SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO

  • Wararkii Afduubkii Boosaaso

Mercedes Garcia (Spain) iyo Pilar Bauza (Argentine) - Sawirka: EuroNews

Labadii Dumarka ahaa ee Afduubka Loo Haystey oo la sii daayey

Maanta (Jan 2, 2007) ayaa magaalada Boosaaso hoteel ku yaal waxaa lagu siidaayey labadii dumarka ahaa ee shaqaalaha ka ahaa hay'adda MSF spain ee afduubka loo haystey gobolka Bari.

Qaabka loo siidaayey ayaa ahaa sidii loo siidaayey werihii Fransiiska ahaa iyada oo magaalada Boosaaso bartameheeda lagula kala wareegey dumarka afduubka loo haystey ee u dhashay Spain iyo arjantine..

Afduubayaasha ayaa markii hore dalbaday lacag dhan $250 kun.


Gen. Cadde Muuse oo Qiray in Afduubkii hore ee Weriyaha Faransiiska la bixiyey $100,000, iyo in afduubayaashaasi isku khilaafeen lacagtaas ay afduubka cusub geysteen...

  • "Waxaan maqallay in ay isku khilaafeen lacagtaas ($100,000) oo qaar ka mid ah inta ay ka tageen ay yool cusub raadsadeen." Gen. Cadde sida ay werisey Reuters
  • Afduubayaasha haysta labada dumarka ah waxay dalbayanaa $250,000 - AFP oo soo xigatey Radio Nacional ee Spain.
gen cadde muuse puntland
Gen. Cadde Muuse

Sida ay werisey hay'adda wararka ee Reuters, madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse oo habeenkii Axaddu soo geleysey (Dec 30, 2007) la hadlayey weriyayaal ayaa qiray in kooxda afduubka ku haysata labada shaqaalaha MSF-Spain in ay dalbadeen lacag madax furasho ah.

Cadde Muuse oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: "Waxaan wada xiriirnay afduubayaasha. Waxay noo sheegeen in la haystayaashu ay wanaagsan yihiin, waxayna weydiisteen lacag madax furasho ah," ayuu yiri Cadde Muuse u sheegay weriyayaal, waxana uu intaas ku daray "Ma rabo in aan sheego tirada lacagta, laakiin si kastaba ha ahaate lacag madax furasho ah lama siin doono," ayuu yiri. [Cadde Muuse xalay oo Axad soo geleysey ayuu tegey Boosaaso isagoo ka soo kicitimay Garoowe.]

Gen. Cadde Muuse waxa kale oo uu sheegay in ay su'aalo weydiinayaan dad uu ku sheegay xubno ay xireen.

Waxay sheegeen kuwa afduubkan geystey ay yihiin kuwii hore u afduubay weriyihii Faransiiska ahaa Gwen Le Gouil oo ay soo daayeen siddeed beri ka bacdi (Markii la bixiyey lacag madax furasho ah), ayey tire Reuters.

Waxay u muuqataa in kooxdaasi ay isku khilaafeen lacagtaas, oo uu Muuse ku sheegay $100,000 ayey tiri Reauters.

Gen. Cadde oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri "Waxaan maqallay in ay isku khilaafeen lacagtaas oo qaar ka mid ah inta ay ka tageen ay yool cusub raadsadeen."

  • Dec 26, 2007 mar uu Gen. Cadde Muuse waraysi siiyey Idaacadda Codka maraykanka ayuu ka leex-leexday in uu qiro lacagta madax furashada ah ee la siiyey afduubayaashii weriyaha Faransiiska ah, isagoo dhahay "annagu waa diidney wax lacag ah ma siin.". [Dhegayso Wareysiga Cadde audio clip]

Dhanka kale, sida uu weriyey Raadiyo Spanish ah (Radio Nacional) waxa uu sheegay in afduubayaasha haysta labada dumarka ah ee ah shaqaalha MSF-Spain in ay dalbadeen lacag madax fursho ah oo dhan $250,000, sida ay wersiey hay'adda wararak Faransiiska ee AFP oo warka intaas ku dartay in dawalaha Spain iyo Argintine ay sheegeen in aysan warbixintaas helin.

Afduubayaasha ayaa Boosaaso ka qafaashay labada dumar ah oo kala ah Mercedes Garcia, 51-jir ah dhakhtarada u dhalatay dalka Spain iyo Pilar Bauza, 25-jir ah oo ah kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay dalka Argentin.

  • Wararka ay SomaliTalk.com hore uga heshay ilo wargal ayaa sheegay in khilaafka lacagta uu ka dhex dhashay afduubayaashii (wariyaha Faransiiska) iyo xubno ka tirsan Maamul goboleedka Puntland kaddib markii xubnaha ka socdey DGPL ay afduubayaasha u dhamaystiri waayeen lacagta lagula heshiiyey oo ay qaar la hareen maamulku, waa sida warku sheegay'e.
  • Sidoo kale warar hore u soo gaarey SomaliTalk.com ayaa tibaaxay in afduubayaasha labada dumarka ah ee MSF in dalab-koodii ugu horeeyey ee madax furashada in uu ahaa lacag dhan $250kun - Hoos ka akhri wararkaas hore.

Gen. Cadde Muuse ayaa intii uusan Xalay (Axad) iman magaalada Boosaaso, waxa uu golihiisa wasiirada kusoo daray wasiiro uu hore u casiley.. [Akhri halkan]

Warkii Reuters ee Axadda Halkan ka ka eeg:

Waa sidee Xaalka Labada Dumarka ah ee la Afduubay....

Dec 29, 2007: Waxaa maanta lagu wadaa in labooqdo meesha lagu haysto labadada gabdhood oo samafalka ka waday deegaanadda puntland.

Gabdhahaan ayaa mid ka mid ah qabtay xanuunka loo yaqaan NEEFTA. Madaxweynaha hayadda MSF spain ayaa ka codsaday afduubayaasha arintan warar xogagaal ah ayaa sheegaya, in ilaa hadda meel ay ku sugan yihiin laheyn.

Ciidanka pooliska ayaa intii mudo aheyd ku heeraarsanaa meel cidlo ah, oo ay dhalinyaraddu kaga tageen gaarigii hore oo afduubka geestay, ayagoo ku baxsaday gaari nooca loo yaqaan LANDCRUISER. Arrintan ayaa noqotay mid yaab leh, maadaama aysan boolisku laheyn xirfad sidaas u sii weyn.

Wararka qaar ayaa sheegaya in oday beeledyo ay arintan ku dhex jiraan.

Dhanka kale, wafdiga ka socdda dowladda spain iyo argentina ayaa laga yaabaa in codsigooda laga aqbalo maadama lasheegay in lacagta ay diyaar tahay. Arrinta ayaa u muuqata in ay faraha kala baxday maamulka puntland, arrintuna ay ahaan doonta mid waftiga iyo afduubayaasha oo kaliya kawadda xaajoodaan.

Gobolka bari ayaa wuxuu yahay meel buuro badan.

cabaaskk
bosaaso somaliya
 somalitalk.com


Madaxa Sare ee DFKMG oo Xaqiijiyey in Dawladda Spain ay Wada Xaajood la Fureyso Afduubayaasha Shaqaalaha MSF Spain...

Madrid, Spain (Dec 27, 2007): Sida ay qortay jariidada "Prensa Latina" ee Spain, waxaa Khamiistii xuu wadahadalkii u sii socdey dawladda Spain iyo Dawladda (FKMG) Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay xaaladda labada dumarka ah ee laga afduubay Boosaaso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain, Miguel Angel Moratinos, ayaa Arbacadii teelfoon kula hadlay ra'iisul wasaaraha DFKMG, Nuur Xasan Xuseen (Col. Nuur Cadde), isagoo kala hadlay dhakhtaradda u dhalatay Spain ee Mercedes Garcia iyo kalkaalisada caafimaad ee u dhalatay Argentine, Pilar Bauza ee lagu afduubay Gobolka Bari ee Soomaaliya oo loo kaxaystay buuraleyda ku dhow Boosaaso.

"Prensa Latina" oo soo xiganeysey saraakiil joogta Madrid waxay sheegeen in madaxasare ee Dowaladda (FKMG) ee Soomaaliya (col. Nuur Cadde) uu xaqiijiyey in Moratinos (wasiirka Arrimaah dibada Spain) uu bilaabayo wada xaajoodka afduubayaasha qafaalka ku haysta labada dumarka ah.. [Eeg: Isha Warkan..]. Waxaana habeenkii Khamiista Boosaaso soo gaarey Safiirka Dalka Spain u fadhiya Kenya iyo sarkaal ka tirsan qunsuliyadda Argentine ee Nairobi (Hoos ka akhri)..

Dhanka kale, DFKMG ayaa shaqo joojin ku samaysay hay'adda MSF Belgium ee ka hawl gasha degmada Xudur iyagoo ku eedeeyey in ay hay'adda MSF "la kulantay" Sheikh Mukhtaar Roobow "Abuu Mansuur" oo ka tirsan madaxda sare ee Maxkamadaha Islaamiga ah, laakiin hay'addu arrintaas waa benisey iyagoo sheegay in aysan ahayn hay'ad siyaasadeed oo aysana la kulmin Abuu Mansuur.

Safiirka Dalka Spain u Fadhiya Kenya oo Soo Gaarey Boosaaso

  • Wafti ka socda Spain iyo Argentine oo yimid magaalada Boosaaso....

Dec 27, 2007: Waxaa caawa oo ah habeen Khamiis ah oo Jimce soo gelayo waxaa magaalada Boosaaso soo gaarey wafti ka socda laba dal ee Spain iyo Argentine ee ay u kala dhasheen labada dumarka ah ee laga Afduubay Boosaaso.

Waftigan ayaa ka kooban Safiirka dalka Spain u fadhiya Kenya, wakiilna Spain uga ah arrimaah Soomaaliya, Nicolas Martin Cinto iyo sarkaal katirsan qunsuliyadda Argenitine ku leedahay Nairobi oo magaciisa la yiraahdo Fernando Folendelo.

Waftigan ayaa Boosaaso u yimid sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen soo deynta labada dumarka ah ee u shaqaynayey hay'adda MSF ee afduubka looga kaxaystay Boosaaso.

Waxaa wararku tibaaxeen in waftigaasi markii ay ka soo degeen Boosaaso ay la kulmeen Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee DGPL. Waxaana dadka dhaliila maamulka Cadde Muuse ay muujiyeen arrimaha noocan oo kale ay laga rabey in waftigu kala xaajoodaan wasaarrada qaabilsan amniga iyo Arrimaha gudaha. [Waxaana jira warar tibaaxaya in Cadde Muuse uu wasiirka kalluumaysiga arrinta u xilsaaray,..]

Koox Sheegatay Afduubkii Shaqaalaha MSF, sheegayna in Labada Dumarka ah ee afduubka lagu haysto ay Caafimaad Qabaan...

Waxaa Khamiis Dec 27, 2007 SomaliTalk.com soo gaarey qoraal wargelin ah oo ay ku qoran yihiin koox la baxday "dhaqdhaaqa Wax iska-caabinta Gobolka Bari" kuwaas oo sheegay in labadii shaqaalaha u ahaa MSF shalay la afduubay ay 'cafimaad qabaan".

Qoraalkaas oo aanaan xitaa higgaada wax ka bedelin waxa uu u qoraa sidan:

"Ugu horayn waxaan idiin sheegaynaa inay caafimaad qabaan labadoo gabdhood ee u shaqaynayey MSF spain.

waxaa keliya ee noloshooda halis gelin karaa waa dawladda goboleedka maafiyadda Puntland oo si khaldan u adeegsanaya warbaahinta.

eraygii wakiilka qaramadda midoobay ee somaliya.waa soo daynaynaa shuruud laaan dadka dakayga caawinayeey balse waa inay raali gelin ka bixiyaan maamulka aan awooda lahayn meel uu xukumaana aysan jirin hadaladii qadafka ahaa ee ay sheegeen

cidi nagama hirjoogto inaan burburino buundooyinka iyo inaan weeraro dekeda balse waxan dhowraynaa maslaxadda dadkayga puntland.

waa wax laga xishood in wasiirka maaliyadu diyaarad khaas ah ku tago dubai iyadoo shaaqalah iyo askarta puntland mushar la yihiin.

wasiirka kaluumaysiga ha u hadlo shaaaalihiis ehe;ka gabdha afduuban iyo dawaladda federaalka ahba waxaan u sheegaynaainaanay welwelin oo xaaladodu fiicantahay gabdhaas

dhaqdhaaaa wax iska caabinta gobolka bari"

Qoraalkaas waxaa laga soo diray Soomaaliya


Afduubayaasha Boosaaso ka afduubay Shaqaalaha MSF oo Weydiistey Lacag Madax Furasho ah...

COL. C/laahi Yuusuf oo Cadde Muuse ku canaantay siideyn la'aanta labada gabdhood, kuna amray in uu afduubayaasha ka dul qaado ciidamada...

Waxaa warkan SomaliTalk.com soo gaarsiiyey ilo war gal ah (Dec 27, 2007) oo weydiistey in aan la magcaabin. Waxaan warku u qornaa sidan:

Sida aynu ku heleyno warar ku dhow dhow GEN. Cadde Muuse ayaa sheegaya in xalay xilli danbe uu soo wacay afhayeenka C/laahi Yuusuf, kuna amray in ciidanka laga dulqaado afduubayaasha, afduubka u geystay labadda gabdhood oo shalay fagaaraha Bosaaso lagu af duubay, maadaama Cadde uu amaanka faraha ka bixiyay.

Arrintan ayaan aheyn mid lala yaabo maadama C/laahi Yuusuf uu yahay ninka kaliya oo lagu tilmaamo in ay beelaha ku dhaqan PUNTLAND ay wax ka maqlaan. Sidoo kale dowladda SPAIN waxeey dacwad u gudbisay COL. C/laahi Yuusuf ayagoo sheegay in loo bad baadsho gabdhaha samafalka u jooga deegannada puntland.

Waxaa jira ilo wargal ah oo sheegaya Afduubayaashu waxay xiriir la sameeyeen SPAIN waxayna u sheegeen in ay rabaan lacag madax furasho ah oo dhan $250KUN. Waxaana la sheegay in SPAIN ogoshahay bixinta lacag, laakiin waxa arrintan fududeyn la' waa CADDE MUUSE, dhalinyaradunna wax afduubay waxaa laga soo weriyey in ay yiraahdeen "wax badan ayaa dowladda lacag afduub kala qeybsanay, hadda ka dibna ma dhici doonto."

Lacagaha afduubka ayaa noqday DEKED labaad oo puntland yeelatay.

Cadde Muuse goorma ayuu amarka qaadan doonaa ayaa ilaah wargalka ah sheegeen, balse xalay wuxuu yiri, sida la sheegay, wadanka waan iskaga tagaayaa C/laahiyow qof u taliya keenso.

Waxaa lagu wadaa Cadde Muuse in uu jagadda iska dhiibo, sida warar u dhow sheegeen, inta aan la gaarin xilligii hore uguqorsheysnaa ee doorashada, laakiin waxaa jira dad codsanaya in maxkamad la'soo taago, danbigiisana lagu qaado maadama uu lacag badan lunsaday, amaankiina faraha ka bixiyay.


Shirkadaha aan la aqoon oo Puntland heshiiska la gashay iyo Musuq Maasuqa oo wax laga weydiiyey Gen. Cadde Muuse...

C/salaan Hereri oo ka tirsan Idaacadda Codka Maraykanka oo jooga Washington oo waraysi la yeeshay Gen. Cadde Muuse, madaxweynaha DGPL, oo Dec 26, 2007 oo ahayd maalintii Boosaaso lagu afduubay labo dumar ah oo shaqaale ka aha hay'adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, ayaa waxa uu weydiiyey "Dadka Maamulkaaga Dhaliilaya waxay sheegayaan in aan arrin kale meesha lagu hayn ee sheekadiinii noqotay maxaad cuntaan, oo musuq maasuqu xad dhaaf yahay, oo baddii xitaa haday noqoto laysamo xad dhaaf ah la gooyo, berrigii shirkado aan qaar kood laba garaneynin oo ku shidaalka ah lala heshiiyo, oo lacago laga qaato, oo dabadeedna adeeggii bulshaduna uu meel cidla ah ku dhacay"

Gen. Cadde Muuse oo joogay Garoowe oo arrimahaas ka jawaabayey wuxuu yiri: "Taa adigaa sheegtay ee annaga ma jirto shiriikadaha aan la heshiinay waa danta Puntland, iyada ayaanu wax ka qabaney, ragga aad waraysatay oo warkaan kuu sheegayna waa rag adigu aad taqaanid, annagu shiriikaadka sharci baanu kula galnaa, heshiisyo aan la galnaa haddana waan wadeynaa, shuruucda aan kula heshiinana wixii ka soo baxana danta Puntland baa laga sameyey ilaa iyo labo boqol oo mashruuc baanu ka sameynay wixii wadanka aan ka helay".. [Akhri Qoraallada Batroolka]


GEN. Cadde Muuse oo Afduubka Ku Eedeeyey in ay ka Dambeeyaan Wasiiradii la casilay!! (ama is casiley)

  • "Waxaa layaab ah in qof mas'uul ah sidaan oo kale u hadlo." sidaas waxa yiri mas'uul soomaaliyeed

Arbaca Dec 26, 2007 oo magaalada Boosaaso laga afduubay labo dumar ah oo shaqaaale u ah hay'adda MSF  oo u kala dhashay Spain iyo Argentine.

Dec 26, 2007: Waxaa uu Cade Muuse Arbacadii wareysi siiyay koox wariyayaal ah, asaga oo ku sugan Garoowe, wuxuuna sheegay in wasiiraddii la'casilay ay ka danbeeyeen afduubka ka dhacay Bosaaso maanta (Dec 26, 07), magaaladda dhexdeeda ayadoo Cadde Muuse uusan magacaabin wasiir ayaa tuhunku wuxuu ku saleysnaa SACIID MAXAMED RAAGE oo horey u ahaa wasiirkii dekedaha PUNTLAND.

Maadaama dhalinyaradda la sheegay in ay wax afduubtay ay ka soo jeedaan beesha uu ka dhashay wasiirkii hore.

CADDE Muuse ayaa booskiisii u soo magacaabay wasiir asaga howshiisa fuliya AXMED SACIID OW-NUUR islamarkaana ka dhigay laheshiiyaha kooxdii hore u afduubka geesatay, asagoo, sida la sheegay, lacagtii afduubka dhalinyarada qaar u diiday, qaarna siiyay arintan ayaa aheyd mid soo noq noqota dhalinyaradan ayaa xalay waxeey ka soo kaceen HOTEL BOOSAASO KU YAAL oo magaaladda dhexdeeda ku yaal ayagoo qoryahooda garabka ku sita, booliskana qaar ayaaba sida la sgeeya, lasocday saaka afduubkii ka hor, waa sida ay sheegeen dad war gal ah.

Afduub kale oo ka Dhacay Boosaaso iyo Qaramada Midoobey oo Warsaxaafadeed ka soo saartay

  • Shaqaale ka tirsan hay'adda MSF oo laga Afduubay Boosaaso

Waxaa maanta (Arbaca Dec 26, 2007) magaalada Boosaaso lagu afduubay labo dumar ah oo shaqaaale u ah hay'adda Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn MSF (Medecins sans Frontieres) oo u kala dhashay Spain iyo Argentine.

Waxaa wararku tibaaxeen in koox hubaysani ay labadaas shaqaalaha u ahaa MSF ka afduubeen bartamaha magaalada Boosaaso.


Sawirka: AFP... AKHRI...

Afduubkaasi in uu dhacay waxaa xaqiijiyey Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, wasiirka warfaafinta Puntland iyo Yuusuf Muumin Bidde, ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Bari.

Sidoo kale, af hayeen u hadleysey MSF oo magaceeda la yiraahdo Susan Sandars ayaa shaaca ka qaaday in labadaas dumarka ah oo u shaqayneyey MSF la afduubay, kuwaas oo magayadoodu yihiin: Mercedes Garcia (Dhakhtarad Spanish ah) iyo Pilar Bauza (kalkaaliso caafimaad oo Argentine ah). Afhayeenka MSF waxay sheegtay in afduubkaas ay ka soo baxayaan warar is khilaafsan.

Dad arkayey markii afduubku dhacayey waxay sheegeen in 'lix afduubayaal ah oo ku hubaysay AK-47 ay is hor taageen gaari ah bas-yar (minibus) kaddibna ay afduubayaashu ugu horayn amar ku siiyeen dareewalkii iyo turjumaankii in ay isaga huleelaan meesha, markaasna inta ay telefoonadii-gacanta ka qaateen ayey afduubeen labadii dumarka ahaa." sidaa waxaa AP ka soo xigayey Sahro Shiekh Muuse oo ag deggan meesha afduubku ka dhacay, arkeysayna markii afduubku dhacayey.

Afduubayashu waxay wateen gaari ah nooca loo yaqaan Toyota Surf, sida uu sheegay tujumaankii labada dumarka ah ee la afduubay.

Wasiirka Ganacsiag DGPL, Cabdisamad Yuusuf Abwaan waxa uu AFP u sheegay in ciidanka Booliska Puntland iyo afduubayaashu ay is weydaarsadeen tacshiirad.

Afduubka waxa uu dhacay labo maalmood kaddib markii koox afduub u haystey sawir-qaade Faransiis ah, Gwen Le Gouil, oo ay duubeen December 16, 2007 ay soo daayeen habeenkii ay soo geleysey Dec 25, 2007 kaddib markii, sida ilo wargal ah sheegeen, afduubayashii la siiyey lacagtii ay dalbadeen (ilaa $100,000, in kasta oo DGPL tiri lama bixin lacagtaas, laakiin ilo xog ogaal ah sheegeen in arrintaasi dhacday, taas oo la sheegay in lacag ka yar ay Puntland bixisay..).

Afhayeen u hadlay MSF-Spain, Jaume Codina, ayaa u sheegay AFP in afar shaqaalohooda ee ajnebi ah ay ka baxayaa Boosaaso, laakiin saddex kale oo shaqaalahooda ah ay ku sii negaanayaan Boosaaso, halkaas oo ay ka shaqaynayaan barnaamin nafaqayn ah.

Afduubka loo geystey shaqaalaha MSF waxaa warsaxaafadeed kasoo saaray ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey (QM) u qaabisan Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah, oo sheegay in uu ka naxay afduubkaas, waxana uu qaybaha ay khuseyso ka codsaday in la soo daayo shaqaalahaas  hay'adda MSF.

Qormadii Ahmedou Ould-Abdallah oo nuqul ka mid ahay QM soo gaarsisey SomaliTalk.com ka akhri linkiga hoose.

"Afduubayaashii Weriyaha Faransiiska Afduubay Ayaa haddana Afduubay Shaqaalaha MSF, kaddib markii lacagtii Afduubka hore qaar loo diidey..." ilo wargal ah..

Waxaa warkan SomaliTalk.com soo gaarsiiyey qof goob joog ahaa meeshii uu ka dhacay Afduubkii Arabacdii (Dec 26, 2007) loo geystey labo shaqaale ah uu u shaqaynayey MSF. Waxa uu hadalka u dhigay sidan, isagoo weydiistey in aan la magcaabin:

Waxaa maanta magaaaldda Bosaaso ka dhacaday arin la'yaab leh.

Mar baan waxaan soo xasuustay mogdisho, waxaan arki jiray dad guryahooda lagala baxayo kuwo la'dilayo dadkoo daawanaya.

Waxaan indhaheyga ku arkay 6-nin oo dhalinyaro ah oo ku habuysanaa qoryaha loo yaqaan AK47 oo gaari bus ah joojiyay kuna qasbay in laga soo dago.

waxeey dhalinyardii gaariga saarneyd isku dhiibeen 6dii wiil ayagoo mobeeladoodina ku wareejiyay.

Dhalinyaradaan ayaa waxeey ahaayeen, sida la ii sheegay, kuwii horey u afduubka ugu heestay saxafigii u dhashay france duleedka bosaaso (ka hor intii aaney soo deyn).

Waxeey sheegeen dhalinyaradu in lacagtii ay xaqa u lahaayeen oo ay dowladu kala balantay qaar ka mid ah waayeen.

Maadama ay filayeen, sida la sheegay,  ballan qaadaad ahaa in lasiiyo $65kun ayaa waxaa lasiiyay $45kun (inkasta oo la sheegay in $100,000 ay Puntland u qorshaysay in lagubixiy afduubkaas hore).

Arrintan ayaa ka careysiisay dhalinyaradii, sida la sheegay, ka dibna afduub ayey u geesteen labadii gabdhood oo u shaqeyn jiray MSF spain.

Arrintan ayaa ah mid sii socondoonta hadaan madax furshadda lajoojin oo ay badanaa dowladda iyo burcadda ku heshiiyaan.

Sidaas warka u qoran waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey ilo weydiistey in aan la magcaabin.


Sawirqaade Gwen Le Gouil oo la soo daayay


Gwen Le Gouil oosaxaafadda Boosaaso kula hadlaya markii la sii daayey kaddib Dec 25, 07

Boosaaso | SomaliTalk.com | Dec 25, 2007

Sawirqaadahaan ayaa waxaa la haystay Mudo Sagaal Maalmooda ayadoo lagula kala wareegay Lacag aan cadadeeda aan la shaacin tasoo lagu kala Qaatay Hoteelka la keenay waxaa wariyayaal badan oo ku sugnaa Xiligii la keenay Sawirqaadahaan ayaa waxaa ay arkaayeen ayadoo lagula kala wareegay lacagta iyo Sawirqaadaha oo ay wadeen Burcadii afduubatay oo ku hubaysan Qoryaha Darandooriga u dhaca oo ay ka mid yihiin Qoryaha Siliska xabadaha wata waxaa kadib u suuro gashay Saxaafada in ay helaan sawiro iyo Codad ay ka qaadaan wareysi sawir qaadaha Gwen Le Gouil iyo Saraakiil ka socota Safaaradaha Faransiiska ee Nairobi iyo Jabuuti ayagoo sheegay in aan waxa madax furasho ah aan la qaadan lakiin saxaafada ay arkayeen lacagaha lagu kala qadanayo habka ay isticmaasho maafiyada Aduunka oo lagula kala wareegay Hoteelka lagu magacaabo International Villeg Hortiisa lacagta ayaa waxaa Gudoonsiiyay Burcada Odayaal ay soo dirsaden Burcada oo wakiil kaga ahaa in ay helaan lacagtaa oo keentay Kalsoonida in ay lacagta ku kala wareejistaan Hoteeka hortiisa oo ku yaal Bartamaha Magaalada Boosaso,

Mar aan maamulka waxa ka waydiinay ayaa waxaa ay sheegeen inaan la kala qaadan wax madax furasha ah wasiirka Dekadaha iyo Kaluumaysiga DGPL Axmad saciid Ownuur oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in ay wax madax Furasho ah aan la qaadan.

Dhanka kale waxaa loo xiray Sawiro uu soo qaaday Saxafi madax banaan oo lagu magacaabo Cawaale Jaamac Salaad oo loo gudbiyay Xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso ayadoo ay sheegeen in wariyahaa uu u xiran yahay Madaxweynaha DGPL Cade Muuse.

Maxkamad noocee ah ayaa lasaaray wariyihii France?


Wasiirka kalluumaysiga oo ka hadlayey goobtii lagula wareegey weriyaha

Waxaa maanta (Dec 25, 2007) magaalada bosaaso ka duulay gwein oo ahaa saxafi u dhashay france ayadoo ay sii sagootiyeen maamulka Puntland. Arintan ayaa dadka ku dhaqan bosaaso la'yaabeen waayo waxay shacabku filaayeen in maxkamad la soo taago doono laakiin arrintu waxay noqotay sii dhaweyn waayo waxaa idaacadaha magaaladda bosaaso la'ga dhageysan jiray wariye gwein danbiga uu galay weynu ku ciqaabi doonaa sharciga uu wadanka ku soo galay weynu weydiin doonaa arintan ayaa ah mid aan la'yaab laheyn maadama ay badanaa saraakiisha puntland hanjabaadyo soo jeediyaan isla markaana aan waxba laga qaban.

Waxaa bishan aynu ku jirno sidaan oo kale loogu hanjabay burcadii afduubka u haysatay markab laga lahaa Japan dhalinyaradii afduubka gaysatayna ay magaaladda dhex maraayaan, sidoo kale hay'adda CARE international ayaa tuulo bosaaso wax yar u jirta lagu af duubtay. ka dibna lacagtii dalabaadka aheyd la' baxshay arintan ayaa waxeey u muuqataa tusbax afka laga furay. wax ka qabashada Burcadda waxaa looga fadhiyaa dowlad Goboleedka puntland.

Warbixinta hoose oo muujinaysa cadadka lacagta la kala qaatay akhri...

Siideyntii Saxafiga Gwen Le Gouil, Kaddib Markii la bixiyey "$100,000" oo Madax Furasho ah...

Caawa oo ay taariikhdu tahay 25 December 2007 waxaa xornimadiisii loosooceliyey Saxafigii Faransiiska ahaa Gwen Le Gouil oo afduudka loogu haystay Buuraleyda Bariga Boosaaso, ka gadaal markii Afduubayaasha lasiiyey Madaxfurasho ay kuxireen siidaynta Suxiga ay haysteen muddada Tobanka cisho ah, madaxfurashada ay qaateen afduubayaashu oo sida dad xog ogaal ah sheegeen dhamayd lacag dhan $100,000 Dollar (Boqol Kun oo Dollar) ayaa waxaa, sida la sheegay, bixisay Dawlad Goboleedka Puntland, ka gadaal markii ay si dhib la'aana ku dhameeyeen Odayaasha iyo qaar kamid ah Nabadoonada Afduubayaasha haystay Saxafiga iyo Xubno ka tirsan Maamulka Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirro iyo Taliyayaal ciidan [Sida Wasiirka Kalluumaysiga Khayraadka Badda Dr. Axmed Siciid Aw-nuur iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ee D/G/Puntland G/sare Xirsi Siciid Faarax (Xirsi-Gaataa).]. [Waxaa jira ilo sheegaya in lacagtu intaas ka yarayd waayo markii hore afduubayaashu waxay weydiisteen $75kun ilaa $80kun.. waxa kale oo jira warar tibaaxaya in Faransiisku bixiyey lacag intaas ka badan balse $100,000 lacagtaas laga siiyey afduubayaasha... lama hubo sababta kor u qaaday lacagta caddadkeeda...]

Saacaddu markii ay ahayd Sagaalkii fiidnimo Hotelka uguweyn Magaalada Boosaaso INTERNATIONAL VILLAGE ayaa waxaa lagu qabtay kulan lagula kalawareegayey Saxafigii iyo Lacagtii lagu siidaynaayey ee madaxfurashada ahayd iyadoo ay kulankaas kasoo qaybgaleen Afduubiyaashii, Saxafigii lahaystay, odayaashii iyo Nabadoonadii dhexdhexaadinayey, Waftigii Ajnebiga ahaa ee usocday Saxafiga lahaystay, iyo Madax sare oo ka mid ah Dawlad Gobleedka Puntland.

Kagadaal kulankaas lagula kalawareegay lahaystahii iyo Lacagtii madaxfurashada ahayd ayey wakiiladii Afduubayaashii si cabsi la'aan ah ku kaxaysteen Gawaaridii ay wateen, halka Lahastihii Saxafiga ahaana ugu haray Hooteelkii Xaflada kala wareejinta lagu qabtay oo ay horay u degaanaayeen Waftigii Ajnebiga ahaa ee u joogay siidaynta Saxafiga lahaystay, iyadoo uu maalmo kahor ku dhawaaqay Madaxeynaha Dawlad Goboleedka Puntaland Gen. Cadde Muuse in aaney Jiri doonin wax madaxfurasha ah oo ay bixinayso Dawaladiisu iyo Ehelada Saxafiga.

Dhanka kale waxaa Maalintii Labaad Xabsiga kujira Weriye Cawaale Jaamac Salaad oo ay maamulka Puntland ku xireen Sawiro iyo Waraysiyo uu kasoo qaaday Saxafiga Faransiiska ah intii lagu haystay Afduubka.

DGPL maxay ka tiri afduubka: Akhri HALKAN...

 


Sawir-Qaade Faransiis ah, Gwen Le Gouil, oo Weli Afduub lagu Haysto meel u dhow Boosaaso

Sawirada hoose waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey weriyaal jooga Boosaaso oo soo sheegay in sawir qaadaha u dhashay dalka Faransiiska ee u shaqaya TV-ga Channel-4 ee France in ay weli haystaan dadkii Afduubay kuwaas oo dalbanaya lacag gaareysa ilaa $75 kun oo doolar ilaa $80kun.

Waxaa wararku tibaaxeen in aan weli xal loo helin sidii lagu soo deyn lahaa weriyahaas afduubka loo hasto, in kasta oo caafimaadkiisu roon yahay sida warku tibaaxay hadabana waxaa la sheegay in uu ka muuqtey walaac weyn.

In badan oo reer Puntland ah ayaa codsaday in weriyahaas si badbaado ah lagu sii daayo oo aan wax la yeelin, lana tix geliyo bini'aadaminada. Maadaama aaysan Puntland ka jirin maamul xal keeni kara, sida ay dadka degaanku aaminsan yihiin.

SomaliTalk.com haddii ay warar dheeraad ah ka heso halkan ayey akhristayaasha ugu soo tebin doontaa.



Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2007


Wafti Ka Socda France oo Bosaaso soo Gaaray

Dec 20, 2007:

Wafdi ka aad u balaaran ayaa maanta waxeey ka soo dageen airporka magaaladda bosaaso, socdaalkooda ayaa wuxuu la'xiriiraa afduub loo geystay suxufi lagu magacaabo gwen le gonil oo u dhashay wadanka France oo sida la sheegay "koox burcad badeed ah in mudo ah ku heysteen duleedka magaaldda bosaaso".

Suxufigaan ayaa socdaalkiisa la'xiriiray barnaajimyo la'xiriira sida ay dadka ku le'da tahriibta iyo doonyaha ay raacaan in uu ka sameeyo barnaamijo. ayaa koox burcad ah af duubteen isla'markaana ku xireen in la'baxsho lacag madax furasho ah oo dhan 80,000$, waa sida wararku tibaaxeene

Arintan ayaa sidoo kale ka dhacday xeebta magaaladda bosaaso ka dib markeey burcad badeed afdub u geesatay markab kiimikadda qaada oo laga la'haa wadanka japan taas oo keentay in maraakiibta dagaalka ay soo gaaraan wadamadda maraynka, germany taas oo sidaan oo kale u codsadeen madax furasho wada hadal badan ka dibna la lasii daayay ayada oo maamulka puntland aysan waxba kala socon waxa ay ku heshiiyeen burcadii markabka haysatay iyo wadanka japan.

Arintan suxufiga ayaa ah mid aad looga hadal haayo magaaladda bosaaso.

c/qaadir xasan gooni
somalitalk
 gooni2004@hotmail.com
002525-90-7512765


DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND

Baaq ku wajahan in si deg deg ah loo sii daayo Jornaaliste lagu haysto xeebaha Boosaas

Xafiiska Lataliyaha Warfaafinta Dawladda Puntland

Waxaa Taariikhdu markay aheyd 16/12/2007 abaarihii 11 barqanimo ee shalay lagu afduubtay Magaalada Boosaaso meel 30 kilomitir u jirta oo lagu magacaabo Mareero Nin Jornaaliste ah oo u dhashay Dalka Faransiiska kana shaqeynayey Tv Chanal 4 la yiraahdo oo Dalkaas faransa ku yaala. NinkanSida aanu Xogta ku helnay wuxuu u socday inuu wax ka duubo arrimaha Tahriibta Xeebaha Puntland, taasina waxay sababtay inuu gacanta u galo Kooxo hubeysan oo Xeebaha si tahriib ah uga shaqeysta Wariyahan ayaan Dawladda qeybaha qaabilsan Warfaafinta la socod siin socdaalkiisa iyo hawlaha uu u socdo midna,wuxuuna Dalka ku yimi si aan sharciga waafaqsaneyn,iyadoo ay Dalka soo gelisay Hay'ad Samafal ah oo lagu magacaabo DRC oo ka hawlgasha Magaalada Bosaaso.

Haddaba, waxaan aad uga xunahay afduubka loo geystay Ninkaas weriyaha ah waxaana ugu Baaqaynaa Kooxaha afduubka u haysta Jarnalistaha u dhashay Dalka Faransiiska inay si deg deg ah u sidaayaan, iyagoo tixgelinaya Sharciyada Caalamiga ee Aduunka u degsan Suxufiyiinta, taasoo xoriyad iyo madaxbanaani u siinaya hawlahooda shaqo maalmeed. Waxaan sidoo kale ka codsanayaa Qeybaha Amaanka ee Dawladda iyo Maamulka Gobolka inuu Xooga saaro sidii loo soo deyn lahaa Ninkaas oo lagu haysto meel wax yar u jirta Magaaladda Boosaaso

Ugu dambeyntii waxaan Hay'adaha Caalamiga ee samafalka ka codsanaynaa inay Weriyayaasha Dalka imanaya ee hawlaha shaqo u socda la soo xiriiraan Qeybaha qaabilsan Warfaafinta Dawladda ee inta soo galaan Jornalisteyasha Ajanabiga ah Magaalooyinka Puntland dhanka ay doonaan iska aada.

Waxaan xoogeyna shacab iyo Dawladba isugu geyn doonaa inaan sidii loo sii deyn lahaa kawada qeyb qaadano,anagoo rajeynayna inuu heli doono Xoriyadiisa Inasha Allaah.

Mahadsanidin

Lataliyaha Warfaafinta DGPL
Bile Maxamd Qaboowsade
qaboowsade11@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2007

Yemen oo Batrool ka Baaranaysa Badda Soomaaliya?, halisna ku ah ammaanka DGPL
gen
DGPL oo u jihaysatey Gooni isu Taag.... iyo DFKMG oo sheegtay in khayradka dabiiciga ah ee dalku uu hoos tago DFKMG iyo Qoraal dheer oo ay qortay shabakada Upstream oo ku saabsan batroolka  Maakhir, Darwiish iyo Puntland iyo sharciga batroolka Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com