SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Madaafiic iyo rasaas xoogan oo xalay laga maqlay qaybo ka tirsan Muqdisho.

Xalay ayaa qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa mar qura laga maqlay madaafiic xoogan oo ay ka dambeeyeen rasaas mudo socotay oo la isweydaarsaday, waxayna madaafiicdii ugu badneyd xalay ku soo dhacayeen deegaanka Xamar Jadiid, oo ay khasaaro u gaysteen dad rayid ah. 

Madaafiicdaan oo xalay bilowday abaarihii 11:30 habeenimo ayaa waxay warar soo baxaya sheegayaan in ay is weydaarsanayeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho iyo waliba kooxo aan la garaneyn, waxaan deegaanka xamar jadiid ku dhacay ilaa iyoi 10 madfac, ma jiraan warar si rasmi ah u faahfaahinay khasaarha rasmiga ah ee dhacay, waxayna sidoo kale warrku sheegayaan in warshaddii hore ee Tolmada iyan oo fariisin u ciidamada dowladda Federaalka is rasaaseyn ka dhacday. 

Daryahanka madaafiicda iyo rasaaseynta la is weydaarsanayey ayaa laga maqlayay Magaalada Muqdisho qaybo badan oo ka mid ah, waxayna tani ku soo beegmeysaa xili uu Magaalad Muqdisho ka socdo shirka dib u heshiisiinta qaran ee Beelaha Soomaaliyeed uga socdo magaalada Muqdisho, sidoo kalana waxaa soo badanay weerarada lala beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, iyadoo kal hore weerar ba’an Ciidamada dowladda loogu gaystay deegaanka Al-Baraka iyo xeradii hore ee Kuulwadayaasha halkas oo ay ku dhinteen qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka.     

Cabdi Siyaad “Gen. Caydiid weligii waa uu diidanaa caddowga..”

1-da Agoosto oo shalay ahayd waxay ku beegneed sanadguuradii 10-aad ee ka soo wareegtay geeridii Alaha u naxariistee Gen. Max’ed Faarax Caydiid, waxaana munaasabad lagu xusayey lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qaybgaleen dhamaan qaybaha kaladuwan ee Bulshada iyo taageerayaashii Isbahaysigii SNA. Ugu horeyn waxaa halkaasi hadalo ka jeediyey madaxa arrimaha gudaha ee Isbahayisga SNA Cabdi Siyaad Xasan , waxa uuna sheegay in General Caydiid ahaa geesi ka gaareiyooday umadda Soomaaliyee, isla markaana uu ahaa nin aad u necbaa caddowga Ummadda Somaaliyeed.

Cabdi Siyaad waxaa kale oo uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba hilmaami doonin waxqabadki Gen. Max’ed Faarax Caydiid, isagoo sheegay in hadii uu maanta joogi lahaa uusan cadowga Soomaaliyeed marnaba ku soo deg degeen wadanka. Madaxa arrimaha gudaha ee SNA waxaa kale oo uu sheegay in Isbahaysiga SNA aysan markasta xusi doonaan Gen. Max’ed Faarax Caydiid,  isla marakana Isbahaysiga SNA uu sii wadi doono dadaalkiisa ku aadan sidii loo heli lahaa qaran Soomaaliyeed oo isku keenay dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Xafladaan lagu xusayey Gen. Caydiid ayaa waxaa ka qaybgalayaashii loogu qaybiyey taariikhii Gen. Max’ed Faarax Caydiid, waxaana kaloo ka hadlay Maxamuud Guure Guuleed oo ah madaxa Kicinta iyo abaabulka SNA oo isna si aad ah iskula soo shaqeeyeen Gen. Caydiid.

Markii uu geeriyooday Gen. Caydiid 1996-dii maalmo yar kadib waxaa dalka soo galay caddowga Ummadda Soomaaliyeed, hase yeeshee taageerayaasha SNA ayaa iyagu aaminsan in haddii uu Jananku sii joogi lahaa dalka uusan sidaan xaalku ahaan laheyn. General Caydiid waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah markii uu dalka ka saaray Rajiimkii Max’ed Siyaad Barre, sidoo kale waxaa lagu xasuustaa dagaalkii uu la galay ciidamada Mareykanka, iyadoo taageerayaasha SNA suurageliyeen in ciidamadii Mareykanka ay si hal haleel ah uga baxaan dalka Soomaaliya, waxaa kaloo lagu xasuutaa Gen. Caydiid sameyntii dowladdii sal balaar, oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan beelaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyadoo madaxdii SNA ee ka qaybgashay xuskaasi ay sheegeen in xuskaani uusan aheyn mid siyaasadeed balse uu yahay mid lagu xusayey halyey ka dhintay Ummadda Soomaaliyeed.

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

buundu dunteyMinneapolis: Buundo Baaxad Weyn oo Ku Dul Dhacday Webiga Mississippi, Gawaaridiina ay ku daateen Webiga....  ilaa 7 qof ay ku dhintay, 20 qof waa la la'yahay, 61 qofna dhaawacmeen.. Akhri

Faafin: SomaliTalk.com |Augst 2, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com