SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 4, 2006

  • Ciidamada Maxkamada Towxiid oo Gacanta ku soo dhigey Gacan ku dhiigle..
  • Dagaal maalintii 5-aad ku dhexmaraya laba Laba Beelood..
  • Cadde Gaabow “Xaalka Soomaaliya waxa uu ku soo ururey laba Shariif laba Caqiid…
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyey Deegaanka..
  • Gondaleze Rise oo wadamada Carabta ugu baaqdey in aysan gacan siin ..
  • Cismaan Caato oo beeniyay arin maamulka puntland ku eedeeyay
  • Warsaxaafadeed guddoomiyaha xisbiga RPP

Ciidamada Maxkamada Towxiid oo Gacanta ku soo dhigey Gacan ku dhiigle..

Waxaa maalintii shalay ahayd Ciidamada Maxkamada Islaamiga ee Towxiid gacanta ku soo dhigeen Nin gacan ku dhiigle ah oo lagu magacaabo Cabdicasiis Macalim Carab kaasoo maalintii shalay ahayd ku dilay agagaarka NBC Marxuum la oran jirey Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Dhicis)

Gacan ku dhiiglaha ayaa falka dilka ah u isticmaalay Qori noociisu yahay A.K.47 iyadoon la garanayn illaa iyo hadda sababaha uu u dilay Marxuumkaasi, waxaana Gacan ku dhiiglaha haatan loo gudbiyay Golaha Maxaakiimta .

Dhawaan ayay ahayd markii Fagaaraha Dugsiga Sare ee Boliiska lagu toogtay Nin gacan ku dhiigle ahaa oo lagu eedeeyey inuu si kas iyo ula kac ah u dilay Nin Ganacsade ahaa, waxaana ka qayb galay Fagaarihii Ninkaas lagu tooganayay dadweyne aad u tira badan, dilkaas oo si weyn hoos ugu riday dilalkii macnadarada ahaa ee Muqdisha ka jiray.

Dagaal maalintii 5-aad ku dhexmaraya laba Laba Beelood..

Waxaa maalintii shanaad dagaal xoog badan ku dhex marayaa Degaano ka tirsan Zoonka Shanaad ee Soomaalidu degto ee dalka Ethopia. Dagaalkan oo u dhaxeeya laba beelood oo halkaa wada degta ayaa waxaa ilaa iyo haatan la xaqiijiyay in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa iyo 25 qofood.

Dagaaladan oo ka dhacay tuulada Bohol Aweys iyo Bayxaan ayaa waxaa lagu waramay in dagaalkaasi uu ka bilowdey dhul daaqsiin ah oo labada beelood ay isku qabsadeen. Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in markii dambe ay soo kala dhex galeen beelihii dirirtu u dhaxaysey hasa yeeshee illaa iyo haatan ma jiraan cid kale oo isku dayday inay kala dhex galaan labadaan beelood, sidoo kalena illaa iyo haatana labada beelood oo dagaalku u dhaxeeyo oo iyaguna aan samaynin wax dadaal ah oo lagu xakamaynayo dagaalka oo laga cabsi qabo inuu ku sii fido tuulooyink kale, mana ahan markii ugu horreeyay oo labadaas beelood dagaal uu dhex maro.

Cadde Gaabow “Xaalka Soomaaliya waxa uu ku soo ururey laba Shariif laba Caqiid…

Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaabow oo ah Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa xalay ka qaybgalay xaflad afur ah oo uu sameeyay Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta uuna u sameeyay dhamaan bahda saxaafadda, gaar ahaan qaybaheeda Isboortiga iyo waliba Milkiilayaasha Warbaahinta, waxayan xafladdaasi ku saabsaneyd sidii ay wada shaqeyn u dhex mari lahayd Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta iyo Saxaafadda, waxaana ugu horeyn halkaasi warbixin ka soo jeediyey Salaad Macallin Max’ed (Salaad Gaab) oo sheegay in intii uu dhisnaa xiiriirku uu qabtay howlo fara badan oo la xiriira qabashadii horyaalka iyo ka qaybgalaka tartamo heer caalami ah, sidoo kale waxaa ka hadlay kusimaha Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Siciid Max’ed Nuur (Mugaanbe) oo sheegay in bahda saxaafadda looga baahan yaha in ay gacan ka gaystaan horumarinta Isboortiga, waxaa kalloo ka hadlay Cadde Gaabow oo sheegay in ay mataano yihiin Saxaafadda iyo Isboortiga Sidaa darteed midba midka kale kama maarmo, mar uu ku hadlayey arrimaha siyaasadda waxa uu sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in dalkooda ay ka difaacaan caddowga, sidoo kale waxa uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku soo uruuray labo Shariif iyo Labo Caqiid (Korneel), sidoo kale mar uu ka hadlayey cabsida ay qabaan Somaliland iyo Puntland waxa uu yiri “Kacdoonka ka dhacay Muqdisho haka cabsaninaya waa mid lagu tijaabiyey UNC, haddii uu xumaan lahaa laguma tijaabiyieen”

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyey Deegaanka..

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa warar aanu helnay waxay sheegeen in ay oo soo gaareen oo ay soo buux dhaafiyeen deegaanka Doc-Dheer ee ku taala Xadka uu Gobalka Gal-Guduud la leeyahay Itoobiya, waxayna wararku intaa ku dareen in ciidamadaasi Itoobiyaan ah ay faragelin ba’an ku hayaan wadahadalo ay Odoyaasha deegaankaasi doonayeen in looga arrinsado dagaalkii dhawaan halkasi ka dhacay. Tuulada Doc-Dheer ayaa ciidamada Itoobiyaan qaybtooda hore waxay soo gaareen labo maalmood ka hor, waxaana halkaasi dhawaan uu dagaal ku dhex maray labo beelood oo ka wada tirsan beelaha ku nool Gobalka Galguduud, waxaana la sheegay in beelahaasi ay deegaan ah kala degan yihiin MagaalooyinkaCadaado iyo Cabudwaaq. Sababaha ciidamada Itoobiyaanka ah ku yimaadeen ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kaddib markii Culuma’udiin ka tirsan Maxaakiimta iyo Islaamiga ah iyo waliba waxgarad kale ay bilaabeen in ay dhex dhexaad ka dhex sameeyaan labada beelood ee dhawaan dirirtu ku dhex martay deegaankaasi, taas oo la sheegay in Dowladda Itoobiya ka cabsi qabto in Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay u soo gudbaan dhinaca Xuduuda Itoobiya ay la leedahay Soomaaliya. Dadka deegaanka Doc-Dheer ayaa sheegay in Itoobiya ay faragelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana waxay Waxgaradku deegaanku sheegeen in ay ka seexan doonin sidii ay nabad waarta ku kala dhex dhigi lahaayeen labada dhinac ee dirirtay, waxaana sidoo kale la sheegay in Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay wadaan dadaalo ah ku doonayaan in uusan dagaal dambe dhicin, iyagoo haatan kala dhex dhigay ciidamo nabad ilaalin ah labada dhinac, iyadoo haatan xaaladda Deegaanka Doc-Dheer ay degan tahay oo aysan wax qalalaaso ah

Gondaleze Rise oo wadamada Carabta ugu baaqdey in aysan gacan siin ..

Kulan ayaa waxaa isugu yimid waddama khaliijka oo ay ku jireen xukuumadda Masar iyo Joordan, waxaa kaloo kulankaas ka soo qayb galay xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Gondaleze Rise, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo la xiriira dalka soomaaliya iyo is bedeladii ka dhacay .

Gondaleze Rise waxa ay u soo jeedisay wadamada khaliijka Maser iyo Urdun inaysan wax iskaashi ah la yeelan Maxaakiimta Islaamiga iyadoo sheegtay in is ballaarinta Maxaakiimtu inay keeneyso in Soomaaliya ay hoy u noqoto Argagixisada.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanku waxay kaloo sheegtay in wadamada carbeed looga baahan yahay inayn wax kaalma ah siinin Maxaakiimta Islaamiga oo gacan siintoodu ay noqoto mid ku eg oo keliya gargaarka iyo Binu’aadanimada.

Ugu danbayntiina waxay u soo jeedisey dalalkaasi in haddii Soomaaliya laga fulinayo hawlo la xiriira argagixisada aysan soo fara gelinin iyadoo xilligaa ula jeeday wadmada deriska la ah Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo ku dhawaaqdey in la furey Maxkamadii sare..

Maalintii shalay ahayd ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Xukuumadda Federaalku uu ku dhawaaqay in la furay Maxkamaddii Sare ee Dawladda Federaalka, furitaankan oo ku soo beegmay iyadoo maalintii shalay ahayd 25 qofood oo Garsoorayaal ah loo furay tababar la xiriira Garsoorka, Maamulka , Shareecada Islaamka iyo shuruucda caalamka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Cali Haaruun oo u waramayay warbaahinta ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay hawlohoodu si joogta u wadan doonaan in kastoo ay su’aal ka taagan tahay qaabka ay maxkamadaasi u hawl galayaan maadaama dalka intiisa badan ay gacanta ku dhigeen maxkamado Islaami ah oo sladhiggoodu yahay Shareecada Islaamka

Cismaan Caato oo kulan kula yeeshey Magaalada Gaalkacyo

Cusmaan Xasan Cali Caato oo dhawaan gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa maalintii shalay ahayd wuxuu halkaa kulan kula yeeshay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha uu ka dhashay., wuxuuna kulankaasi ugu soo jeediyay inay dar dar geliyaan hawlihii nabadeynta ay halkaa ka wadeen gaar ahaan wejigii 3aad.

Cusmaan Caato oo aan la dhacsanayn maamul Goboleedkii dhawaan halkaa looga dhawaaqay ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yiri “Way haboon tahay in dad meel deggan ay samaystaan Maamul, balse waxaa haboon in Maamulkaas laga qayb galiyo dhamaan beelaha kale ee halkaa ku dhaqan.

Cusmaan Caato oo la filayo inuu dhawaan u anba baxo maamulka la magac baxay SomaliLand ayaan la ogeyn sida uu u dhex mari doono maamul goboleedka Pot-land oo iyagu horey ugu diiday in Diyaarad uu Cusmaan Caato la socdey uu ka soo degto Magaalada Gaalkacyo.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Gaalkacyo:Cismaan Caato oo beeniyay arin maamulka puntland ku eedeeyay oo ahayd in u Galkacyo u tagayo in uu dhiso maxmkamad islaami ah.

xildhibaan Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa ku tilmaamay wax kamajiraan hadalo ay faafiyeen warbaahinta soomaalida taasi oo ay sida warbaahinta lagu qorayna laga soo xigta maamulka puntland oo ahayd in uu gaalkacyo u tagayo in uu halkaas kaga dhawaaqo maxkamad islaami ah taasoo hoos tagi doona midowga maxkamadaha muqdisho. 

Cismaan Xasan Cali caato oo ah xildhibaan ka tirsan DFKG ka ah horayna u ahaan jiray wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guriyeeynta ayaa sheegay in Gaalkacyo uu u tagay sidii uu kulammo ula yeelan lahaa Madaxda GAL-MUDUG oo dhawaan lagaga dhawaaqay koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in sidoo kale uu kulammo la yeelanayo Madaxda Dowlad goboleedka Puntland.  

Anigu uma tagin Gaalkacyo inaan ka dhiso Maxkamad Islaami ah, mana dhacayso in dadka Gobolkaas daggan aan ku qasbo wax aysan doonayn, waxaanse u tagay inaan kulammo la yeesho Madaxda GAL-MUDUG iyo Kuwa Dowlad Goboeedka Puntland" ayuu yiri Cismaan Xasan Cali (Caato).  Sidoo kale Xildhibaan Caato wuxuu been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay in Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ay ka horistaageen inuu ku gaaro Gaalkacyo dhanka hawada, waxaase uu sheegay inuu isagu jeclaystay inuu dhulka maro. 

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in uu damacsan yahay in uu u sii gubo magaalooyin kale oo ka tirsan Puntland gaar ahaana caasimada puntland ee Garowe iyo caasimada soomaaliland ee Hargaysa isaga oo sheegay in uu u tagi doono  hawlo shaqo. 

Si kastaba horay ayaa maamulka puntland mar uu cismaan xasan cali caato uu soo raaci lahaa diyaarada Daalo Airline u mamnuucay in aysan diyaaradasi ka soo dagi karin garoonada puntland balse taasi ma noqon mid joojisa safarka Cismaan Xassan Cali (Caato). 

Waxaana la iswaydiinayaa in ay maamulka ka ahayd dhoolatus iyo in uu ula danlahaa in shirkada Daalo aysan mardanbe imaan garoonda puntland taasoo  farta loogu fiqayo in ay ka danbeeyeen shirkado kale oo gacan saar laleh qaar ka mid ah Madaxda puntland. 

A/rizak koronto
Garowe puntland


Puntland state of Somalia

Ramaas Political Party (RPP)

RPP/59/06                                                                                             Date: 04/10/06

 

Ku: Saxaafada madaxa banana ee soomaalia

Ku: Shacabweynaha Puntland

 

Ujeedo: Tuur bay yeelataye ha loo taliyo

 

Ugu horayn mudanayaal iyo marwooyin  dadkiinaan nagala soo qayb galay shirsaxaafadeedka waxaan ku salaamaynaa salaanta islaamka A/S/C.

 

Bacda salaam waxaan idiin soo bandhigaynaa warsaxaafadeedkii aan idin ku casuunay  oo ku saabsan tuurbay yeelataye ha loo taliyo.

 

Waxaa hoodo iyo ayaan in haybadii dawlad nimo oo qarniyo doora haawayda gumaystayaashu hortaagnaayeen ayaa ugu danbayntii 1 aug 1998 la helay.

Guul baa u soo hoyatay shacabka markii udubka lo taagay DGPL taas oo himiladu ahayd in la helo maamul hormood tusmo leh  u noqda guud ahaan umada soomaaliyed gaar ahaan horumar u horseeda shacabka reer puntland si ay ugu daydaan umada soomaaliyeed ee kale.

 

Waxaa fajiciso ah in badii laga eegayay lacagta ay lacaab dhasahy iska daa horumar la higsado waxay madaxdii la doortay hanan kari waayeen qodabadan.

 

1-furayaashii nabada iyo xasiloonidii oo lagu wareejiyay taas oo ka mushxaradaysay deegaanada reer puntland oo si habsami leh ay u daa dihinayeen isimada iyo wax garadka reer puntland.

2-Waxay ka baaqsadeen in ay hantaan ilaalinta hantida umada taas oo isu rogtay hanti u gaara shakhsiyaad dhuun qaatayaal oo faro ku tiris ah, sida golaha xukuumada oo kale oo lacagtii loogu talagalay laamaha haayadaha dawlada u adeegsada dana hooda gaarka ah taas oo ka dhigtay haayadihii dawlada fadhiid.

3-Waxay dhiiri galiyeen dhulboob iyo dhalin rogida xafiisyadii iyo guryihii dawladii soomaaliyeed taas oo isimadu ay ka horjoogeen burcada iyo danaystayaasha ka hor dhismaha maamulka puntland, Tusaale ahaan, halka laga shido korontada garowe ayaa waxaa ka dhistay guri gabar hase ahaatee waxaa horjoogsaday shacabkii oo ay hogaaminayaan waxgaradkii iyo isimadoodii sidaas ayaana lagu dumiyay gurigii.

4-Waxaa maamulku wax ka qaban kari waayeen fadeexada haayadaha dawlada fadhiika  ka  dhigay wasiirada gafanayaasha ah  oo u yimid in ay dhacaan adegyada  loo qoondeeyay in lagu maamulo hawlaha laamaha wasaaradaha DGPL .

5- Waxaa maamulku ku guuldaraysatay in ay joojiso xaalufka khayraadka badda bal waxay isu rogeen burcad shirko ku ah xaalufinta badda.

 

Hadaba isku wada duuboo mar hadii madaxdii la doortay ay ka gaabiyeen hanashada waajibaadkii loo xilsaaray isla markaana ay ku fashilmeen hirgalinta himiloyinka loo dhidbay DGPL oo ahaa in lagu baadi gobo Gobaladaan nabada ah sidii horumar loogu helilahaa.

Waxaa sicad u muuqatay in ay tuur yeelatay loona baahan yahay in la toosiyo Madaxda DGPl oo u bartay burburinta dalka iyo shacbka Puntland.

 

Haddaba Xisbiga Ramaas wuxuu ugu baaqayaa isimada iyo wax garadka reer puntland in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto shirwayne lagu badbaadinayo Maamulka DGPL oo hadii uu sidaa ku sii jiro ama loogu fiirado ay muuqato in uu marayo tubtii ay martay Dawladii Soomaaliya uuna bur burayo maamulku lagana dhaxlidoono dagaal sokeeye.

 

 

   Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas Political Party (RPP)

 

           Daahir ciiro
Daahirciiro@hotmail.com
Mobile: 747090


Barnaamijkii Radio Xoriyo
03 October 2006
 
Labo beelood oo ku dagaallamay xadka Ogaadeenya iyo Soomaaliya.
 
Itoobiya oo ciidammo iyo hub badan keentay dalka Soomaaliya.
 
Danjire caan ah oo beeniyay in maxkamaduhu khatar ku yihiin Kenya
 
 
======================
 
Labo beelood oo ku dagaallamay xadka Ogaadeenya iyo Soomaaliya.
 
Dagaal adag ayaa labo belood oo soomaali ah ku dhex maray tuulo ku taalla xadka u dhexeeya Ogaadeenya iyo Soomaaliya, iyadoo ku kala dhinteen ugu yaraan 24 qof, in ka badan 40 kalana ku kala dhaawacmeen.
 
Dagaalkani wuxuu ka dhacay meesha lagu magacaabo Doc-dheer oo 45 km dhinaca bari ka xigta magaalada Caabudwaaq, waxaana la sheegayaa inuu dagaalku ka billowday khilaf la xidhiidha dhul daaqeen iyo biyo.
 
Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada Cadaado iyo Caabudwaaq ee dalka Soomaaliya ayaa qaaday dadaallo lagu joojinayo colaadan ka oogan nawaaxiga Doc-dheer, iyadoo odayaasha iyo waxgaradku ay tageen deegaankaas. Odayaashan oo isugu jira culimada diinta, waxgarad iyo oday dhaqameedyo, ayaa isku dayaya sidii ay u soo afari lahaayeen colaadda labada beelood u dhaxaysa.
 
Waxay kaloo wararku intaas ku darayaan in gawaahi tikniko ah oo ay wataan cutubyo ka tirsan ciidamada maxakamadaha  Islaamiga Somaaliya ayaa iyaguna tegay deegaankii dagaalku ka dhacay, kuwaasoo ka shaqaynaya sidii ay labada dhinac u kala dhex gali lahaayeen.
 
Itoobiya oo ciidammo iyo hub badan keentay dalka Soomaaliya.
 
Wararka ka imanaya dalka Somaaliya ayaa sheegaya in xukuumadda Itoobiya ay ciidammo iyo hub aad u fara badan keentay meelo ka mid ah dalka Soomaaliya.
 
Warar xogogaal ah oo laga helay helay gobolka Gedo ayaa xaqiijinaya inay xukuumadda Itoobiya ay saanad millatari oo aad u fara badan ku oo daabulayso Bakhaaro hub oo ku yaalla deegaanka Dolow, iyadoo ay xadka Ogaadeenya iyo Somaaliya ka soo tallaabayaan gaadiid xamuul ah oo lagu soo buuxiyay saanad millatari oo kala duwan.
 
Wararka ayaa intaa ku daraya in soo daabuliada saanadaasi millatari ay iska kaashanayaan saraakiil Tigree ah iyo kuwa Soomaali ah, waxaana hubkaas la filayaa la geeyo magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dowladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
 
Dhinaca kale ciidammo Itoobiyaan ah oo wata 45 gaadhii oo kuwa dagaalka ah ayaa soo buuxiyay deegaanka Khorof oo ku yaalla xadka uu gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya la wadaago Ogaadeenya.  
 
Si dhab ah looma garanayo sababaha ciidammada Itoobiya loogu soo diray deegaankaas, hase yeeshee waxay imaatinka cidamada gumaysatada Itoobiya ku so beegmeen xilli ay ciidamada maxkamadaha isaamiga Somaaliya tageen deegaanka Doc-dheer, si ay u joojiyaan colaad labo beelood halkaas ku dhex martay, waxaana imaatinka cidamada gumaysiga loo fasirtay inay ka hortagayaan in la qabojiyo colaada labadan beelood u dhaxaysa ee qabojinteeda laga shaqaynayo.
 
Danjire caan ah oo beeniyay in maxkamaduhu khatar ku yihiin Kenya
 
Danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysatada Itoobiya David Shinn oo ka mid ah dadka ku xeeldheer arrimaha gobolka Geeska Afrika ayaa sheegay in golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliya ayna khatar ku ahayn dalka Kenya, isagoo xusay in ujeedada maxkamadaha islaamiga ay ka leeyihiin la wareegista koonfurta Soomaaliya ay tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen in waddanka Soomaaliya la geeyo ciidammo shisheeye ah oo ka socda dalalka IGAD.
 
Ted Dagne oo ah khabiir ka tirsan xarunta daraasaadka Congress-ka Mareykanka ee Washington oo ku takhasusay arrimaha Bariga Africa ayaa isaguna sheegay in Baqdinta laga qabo in maxkamaduhu ka tallaabaan xadka Kenya ay tahay mid si weyn looga badbadiyay, waxaana fikirkaas la qaba David Shinn oo sheegay in ujeeddada maxkamadaha islaamiga ay tahay sidii ay u soo jiidan lahaayeen shacabka ku dhaqan goobaha ay gacanta ku hayaan, mana doonayaan buu yidhi inay dhibaato u gaystaan wadanka Kenya ama Itoobiya.
 
Mr Dagne oo dhawaan magaalada Nairobi kula kulmay masuuliyiin ka tirsan golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliya ayaa sheegay in aaney jirin wax cadeymo ah oo muujinaya in maxkamadaha ay damacsan yihiin dhiirrigelinta weeraro laga fuliyo gudaha dalka Kenya.
 
Wuxuu kaloo sheegay inayna jirin waxu caddaynaya in maxkamadaha islaamiga ay magan siiyaan argagixisada caalamiga ah iyo nacayba goni ah oo ay qabaan dalka Maraykanka ama inay bar-tilmaameedsanayaan danaha Maraykanka.
 
Hadalka ka soo baxay khubaradan ayaa meesha ka saaraya arrinta ay xukuumadda gumaysatada Itoobiya ku andacoonayso ee ah inay maxkamadaha islaamigu khatar ku yihiin wadamada dariska la ah Soomaaliya.
 
03 October 2006.
Axmed Gaal-Eri                   
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 4, 2006

Cismaan Caato oo safar dhulka ah ku gaaray Gaalkacyo
»Maxkamadaha Islaamiga ah oo gaaray Magaalada Dhoobley
»David Shinne “Maxkamadaha u maleyn maayo in ay..”
»Maamulka Puntland oo sheegay in aysan u dulqaadan..
»Baaq ka soo baxay Culimaa'udiinka Waamo...
Wararka oo oo dhan ka akhri halkan Oct 3

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa

C/llaahi Yuusuf oo dhawaan la filayo in uu Booqdo wadamada Itoobiya , Kenya iyo...  
»Maxaa ka soo baxay kulankii Qaahira ee J/Carabta..
»Maxkamadaha oo miinooyin ku aasay Deegaano ku dhow ..
»Waraaqo lagu daadiyey Magaalada Baydhabo..
»Sheekh Yuusuf Indha-Cadde oo shacabka ka dalbadey Cafis
»Dagaal ka dhacay dhabad iyo ducdeer oo ay ku dhintay 19
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 2 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD