SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

Sweden: Gabar Soomaaliyeed oo Kaalinta Koowaad ka gashay tartanka dugsiyada sare....


Ruweyda Maxamed C/laahi Faahiye
www.umea.se

Ruweyda Maxamed C/laahi Faahiye waa gabar soomaaliyeed oo da`deedu tahay 19 sano. Ruweyda iyo reerkeedu waxaa ay degan yihiin magaalada Umeå ee ku taal waqooyiga wadankan Sweden. Ruweyda waxaa ay ku dhalatay wadanka soomaaliya gaar ahaan magaalada Boosaaso ee caasimada ganacsiga gobolada La isku yiraahdo Puuntland. Ruweyda waxaa ay dhigataa fasalka saddexaad ee dugsiga sare oo lagu magacaabo “Östragymnasiet”, kaas oo ku yaal isla magaaladaas ay Ruweyda iyo reerkoodu degan yihiin. Sida caadiga ah dugsiyada sare waxaa ay leeyihiin qaybo kala duwan oo ay ardaydu doortaan sida qaybta ciyaaraha, sayniska, isgaraasiinta iyo cilmiga buslshada oo kala duwan.Ruweyda waxaa ay dhigataa qaybta culuunta bulshada ee ku wajahan arimaha caalamiga ah.

Ruweyda iyo saddex gabdhood oo ay isku fasal dhigtaan dhalashadooduna tahay Iswiidhish ayaa waxaa ay ka qaybqaateen tartan aqooneed oo ay soo qabanqaabiso hayàda lagu magacaabo TCO. Tartankaas oo uu sanadkan tirsigiisu ahaa kii 18 nàad, waxaa ka qayb qaatay arday tiradoodu gaareyso ilaa toban kun oo arday. Ardaydaasi waxaa ay ka kala yimaadeen ilaa 150 dugsi sare ee ku kala yaal magaalooyinka kala duwan ee Sweden. Tartankan waxaa lagu magacaabaa

“ nutidsorientering” oo loola jeedo tartanka “aqoonta maanta”. Ardayda tartanka ka qaybgashay waxaa la weydiiyey suàalo aad u badan si loo kala reebo. Suàalahaasi waxaa ay ku saabsanaayeen qaybaha kala duwan ee culuunta dunida.

Tusaale ahaan waxaa ardayda wax laga weydiiyey sababaha uu ganacsiga xorta ah ( fri handel) muhiim ugu yahay dunida, Faa`iidooyinka uu leeyahay iwm. Waxaa kaloo ardayda la weydiiyey arimo ku saabsan saboolnimada dunida ( poverty in the world). Waxaa si gaar ah waxlooga weydiiyey howlihii uu qabtay dhaqaala yahanka caanka ah ee reer Bangaladesh Muhammad Yunus.

Muhammad yunus waxaa uu sanadkii lasoo dhaafay (2006) ku guuleystey bilada nabada ee “Nobel prise-ka). Biladaas oo uu ku mutaystay howlaha uu ka qabtay la dagaalanka saboolnimada.

Muhammad Yunus waxaa uu aasaasay bangi ay saboolka Bangaladesh lacag ka deysadaan. Bangigaas oo lagu magacaabo “ Grameen Bank”. Hadaladii uu yiri Yunus kolkii uu bilada qaadanaayey waxaa ka mid ahaa “ Saboolnimadu khatar weyn ayey ku tahay nabada aduunka”

Gushii ardaydu soo hoyeen

Ugu damayntii waxaa tartankaas kaalinta kowaad ku guuleystey Ruweyda maxamed C/llahi iyo saddexdii arday ee ay isku fasalka ahaayeen.Waxaa xusid muddan in Ruweyda ay ka jawaabtey suàashii ugu dameysey ee lagu kala haraayey taas oo ku saabsanayd howsha dhaqaale yahanka aan kor ku soo sheegnay. Taasi waa mid sharaf u ah Ruweyda, waalidkeed, dugsiga ay dhigato iyo dhamaan ardayda soomaaliyeed meel ay joogaanba. Ruweyda iyo gabdhaha saaxiibadeed ah ee guusha ay soo wada hoyeen waxaa lagu abaal mariyey sideed kun ( 8000 kr) qofkiiba.

Lacagtaas waxaa ay gabdhuhu ku iibsan karaan qalabka kala duwan ee xagga isgaarsiinta iyo korontada. Haddii aaney taas dooneyna waxaa ay ku aadi karaan safar ah dunida halka ay ka doortaan.Guushaan ay Ruweyda iyo ardayda ay isku fasalka yihiin soo hoyeen waxaa wax ka qoray qaar ka mid ah warbaahinta wadanka. Gaar ahaan joornaalada gobolka ay Ruweyda degan tahay iyo kuwa kale ee dalka oo dhan laga akhrisan karo. Waxaa kaloo sawirka Ruweyda iyo ardayda guusha keenay ku jiraan hoyga internetka ee uu leeyahay dugsiga ay Ruweyda dhigato. (http://www.umea.se/ostra).

Mar aan la hadlay aabaha iyo hooyada Ruweyda waxaa ka muuqatey farxad aan la soo koobi karin. Guusha ay ruweyda keentayna waxaa ay u arkaan guul u soo hoyatey dhamaan ardayga soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool wadankan Sweden.

Ardayda soomaaliyeed ee Sweden ayaa badanaaba loo arkaa iney yihiin kuwo aan guulo sidaas ah ka keenin waxbarashada. Taas waxaa sii caddeeyey baaritaan cilmiyeed oo aan aniga ruuxaygu ka qayb qaatay. Cilmi baaristaas ardayda iswiidhan waxaad ka akhrisan kartaa ciwaankan internetka:

(http://www.somalitalk.com/2006/nov/23nov036.html) warbxintaas waxaa si toos ah uga heli karaa duruufaha kalifay natiijo xumida guud ahaan ardayda soomaaliyeed ee Sweden.

Gebagabo

Waxaa guusha Ruweyda ku cad in dadaal badani, haddii rabi kugu gacan qabto uu keeni karo natiijo wax ku ool ah. Waxaa muuqata in ardaydeenu guulo waaweyn kasoo hoyi karaan dhamaan qaybaha kala duwan ee goobaha wax lagu barto. Waxaa muuqata in dadaalka ardayga, guriga iyo dugsiguba keeni karo natiijo muuqata. Guushaan ay Ruweyda hanatay ee laga hadal hayo meelo badan oo Sweden ah waa mid run ahaantii aad iyo aad u farxad gelineysaa arday kasta oo soomaali ah oo akhriya warbxinta Ruweyda. Waxaa ay noqoneysaa khabaar ay ku diirsadaan dhamaan ardayda soomaaliyeed ee wadankan Sweden oo dhegahooda ay ka badatay inaan ardayda soomaaliyeed tacliinta meel ka gaarin. Waxaa ay arintani dhiiri gelin u tahay ardayda soomaaliyeed ee habeen iyo maalinba u heelan arimaha waxbarashada, doonaayana iney guul muuqata ka gaaraan. Kol aan u sheegay warbixinta ruweyda iyo guusheeda arday aan xisaab u dhigaaayey, ayaa halmar waxaa sawaxan ay niyadi ku dheehan tahay kasoo yeeray ardeydii soomaaliyeed ee fasalkaas dhiganaayey iyo weliba ardeydii kale ee ajaaniibta ahaa.

Waxaan habalyo usoo jeedinayaa Ruweyda Maxamed C/llahi anigoo ku hadlaaya magaca macalimiinta soomaaliyeed ee Sweden iyo weliba aqoonyahanka soomaaliyeed ee iswiidhan ku dhaqan. Waxaan kaloo u hambalyeynayaa waalidka Ruweyda oo ogolaaday in la daabaco warbixinta Ruweyda si ay tusaale fiican ugu noqoto ardayda kale ee soomaaliyeed.

Haddaba Waalidkii doonaaya inuu la xiriiro reerka Ruweyda si bal talo iyo tusaale loo kala qaato waxaa ay kala xiriiri karaan telefoonkaan:

Maryan Osman : Emailka: maryam.osman@almi.se

Waa hooyada ruweyda.

cabdirisaqWaxaa iskusoo dubaridey warbixintaan:

C/risaq maxamed xuseen, Eskilstuna-Sweden
Email: habdirisak@hotmail.com

Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed ee Sweden

Hogaanka xisbiga shaqaalaha Iswiidhan oo ay dumarku la wareegeen Warbixintii: C/risaaq M.

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com