SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TARTAN

" U-codeeya  Cabdirashiid M.M. Kaalmoy"

Waxaa  bisha barakeysan ee Ramadaan ee nagu soo aaddan ka

dhacaya  "Imaaradda Al-Shaariqa" ee dalka Imaaraatka Carabta Tartan xagga Codka ah, oo lagu soo bandhigayo "Aayado Quraanka Kariimka ah ka mid ah iyo Anaashiid Diini ah".

     Wuxuu Tartanku dhex-marayaa Dhallinyaro ka kala socota 15-Dawladood oo Carbeed, kuwaas oo kala ah:-Aljeeriya, Imaaraatka Carbta, Urdun, Sacuudiga, Somaliya, Suudaan, Suuriya, Ciraaq, Cumaan, Kuweyt, Lubnaan, Marooko, Masar, Qadar iyo Yemen.

     Waxaa loo baratayaa shan jago oo kala sarreeya, oo lagu bixinayo Abaal-marinno isugu jira :Lacag, Baabuur(BMW) ah,Deeq-Waxbarasho iyo Waxyaabo kale oo qiima badan.

      Dalka Soomaaliya, waxaa Tartankaas uga qayb-galaya:- Cabdirashiid Muxyaddiin M.Kaalmoy, oo isagu hore guulo uga soo hooyay Tartanno hor-dhac  iyo kala xulasho ahaa oo lagu kala qabtay Sanca(Yemen) iyo Al-Shaariqa(Imaaraatka), halkaas oo uu wacdarro ka muujiyay, sida ay soo ban-dhigtay  Warfaafinta Imaaraatku.

     Cabdirashiid M.M.Kaalmoy, 1988-kii ayuu ku dhashay Muqdisho, waxbarashadiisa Hoose ilaa Sare wuxuu ku dhammaystay dalka Yemen.

      Haddaba, si uu Cabdirashiid ugu guulaysto Jagooyinka loo baratamayo , una helo dhibcaha loo baahan yahay, waxaa lagama maarmaan ah in aad habeennada tartanka  ugu yaboohdaan Codkiinna taageerada ah ee ku dhisan u hiillinta Soomaalinimo.

      Keliya, waxaan idinka codsaneynaa, loona baahan yahay: in aad Bisha Ramadaan oo dhan la socotaan Telefishanka "Al-Shaariqa", dabadeedna aad habeennada Tartanka dirtaan Lambarka Telefoonka ku soo qormi doona Shaashadda, markaasna aad Afafka Carabiga ama Ingiriiska ku tiraahdaan:-"Waxaannu codkeenna siineynaa Cabdirashiid Muxyaddiin".

      Fadlan, Walaalayaal,  u-codeeya Cabdirashiid, oo ah xulka Somalia ee Codka "Al-Shaariqa" ee sannadkan 2007-da, si uu  magaca Soomaaliyeed uga sare-maro kuwa kale ee uu la baratamayo.

         -"Axyaa Wadani yaa Soomaali aheey".

        -"Wixii Dhiig lahow kaca..".

 Ballanteennu waa Bisha Barakeysan...

                                              kalmoi@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2007

camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD

Boorama - 104 arday ayaa... Akhri Aug 6

guuleedDareenka ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii Duntay ee Minneapolis

Maxammed Guuleed oo ay qaraabo... Akhri Aug 6

xamarShirka Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna waxey u ekeyd afwax cunay xishood... Akhri Aug 6

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com