SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DENMARK

Jaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya

IMG_2773
Sawirada shirka ka daalaco halkan....

Sabtdii oo ay taariikhdu tahay 31.03.2007 waxaa magaalada Aarhus shir ku yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Denmark.

Shirkaas oo si aad u sarreysa ay u soo agaasimeen ururka wadatashiga iyo iskaashiga Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku kala nool magaalooyinka waaweyn ee dalka Denmark.

Shirka ayaa ujeedadiisu aheyd sidii xubnaha jaaliyaddu uga tashan laheyd una muujin lahaayeen sida ay uga soo horjeedaan qabsashada Itoobiya iyo dabadhilifkeeda ee dalka Soomaaliya, ayaa looga hadlay mawaadiic aad xasaasi u ah oo ay kamid ahaayeen:- 

  • Kalimadda furitaanka

  • Wacdi diini ah oo ku saabsan mu’aamarada gaalada

  • Taariikh kooban oo ku saabsan innaga iyo xabashi

  • Kaalinta kaga aaddan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibedda ka xoreynta Soomaaliya gumeysiga madow ee Tigreega.

  • Qawaaniinta caalamiga ah waxa ay ka qabaan qabsashada Itoobiya ee Soomaaliya iyo shuruucda dowliga ah ee lagu maxkamadeyn karo dadka geystay dambiyada dagaal

  • Soo bixitaankii maxaakimta, wax qabadkoodi iyo dhibaatada ka dhalatay dhicitaankoodii

  • Falanqeyn ku saabsan hadallo ka soo kala yeedhay madaxweynihii hore ee Kenya Daiel Arab Moi iyo Melles Zenawi, oo labaduba ku hadlay arrimo khuseeya Soomaliya

Muwaadiicdaas kala duwan ayaa waxaa halkaa kasoo jeediyay akhyaartan:- 

  1. Gud. C/laahi Habane

  2. Sh. Mustafa C/laahi

  3. Inj. C/Rashiid Buulle

  4. Sh. Maxamed Dayib

  5. AVV. Axmed F. Ducaale

  6. Sh. C/Qani Qorane

  7. Sh. Maxamed Cabdullaahi (Casoowe)

Waxaa sidoo kale laga soo jeediyay suugaan badan oo dhammaan ka tarjumeysa sida aynu uga soo horjeedno gumeysiga qabsaday Soomaaliya iyo dabadhilifkooda.

IMG_2746
Sawirada shirka ka daalaco halkan....

Suugaanyahannadii halkaa kasoo bandhigay maansooyinka kala duwan ayaa iyagana kala ahaa:-

  1. Abwaan Barre Maxamed Fiidow

  2. Abwaan Maxamuud Aadan

  3. Abwaan C/Fataax Timo-jilic

  4. Abwaan Farxaan

Waxaa sidoo kale hadallo iyo talooyin dhaxalgal ah halkaa kasoo jeediyay, qaar ka mid ah marti sharaftii kasoo qeyb gashay shirka, oo dhammaantood halkaa ka muujiyay dareenkooda ku aaddan xasuuqa ay Itoobiya ku heyso dadka Soomaaliyeed.

IMG_2771
Sawirada shirka ka daalaco halkan....

Guud ahaan jawiga dadkii shirka kasoo qeyb galay ayaa ahaa mid xamaas iyo qiiro badan oo islaamnimo iyo soomaalinimo ku dheehan tahay, iyadoo laga dheehanayay wajiyadooda sida ay uga xun yihiin dhibaatada iyo xasuuqa ba’an ee gumeystuhu ku hayo dalka iyo dadkaba.

Marti sharaftaas shirka kasoo qeyb gashay ayaa halku dheg iyo dhextaallo uga dhigtay shirkooda takbiir ´´ Allaahu Akbar`` iyo ereyo ay wada jir isula qaadayeen oo ay ka mid ahaayeen ´´ Dooni meyno dooni meyno dulli xabashi dooni meyno, diidnay diidnay dabadhilifyadeeda dooni meyno``  

C/Kariim Axmed Xirsi oo ah guddoomiyaha ururka iskaashiga iyo wadatashiga Soomaaliyeed ayaa isaguna halkaa kasoo jeediyay hadal ku saabsan sababihii ururkaas loo aasaasya, taariikhdiisi iyo waxqabadkiisiba. 

Gabagabadii shirka Sh. C/Raxmaan Abyad oo kamid ah marti sharaftii goob joogga aheyd ayaa halkaa ka aqriyey bayaan ay soo saareen kasoo qeybgalayaashii shirkaas oo dhammaantood saxiixay bayaanka. 

IMG_2782
Sawirada shirka ka daalaco halkan....

Baaqii kasoo baxay kulankii uu soo qabanqaabiyay Golaha Wadatashiga iyo Iskaashiga Soomaaliyeed ee dalka Denmark. 

  1. Goluhu isagoo lawadaagaya xanuunka iyo tiiraanyada ummaddiisa Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dadka reer-muqdisho waxaa uu si gaar ah tacsi ugu dirayaa walaaladooda sida arxandarada leh loogu gumaaday guryahooda, isagoo goluhu Eebe u weydiinaya inuu unaxariisto inta ku shahiidday falkaas waxshinimada ah ee gumeystuhu u geystay shacabka.

  2. In Tigreega kusoo duulay wadanka Soomaaliyeed, geystayna xasuuqa, bur-burka, kufsiga iyo dhaca ay ciidamadooda kala baxaan dhamaan soomaaliya si shuruud la’aan ah, degdegna ah.

  3. Anagoo cabirayna dareenka ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, in DFKG aysan matalin ummadda soomaaliyeed, kadib markii ay gumeysi gacanta u geliyeen, raallina uga noqdeen, masuuliyadoodiina ay gabeen.

  4. waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay shir wadatashi ah isugu yimaadaan, si loosoo celiyo karaamadii iyo jiritaankii qaranimo ee ummadda, loona saaro guddi farsamo oo kakooban aqoonyahano, xubnaha baarlamaanka ee gumeysidiidka ah, mas’uuliyiinta maxaakimta, culimada, odayada iyo dhamaan qaybaha bulshada ee dareenkoodu noolyahay.

  5. Waxaan Canbaaraynaynaa xasuuqa tigreegu kawado wadankayaga. Mas’uuliyadeeda taariikheedna ee dambi iyo akhlaaqeedba waxaa iska leh tigreega iyo kuwa horkacaya “DFKG” ee ummadda Soomaaliyeed kala laabatay.

  6. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay ul & diirkeed noqdaan meelna ugasoo wadajeestaan cadowgooda soojireenka ah iyo dabadhilifyadooda, wixii kalena ay meel iska dhigaan.

  7. In dhallinyarada Soomaaliyeed ee lasoomarin habaabiyay, tigreegna looga dhigay gaashaanka, ay gartaan waxa dhimanaya labada meeloodba inay yihiin walaalo Soomaali ah, halka dalka ay u hadhayaan gumeysi iyo tigree.

  8. In lala beegsado maxkamad caalami ah dadka mas’uulka ka ah xasuuqa socda sida mas’uuliyiinta tigreega, maamulka Bush, mas’uuliyiinta DFKG ee kalsoonidii shacabka lumisay.

  9. Waxaan beesha caalamka sida UN, AU, EU iyo ururka jaamacadda carabta ugu baaqaynaa inaysan indhaaha kalaabanin waxa soomaaliya kasocda.

  10. Ciidamada kajooga wadanka Ugaandha magaalada Muqdisho inaysan qayb kanoqon xasuuqa bulshada soomaaliyeed loo geysanayo iyadoo laga faa’iideysanayo duruufta gaarka ah ee jirta.

  11. In culimada soomaaliyeed kasoo baxaan doorkooda ku aadan difaaca dalka iyo diintaba.

  12. In ummadda soomaaliyeed taageerto ummaddii soomaaliyeed ee kale ee horey ugu sii jirtay gumeysiga.

IMG_2789
Sawirada shirka ka daalaco halkan....

Gunaanadkii iyo gabagabadii waxuu goluhu hambalyo iyo ducaba usoo dirayaa xoogagga wax iska caabinta ee naf iyo maalba u huraya ilaalinta sharafta iyo qaranimada ummaddooda.

  • Ilaahay waa inala jiraa

  • Shacabkeenuna waa idiin heellanyahay

  • Taariikhduna idin hilmaamimayso

Sawirada shirka ka daalaco halkan....

Golaha Wadatashiga iyo Iskaashiga Soomaaliyeed ee Denmark

Liiska 124 qof oo ku saxiixnaa qoraalka kala xiriir
Ahmed Ibraahim | Email: axmeds@gmail.com 

Århus, 31.3.2007 

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com