SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 29, 2006

  • Maxkamada Islaamka Ee Dagmada Kaaraan oo Ku Wareejisay Dadkii Lahaa 11 Guri Oo Horey Looga Heystey
  • Cali Maxamed Geeddi oo Nairobi ka dhoofay, oo Baydhaba gaaray, maxaase ka jira intii uu Joogey Nairobi in la isku deyey in la dilo Geeddi.
  • Geeddi “Taageerada Maxaakiimta waxaa lumiyey markay Calanka gubeen”
  • Culuma’u-diin lagu xirxiray Magaalada Baydhabo
  • "Madaxweyne Cadde Muuse iyo Gaagaab waxay bil Kasta Baydhabo u diraan lacag dhan$ 13,5000" RPP
  • Roma: Markab hub iyo ciidan siday oo lagu gubay xeebaha Soomaaliya.
  • Wasiirka warfaafinta DGPL ayaa ka digay wax uu ku tilmaamay fitma wadayaal dhalinyaro u badan.
  • Taliyaha ciidanka Booliska puntland yuusuf xaaji ayaa maanta ka hor akhriyaya warqad furan maxkamada Boosaaso horteeda.
  •  Maxkamada Darajada Kowaad oo xukun ku riday dad Tahriibayaal ah iyo kuwa ka shaqeeya hawlaha tahriibayaasha.

Maxkamada Islaamka Ee Dagmada Kaaraan oo Ku Wareejisay Dadkii Lahaa 11 Guri Oo Horey Looga Heystey

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somalia
002521576666/002521653623

Muqdisho: Gudoomiyaha Dagmada Kaaraan Nuur Cali Tukade Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Howl Gal Ay Sameyeen Ciidamada Maxkamadu Ay Ku Wareejiyeen 11 guri (oo ah Daaro) Dadkii Iska Lahaa Oo Xoog looga Heystey Mudo Badan Waxaa Uu Sheegay Sh: Cali Tukade Dadka Iska Leh Guryahaasi Ay Warbixino Soo Gaarsiiyeen Maxkamada Isla Markaana Sidaasine Uu Howgalku Ku Dhacay.

Waxaa Uu Sheegay In Dadka Arintaan La Xiriirta ee guryaha  Heysto Loo gaarey In Lacago La Siiyo oo Guryo Furasho ah  Dadkii Heystey Guryahaas Si looga Baxo Guryahooda Waxaana Uu Sheegay In Iyaga Aan Wax Lacag Ah La Siinin Dadkii Heystey Guryahaas Si Nabdoona Ay khamiistii Ku Wareejiyeen Guryahaas Cidii Iska Laheyd , 

Waxaana Uu Sheegay In Ka Dib Marki Ay Layimaadeen Ducumentigii Guryahooda Lagu Wareejiyey Waxaa Kale Oo Jirtey In Dhul Banaan Oo Horey Loo Dhistey Isna La Dumiyey Laguna Wareejiyey Milkiilayaashii Xaqa U Lahaa, Wuxuuna Intaa Ku Daray In Digniin Ka Dib Ay Arintaa Sameeyeen  Waxaana Uu Sheegay In Aysan Jirin Wax Sharuud Ah Oo Ay Ku Xirayaan Wareejinta Guryaha Dadka Guryahooda Iyo Boosaskooda La Heysto Waxaana Nagu Filan In Nalaku Soo War Geliyo Oo Keliye Hadii Ay Jirtto Arin Nuucas Ah , 

Si Kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysay oo guryo noocaan oo kale ah ay maxkamaduhu ay si nabad ah ugu wareejiyaan guryo dadkii iska lahaa xoog looga heystey waxaana maalmahaan soo baxeysay in guryo xitaa waqtigii loo qabtey in looga baxo ka hor la keenayey maxkamadaha furayaashii guryaha xooga lagu heystey qaarkoodna laga cafis dalbanayey dadkii lahaa guryahaas ,arintaan dadkii guryohooda xaqa u lahaa lagu wareejinayo ayaa ah faanoole fari kama qodna hadii ay sii socatana waxaa la gaarayaa liibaan iyo nabad.


geeddi geedi gedi

Cali Maxamed Geeddi oo Nairobi ka dhoofay, oo Baydhaba gaaray, maxaase ka jira intii uu Joogey Nairobi in la isku deyey in la dilo Geeddi.

Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay magaalada Nairobi ee caasimda kenya isagoo ka dagay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dawlada somalia .

Waxaa ka racay magaalada Nairobi Raisul wasaaraha xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyada. Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud), Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ahna ra'iisul Wasaare K/xigeenka, Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamaanka somalia isagoo inta oo ku sugnaa Nairobi kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan beesha caalamka.

Cali Maxamed Gedi Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ah ayaa magaalada Baydhabo waxaa si diiran halkaasi kusoo dhaweeyey labada Gole ee dawlada Baarkamaanka iyo xukuumada,waxaana ka mid ahaa madaxdii soo dhawaysay Gudoomiyi ku xigaynka Baarlamaanka FKMG ee somalia ahna ku sii simaha gudoomiyaha Cismaan Cilmi Boqore, Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka arrimaha gudaha Eng. Xuseen Maxamed Caydiid, iyo xubno aad u badan oo ka tirsan baarlamanka somalia.

Raisul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa markii uu tagay baydhabo wax yar ka dib waxaa uu qabtay shir jiraaid oo uu kaga hadlay arimo badan waxaana uu ka warbixiyay socdaalkii uu ku yimid magaalada Nairobi waxa uu ku saabsanaa isagoo ku sheegay in uu la kulmay beesha caalamka isagoo sheegay in ay ka wada hadleen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 18kii bishaan lala beegsaday madax waynaha somalia balse uu ka badbaday iyo waliba qabshada magaalada kismayo ay qabsadeen maxaakinta islamiga ah ee somaliyed .

Dhanka kale Raisul wasaaraha ayaa waxaa uu beeniyay in isaga xalay oo ka badbaaday in la khaarajiyo magaalada Nairobi intii uu joogay isagoo Raisul wasaaruhu sheegay in warkaasi oo ka maqlay oo kaliya saxaafadda magaalada muqdisho .

Cali America oo ka mid ah madaxdda xafiiska Raisul wasaaraha oo ay SomaliTalk la xiirtay khamiistii ka hor inta uusan dhoofin Raisul wasaraaha ayaa waxaan wax ka waydiinay wararka sheegayo in helis la galiyay Raisul wasaaraha waxaana uu noo sheegay in warkaasi oo yahay mid been ah oo dadka lagu jaah wareerinayo.

Afhayeenka xukuumada Federaalka C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari) oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay  weerarka khaarajinta ah ee la sheegay in lala damacsanaa Geddi isagoo ku tilmaamay in wararkaasi ay yihiin been la dhoodhoobay, isla markaana aanay waxba ka jirin lana yaabeen beentaas la dhisay.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali Talk Nairobi Kenya
Botaan1@hotmail.com


Geeddi “Taageerada Maxaakiimta waxaa lumiyey markay Calanka gubeen”

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey safarkiisii uu ku tagay Magaalada Nayroobi, isagoo sheegay in intii uu joogay magaaladaasi uu kulamo kula yeeshay diblamaasiyiin ka socotay beesha Caalamka oo uu ka dhaadhiciyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ahaa qaraxii lala beegsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Dilkii Sooradii Talyaaniga ahayd iyo qabashada Magaalada Kismaayo ee Maxaakiimta Islaamiga, waxa uuna sheegay in dhacdooyinkaasi ay yihiin kuwo la xiriirin karo kooxaha Argagixisada, isagoo sheegay in Dublamaasiyiintaasi ay isku aragti ka noqdeen xaaladda Soomaaliya, mar uu ka hadlayey qabshada Maxaakiimta Islaamiga ah ee Kismaayo, waxa uu yiri “Waa mid ay keeni karto, in uu burburo heshiiskii Khartuum, isla markaana meesha ka saari karta in mar kale la isugu yimaado kulan dambe”, waxa uu intasi sii raaciyey “Taageeradii ay bulshadu u hayeen Maxaakiimta waxaa lumiyey markay gubeen calanka Soomaaliya, isla markaana ay xayireen dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga”.

Cali Max’ed Geeddi waxaa kalloo uu sheegay in Maxaakiimta ay yihiin kuwo dhul balaarsi wada isla markaana aan ogoleyn in wax maamul ah loo sameeyo dalka, isagoo sheegay in qaraxiii lala beegsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu ahaa mid xiriir la ah falalka Argagixso ee ka dhaca beesha Caalamka, sidoo kale waxa u sheegay in dilkii loo gaystay sooradii Talyaaniga uu ka tarjumao sida ay Argagixisadu ugu faafeyso dalka Soomaaliya, wuxuuna beeniyey in Ciidamo Itoobiyaan ah ay u sugan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in wararkaasi ay wadaan Maxaakiimta oo uu sheegay inay hortaagan yihiin in Shacabka Soomaaliyeed wax loo qabto.

Culuma’u-diin lagu xirxiray Magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in ciidamada Booliiska ee magaaladaasi ay shalay qabteen kooxo lala xiriirinayey qaraxii la damacsanaa in lagu dilo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxaana dadkaan la xirixiray ku jiray dhowr xubnood oo ka tirsan Culuma’udiinka Magaalada Baydhabo oo uu ku jiray Sheekh Max’ed Gaab oo khadiib ka ahaa Masjidka Al-Hudaa ee Magaalada Baydhabo.

Ciidanka Booliiska oo u waramay saxaafadda ayaa waxay sheegeen in xubnaha qaarkood lagu qabtay waxyaabaha qarxa, iyagoo sheegay in qaar ka mid ah dadkaasi lala xiriin karo in ay ka dambeeyeen qaraxii lala beegsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf. Xubnahaani oo haatan su’aalo lagu weydiinayo Xabsiga Magaalada Baydhabo ayaa waxaa si weyn uga carooday Dadweynaha ku nool Magaalada Baydhabo oo sheegay in ay dhigi doonaan banaanbaxyo ka dhan ah xarigaasi, kaas oo lagu wado in maanta ka dhaco Magaalada Baydhabo.

Sheekh Max’ed Gaab oo u waramayey saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in uusan garaneyn sababaha loo xiray, isagoo sheegay in markii la soo xirayey uu ku howlanaa Fidinta Diinta Islaamka.

Qaraxii dhawaaan ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa ilaa iyo haatan la garaneyn ciddii ka dambeysay, iyadoo dowladdu sheegtay in qaraxaasi uu ahaa mid is miidaamin ah oo la doonayey in lagu dilo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, isagoo sheegay in qaraxaani uu xiriir la lahaa argagixisada caalamiga ah, hase yeeshee Maxaakiimta islaamiga ah ayaa waxay sheegeen in qaraxaasi ay ka dambeysay Dowladda Itoobiya oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid aan dooneyn in Soomaaliya ay hesho dowladnimo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


"Madaxweyne Cadde Muuse iyo Gaagaab waxay bil Kasta Baydhabo u diraan lacag dhan$ 13,5000" RPP

London: shirjaraaid oo uu qabtay afhayeenka xisbiga mucaradka ah ee Ramaas Mr:C/naasir Guure Faarax oo ku  eedayay “Cadde Muuse iyo Gaagaab waxay si cad oo aan geedna loogu gaban u lunsadeen hantidii ummadda..

C/Naasir Guure Faarax (Jeer) oo ah afhayeenka midowga Yurub u fadhiya  xisbiga mucaaradka ah ee Ramaas Political Party (RPP)ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray madaxweynaha maamulka Puntland Gen: Cadde Muuse iyo wasiirkiisa Maaliyada Dr:Maxamed cali (Gaagaab) isagoo ku eedeeyey inay lunsadeen hanti bulshada oo dhan ka dhexeysay, wuxuuna ugu baaqay inay xilka ay umadda u hayeen ay iska casilaan maadama ay ku fashil meen wax qabadkii ay umada reer puntland ka sugaysay mudada dheer.

Afhayeenka ayaa hadalkan ka sheegay mar uu taageerayaasha xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas political party  kula hadlayay hoolka shirarka xisbigaas Ramaas oo ku yaala waqooyiga London. ”Wuxuuna ku eedeeyay Gen:Cadde muude iyo wasiirkiisa maaliyada Maxamed cali (Gaagaab) in ay  si cad oo aan geedna loogu gaban u lunsadeen hantidii dadka iyadoo ay ugu danbeysay $ 250,000 oo shirkad howlo macdan baaris ah ka waday meelo ka tirsan Puntland ugu deeqday garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe iyo
waliba $ 160,000 oo ay isla shirkadaasi ugu deeqday Gobolka Sool oo aanba laga warqabin meel ay martay, Waxaa intaa sii dheer laamiga Puntland oo aad u burburay gaar ahaana inta u dhexeysa Bacaadweyn iyo Gaalkacyo iyo khayraadkii badda oo la xaalufiyay” ayuu Yiri C/naasir Guure Faarax oo ku eedeeyey mas’uuliyiinta Puntland inaysan waxba ka qaban arimaha bulshada iyo hormarka dalka.

Waxana uu intaa ku daray in ay labadaas mas'uul ay iska kaashadaan sidii ay u marin habaabin lahaayeen shacabka puntland oo ay marba dagaal aan diyar loo ahayn gurada u galiyaan iyaga oo hantidii dalku uu lahaana ay u xawileen Baydhabo iyo iygaoo wixii intaa ka soo haryna ay dhigtaan acountiyo u gaara oo dalka dibediisa.

Madaxweyne Cadde Muuse iyo wasiirkiisa Maaliyada Maxamed cali yuusuf (Gaagaab) waxay bil walba u diraan magaalada Baydhabo lacag dhan $ 13,5000, waxay kaloo labadan nin balan qaadeen oo dadka reer Puntland aad uga yaabisay inay bixin doonaan magtii maleeshiyaadkii garoonka Baydhabo lagu laayay” ayuu intaa ku daray C/naasir Guure Faarax (Jeer) taasi oo dadbadan oo reer puntland ah ka fajicisay kuna noqotay filan waa hadalkan ka sooyeeray mas'uul ka sare ee ka midka ah xisbiga mucaaradka ah ee kajira gudaha puntland Ramaas oo ah xisbiga kaliya oo ay puntland illaa iminka aqoonsan tahay in kastoo ay mararbadan maamulka puntland uu xadgudub kula kacay masuuliyiintiisa sare qaar ka mid ah oo mararbadan xabsiga ladhigay hadan puntland way aqoonsantahay xisbiga Ramaas.

Gen: Cadde muuse iyo Maxamed cali (Gaagaab) musuq-maasuqa ay dadka ku hayaan kuma ekaane waxay ku darsadeen siyaasad xumo, waxaad arkaysaan inuu Gen: Cadde Muuse mar walba lug kula jiro siyaasada koonfurta Soomaaliya.

 Shacabka reer Puntland waxaan ka codsanaynaa inay taageeran xisbiga Ramaas (RPP) oo ah mid dhanka amaanka, waxbarashada, Caafimaadka iyo dhaqaalaha ka hormarin doona gayigeena Inshaa'allah.

Waxaan maamulka Puntland u soo jeedinayaa inay joojiyan hantida qaranka ee ay lunsadaan iyo musuq-maasuqa, waxaan kaloo leenahay joojiya beenta iyo beer laxowsiga aad dadka ku haysan oo aad leedihiin Puntland waxaa jooga dad maxkamaduhu soo dirsadeen iyo hadalada la midka ee aad rabtaan inaad wakhtiga ku dheeraysataan, shacabkana ku indho sarcaadisaan” ayuu yiri afhayeenka xisbiga RPP C/naasir Guure Faarax (Jeer) oo ugu danbeyn u soo jeediyey Gen: Cadde Muuse inuu xilka iska casilo bilaha soo socda, si dadka reer Puntland uga tashadan aayahooda.

Sidoo akalena wuxuu Mr: Gaagaab ugu baaqay in uu isna iska casilo xilka maadaama uu ku jawhareeray siyaasadii guda oo uu mooday in siyaasadu ay tahay nin la taageero isaga oo hantidii dalka la garab istagay ina adeerkiis c/laahi yuusuf oo baydhabo ku xayiran isla isna sheer kula galay hantidii umada reer puntland shirkada Range Resource si dalka ay uga baarto macdan waxana uu ugu baaqay afhayeenku in Gaagaab lala xisaabtamo sharcigana la horkeeno isaga uu ku tilmamaay nin danbiile wayn ah xatooyo qarana sameeyay musuqmaasuq baahsana dalka ka sameeyay.

Ugu danbayntiina Suldaan Maxamed Suldaan Garyare oo ka mid ah Isimada Puntland ayaa ka mid ahaan isimadii kulankaasi jaraaid ka qaybgashay oo isagu dhankiisa ugu baaqay in Puntland ay hormarka darento dhulkoodana ay madaxda puntland u soo jeensadaan iskana daayaan fadqalalooyinka waxan uu halkaa ka soo jeediyay hadalo duco ah. 

Roma: Markab hub iyo ciidan siday oo lagu gubay xeebaha Soomaaliya.

Saxaafada dalka Talyaniga ayaa baryahaan danbe soo bandhigayay qoraal halka ay ka soo xigteen aan la cadayn,Sida ay qortay saxaafadda wadanka Talyaaniga markab cidamo sigu jira ajnabi iyo Soomali u siday maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu gubay Biyaha dalka soomaaliya.

Markabkani ayaa waxaa la sheegay in ay weerarkaasi ku qaadeen diyaarado aan la garanayn dalka laga leeyahay, Balse loomaleeyay in laga leeyahay dalkasi Talyaniga maadaama ay saxaafadii ugu horaysay ee arintaan wax ka qortaa ay ahayd saxaafada wadanka Talyaaniga,iyada oo dadka uu wadayna ay ka soo kala jeedeen wadamada, Carabta, Pakistan, Afghanistan, Oromo, Eretrian iyo Soomaali, waxaana hor kacayay saraakii Eretrian ah sida ay baahisay saxaafada dalkaasi Talyaniga.

Wargayska Corriere Della Sera ayaa waxa uu sheegay in markabkani uu ka soo ambabxay wadanka Eretriya caasimadiisa Asmara, iyada oo falkani uu dhacay inta lagu guda  jiray bishan Septembar oo hada laga soo gudbay dhamaadkeedii, illaa iyo hadana ma jirto cid kale oo sicad u baahisay  in uu falkaasi dhacay sidoo kalena ma jirto dalwad ka hadashay iyo urur toona manajirto idaacad ama wargayskale oo soo bandhigay arintaan.

Si kastba ah ahatee arintaan hadii ay dhacday ayaa waxaa la filayaa in si  beesha caalamku ay si wayn u adkayso ilaalinta xeebaha dalka soomalia oo sanadihii ugu danbeeyay ee ay soomaliay ahayd dawlad la'aanta ahaayeen kuwo aan lakala lahayn.

 BOOSAASO :Wasiirka warfaafinta DGPL ayaa ka digay wax uu ku tilmaamay fitma wadayaal dhalinyaro u badan.

Wasiirka Warfaafinta DGPL Dr: C/raxmaan Bankax ayaa qoraal uu maanta ka soosaaray xafiiskiisa magaalada Bosaso oo uu hada ku sugan yahay ayaa ka digay wax uu ugu yeeray kooxo dhalinyaro u badan oo fitma-wadayaal ah oo Puntland ku soo badanaya kana imanaya koonfurta soomaaliya ku waa soo doonaya in ay dhibaatooyin ka abuuraan gudaha Puntland.

Wasiirka warfaafinta puntland ayaa ku tilmaamay dhalinyaradan kuwo u eg in ay doonayaan in ay tahriib galaan balse xaalkoodu saasmaahan ayuu yiri wasiirku waxayna doonayaan ayuu yiri in ay lumiyaan jiritaanka iyo xasiloonida Puntland , wuxuuna dadwaynaha reer Puntland ugu baaqay in ay ka tiktoonaadaan dadka noocaas ah ee sida xawliga ah beryahaan danbe u soo galaya puntland gaar ahaana buu yiri magaalada Boosaaso oo inta badan dadkan lagu arkay waa sida uu hadalka u dhigaye wasiirku.

Si kastaba waxaa baryahaan sidawajir ah u shaqa galay Booliska puntland iyaga oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta waxayna hawlgalo ay ku soo qaqabanayaan dhalinyaradan ka bilaabeen magaalooyinka waawayn ee deegaanada puntland waxayna uga digeen in cidii lagu qabto iyaga oo ku guda jira hawlaha la xiriira tahriibta dib loogu celin doono dhulkii ay ka yimaadeen.

Iyada oo todobaadkaan horaantiisiina laga masaafuriyay deegaanda puntland dhalinyaro gaaraysa 76 kuwasi oo dib loogu celiyay koonfurta magaalada gaalkacyo loona sii dhadhiciyay koonfurta soomaaliya.

Hawlahan ay bilaabeen ciidamda puntland ee lagu ugaarsanayo kooxaha dhalinyarada u badan oo ka soo jeeda koonfurta soomalia ayaan lagaranayn sida uu xaalka soomaaliya noqondoono iyada oo ay jiraan shakiga ku saabsan in maxkamaduhu ay qabsan doonaan guud ahaan puntland ayaa hadana puntland ku cel celisaa mararbadan in ay dagaal xoogan kala hortagi doonto hadii ay maxkamaduhu isku dayaan in ay dagaal ku sooqaadaan puntland.

Si kastaba xaalka mustaqbalka soomaaliaya ayaan lasaadaalin karin mar hadii iminka ay bilaamatay in la istakooro.

BOOSAASO :Taliyaha ciidanka Booliska puntland yuusuf xaaji ayaa maanta ka hor akhriyaya warqad furan maxkamada Boosaaso horteeda.

Taliyaha ciidanka Booliska puntland ayaa khamiistii ka hor akhriyay maxkamada Magaalada Boosaaso horteeda ayaa maanta waxaa laga hor akhriyay waraaq la sheegay in ay ka timid Xassan Daahir Guddoomiyaha Guddiga Shuurada Maxkamadaha taa soo uu ku socodsiiyay dad uu ugu yeeray Wakiilada Maxkamadaha ee Puntland wuxuuna ku amray in ay bilaabaan in ay gudaha Puntland ka qoraan Ciidan-Maxkamadeed ku waa soo aan ahayn dad u dhashay Puntland basle ah dadka ka ymid Koonfurta dalka iyo Qoomiyada Oramiya ee halkaasi joogta, waxana la shegay in halkii qofba mushahaar ahaan loo siindoono lacag 100$.

Warqadaan uu maanta akhriyay taliyaha ciidanka Boolika ayaa waxaa farta loogu fiiqay in uu soo diray Shiikh Xasan Daahir Aways.

Illaa iyo iminka ma jirto cid caddayn karta in Waraaqdan ay si toosa ah uga timid Xassan Daahir iyo in kale , waxaan Mas'uuliyiinta puntland ay had iyo goor sheegaan in ay hayaan ama ay helaan qoraalo uu soo diro Xasan Daahir uuna ku saxiixan yahay saxiix wayn oo shaabad ah oo lagu sheego in uu yahay Saxiixiixa shiikh saxan daahir Awys mana jirto cid cadayn karta in uu saxiixaas uu yahay kan Xasan Daahir Aways.

Sidookale warqadaan la hayo oo manta laga hor akhriyay maxkamada horteeda ayaan loo ahayn cidii ay sida tooska ah ugu socotay lamanahayo qof lagu qabtay isaga oo warqadaan sita sidoo kalena lamahayo bog internet ah oo warqadaan inta la soo galiyay laga soosaaray waxaana loo malaynaya ain ay tahay warqad ay masuuliyiinta puntland ay iyagu qoreen oo ay ku doonayaan in ay kalsooni shacabka kaga helaan maadama aan la xaqiijinkarin halka ay ka timid iyo cida ay ku socoto iyo meesha laga keenayba.

BOOSAASO : Maxkamada Darajada Kowaad oo xukun ku riday dad Tahriibayaal ah iyo kuwa ka shaqeeya hawlaha tahriibayaasha.

Maxkamada Darajada Kowaad ee Boosaaso ayaa khamiistii Xukun ku riday in ka badan 80 qof oo isugujira dad Tahriibayaalah iyo kuwo kale oo lala xiriirinayo in ay u jilbadhigeen sidii ay dadka uga tahriibin lahaayeen gudaha magaalada Boosaaso oo in mudo ah ka shaqaynayay hawlaha tahriibayaasha ka ganacsiga dadka bartayna tabta loo tahriibiyo dadka sanadihii ugu danbeeyayna ku hawlanaa hawlahaas oo aysan waliba aqoon shaqo kale oo ay qabtaan h xiligan hadii laga soo afjaro hawlahooda ay ka xamaashaan  oo ay dadbadni ku dhinteen intii ay dadka tahriibinayee dadkaasi oo u badan ethiopian iyo somaliba.

waxaana lagu xukumay 7 ka mid ah dadkaasi oo iyagu la sheegay in ay yihiin dadka Tahriibayaasha u fududeeya in ay tahriibiyaan dad ka midkiiba mid 1  sano oo xarig ah ,  inta kalana waxay Maxkamadu ku xukuntay midkiiba 3 billood oo xarig ah  , marka ay Xabsiga ay dhamaystaana waxaa dib loogu celin doonaa meelihii ay ka yimaadeen waa dadka la sheegay in ay puntland u yimaadeen in ay uga tahriibaan dalalaka yemen iyo sucuudiga oo baryahaan boliska magaalada Boosaso ku waday hawlo la gu sifaynayo amaanka magaalada Boosaaso kasi oo todobaadkii horena qabtay kooxo dhalinyaro ah oo tira ahaan gaaraya 76 gabi ahaan alagu celiayay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug si looga sii kexeeyo loona geeyo halkii ay markii hore ka yimaadeen. 

Taliyekuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland G/sare , Casiis Gacameey ayaa dadkan Maxkamadu xukuntay maanta ku eedeeya in ay yihiin dad doonaya in ay dhibaato ka sameeyeen magaalada Boosaaso , wuxuuna sheegay in ay yihiin kuwo fir-fircoon oo tababaran oo la soo abaabulay inkastoo uusan si toosa u carabaabin meelaha laga soo abaabulay iyo cidda soo abaabushayba. 

Dadkan ayaa intooda badan  waxay sheeganayaan in ay ka cararayaan dhibaatada dalka ka jirta oo ay doonayaan in ay u tahriibaan dalka Yaman si ay halkaasi uga sii gudbaan dalka Sucuudiga , halka inta kalana ay ku doodayaan in ay yihiin dad masiikiin xoogsato ah oo horay magaalada u xoogsan jirtay ayna ku luglahayn wax siyaasad ah iyo tahriib toona. 

Si kastaba guud ahaan soomaalida iyo ethiopianka ka cararaya dhulkooda ayaa waxay aad u danaynayaan in ay mar un helaan nolasha ay hada ku jirana mid kawanaagsan iyaga oo inta ay ku guda jirana hawlaha tahriibta aysan helin daryeel fiican islamrkaan lagu daadiyo biyaha badda sidoo kalena kama helana daryeel wacan meelaha ay tagaan waxaan marka ay tagaan dalka yemen oo ay ku cararayaan lagu guraa xeryo qaxooti oo  ciriiri ah qaarka ka sii talaaba yemen oo sucuudiga galana markiiba dib ayaa loogu sooceliyaa gudaha dalka somaliya.

A/rizak koronto
Garowe puntland


Wafuud Ka Socota Dalka Kenya Oo Kusoo Fool Leh Magaalada Kismaanyo Ee Xarun Goboleedka J/Hoose..  

Wafuud Ka Socota Dowlada Kenya Ayaa Saacadaha Soo Socda Lagu Wadaa In Ay Ka Dagaan Magaalada Kismaayo Oo Gacan Ku Heynteeda Ay Dhowaan La Wareegeen Midowga Maxkamadaha Islaamka. 

Wafuudaan Oo Aan Si  Rasmiya Loo  Ogeyn Inta Xubnood Oo Ay Ka Kooban Yihiin Ayaa Waxaa Ka Mid Ah Siyaasiga Faarax Macalin Iyo Muftiga Xagga Diinta Dalka Kenya Sheekh Axmed Umal,   

Inkastoo Aan Wali Si Rasmi Ah Loo Shaacin Sababaha Socdaalkooda Ee Magaalada Kismaayo Oo Dhowaan Ay La Wareegeen Maxkamadaha Islaamka Ayaa Hadana Wararka Qaar Waxa Ay Tilmaamayaan In Xubnaha Wafuudaan Ee Tagaya Kismaayo Ay Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Ay Kala Hadlayaan Wanaajinta Arimaha Amaanka Iyo Xadka  Kenya Ay La Wadaagto Gobolada Jubooyinka Somalia, Iyagoo Dhinaca Kale Indho Indheyn Doona Xaaladaha Amaanka Magaaladaasi Oo Isbaheysigii Heystay Muddo 7 Sano Ah Laga Saaray.  

Si Kastaba Ha Ahaatee Warar Kala Duwan Ayaa Kasoo Baxaya Booqashadan Wafdigaan Oo Wararka Qaarkood Sheegayaan Inuu Walaac Hor Leh Soo Food Saaray Dowlada Kenya  Kadib Markii Ay Qabsadeen Golaha Maxaakiimtu Magaalada Kismaanyo,Taasina La Xiriirinayo Bal Siday Ugala Hadli Lahaayeen Wada Degaanaanshaha Dadka Wadad Degan  Xaduuda Iyo Ari,Aha Amaanka Si Aan Khal Khal Loogu Abuurin. 

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Baardheere "Sida Cadaado Iyo Guriceel Ay Isku Yihiin Ayay Isku Yihiin Kismaayo Iyo Baardheere

Dadka Reer Baar Dheere ,Godo Iyo Garbahaarey Sida Ay Uga Careysan Yihiin Qabsashada Kismaayo Wareysi Muujinayo Dhinacyo Badan Taabanayo Ayaa Waxaa Kaga Hadlaayo Gudoomiyahay Maamulka Dagmada Baardheere Wareysigiina Wuxuu  U Dhacay Sidaan  

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Baardheere Maxamuud Sheekh Xasan Ayaa Ka Warbixiyay Xaaladaha Gobolka Gedo Iyo Sida Ay U Arkaan In Barre Hiiiraale Uu Magaaladaasi Yimaado, Wuxuuna Yiri

" Baardheere Hadda Nabad Gelyo Weeye Laakiin Waa Kacsan Tahay, Kaddib Markii La Soo Weeraray Degmada Kismaayo Guud Ahaan Gobolka Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe Iyo Gobolka Gedo Seddaxdaasi Gobolba Waa Kacsan Yihiin, Kacsanaanta Seddaxdaasi Gobola Shacbiga  Ku Nool Uu Qabo Ayay Degmada Baardheerena La Wadaagtaa,  AKHRI HALKAN...

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
002521576666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 29, 2006

Maxkamadaha oo Baaritaan ku samaynaya Falkii lagula Kacay Calanka Soomaaliya
»Cabdulaahi Yuusuf oo sheegey in soomaaliya ay qabsan..
»Sheybaarkii ugu horeeyey ee lau baaro cudurka Qaaxada
»Itoobiya oo soo dhawaysay falkii lagula kacay Calanka..
»Sh. Shariif oo u soo jeediyey Shacabka in ay u diyaar...
»Warar ku saabsan Barre Hiiraale iyo halka..
»Hay’adda Danwadaag Relief  oo raashin u qeybisay qoysas
»Cali Maxamed Geddi oo Dublumaasiyiin kula shiray Nairobi .
»Madax waynaha DGPL oo ka dhoofay boosaaso..
»Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay ganacsatada
»Dagaallo cadowga lagu jabiyay oo ka dhacay meelo kala..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Sept 27

Dowladda Federaalka oo sheegtay in uu burburey heshiiskii..
»Shariif Xasan oo Booqasho ku tegey Nairobi...
»Warbixin ku saabsan xaalada Magaalada Kismaayo..
»Barre Hiiraale oo Dowladda federaalka ka dalbadey Gurmad..
»Cali Geeddi oo sheegay in kooxaha argagaxiso ay....
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay deegaano ka..
»Ururka wershedlayda oo looga dhawaaqay muqdisho..
Wararka oo dhan ka akhri... Sept 26

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD