soomaaliya oo Galabnimadii Khamiista Ka Dhoofay Liibiya
Waftiga madaxweynuhu waxa uu kusii jeedaa magaalada
Guji..

Jabuuti oo laga helay Hargabka Shimbiraha
Dalka Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in... Guji...  May 12

Gabar Soomaaliyeed oo Laga Raadinayo Webiga Mississipi
USA: Booliska Minneapolis ayaa raadinaya gabar Soomaali ah oo looga cabsi gabo in ay... Guji... May 11

»Garoonka Kismaayo oo ay Ka bilaabatay Indho shareer ka Qaadida hablaha Soomaaliyeed...