SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Senator Coleman oo warqad dacwo ah oo ku saabsan tacadiga iyo barakaca loo geystay shacabka Muqdisho gaarsiiyey Jendayi Frazer...

Senator Coleman ayaa warqad dheer oo kulul u qoray haweenayda dawladda maraykanka waaxda arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha Afrika Jandayi Frazer ka dib markii ay xafiiskiisa cabasho kusaabsan ciidamada Ethiopia ee ku sugan Muqdisho usoo gudbiyeen xubno ka mid ah hogaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota. Xubnahan Soomaaliyeed ayaa senatorka ka codsaday sidii lagu yiqiin inuu codkooda iyo dareenkoodaba gaarsiiyo dawladda weyn ee Washington DC.

Senator Coleman waxaa uu waqaddiisa ku codsaday in dawladda Maraykanka samayso gurmad bani aadamnimo oo la taageero dadka barakacay ee aan hoy biyo iyo quudba haysan.

Senatorku waxaa uu warqadiisa ku muujiyey inuu ka wel welsan yahay amaan darrada iyo cudurada sida shubanka oo ka dilaacay meelahii loo qaxay gaar ahaan agagaarka xamar. Senatorka waxaa kale oo uu walaac ka muujiyey xuduuda Kenya xiritaankeeda dhibaatada uga iman karta dadka ku soo barakacay degmooyinka Qooqaani, Afmadow, Badhaadhe, Dhoobley, iyo Libooyi. Senatorku waxaa kale oo uu Jendayi Frazer u sheegay in uu ka walaacsan yahay ciidamada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo madaafiicda aan loo aabo yeelin ee lagu gaacay shacabka. Senatorku waxaa uu cadeeyey in ay waqtigan ahayd waqtigii goor hore ciidamada Ethiopianka lagu bedeli lahaa ciidamo African ah loona baahan yahay in arrintaas dar dar la geliyo.

Senator Coleman ayaa ku celiyey baaqiisii ahaa in dawladda maraykanka loo baahan yahay inay la timaado siyaasad hufan oo dhamaystiran oo ay kaga shaqayso nadadda iyo deganaanshaha Soomaaliya asagoo qalinka ku duugay inaanay ka fursanayn in ergey loo magacaabo soomaaliya iyo inuusan ka daali doonin inuu u ololeeyo nabad iyo deganaasho waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

Warqaddii Sen. Coleman oo dhamaystiran halkan ka akhri....

Isha warka Xafiiska: Senator Norm Coleman.

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com