SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Yaa ku dhibtooday yaase ku diirsday isbeddelka Muqdisho?

Mohamed Ahmed Wallays
Muqdisho
inawallays@yahoo.com

 
Ninki sahay ku noolaa        Iyo soorta dhaanshow
Saymaa da’aayee              Sidow yeeli doonaa?!
 
Tixdaas waxaa la sheegay in asalkeedu ka yimid , berigii soomaaliya inteeda badan biyada looga dhibbanaa waxaa jiri jirey dad burcad ah oo dadka dhaanleyda ama safarka ah jidka u gala, oo dhaca ama dila. Marka ay roobabku da’aan, waxaa yaraada dhaanka sidaasna waxaa wax ku waaya dadkii burcadda ahaa ee ku noolaa dhacooda. Taas waxaa u dhiganta qeylada manta ka yeereysa dadkii dantu kugu jirtay dhibtii xamar ka taagneyd.
 
Yaa ku dhibtooday?
Lix iyo tobankii sano ee muqdisho ay wanshaxaabadu ka taagneyd, waxaa jirey dad tiro yar oo ay u aheyd sannadihii dahabiga ahaa ee cimrigooda, dad faqri ahaa oo taajirey, dambiilayaal  aan xabsi ka bixi jirin oo helay xorriyad ay mujtamaca kaga aar goostaan iyadoo aan “yac!” la dhihin, kuwa “raabiya” heysay oo rabay wax ay qaniinaan. Intii mujtamaca cuqdada ka qabtey oo fursad u heshay inay ciday doonaan dhibaateeyaan iyagoo marna qabiil ugu mar-marsooda marna sabab la’aan. Intii ku raaxaysan jirtey taaha iyo balambalka dadka taagta daran. Intii sida xun u nooleed waxay si xor ah u firdhiyeen suntoodii ilaa markii dabme mujtamaciiba qabatimeen qaniinyadoodii oo ay wax iska caadi ah noqotay!
 
Markii ay maxkamadaha Islaamiga ah (Allah dhowree) ay gacanta ku dhigeen talada Muqdisho iyo gobolla kale, waxaa cod mid ah lugu yiri “alxamdu lillaah” allaa mahad leh, allihii naga dul qaaday kuwii dadka ugu liitey uguna naxariista darnaa, Allihii nicmadiisa nagu hareeyey, iwm.
Hase yeeshee waxaa jirey codad kale oo aan layska dhiga tiri karin, soona xoogeysanayay marba marka ka dambaysa, waxaa afkooda furtay intii danta ku qabtey silicii iyo saxariirtii, waxay ku dhegaan geedk kasta oo ay isleeyihiin waa idinka reebi karaa daadka, waxay buun-buuniyaan gef kasta oo ka dhaca maxaakimta iyo dadka la xiriira, waxay tashwiish geliyaan dadka maan gaabta ah, iyagoo leh “nabad waa la helay laakiin shaqo la;aan ayaa jirta!!”
 
Waxaa is weydiiyey shaqooyinka ay maxkamaduhu joojiyeen waa kuwee?? Ma warshado, wasaarado iyo wakaalado la xirey ayaa jira? Waxaan ogaaday in kuwa qaylinaayay ay yihiin: kuwii dadka cuni jirey, kuwi ka hoos qaraaban iyo kuwii kasii hoos qaraaban jirey, kuwii dadka afduubi jirey, kuwii aflaamta jinsiga shidi jirey maalin cad bisha Ramadaan, kuwii dadka afduubi jirey, kuwii dadka la afduubayo soo ilaalayn jirey, kuwii isbaaroyinka ka quudan jirey, kuwii mooryaanta marna  quraamin jirey ama xirsiyada u xiri jirey ama tahliisha cabsiin jirey, kuwii dadka ku shiish baran jirey, kuwii guryaha islaameed ku ilma dhalay, kuwii beeraha dadka ka xoolaystay, kuwii dadka dhoofin jirey, kuwii dakanaha galay ee qabiilka looga baqi jirey, kuwii guryaha fiiqan jirey, kuwii daroogada ka mushtari jirey, kuwii mukulaal madowga ahaan jirey, kuwii daawada ama raashinka dhacay waddanka keeni jirey, kuwii lacaga soo daabaci jirey, kuwii warshadihii qaranka boobay, kuwii dadka nolosha ku gubi jirey, kuwii, kuwii, kuwii.. ilaa lag iyo laan-jirideed….
 
Waxay barteenoo beryahaan la waayay baafinayaan!
Dad baa waxay rumasan la’yihiin waa la simanyahay, qof waliba meeshuu doonuu mari karaa, looma ooyaan ma jiro, isbaaro ma jirto, mukulaal madow majirto, filim dhaqan xumo ah lama shidi karo, akhlaaq xumo lama oggola, xaqa dadkii iska lahaa haloo celiyo, dad lama afduubi karo, nin weliba dhidid kiisa ka ku tashado !
 
Bulshada rayidka ah, hay’adaha samafalka (NGOs), iyo kuwa xuquuqda.
Waxaa murala-dillaac ah waxa loogu yeeray bulshada rayidka ah, kuwa loogu yeeray xuquuqul insaanka, NGO-yada, intii dhacdooyinka u sawiri jirtay sida ay u rabaan kuwa ay lacagta ka helaan, kuwi u ololayn jirey inay bulshada dhalan rogaan, oo ay xummaanta “caadi” uga dhigaan. Waxay ka baqayaan in la yiraahdo keena warbixinnadiinnii aad diri jireteen iyo wax qabadkiinnii, waxay ogyihiin in haddii la daba galo dhiiqo loo tegaayo.
 
Anigoo goob jog ah ayaa waxaa la weydiiyay mid ka mid ah madaxda hey’adaha xuquuda ka warrama isbeddelka dhacay? Wuxuu ku jawaabay isagoo shaki badani ka muuqdo “kolley nabad waa haysannaa laakiin waxa ka dambayn doona ma ogi!” waxaa la  ogyahay in qaarkood la siiyey abaalmarinno caalami ah oo la siiyo oo kaliya dadka dhaqan xumada ku dhiirri geliya waddamada Islaamka ah, waxay u gudbiyaan maal geliyeyaashooda mashaariic shaki leh oo lacago badanna ku baxayaan.
 
Kuwaasoo dhami waxay niyadda gashadeen inaan waxba lays weydiin doonin, waxaa aad ugu adag inay la qabsadaan isbeddelkaan dhacay waxaa aad u adag in la sharxo wax qabadkooda lana waafajiyo dhaqan toosan iyo diinta Islaamka, waxaa hubaal ah in kuwa badan ama ay hawshooda joojin doonaan ama ay saldhiggooda u rari doonaan meelaha aan maxaakimtu joogin!
 
Saxaafadda xorta ah!!
Saxaafaddu waxay qarnigan la joogo ka mid tahay aaladaha ugu khatarsan ee laysu adeegsado, waa seef laba afley oo dhankii loo isticmaalaba wax u jarta, haddaba saxaafadda soomaaliya waxay uga duwantahay saxaafadaha kale inay waxa ay doonaan iska sheegaan, ciddii ay doonaan af-lagaaddeeyaan, been sheegaan, akhlaaq-xumo faafiyaan, ummadda dhaqan dooriyaan kuna xad-gudbaan. Saxaafadda soomaalida waxaa ka maqan ujeeddo kasta oo saxaafadeed, nuxur ama tayo warbaahineed. Waxay u barteen in la kireysto oo ay baahiyaan warar isburrinaya gelinka hore iyo gelinka dabmbe, hadba gacantii ku dambaysa. Waxay baqo-maalaan (baadaan)  shirkadaha ganacsiga iyagoo shirkaddii aan xayaysiin siinin ka faafiya warar naxdin leh oo macaamiishooda khal-khal geliya.
Haddaba waxaa cad inaan idaacada muqdisho ay ku adagtahay inay ku shaqeeyaan meel kala dambay iyo nidaam jiro, maxaa yeelay waxay hawshoodu ku socotaa lacagta baadda ah ee ay ka qaadaan shirkadaha iyo shakhsiyaadka si shartooda looga bad-baado.
 
Qaad-walayaashi, daroogiisteyaasha, iyo filimlayda!
Waxaa isbeddelku saameeyay dadka ka ganacsada qaadka , waxaa hoos u dhacay keenistiisii, ka ganacsigiisii iyo cunistiisii, waxaaa arkaysaa in dhallinyarada qaarkood ay ka raysteen xiskoodiina u soo noqday. In kastoo aan ogahay in qoysas badan lagu biili jirey, haddana waxaa ka badan qoysaska uu sabab u noqday burburkooda iyo dhibaatadooda.
Waxaa la gubay bundado, jawaanno iyo fuustooyin daroogo ah, waxaana xabsiga la dhigay waxna la tacsiirey dadka ka ganacsan jirey ama isticmaali jirey, waxay iyana ku doodayaan in risaqoodii la jaray iyadoo aan loo samaynin meel ay ka shaqeystaan!!!
 
Waxaa sannadihii ugu dambeeyey si waalli ah ugu faafayey magaalada Muqdisho filimaan dhaqan xumo ah, oo qaarkood af-soomaali loo tarjumay , qaarkoodna laga duubay dad soomaali ah. Mar ay maxkamaduhu soo bandhigeen cajalado ay qabteen, dadkii lugu casuumay in la tuso way yaabeen!!, haddaba dadkii waxaas ku shaqeysan jirey waxay ka mid yihiin dadka isu arka in la inqilaabay xuquudoodiina la duudsiiyey!!!!
 
Siyaasi xume , cilmaani iyo  wadaad xume!
Waxaan dhihi karaa siyaasiyiinta soomaalida ee aan aragnay badankoodu waa siyaasi xume, ma aqaanno magac kale oo aan ugu yeero laakiin waxay ila tahay in ay siyaasadda aflagaado ku tahay in loogu yeero siyaasiyiin, taariikhada addunka waxay ka galeen baal madow aakhirana fili mayo inay rajo fiicaniyiin. Waxay la jiifaan cadho, afkiibaa juuqda gabay, indhiibaa casaaday waxay sugayaan fursad ay ku aar goostaan!!
 
Cilmaaniyintu waa dadka aaminsan inaan diintu nolosha dadka shaqo ku lahayn, kuwii siyaddaas suuq-qeyn jirey waxaa kuwada kacay dhiiggii iyo sokortii waxayna ku dhawyihiin inay is-merjiyaan.
 
Wadaad xume waxaa la yiraahdaa midka diinta ka been sheega, midka fatwooyinkiisu ay beeca yihiin ee hadba wixii loola yimaada u qiil-daya. Isbeddelkaanu wuxuu fallaar wadna haleeshay ku noqday, kuwii iyadoo sheeganaya magac diimeed difaac u noqon jirey wax kasta oo rabbigeen caro geliya iyadoo ka raadinaya quraac ama qado maalmeed!
 
Waddama deriska ah iyo jawaasiistoodii
Waxaan u malaynayaa inaan taasi faallo badan iiga baahnayn, mar hadii aan arkayno “Melles Zenawi” oo aad mooddo in dhulka laga qaniinay, oo barqaba meel jilba-jabsanaya si uu adduunka ugu sheego in somaaliya ay halisi ka soo socot!! Sidoo kale jawaasiistoodii oo iska xaadiriyey meeshii laga soo direy, iyadoo aan ka murugo yareyn sayidkoodii!
 
Beesha Caalamka.
Beesha caalamka oo ah magac ay ku qaraabtaan mareykan iyo reer galbeedka , ma aysan qarinin wel-welka ay ka qabaan isbeddelka lama filaanka ah ee ka dhacay Muqdisho, waxay maal geliyeen in Soomaaliya ay ku sii jirto dhibaatada taasoo ah mid kasoo horjeedka anshaxa iyo sharafta bani’aadamka. Waxaa yaab leh sababta ay reer galbeedku waddankeenna u kharribayaan haddana ay aqbalaan kumaan kun oo qaxooti ah iyagoo sheeganaya inay “axsaan” falayaan? Waxay ku hawalin yihiin in la fashiliyo isbeddelkaaa,  xoog ama xeelad sidii ay ugu suurta gashaba.
 
Yaa ku diirsaday?
Waxaa ku diirsaday inta fiyow ee uu ku jiro dareen dadnimo, danyartii dushoodu lugu noolaan jirey oo shilinka ay soo xamaalaan laga qaadan jirey ama lala qaybsan jirey oo weliba dil iyo kufsi loogu dari jirey, dadkii iyadoo xoolo haysta ka baqaayay inay woxooda ku ganacsadaan, dadkii iyagoo aqoon leh ka baqi jirey inay aqoontooda ku shaqeystaan, dadkii dabkaayooyinkooda furan waayay ilaa ay yeeshaan qof “mukulaal madow ah” oo ka masuul ah, dadkii guryohooda iyadoo arkaaya dhaxanta ka jiifan jirey, dadkii qurbaha u yaacay oo carruurtoodii ay ku daateen dabinkii kaniisadaha oo marna fiirinayay waddanka marna msutaqbalka madow ee ubadkooda sidaasna ku qafiifay, kuwii baaruurtoodii ay garaashyada ku daxalaysatay oo ka quustay inay shaqeystaan, kuwii la qafaalan jirey, marna lugu shiish baran jirey, kuwii gabdhohooda iyagoon ka raalli ahayn la guursaday ama iyagoo arkaaya la fara xumeeyey, intii doonaysa inay si xalaal ah ku shaqeystaan, inta doonaysa in ubadkoodu ka badbaado akhlaaq xumada, iyo inta doonaysa in waddankoodu ku soo noqdo waddan sharaf leh oo laga haysbayso, kuwa doonaya in kelmadda alle ay kor ahaato caddaaladduna ay dalka cammirto,kuwa, kuwa, kuwa…. Ilaa lag iyo laan jiriddeed..
 
Haddaba
Waxaa jira tartan xawli ku socda iyo muran lugu xabeentey oo u dhaxeeya intii ku dhibtootey isbeddelkaas oo ku taamaysa in sida ugu dhaqsa badan loo dhiciyo (suuliyo) iyo intii ku diirsatay oo doonaysa in isbeddelkaas uu horey u socdo si inta dhimman loo dhamaystiro.
 
Waxaa hubaal ah in waqtigii hadalku dhamaaday, qof waliba waxaa la gudboon inuu garab istaago meesha uu u arko in maslaxadda dalka, dadka, iyo diintu ku jirto, uuna ku bixiyo naftiisa, maalkiisa,  waqtitiisa  iyo maskaxdiisa, hadba intii uu karo.
 
Maxaakiimtana waxaa u sheegayaa in ay hawl badani sugayso, dadka waxaa ka mid ah kuwo xishooda, kuwo alle ka cabsada, kuwo birta ka cabsanaya, kuwo ishood qaatayaal ah, kuwo canaan u baahan, kuwo xabsi u baahan, iyo kuwo aan waxba ku qancayn birta xanafteeda mooyee!!! Waxay ila tahay inaydan ka maarmi doonin in qof walba waxa uu yahay lugu dhaqmo!!
 
 
Wixii aan saxo waxaa I waafajiyey Allaah, wixii aan khaldana waa naftayda iyo shaydaan.
 
Mohamed Ahmed Wallays
Muqdisho


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2006

»Baydhabo: Guri ay Martidiisu Gubeyso! | Taysiir
»Baydhabo: Dagaal ma Fadaannaw... | A. M. Yusuf
»IGAD: Musiibo loo soo diray Soomaaliya! | Diiriye
»Geeridii naxdinta lahayd ee sarihii mataanaha ahaa
»IGAD MA WAXAY NOOGU YABOOHAYSAA (ARMY & AIDS)? FAALO
»DONOQI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE HORTA XAGEE
»Maxaa sababay in uu hoos u dhaco dhegeysiga Puntland ee...
»WARAABAHA HILIBKIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
»Muxuu ku salaysnaa shir-madaxeedkii IGAD ee Magaalada Nairobi?
»Baaq-qaylo dhaameed  (Golaha Wadatashiga & Iskaashiga...)
»Wiil Soomaaliyeed oo mudo 16-sano ku dhibaataysan Baydhabo
»Adigoo jiran haygu soo noqonin!!! | M. Macallin 
»Warsaxaafad: Cambaarayn  dawlada Kenya Eng. Idiris
»Warsaxaafad: SOO DHOWEYN HESHIISKII KHARTOUM | Eng. Yarisow
»IRAN WAA CADAW ARXAN-DARAN OO SUNIGU LEYAHAY | Khalid


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD