SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA - OIL

Dalka Yemen oo Batrool ka Baaranaya Badda Soomaaliya?, halisna ku ah ammaanka Puntland iyo DGPL oo u jihaysatey Gooni isu Taag....

  • Indhaha oo Dhammi waxay ku jeedaan Batroolka
  • Yusuf [Gaagaab] Waxa uu xiisaynayaa in la kala Qaybsado Faa'iidada Khayraadka Dabiiciga ah...  
  • Range Resources Waxay ka hor timid Sheegashadii in laga eryey Meelo Ka mid ah (Puntland)
  • Gobol Shirkaduhu xiisaynayaan, Inkasta oo Dagaal cusub ka jiro Muqdisho
  • Puntland waxay isu diyaarineysaa in ay Keligeed Waddo Qaaddo...
  • DFKMG: Khayraadka Dabiiciga ee Dalku wuxuu Hoos Yimaadaa Dowladda Dhexe, Shirkadii horena waa soo noqonayaan....
  • Yaa leh Shirkadda 'Consort ltd' - Saamiyada Range Resources boqolkiiba 15% waxaa leh 'Consort ltd', Waxaana Consort wax ku leh madaxda sare ee Puntland.....

oilQoraallo dhawr ah ay daabacday jariidadda (shabakadda) Upstream December 21, 2007 ayey si qoto dheer ugaga hadashay arrimo xasaasi ah oo khuseeya Soomaalida sida: DGPL oo ku hamiyeysa in ay goonideeda isu taagto, Dawladda Yemen oo baaraneysa batroolka Badda Soomaaliyeed, gooni isu-taagga Maakhir iyo Darwiish, xiriirka Somalialnd iyo Puntland, taag darrida DFKMG, Sharciga batrool oo laga hirgelinayo Puntland, Shirkadaha Batroolka ka baaraya Soomaaliya, ra'iisul wasaaraha Cusub ee DFKMG & Batroolka, Range Resources oo raadineysa shirkado kale oo ay la qaybsato heshiiska wax-soo-saar wadaagga ee Puntland si ay u hesho lacag, Range uu u jihaysaneysa dhanka dalka Angoola iyo qodobo kale...

Qoraalladaas waxa kale oo ku cad in C/laahi Yuusuf uu shirkadda Range u saxiixay heshiiska ay la gashay Puntland, arrintaas oo aan hadda ka hor soo shaac bixin, (in kasta oo wasiir ku xigeenka batroolka DFKMG uu sheegay in khayraadka dabiiciga ah uu soo hoor gelayo DFKMG).

Waxaa kale oo soo shaac baxay in boqolkiiba 15% saamiyada shirkadda Range Resources in ay leedahay shirkadda 'Cosnort ltd' taas oo wararku tibaaxeen in ay wax ku leeyihiin madax ka tirsan maamulka Puntland.

Dhanka kale, waraysi ay Idaacadda Codka Maraykanku la yeelatay (Dec 21, 2007) Wasiirka cusub Batroolka ee DGPL iyo Wasiir ku xigeenka Batroolka ee xukuumada (DFKMG) ee Col. Nuur Cadde ayaa muujiyey khilaafkii DGPL iyo DFKMG in uu weli taagan yahay.

Wasiir kuxigeenka Batroolka DFKMG waxa uu sheegay in Puntland ay ka hawl geli jireen shirkado qandaraas ka haystey dawladii hore ee Soomaaliya kuwaas oo dalka ka baxay dagaalkii ahliga ahaa awgeed, balse shirkadahaasi ay diyaar u yihiin in ay dalka dib ugu soo laabtaan... (Waraysiga hoos ka dhegeyso)...

Waxaa kale oo qormada hoose ku arki doontaa sababaha ay u daba dheeraaday muranka batroolka Puntland ee DGPL iyo DFKMG....

  • Qoraalkii Upsteam oo SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri... Waxana u qoran yihiin sidii jariidadu u qortay oo tarjuman....

Indhaha oo Dhammi waxay ku jeedaan Batroolka

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream December 21, 2007

Madaxweynaha (DFKMG) Soomaaliya oo ra'iisul wasaaraha cusub ku aaminey in uu jaaha saaro baaritaanka batroolka.

Madaxweynaha (DFKMG) Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf, ayaa magacaabay agaasimahii Laanqayrta Cas ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen in uu dalka u noqdo Ra'iisul Wasaare, oo bedeley Cali Maxamed Geeddi, oo booska laga saaray October (2007) kaddib markii muran la xiriira siyaasadda batroolka iyo sharciga (batroolka) uu soo kala dhex galay Yuusuf (iyo Geeddi).

nur adde somalia
col. Nuur Cadde oo la gudoonsiiyey qaybo ka mid ah Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed

(Nuur Xasan) Xuseen oo ka qalin jebiyey jaamacadda Washington DC machadkeeda Booliska ee International Police Academy, waxa uu ka soo jeedaa beesha Hawiye - sida Geeddi oo kale oo ah beesha ugu badan aagga iyo gudaha Muqdisho.

(C/laahi) Yuusuf waxa uu ka yimid Puntland oo ah cirirka Geeska (Soomaaliya), halkaas oo ay u badan yihiin beesha Harti.

Shirkadaha doonaya in ay soo nooleeyaan sahaminta Soomaaliya waxaa yoolku u saaran yahay Puntland, oo ah gobol dawladda maleeshiyada siineysa deganaanshaha yar ee jirta DFKMG ee xarunteedu tahay Baydhabo ee uu hoggaamiyo Yuusuf.

(C/laahi) Yuusuf waa qabqale dagaal oo haysta maleysiyo daacad ah kuwaas oo loo arko in ay yihiin kuwa isku haya Dawlada taagtaa daran.

Yuusuf waxa uu awoodiisa koowaad saaray sidii uu u deganaan lahaa gurigiisu si uu u jiro xiriirka xoogga leh ee hab siyaasiga xoogga leh.

(C/laahi) Yuusuf, oo ay la jirto dawladda deriska ah ee Yemen, waxa uu taageersan yahay madax bannaanida siyaasadda Batroolka ee ay u ololaynayaan kuwa noqon kara Jamhuuriyadda Puntland ee xarunteedu tahay Garoowe.

Yuusuf waxa uu ka soo horjeedaa sharciga (Batroolka) ee qabyada ah ee uu soo qabanqaabiyey Geeddi, sharcigaas oo baab'in lahaa dhammaan heshiisyadii iyo dhulkii loo qoondeeyey shirkadaha kaddib 1991, oo ay ku jirto heshiiskii dhowaanta ahaa ee shirkadda reer Australia ee Range Resources. 

Sharciga ay soo diyaariyeen qareennada MacLeod Dixon ee reer Calgary (Canada), waxa uu asaasi lahaa Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed, hay'addaas oo ay xakumi lahaayeen shirkadaha  Kuwait Energy iyo Medco (Indonesia) kuwaas oo saamayn weyn ku lahaa sidii sharcigaas qabyada ah loo diyaarin lahaa, sida uu sheegay madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde).

(Cadde Muuse) Xirsi waxa uu yiri lataliyayayaashayda reer Koonfur Afrika, (oo ay is baridda ama isku xirka lahayd shirkaada Range), waxay sameeyeen sharci qabyo ah (Draf) oo ah Sharciga Batroolka Puntland, kaas oo ay ka doodi doonaan Baarlamaanka Garoowe ee Qabiilka.

Isagu (Cadde Muuse) waxa uu rajaynayaa in uu kireeyo aagagga (dhulka) haray, laakiin waa marka uu isagu doono, waxana uu sheegay in Madaxbannaanida Puntland ee mustaqblaka in aysan muran ka dhex abuuri doonin iyaga iyo Yemen sheegashaada taariikheed ee jasiiradda Suqadara (Socotra) ama dhul-badeedka aagagga loo yaqaan blocks 94 & 95 oo ay dawladda Sanca kiraysay bishii September.

(Dawladda Yemen) Sanaca waxay aagga Block 92 ku magacawday meel aan weli la kiraysan, in kasta badanaa aaggaas uu si khaas ah u hoos imanayo maamulka Garoowe aaggiisa dhaqaalaha ee gaarka u ah haddii la jeexi lahaa xadka badda si isleegna loogu jirsan lahaa Suqadara iyo Soomaaliya.

 
Eeg sawirka sare inta aagagag 92, 94 iyo 95 ay u jiraan Soomaaliya. Yaaleh aaggaas waa su'aale?

Block 94 waxaa loo yaqaan Abd Al Kuri Block (94) waxayan ku fadhidaa aag dhan 12,886 km2 oo ah badda ku dhow Socotra, halka Block 95 oo loo yaqaan  Samhah Block (95) uu ku fadhiyo bed dhan 20,962 km2 oo ah aagga u dhow Socotra. Bartamaha jasiirada Suqadara (Socotra) iyo cirifka geeska Soomaaliya waxay isu jiran qiyaastaa 180 mile. [Sawirada: GoogleEarth & Pepa yemen] - Eeg sawirka hoose oo muujinaya meelaha ay Yemen  ku bixisay heshiiska in Batrool laga baaro ee Abd al Kuri iyo Samha...


Suqadara: Dalka Yemen waxa uu sheegtaa in jasiiradaasi Yemen ku biirtay November 1967. Tirada dadka ku nool Socotra  waxaa lagu qiyaasay 43kun oo qof.

"Ma jirto, weligayana ma jirin, sheegasho Suqadara. Codowgayaga ayaa beentaas sheegaya si ay u abuuraan mucaarad. Xiriir wanaagsan ayaa naga dhexeeya (Yemen), kaas oo aanaan rabin in carqaladi soo dhex gasho," ayuu yiri [Cadde Muuse] Xirsi.

Heshiis is faham ah ayaa dhex maray Ras al Khaimah Gas (oo ka tirsan Imaaraadka Carabta) iyo Garowe oo ku saabsan dhawr aag (oo lagala noqday Range).

Dhanka koonfureed, Shirkadaha CNOOC (China National Offshore Oil Corporation) iyo China International Oil & Gas waxaa heshiis is-faham ah la saxiixday Dawladda Federalka Kumeel gaarka ah oo heshiiskaas kula gashay (Batroolka) aagga loo yaqaan dooxada Mudug. Waxa kale oo ay aag ka rabaan Puntland. 

"(Shirkadda) Total iyo shawr kale waxa muujiyeen xiiso iyagoo soo maraya Dowladda federaalka Kumeelgaarka ah, sidoo kale shirkadda CNOOC wafti ka socda waxay na soo booqdeen saddex jeer iyagoo hal mar oa ka mid ah safarradaas la socdey Madaxweyne Yuusuf laakiin waa diidney mar kasta oo ka mid ah."

H.H. Sheikh Saud bin Saqr Al Qasimi, Crown Prince and Deputy Ruler of Ras Al Khaimah, and H.E Mohamud Musse Hersi, President of the Puntland State of Somalia, signing bilateral economic agreements at the Al Dhait Palace in Ras Al Khaimah.
Heshiskii Puntland iyo Ras Al Khaimah (UAE) oo saxiixayo Cadde Muuse - 14kii April, 2007

(Agaasimaha Shirkadda Range) Landau waxa uu sheegay in uu shirkadda CNOOC usoo bandhigay in uu u ogol yihiin boqolkiiba 30% dooxada Nugaal iyo dooxada Dharoor in uu ka siiyo shati ama laysan iyadoo inta soo hartay ay lahaaneyso Shirkadda Africa Oil (oo loo aqoon jirey CANMEX) oo hawsha fulineysa, laakiin Shirkadda baaxadda weyn ee Shiinuhu (CNOOC) wax intaas ka badan ayey rabtey iyadoo aan diyaar u ahayn in ay bixiso xitaa $5 million oo ku saabsan gunno dheeri ah waqtiga kala saxiixashada.

Madaxweynaha iyo Oday Dhaqameedyadu Puntland waxay qiimayn doonaan sidii loo bixin lahaa shatiyada dhulka (aagga) harsan ee lagala noqday Range (Resources) kaddib markii uu waqtigii bilowga ahaa ee sahamintu ka dhammaaday, sidaas waxaa yiri (Cadde Muuse) Xirsi oo arrintaas sharraxaad ka bixinayey.

Carqaladda aagga ku xeeran Laascaanood iyo dhulka lagu muransan yahay, oo kamid ah aaggii hore ee Sool iyo Sanaag, oo sheeganaya in ay madax bannaan yihiin laakiin aysan aqoonsanayn Jamhuuriyadda (is magacawday ee) Somaliland waxay arrintaasi suuqa ku sababtay carqalad ku saabsan awoodda Garoowe u leedahay in ay maamusho oo ilaaliso dhulkeeda, in badan oo ka mid ah dhulka lagu tuhmayo Batroolka iyo gaaska.

  • Akhri qormadan dhex-taalka ah, kaddib xagga hoose ka akhri inta ka dhiman qormada sare....

  • Col. Riyaale: C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wuxuu uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."

    riyaale rayaale daahir somalilandCol. Daahir Riyaale Kaahin, madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland, oo Janaayo 2, 2008 waraysi siiyey Idaacadda Ingriiska wararka u faafisa ee 'British Broadcasting Corporation (BBC)" ayaa si kulul uga jawaabey hadalkii Madaxweynaha DFKMG, Col. C/laahi Yuusuf Axmed ee ahaa in ay Somaliland ciidamadeeda kala baxdo Laascaanood. Daahir Riyaale oo markaas safar ugu socdey Maraykanka iyo Britain waxa uu yiri: "Horta Taariikhda ninka been kasheegay isaga ayaa beentu marka dambe ka hor iman doontaa oo wajiga kaga dhici doontaa. Laba dal ayey Soomaaliya ahayd, dalka saddexaad ee ka dhex samaysmay C/laahi waa beentii uu sameeyey, beentaasna been in uu ku difaaco ayaan u arkayaa hadallada ka soo yeeray. Somaliland xuduudaheeda way u socotaa wayna tegi doontaa, martina ugama aha C/laahi Yuusuf. C/laahina waa nin isagoo kursigiisa ku fadhiyi kara cid kasta in uu u hanjabo jecel, waxaan anigu qabaa hanjabaad waxba ku qaadi maayo, Somaliland diyaar ayey u tahay dalkeeda in aydifaacdo, cid ay ka baryeyso gooni isu taageeda isaga iyo qayrkiisna midnaba kama baryeyso" Isagoo su'aal kale oo la xiriirta in dadka Laascaano kala qaysan yihiin, hadalladii uu ku jawaabey Riyaale waxaa ka mid ahaa: "Kuwaa sheeganaya maamulkaa halkaas dhexe ka abuurmay ee ku salaysan beel-nimada, wax alla iyo wax ay ka qabteen muddadii ay ku sugnaayeen Laascaanood ma jirto, xafiis ay hagaajiyeen ma jiro, musqul ay ka qodeena ma jiro, waxaana qabaa dadku cidda wax u qabata ayey raaci doonaan.." Waxaa markaas weriye Axmed Siciid Cige oo waraysaneyey uu weydiiyey "Markaas idinku wax ma u qabteen oo cashuurtii ahayd boqolkiiba 2% ee aad dadka saarteen wax ma uguqabateen oo dadkii barakacay ma soo noqdeen", waxa uu Riyaale ku jawaabye: "Horta dadkii soo noqdeen, xafiisyadiina durba dayactir ayaanu ku samaynay, mashaariicda uguhoreeya ee aan Laascaano ka qaban doono waxay yihiin magaaladaas 100,000 ku nool yihiin oo aan maanta biyo la cabbo lahayn waa mashruuca koowaad ee aan wax ka qaban doono in aan biyo gelin u samayno, weliba biyo macaan u raadino markii ugu horeysey taariikhda LaasCaanood..." Waxa kale oo uu yiri "Garaadada halkaas ka hadlay waxay la mid yihiin garaadada galbeedkeena jooga ee u ololaynaya Soomaali wayn". Isagoo sii watey hadalkii uu ugu jawaabayey Col. Yuusuf-na waxa uu Col. Riyaale yiri: "C/laahina in uu Muusik uu tumaayey oo raali gelin ah Khiyaali ah uun baan shalay u arkaayey wixii uu ku hadlaalyey, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu, waa nin meelahaas markasta wuxuu uu rabo iskaga hadla.."

    Halkan ka dhegeyso Waraysiga Riyaale ama Halkan (mp3)


    Col. Yuusuf: Dalka in kala gooyona yeeli meyn

    cabdullaahiCol. Cabdullaahi Yuusuf, madaxweynaha DFKMG ee lagu soo dhisay Kenya, oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baydhabo kaddib markii uu ka soo laabtay UK iyo Kenya oo uu u tegey arrimo caafimaad ayaa markii uu dhammeeyey shirka jaraa'id waxaa su'aalihii la weydiiyey ka mid ahayd "Sida aad la socotid Gobolka Sool waxaa khilaaf ka dhex jiraa labada maamul ee Somaliland iyo Puntland, ilaa hadda DFKMG arrimahaas kama ay hadal, haddaba maxaad ugu baaqeysaa maadaama ay u muuqato in colaadi halkaas ka jirto. Waxa uu Col. C/laahi Yuusuf Axmed ku jwaabey: "Waxaan sakay (01/01/2008) halkan ka sheegayaa Soomaaliya in ay isku duusho oo xoog isku qabsato iyadoo ula jeedadu tahay in Soomaaliya la kala jarjaro Dawladda Federaalka ah iyo qof Soomaali ah oo muwaadin ah midna yeeli maayo.  Nimanka Soo duuley ee Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali maayo dalka in ay kala gooyaan, lagana aqbali maayo dad Soomaali ah oo goboladoodii jooga in ay xoog ku qabsadaan, iyagoo xoog raba in ay ku go'aan laga yeeli maayo. Waxaanu rajayneynaa ciidmadooda in ay meesha kala baxaan oo la noqdaan, waxaan rajayneynaa dagaal weyn in aan la geline ay wax fahmaan oo arrintey sameeyeen waxa ka imaan kara in ay fahmaan... Dawladda Federaalkana haddee dalka oo dhan ayey dawlad u tahaye, ciidan baa soo duuley oo Gobol qabsaday iyo magaciisii markaa iyo caadifada qabiil iyo magaciisii waanu iska ilownay waxaana u rajayneyneynaa in ay iyagu garwaaqsadaan khaladka socda hadday garwaaqsan waayaan laga aqbali maayo, dalka in kala gooyona yeeli meyno.."

    Halkan ka dhegeyso Hadalkii Yuusuf... ama Halkan (mp3)


    Col. Yuusuf iyo Col. Riyaale oo Isku diyaarad u raacay UK

    Madaxweynaha DFKMG, col. C/laahi Yuusuf iyo madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland, col. Daahir Riyaale, ayaa Janaayo 6, 2008 waxay isku diyaarad ka raaceen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waxaa arrintaas qiray C/laahi Yuusuf oo wax laga weydiiyey in uu la kulmay Riyaale, waxana uu ku jawaabey: "Daahir Riyaale iyo anigu ma kulmin ee diyaarad ayaan la wada soconey, annagoo aan war isu hayn, dabcan haddee haddii dayuurad lawada fuulo oo magiciisoo oo qofba markii uu musqusha aado kan kale ayuu salaamayaa oo wax intaas dhaafsiisan oo na dhex maray ma jiraan, oo wax laga wadahalaana ma jiraan maxaa yeelay haddeer waxa kajira Somaliland iyo Puntlan dhexdooda haddee wax qallafsan weeye, wax si sahal ah looga shiraysan karona ma aha."

    Waxaa jiray warar sheegayay in Meles Zenawi magaalada Addis Ababa ku kulansiiyey Yuusuf iyo Riyaale kaddib markii ay haddalo kulul saxaafadda isku weydaarsadeen. Waraysiga dambe waxa uu Yuusuf warka u muujiyey wax u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, hadalkaas oo u muuqda mid ka duwan hadlkii kululaa ee uu u jeediyey Riyaale safarkii Addis Ababa ka hor.


    Gen. Cadde: Puntland waa soo ceshaneysaa LaasCaanood...

    cadde Muuse somaliaWaraysi uu Cadde Muuse, madaxweynaha maamul Gobleedka Puntland, la yeeshay Telefishanka Universal, December 16, 2007, ayuu ku sheegay in ay Puntland soo cashaneyso magaalada LaasCaanood, laakiin markii su'aalo dhawr ah lagu celceliyey sida ay ku soo ceshanayaan LaasCaanood, Gen. Cadde Muuse ma uusan caddayn qaabka ama sida ay kusoo ceshanayaan...

    Halkan ka dhegeyso Waraysiga Cadde ama Halkan (mp3)


    Daahir Riyaale: Meel hadda naga maqan ma jirto...

    riyaale rayaale daahir somalilandDaahir Riyaale Kaahin, madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland, oo idaacadda codka Maraykanku ay Dec 22, 2007 wax ka weydisey Laascaanood in ay xoog ku haystaan ama rabitaanka shacabka, ayaa ku jawaabey in Puntland ay tahay Khayaali mana aha dal jira ayuu yiri, magaalada LaasCaanood-na ay ku joogaan rabitaanka shacabka... Sidoo kale waxa uu sheegay in ay joogaan Sanaag,(Badhan iyo Dhahar) iyo meel walab waa joognaa, ayuu yiri Riyaale, meel naga maqana ma jiraan. Waxa kale oo wax laga weydiiyey xiriirka u dhexeeya iyaga (Somaliland) iyo Casmara oo (lagu eedeeyey in ay uga dhow yihiin Puntland) waxa uu yiri "waxba kama jiraan  (eedaymahaas ka imanaya Puntland) iyaga (Puntland) ayaa nooga dhow ayaan oranayaa kuwaas annaga nagu eedaynaya Casmara in ay nooga dhowyihiin ayaan aamin sanahay."  Waxa kale oo uu sheegay in uusan Dawlad u aqoonsanayn DFKMG....

    Halkan ka dhegeyso Waraysiga Riyaale... ama Halkan (mp3)


    Axmed Cali Xaashi puntlandAxmed Cali Xaashi: "Wixii Xoog laysaga Qabsaday Xoog ayaa La isugu Soo Celiyaa"

    Afhayeenka Baarlamanka Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL), Axmed Cali Xaashi, oo isagoo jooga Garoowe waraysi (Isniin Dec 24, 2007) siiyey raadiye Daljir ayaa muujiyey in LaasCaanood xoog lagu qabsaday islamarkaasna waxa keliya oo lagu soo celin karo uu yahay xoog, isagoo arrintaas (Laascaanood oo Somaliland la wareegtey Oct 15, 2007) ka hadlayeyna waxa uu yiri "Wixii xoog lagu qabsaday wax aan xoog ahayn laguma soo celiyo.."

    Halkan ka dhegeyso Waraysiga Axmed Xaashi ama halkan (mp3)


    Col. Jibriil oo u Jawaabey Daahir Riyaale...

    Shir saxaafadeed uu Dec 23, 2007 Madaxweynaha maamul Goboleedka Maakhir, Col. Jibriil Cali Salaad uu ka jeediyey xarunta aqalka baarlamaanka Maakhri, sida ay werisey Idaacadda Dhahar, ayaa ugu horeyntii wuxuu ka waramay shirar halkaasi uga socday baarlamaanka Maakhir iyo waxay ku saabsanaayeen. Kadib ayaa waxaa la weydiiyey Madaxweynaha sheegashada Daahir Riyaale uu sheegay gobolka iyo fikradda uu ka qabo. Col. Jibriil waxa uu ku jawaabey "(Daahir Riyaale) Maamul Goboleedku (Maakhir) in uu jiro waa ogyahay, laakiin waxaa ku kallifaaya siyaasadda uu dhex taagan yahay ama uu hogaaminayo, oo Hargeysa iyo waxa ka jira baanu oran karin sidaas wax duwan ayaanu oran karin.."

    Halkan ka Dhegeyso Waraysiga Jibriil ama Halkan (mp3)


    "Gaagaab" oo Ganacsatada  Weydiitey Lacag Laascaanood lagu soo celiyo...

    Dhanka kale wararka ka imanaya Dubai ayaa tibaaxay in Wasiirka Maaliyadda ee DGPL, Maxamad Cali Yusuf Gaagaab uu (Dec 22, 2007) ganacsatada reer Puntland ee deggan Imaaraadka Carabta weydiistey dhaqaale uu sheegay in dib loogu qabsanayo Laascaanood, arrintaas oo la sheegay in ganacsatadii aad uga xanaaqeen, waxayna "Gaagaab' xusuusiyeen in dhaqaalaha soo gala maamulka Puntland uu aad u farabadan yahay oo ay wasaaradiisu maarayn kari weydey oo ay ahayd in uu is casilo. Waxana la sheegay in uu hadalkaas kaga jawaabey in Cadde Muuse ka codsaday in uu jagadaas isagu hayo, sida ay werisey shabakadda Garoowe..


    Cabdiraxmaan-cirro: Cashuur Kordhinta 2% wax looga Qabanayo G/Sool

    Nov 11, 2007 kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ka dhacay buuq ku saabsanaa in la meel mariyo Cashuur kordhin 2% ah oo Xukuumadu ku sheegtay in wax lagaga qabanayo Gobololka Sool. Sida ay werisey Jariidada Ogaal waxaa dalabkaas soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-cirro), oo yiri "“Mudanayaal waxa jirtay bishan afarteedii (Nov 4, 2007) in aan halkan ka akhriyay go’aan ama talo soo jeedin ka soo baxday Golaha Wasiirada sidaad ka warqabtaana, sida uu qorayo qodobka 54 ee dastuurka Somaliland, waajibaadka Golaha Wakiilada waxa ka mid ah jidaynta cashuuraha iyo talaabooyinka kor loogu qaadayo dakhliga Qaranka. Golaha Wasiiradu waxay soo jeediyeen in 2% la kordhiyo cashuurta Qaranka si wax loogu qabto arrimaha hada taagan. Sidaa daraadeed waxa aanu u soo jeedinaynaa Mudanayaasha sharafta leh inaynu taageero soo jeedintaa Golaha Wasiirada inaga oo tixgalinayna xaalada taagan oo u baahan dhaqaale badan, nabadayn, taakulayn, dib-u-dhis iyo abaabul”.


    Daahir Ciiro: Cadde Muuse waxa uu ku kacay Khayaano Qaran...

    daahir ciiro ramaasQoraal uu Dec 24, 2007 soo saaray Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro), Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Ramaas Puntland (RPP), soona gaarsiiyey SomaliTalk.com, ayuu ku sheegay in Gen. Cadde Muuse uu ku kacay "khayaano Qaran" oo ay tahay in "la horkeeno Maxmakamad danbigiisana Lagu qaado." Isagoo hadalkiisa sii wata, Daahir Ciiro, waxa uu yiri "Cadde Muuse waxa uu marar badan ku dhaqaaqay Khiyaano qaran isaga oo hadalkiisii ugu danbeyayna ku sheegay in uu Somaliland lagalay Heshiis qarsoodi ah kaasi oo aysan ka warqabin Xubnihiisa madaxa u ruxa ee Baarlamaanka iyo Wasiiradiisa shaaha lacaba oo qura oo aan wax dan ah u hayn shacabka iyo dalka." Waxa kale oo Daahir Ciiro uu Cadde Muuse ku eedeeyey in uu lusaday hanti badan oo gaareysa bilyanno.


    Heshiiskii Daahir Riyaale iyo Cadde Muuse xilligii Jabhaddii JPP

    Fadhigii baarlamaanka DGPL ee Dec 17, 2007 ayaa Cadde Muuse la weydiiyey in heshiis dhex maray isaga iyo Daahir Riyaale Kaahin xilligii uu Gen. Cadde Muuse hoggaaminayey Jabhaddii JPP ee ka soo horjeedey C/laahi Yuusuf xilligii uu madaxweyanaha ka haa Puntland. Cadde Muuse waxa uu qiray in heshiiskaasi jirey laakiin wax faahfaahin ah kama bixin waxa uu ku saabsanaa. Xildhibaanadii baarlamaanka ayaa markaas ku dhawaaqay in Gen. Cadde galay khayaano Qaran. Markaas ayaa Cadde Muuse waxa uu yiri baarlamaanku waa xiran yahay, markii ay xildhibaanadii hadalkaas diideena isagoo caraysan ayuu kulankii isaga baxay.

    Qoraal uu Dec 21, 2007 soo saaray Daahir Ciiro ayaa yiri: "Su'aalihii la waydiiyay (Cadde Muuse) ayaa waxaa ka mid ahaa maadaama ay dhamaatay 30 kii bari ee Baarlamaanku u qabtay Xukuumada Cadde Muuse in ay ku soo celiso Magaalada Laascaanood tilaabada Xigta ee Cadde iyo Xukuumadiisu ay damacsan yihiin Su'aalahaas iyo kuwo kale oo aysan wali Xukuumada Cadde Muuse si cad u shaacin waxa ay ka yeeli doonto haysashada magaalada Laascaanood ay wali haystaan Maamulka La baxay Somaliland ayaa ka mid ahaa Su'aalihii uu ka xanaaqay Madaxwayne Cadde Muuse kuna kaliftay in uu xiro kalfadhigii u socday Golaha wakiilada DGPL Kuwaasi oo iyana sheegay in uusan Madaxwaynuhu xiri karin kalfadhiga caadiga ah ee u socda Baarlamaanka in lagu casuumo xiritaankiisa maahane dastuurkuna uusan u ogolayn in uu xiro Madaxwaynuhu.


    Faysal: ma aaminsani wax la yiraahdo Puntland...

    Faysal Ali WaraabeIbraahim Daa'uud Cabdalle "Gentleman" (SomaliTalk Nairobi) oo waraysi 29kii November 2007 la yeeshay Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee UCID, waxna ka waydiiyay arrimaha cakiran ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland waxa uu yiri "Horta ma aaminsani wax la yiraahdo Puntland, maxaa yeelay Puntland waa Qabiil, Qabiilna dowlada ma noqon karo, maamulka Puntland waxa uu noola midyahay somalida inteeda kale, haddii Maamulka Puntland ay isku dayaan dagaal horle, dagaaku waxa uu ka dhici doona Garoowe". Waxa uu intaasi ku daray Faysal "Wixii na soo doonta waan iska celinaynaa, wixii heshiin noola yimaadana si wanaagsan ayaan u soo dhawaynaynaa".


    Hadalkii marxuum Cigaal [Allah ha u naxariistee] ee ahaa Koonfurta iyo Woqooyigu Mar uun ayey Midoobi doonaan...

    egal cigaalWaraysi uu qaaday Maxamed Xaaji Xuseen oo ka tirsan Idaacadda Codka Maraykanka, December 25, 2007, oo uu la yeeshay madaxweynaha Maamulka Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin ayuu weydiiyey su'aal ahayd: "Waxaa jira hadal Allah ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal hore uu u sheegay oo ahaa 'Sida Wedkiisa u hubo in uu u hubo in ay isku imanayaan Koonfurta iyo Woqooyiga Goboladii la isku oran jirey, mar ay noqotaba', taas ma aaminsan tahayadigu." Waxa uu Daahir Riyaale ku jawaabey: "Anigu qeybka kama waramo laakiin Somaliland waxay aaminsan tahay in ay gooni isu taagto taas ayaana ku shaqaynayaa, laakiin qeybka in aan ka waramo ma aha oo hawl ii taal ma aha." Weriyuhu waxa kale oo uu weydiiyey "Marnaba ma laga yaabaa, 17 sano waa wax dheer oo ay Soomaalidu kala maqnayd, haddii wanaag uu dhaco oo dadkii Soomaalida ee Koonfurtu ay heshiiyaan, in aad is tiraahdo Allaylehe Somaliland iyo Koonfurtii Soomaalidu ma kala maarmaan ee markale ha walaaloobaan." Riyaale waxa uuku waabey: "Anigu horta madaxweyne markaan ahay la doortay go'aanka ummadda ayaan ku shaqeeyaa, laakiin go'aan aan leeyahay kuma shaqeeyo oo keligay go'aan qaadan maayo, markaa go'aanka ummadda ayey u taalaa, go'aanka ummaadda oo bedesha mootyaane wax anigu aan bedelaayo ma jiro hadduu Ilaahay yiraahdo."

    Halkan ka Dhegeyso Waraysiga Riyaale ama Halkan (MP3)


  • Halkan waxaa ka soo socda qormada kor ka soo bilaabatay ee "Indhaha oo Dhammi waxay ku jeedaan Batroolka"

(Shirkadda) Range (Resources) iyo jaalkeeda Africa Oil (CANMEX) waxay jaaha saarayaan degmoyinka ka baxsan aagga dhowaantan iska hor imaadku ka dhacay ee bariga LaasCaanood iyo Sanaag. [Eeg khariidadda - isha:wiki]

Waxaa jira derejo ku xeeran ka fekerka muranka dhulka ee Hargeysa iyo Garoowe.  Sheegashada tan hore (Hargeysa) ee ah in ay leedahay wax kasta oo galbeedka ka xiga (dhigta) 49aad waxay taas xitaa soo hoos gelineysaa caasmida Puntland in ay ka tirsan tahay maamulka Somaliland.

  • Eeg sawirka hoose: oo muujinaya in Garoowe dhacdo dhigta 48.30 degree Bari.


Xusuusnow in dhigta 49aad ay garoowe ka marto dhanka bariga...

"Eritrea weeye arrinku annaga xagganaga, waxaan rumaysanay in Shirkadda Total ay lacag siineyso Eritrea, iyo weliba sidoo kale Somaliland si ay carqalad uga abuurto Puntland, laga yaabee aragti ah in ay qabsadaan qayb ka mid ah Sool, oo ah meel ay dhex jiifto saliidda ceyriin. Waxaan luminay aag yar laakiin ma aha meesha (batroolka) ugu badan laga filayo," ayuu yiri [Cadde Muuse] Xirsi.

Dhigta 49aad waxay dhex martaa Sool iyo Sanaag iyo qayb ka mid ah dooxada Nugaal, oo ay ka hawl gasho shirkadda Africa Oil, oo ah gaariga Lucas Lundin. [Waa Lukas Lundin oo ah reer Sweden.]

(Agaasimaha Range) Landau waxa uu yiri mid kasta oo ka mid ah labada meelood ee laga filayo (batroolka) ee qorshaysan in sannadka soo socda (2008) la qodo waxaa ku jira qiyaastii 500 million oo foosto oo saliid ceyriin ah.

Ilaa 70 (meelood) oo yoolku yahay waxaa loo baahan yahay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo ceelashaas  macluumaadkooda (shaxanada) laga hayo in la fahmo, taas oo qaadan doonta ilaa lix bilood ka hor inta aan la bilaabin aag kale oo la qodayo.

:::SOMALIA: OIL COLDWAR::
OIL
Dhegeyso: mr. DeHaemer oo TFN waraysi uu siiyey kaga warbixinaya 'Dagaalka Qabow ee batroolka"
ama halkan (mp3)

[Cadde Muuse] Xirsi waxa uu yiri shirkadda Africa Oil waxay raadineyaa shirkad kale oo jaal la noqota, taas oo ka caawisa in ay xagga kharashka iyo dedejinta mashruuca (barnamaijka).

"Waxaan hadda ka hadleynaa kuma saabsan iskaashiga aag horumarinta, in kasta oo aan rabno in deriskayaga ka wada hadallo fursan kasta. Ma sugi karro ilaa la gaarayo maalintaas ka hor inta aanaan sii wadin sahaminta (batroolka), ayuu yiri (Cadde Muuse) Xirsi.

Sharciga Qabyada ah ee Horumarinta Kharaadka Macdanta iyo Batroolka (Puntland) waxa ku jira qodob ku saabsan xallinta khilaafka, waxana uu aqbalayaa in la qaybiyo lacagta soo baxda ee macaashka (royalties), oo la iska ilaaliyo wax iska hor imaad abuuraya marka la dhisayo shirkadda Batroolka ee Puntland.

Hadda, (Cadde Muuse) Xirsi waxa uu ku kalsoon yahay shirkadaha waaweyn ee haysta heshiisyada Soomaaliya -  ConocoPhillips, Agip iyo Shell faraca hoos yimaada ee Pecten - waxay ku baraarugsanaayeen in batrool iyo gaas farabadan uu dhex jiifo ciidda Soomaaliya. Waxana uu intaas ku daray "Laakiin shirkadahaas sida Agip waxa lacag farabadan kubixiyeen gorgortan ah in la aamusnaado oo ay taas iyaga kayd u ahaato."

[Cadde Muuse] Xirsi waxaa kusoo wajahan doorasho sannadka 2009.

Yusuf [Gaagaab] Waxa uu xiisaynayaa in la kala Qaybsado Faa'iidada Khayraadka Dabiiciga ah...  

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream December 21, 2007
gagaab
W/Maaliyadda: Gaagaab

WASIIRKA MAALIYADDA PUNTLAND Maxamed Yuusuf [Gaagaab] waxa uu yiri qaranka madaxa bannaan waxa uu aqbali karaa boqolkiiba 40% ama 50% faa'iidada in lala qaysado Dawladda Federaalka Soomaaliya, haddii wada hadalka dastuurka uu guulaysto si mustaqbalka dhow loo bedelo hab siyaasateed hadda jira.

Haddi kale, (shirkadaha) Africa Oil iyo Range Resources Wax-soo saar wadaagga la isku raacay waxa uu qeexayaa faa'iido wadaag ah 50:50 lala qaybsanayo Dalwadda iyo macaashka (royalties) loo qaybinayo boqolkiiba 4% iyo 10%. 

Badanaa nidaamka asalka ahaa ee Wax-soo-saar wadaagga waxaa laga soo allifay nidaamka Yemen ee loo adeegsadey heshiiskii shirkadda Hunt Oil, taas oo la waafajiyey si loo muujiyeyo halista siyaasdeed. Heshiiskii asalka ahaa ee Range waxaa la saxiixay 2005, kaas oo ra'iisul wasaarihii hore (DFKMG) Cali Maxamed Geeddi uu ka hor yimid.

Wax-soo-saar wadaagga gabagabada ahaa iyo mashruuca shaqada waxaa bilowgii sannadkan (2007) lala saxiixday madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah C/Laahi Yuusuf, sida uu sheegay agaasimaha  Range Resources, Peter Landau.

"Dastuurka Puntland waxa uu Garoowe u ogolaanayaa in ay bixin karto qandaraasyada Khayraadka Dabiiciga ah. Inkasta oo khayraadkaasi uu soo hoos gelayo xuquuqda Federaalka Soomaaliya, marka nimaad dowladeed oo adag la hir geliyo," ayuu yiri Landau, agaasimaha shirkadda Range.

Afar qof oo reer Puntland oo jaamacad ka qalin jebiyey ayey Shirkadda Range waxay ku caawineysaa in ay jaamacadda Curtin University ee Perth, Australia ka qataan fasallo ku saabsan batroolka, waxayna ku caawineysaa in ay sii wataan tababarka Waaxda Macdanta iyo Tamarta ee Galbeedka Australia.

:::FILM: AFRICA'S OIL :::
africa oil
Africa: America's New Oil Target - Watch 5 Parts Film..

Ujeedadeedu waa in ay xafiis la mid ah laga sameeyo Garoowe kaas oo awood u leh in uu qiimeeyo Batroolka iyo macdanta iyo in uu maareeyo (agaasimo) shatiyada.

(Agaasimaha Range) Landau kama welwelsana in shirkadaha waaweyn ee batroolku ay Mustaqbalka mar uun ku soo laabanayaan aagga Puntland, kuwaas oo markii hore sheegtay in dalka uga bexeen arrimo aysan wax ka qaban karin awgeed (force majeure) xilligii dagaalka ahliga.

Sannadkii 2003, shirkadaha Agip iyo Pecten waxaa lagu casumey in ay dib usoo laabtaan, laakiin shirkadda Pecten xitaa ma soo jawaabin.

Sannadkii 2002, shirkadda ConocoPhillips warbixinteeda sannadlaha waxay ku dartay aagga ay ku lahayd Soomaaliya iyadoo ku tilmaantay dhulka shirkadaas ee aan weli la horamarin, sannadkii xigey liiska waa laga tirtiray.

Range Resources Waxay ka hor timid Sheegashadii in laga eryey Meelo Ka mid ah (Puntland)

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream December 21, 2007

Shirkadda sahaminta ee reer Australia ee Range Resources ayaa beenisey warbixinada Soomaaliya ee ah in maleysiyo maxalli ah ay shirkadaas ka eryeen aagga Buruc oo ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland, iyadoo laga qaatay qalab loogana digey in aysan aaggaas kusoo laaban.

Range waxay ku andacooneysaa in ay qoditaan ka bilaabeyso sannadka soo socda (2008) aagga  ay hore (heshiiskeeda) u haysatey shirkadda Conoco, taas oo iskaga huleeshay ilaa markii dagaalka ahliga ah bilowday horaantii sanadadii sagaanaadkii (1990-kii).

Agaasimaha Soomaaliya u qaabilisan Range, Liibaan Boqor ayaa yiri waxaa diyaar ah agaasinka iyo diyaar garowga in la qodo laba ceel si is-garab socod ah waxay bilaabaneysaa bisha Janaayo (2008) iyadoo taageero laga haysto Madaxweyana Puntland Muuse Xirsi iyo Odayaasha maxalliga.

(Liibaan) Boqor waxa uu yiri laba joolojiiste ayaa waxay baaritaan ka samaynayeen meel u dhow Buruc, oo ah meel laga filayo macdanta Yuraaniyumka (uranium) markii ay dhacday arrin ku saabsanayn labo qof oo reer tuulooyinka ah. Waxaa laga wada hadlay xalka, wax qalab ahna lama qaadan.

buruc
Magaalada Buruc
waxay qiyaastii 60km dhanka bari ka xigtaa Boosaaso, isla markaasna 20 km dhanka galbeedka ka xigtaa Qandala. [Sawirka GoogleEarth]


Peter Landau

Agaasimaha Range, Peter Landau, waxa uu saadaaliyey in shirkadaasi ay qaybteeda Soomaaliya ay (cid kale) ku wareejin doonto kaddib helitaanka lafilayo (batrool in la helo) sannadka soo socda.

Qorshaha Range waa in ay fidiso hannaankeeda Afrika iyadoo asaaska ka dhiganeysa Soomaaliya, halkaas oo ay hawl wadeen ka tahay aagga kordhaay ee dhul-badeedka (shidaalka laga baarayo).

Lacagta ay Range ka urursaneyso suuqyada caalamka waxay ka caawin doontaa qorshaheeda in ay ku biirto aagga kale oo Afrikaan ah sida dhula Angola ee Bariga Luanda.

Agaasimaah Range, Landau, waxa uu sheegay in hadda ay si wada jir ah Gorgortan ugula jirto shirkad kale oo aan la magacaabin, gorgortankaas oo ku saabsan Shatiga Wax-soo-saar wadaagga (wuxuu ka hadlayaa waa Puntland khayraadkeeda).

Yemen oo Halis ku ah Degganaanshaha Garoowe..

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream December 21, 2007

Codadka ka soo hor jeeda in gobolka Soomaaliya ee Puntland isku daygiisa in uu gaarkiis u dhaqaaqo waxaa ka mid Caaqilka Ceerigaabo ama oday dhaqabeed Axmed Jaamac-Bodhe, oo ah beesha Dhulbahante ee Sool-Sanaag.

:::SOMALIA: BLOOD FOR OIL:::
Video
Blood for Oil in Somalia

Axmed Jaamac-Bodhe, oo wax kusoo bartay Ghana & Wye College ee UK, oo hadda ku sugan Nairobi waxa uu aamin sanay yahay in sheegashada dalka Yaman ay sheeganayaan dhul-badeedka Puntland in aan la dhayalsan ama la yaraysan.

"Waxaa jirey cadaadis weyn oo Puntland la saaray bishii September si ay isaga dhaafta khariidada, maadaama Sanca (Yemen) ay xilligaas qorsheyneysey wareegii afraad ee laysan ama shati bixinta (batroolka)," ayuu yiri Jaamac-Bodhe.

Yemen waxay xayaysiis u samaysay aaggaga blocks 94 iyo 95 ee biyaha Puntland, laakiin waxay mid furan ka dhigtay aagga Block 92.

Jaamac-Bodhe waxa uu Yemen ku eedeeyey Kalluumaysi sharci darro ah, waxaana looga shakiyey maraakiib sahamin batrool ee sawira dhulka hoostiisa iyagoo adeegsanaya aaladda loo yaqaan seismic

Jaamac-Bodhe, oo hore hoogaan uga noqday Hay'adda Qaramada Mideebey ee Beeraha iyo Cuntada ee Muqdisho ka hor dagaalkii ahliga ah ee Soomaaliya, waxa uu aamin sanyahay in shirkadaha waaweyn ee Batroolka lagu qanciyo sidii ay ugu soo laaban lahaayeen Puntland.

Waxa uu su'aal geliyey sheegashada Garoowe ee ah in si rasmi ah loo casumey dhammaan shirkadaha waaweyn ee batroolka si loogala xaajoodo xaaladda ay dalka uga baxeen ee "force majeure" iyo in ay dib u bilaabaan shaqadoodii

Jaamac-Bodhe waxa uu yiri Shirkadda Conoco hawlgalkeedu xoogiisu ma ahan aagga Nugal-1, Block 28b ama Kallis-1. Waxa uu yiri shirkadda baaxada weyn ee Maraykanku waxay xoogga saartay aagga Holhol-1, oo ah Woqooyiga LaasCaanood, taas oo ay ka huleeshay markii ay la kulantay cufnaan (pressure) xooggan.


Sawir-Qaade Fransiis ah oo laguafduubay meel u dhow Boosaaso., waxaa la siidaayey Dec 25, 2007. Eeg sawirada..

"Haddii Conoco soo laabato, dhammaan deganaansha la'aantu waa tegayaan," ayuu yiri Jaamac Badhe.

Lataliye hore ee Khaaska ah ee Wasaarada Batroolka iyo Tamarta ee Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah, Cali Cabdullaahi waa ku raacay arrintaas. Waxa uu ururiyey intii uu awoodo oo xog ah oo la xiriirta qoditaanka (batroolka) markii heshiiska nadab gelyo la gaarey. Si kastaba ha ahaatee ceelka Nogal-I waxa uu gaarey ilaa 8000 feet, taas oo oo kayar 9000 feet oo ahaa yoolka in hoos loo qodo ceelka.

C/laahi, kaas oo leh Amsas Consulting ee Australia iyo Dubai, waxa uu qorshaynayaa in uu koox Joolojiistayaal reer Kenya ah geeyo Garoowe si ay baaritaan uga sameeyaan dooxada Mudug halkaas oo Shiinuhu ay ka jaleecayaan aag ama dhul.

Inkasta oo ceel qalalan ay ka heleen shirkaddii Oxy sanandkii 1987, kaddib Pecten (Shell) iyo Elf (Total), waxa uu rumaysan yahay rajada shidaalka ee dhul-badeedku in ay aad u sarayso, gaar ahaan dhulka ciidda lakabyada ah ay tuuran tahay.

"Ma jirin arrin si waadax ah  u muuqata (transparency) ee siyaasadda batroolka Puntland," ayuu ku andacoodey C/laahi.

"Garoowe waxaa laga rabey in ay camiraan shirkado daweyne, saamiyada laga iibiyo dadkeeda, sahaminta batroolkaan ay bilaabaan shirkadaha waaweyn, khaas ahaan shirkadihii haystey qandaraasyadii asalka ahaa" ayuu hadalka ku daray.

Gobol Shirkaduhu xiisaynayaan, Inkasta oo Dagaal cusub ka jiro Muqdisho

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream December 21, 2007

Shirkadaha batroolku waxay xiisaynayaan in ay Soomaaliya markale ku laabtaan, inkasta oo dagaal cusub uu ka dhacay caasimada Muqdisho kaddib markii Itoobiya iyo ciidamda Dawladda (FKMG) Soomaaliya ay iskaga hor yimaadeen dagaal ay kaga soo hor jeedaan Muqaawamada Islaamiga ah.

Waxaa hakad galay isku dayga in la helo ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda dalal badan, arrintaas oo ka dhigtay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi mid haleeli waaya waqti sugan oo uu ciidamadiisa la baxo kaddib markii uu Maraykanku arrinta ka aamusay arrimo la xiriira xad gudubyo ka dhan ah xuquuqul Insaanka awgeed.

Degganaansha la'aantu badanaa waa aagga qabaa'ilka Koonfureed, taas oo Dawlad Goboleedka Puntland ka dhigtay mid gaarkeeda keligeed u dhaqaaqda.

Inkasta oo ay ka duwan tahay gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland, oo rabta in ay haysato madaxbannanideeda aan weli la aaqoonsan, Puntland waxay had iyo jeer carrabka ku adkayneysey rabitaankeeda in ay si buuxda uga qayb qaadato Dawlada Soomaaliya marka uu hir galo isku dayga iyo maamulka Dimoqraaddiga la hir geliyo oo ay Dawladda Federaalka Kumeegaarku ansaxiso Dastuurka Muddada dheer la sugayey.

Isagoo joogey xaruntiisa Garoowe, madaxweynaha Puntland State, Maxamuud Muuse Xirsi waxa uu sheegtay in Dastuurka Puntland dhigayo in ay bixin karaan qandaraasyo iyo heshiisyo iyo waxsoosaar wadaag, oo ay raadinayaan in ay dhiiri geliyaan horumarinta batroolka iyo gaaska sida ugu dhaqsaha badan ee macquulka ah.

maakhri
Col. Jibriil Cali Salaad | Sawirka: Dhahar/Laasqoray
gen cadde Muuse Hersi
Gen. Cadde Muuse Xirsi | Puntland state

Beesha Majerteen ee ka tirsan qabiilka Harti-Darod waa kan ugu badan Puntland. Kooxaha la qaraabada ah, sida Warsengeli iyo Dhulbuhante waxay ku dhaqan yihiin aaggaga laga filayo batrool ee Sool iyo Sanaag. Xurguf qabiil iyo riyada qaninimaad batroolka awgeed, halkaas weeye meesha tafaraaruqu ka bilowday, gaar ahaan beesha Warsangeli, oo uu hoggaaminayo Jibriil Cali Salaad, waxay samaysteen gobol madax bannaan oo ah Maakhir oo ka kooban afar degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Deriskooda Sool waxa ka dhacay iska hor imaadyo hoggaamiyayaasha beesha dhexdooda, taas oo Garoowe ku eedaysay in ay ka dambeeyaan xoogag shisheeye oo isku deyahyay in ay carqalad ka dhex abuuraan (iyaga iyo) Somaliland. Beesha Dhulbahante ee Sool waxay ku dhawaaqeen gobol madax banaan oo ku xeeran Laascanood oo ah Daraawiish.

Laakiin, in yar oo dadka kor kala socda ah ayaa wax weyn ka soo qaaday sheegashooyinkaas (waa sheegasha madax bannaanida Maakhir iyo Darwiish).

Laakiin [Gen. Cadde Muuse] Xirsi waxa uu sheegay in dhulka keliya oo muranku ka jiro uu yahay dhawr kiilo mitir oo uu murankaasi kala dhexeeyo Somaliland. Waxana uu intaas ku daray in Puntland ay 10 sano xakuntey xadkeeda, waxana uu Cadde Muuse yiri "Ujeedadyadu ma aha in aan carqaladeyno Qabaa'ilka Isaaq ama Hawiye ee naga xiga Koonfurta."  

Caaqil Boqor Cabdullahi Muuse Yuusuf, oo ah qareen mar hore wakiil Soomaaliya uga noqday shirkadda ConocoPhillips, ayaa yiri waxaan ku faraxsanahay Xirsi (Cadde Muuse) sida xoogga weyn ee uu wadatashiga u sameeyey. Waxana uu intaas raaciyey "Nidaamka (socda) waxa uu xoojiyey Dawladda Puntland iyo dalka, inkasta oo uu diciifiyey nidaamkayagii dhaqanka qabaa'ilka, laakiin taasi waa caadi."

Caaqil Ugaas Yaasiin waxa uu yir "Puntland weligeed kuma dhici doonto waxa loogu yeero Inkaarta-batroolka, sababtoo ah dadka oo isku mid ah iyo nidaamka dawladeed ee aadka u sareeya". 

Puntland waxay isu diyaarineysaa in ay Keligeed Waddo Qaaddo

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream December 21, 2007

Tabar yaraanta DFKMG waxaa muujiyey afar wasiir oo iska casiley iyo madaxweynaha oo cusbitaal loo qaaday ka hor shir Muhiim aha.

Madaxweynaha Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, C/laahi Yuusuf Axmed, waxaa loola cararay cisbitaal ku yaal Nairobi Kenya, saacado ka hor markii uu Addis Abba kaga qayb geli lahaa shir ay ka soo qayb gelayeen madaxda gobolka oo ay goob joog ka ahayd xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Condoleezza Rice.

Qabqablihii hore ee dagaalka ee Punt(land), (dawlad goboleedka itaalka daran ee ku taal gobolka woqooyi bari ee qabiilka Daarood iyo Harti), waxaa lagu eedeeyey (C/laahi Yuusuf) in uu soo casumey Itoobiyaanka si uga caawiyaan in ay meesha ka saaraan Muqaawada Islaamiyiinta ee dhanka Koonfureed ee dalka dagaalku halakeeyey.

Toddobaayadii hore, afar xubnood oo ka mid ah Baarlamaanka fadhigiisu yahay Baydhabo, kana tirsan qabaa'ilka Raxanweyn ayaa is casiley. Arrintaas oo dhabar jab ku ahayd ra'iisul wasaaraha cusub (ee DFKMG) Nuur Xasan Xuseen (Col. Nuur Cadde), oo dhowaanta uu magacaabay Yuusuf kaddib markii ay iska hor yimaadeen ra'iisul wasaarihii hore (DFKMG) Cali Maxamed Geeddi arrimo la xiriira siyaasadda batroolka awgeed.

Image:Nnamdiazikiwe.jpg
Nnamdi Azikiwe - Madaxweynihii u horeeyey ee Nigeria (1963–66).
Sawirka: Wikipeadia

Isagoo sheeganaya in uu qabo cillad yar oo la xiriirta xagga neefsashada, (C/laahi) Yuusuf waxa uu warbaahinta maxalliga u sheegay in ay ka taxadaraan in aysan si khaldan u tebin dhimashadiisa.

Arrintani waxay (dadka) soo xusuusineysaa arrin taas aad uga darrayd oo ahayd in madaxweyne Nnamdi Azikiwe, oo ka mid ah asaasayaashii Nigeria, kaas oo ka soo jawaabey qoraal tacsi isaga loo dirayey isagoo dhehay "warka geeridayda aad iyo aad ayaa looga badbadiyey".

Inkasta oo warbixinnadu wanaagsan yihiin, xaaladda caafimaad ee Yuusuf si degdeg ah ayey uga sii dareysaa sida laga soo xigtey ilo maxalli ah. Waxaa la geeyey dhakhtar sababtoo ah xaalada beerka oo ka sii dareysey.

Iyagoo xaaladdaas ku baraarugsan awgeed, dhawr la taliye oo kamid ah kooxaha Puntland, kuwaas oo u shaqayey Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah, fursadaas ayey qaateen si ay isu casilaan toddobaadkii hore.

Is casilaadu waxay la xiriirtaa is xulufaysiga la xiriira doorashada madaxweyne ee soo socota sannadka 2009.

Suurtagal ma aha in xubnaha ku haray baarlamaanka dawladda Federaalk Kumeelgaarka ah ee Baydhabo in ay awood u yeeshaan in ay dib u sameeyaan oo ansixiyaan dastuurka loo baahan yahay, sharciga Batroolka, isla markaasna qaban qaabiyaan doorashada ka hor inta aan la gaarin xilliga uu tartarku bilaabanayo dhammaadka sannadka 2008.

Waxaa laga yaabaa in qabaa'ilka Puntland ay doortaan goonidooda, marka ay siyaasadda guud ee Soomaalida ku xeerani diciifto, isla markaasna Dawladda Federaalka Kumeelgaarka soo celinteeda xornimadu ay u jihaysato xagga burburka.

Waxa arrinta sii raaca in toddobaadkii hore xarunta militariga Maraykanka (US Pentagon) uu qirtay in uu u janjeersan lahaa aqoonsiga Jamhuuriyadda goonida u go'da ee Somaliland taas oo ka soo horjeeda arrinta muxaafidka ah ee ay ku adkaysanayso waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka (State Department). Tani waxay dhiiri gelineysaa in qaybaha kale ee Qaranka Soomaaliyeed ay raadsadaan madaxbaani dheeraad ah.

###

Halkaas waxaa ku eg tarjumaadii SomaliTalk.com ee qoraalladii Upstream ee December 21, 2007.


Shirkadaha aan la aqoon oo Puntland heshiiska la gashay iyo Musuq Maasuqa oo wax laga weydiiyey Gen. Cadde Muuse...

C/salaan Hereri oo ka tirsan Idaacadda Codka Maraykanka oo jooga Washington oo waraysi la yeeshay Gen. Cadde Muuse, madaxweynaha DGPL, oo Dec 26, 2007 oo ahayd maalintii Boosaaso lagu afduubay labo dumar ah oo shaqaale ka aha hay'adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, ayaa waxa uu weydiiyey "Dadka Maamulkaaga Dhaliilaya waxay sheegayaan in aan arrin kale meesha lagu hayn ee sheekadiinii noqotay maxaad cuntaan, oo musuq maasuqu xad dhaaf yahay, oo baddii xitaa haday noqoto laysamo xad dhaaf ah la gooyo, berrigii shirkado aan qaar kood laba garaneynin oo ku shidaalka ah lala heshiiyo, oo lacago laga qaato, oo dabadeedna adeeggii bulshaduna uu meel cidla ah ku dhacay"

Gen. Cadde Muuse oo joogay Garoowe oo arrimahaas ka jawaabayey wuxuu yiri: "Taa adigaa sheegtay ee annaga ma jirto shiriikadaha aan la heshiinay waa danta Puntland, iyada ayaanu wax ka qabaney, ragga aad waraysatay oo warkaan kuu sheegayna waa rag adigu aad taqaanid, annagu shiriikaadka sharci baanu kula galnaa, heshiisyo aan la galnaa haddana waan wadeynaa, shuruucda aan kula heshiinana wixii ka soo baxana danta Puntland baa laga sameyey ilaa iyo labo boqol oo mashruuc baanu ka sameynay wixii wadanka aan ka helay"..


DFKMG: Khayraadka Dabiiciga ee Dalku wuxuu Hoos Yimaadaa Dowladda Dhexe, Shirkadii horena waa soo noqonayaan....

Waraysi ay Idaacadda Codka Maraykanku la yeelatay Wasiirka Batroolka ee DGPL iyo Wasiir ku xigeenka Batroolka ee xukuumada Col. Nuur Cadde ee FKMG ayaa muujiyey khilaafkii DGPL iyo DFKMG in uu weli taagan yahay......

Sawirka Wasiirka cusub ee Batroolka Puntland, Xasan Aloore, oo la dhaariney markii wasiirka loo magacaabay, waxaana sawirka aad loogu faafiyey gobaha sayladaha ganacsiga Austrlia si kor loogu qaado saamiga shirkadda Range.
 

Isha Sawirka: http://sharescene.com/

Saamiyada Range ee hoos u dhacey bilahan...

Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ayaa dhowaan golihiisa wasiirada waxa uu kusoo kordhiyey Wasaaradda Batroolka iyo macdanta oo aan hore u jiri jirin, balse u shaqayn jirtey qaab hay'ad hoos tagta madaxtooyada Puntland.

Haddaba waraysi ay idaacadda Codka Maraykanku la yeelatay (Dec 21, 2007) Wasiirka wasaaradaas cusub ee Batroolka DGPL, Xasan Cismaan Maxamuud "Xasan Allore", isagoo joogey Garoowe, ayaa sheegay in wararka sheegaya in cid hor taagan tahay shidaal qodista in aysan jirin, balse ay website-yadu wax bilaash ah qoraan. Waxana uu sheegay in shidaal qodistiu ay Puntland ka bilaabaneyso bilowga sanandka soo socda ee 2008

Nuux Muuse Birjeeb oo Idaacadda Codka Maraykanka uga soo warama Garoowe oo waraysiga qaday markii uu wax ka weydiiyey xiriirka DFKMG iyo DGPL, waxa uu Xasan Aloore sheegay in ay hore u diidanaayen sharcigii batroolka ee lagu soo dhisay Malindi, balse hadda ay la tashanayaan xukuumaad Nuur Cadde.

bekos
Maxamuud Cabdi Xasan "Bekos"

Sidoo kale, idaacadda Codka Marayanku waxay waraysi la yeelatay Wasiir Kuxigeenka Batroolka ee DFKMG, Maxamuud Cabdi Xasan "Bekoos" ayaa si cad u sheegay in khayraadka dabiiciga ee dalka, sida Batroolka iyo macdanta, ay mas'uul ka tahay dawladda dhexe oo ay hoos yimaadaan. Sharci ahan dawladda dhexe ayaa arrintaas qaabislan, cid aan soo marina ma iman karto dalka.

Wasiir kuxigeenka Batroolka DFKMG waxa uu sheegay in Puntland ay ka hawl geli jireen shirkado qandaraas ka haystey dawladii hore ee Soomaaliya kuwaas oo dalka ka baxay dagaalkii ahliga ahaa awgeed, balse  shirkadahaasi ay diyaar u yihiin in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Sharciga hadda horyaal baarlamaanka DFKMG waa kii uu ogaa Cali Maxamed Geeddi, waxa lagu kordhinaaya qodobo la xiriira sida loo wadaagayo khaayraadka.

Wadahadal dhex mari doona Madaxweyanaha DFKMG iyo Wasiirka Batroolka DFKMG

Dhanka kale, sida laga soo xigtey jariidada AFRICA ENERGY cadadkeedii 128aad ee soo baxday 14kii December 2007, waxaa toddobaadyada soo socda wada hadal dhex mari doonaa Wasiirka Batroolka ee DFKMG Cabdullahi Yuusuf Maxamed iyo madaxweyanah DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed oo ay kawada hadali doonaa sidii loo anxisin lahaa sharciga batroolka Soomaaliya, sharcigaas oo hadda diyaar ah oo Puntland soo hoos gelinaya Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Federaalka ah.

Hadalaas soo kala horjeeda waxaa ka cad in uu markale soo shaac baxayo khilaafkii u dhexeeyey Puntland iyo DFKMG ee la xiriirey shidaalka iyo shirkadaha heshiiska lala gelayo. Waxaan arrintani hor dhac u tahay muranka dhex mari kara xukuumada col. Nuur Cadde iyo maamulka Gen. Cadde Muuse.

Cabdiraxman Faroole: Heshiiskii 2005 (ee Khayraadka Dabiiciga) Cadde (Muuse) sharci uma uu lahayn in uu isagu saxiixo...

faroole
Wasiirkii hore ee xiriirka caalamiga iyo qorshaynta DGPL Dr. Cabdiraxmaan Faroole

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, oo Puntland ka ahaan jirey Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Qorshaynta, oo Dec 29, 2007 waraysi siiyey Idaacadda wararka u faafisa dalka Ingriiska ee "British Broadcasting Corporation" ayaa mar kale caddeeyey sababtii uu uga baxay maamulka DGPL in ay ahayd khilaaf ka dhashay heshiisyo uu Gen. Cadde Muuse u saxiixay shirkado dadka 'Ku maaweelinaya in ay khayraad soo saarayaan" kuwaas oo "aan u qalmin" in heshiiyo lala galo.

Arrimahaas isagoo ka hadlaya Dr. Cabdiraxmaan "Faroole" waxa uu yiri: "2005-tii niman koox ah oo dullaaley ah oo shirkad yar ka diiwaan gashaday jasiiradaha loo yaqaan Maldives ee ku yaal badda Hindiya ayaa heshiis waxaa u saxiixay ninka la yiraahdo Cadde Muuse, heshiiskaas anigu waa is hor taagey waana diidey, aniga iyo isaguna waa ku diriray, golaha wasaaradda ayaan isla tagnay, golaha wasaaradda nasiib darro fikirkii anigu aan ka watey way aqbali waayeen, ceeb xun ayaa ka dhacday meeshaas, arrintu wey fogaatey ilaa dawladda dhexe ayey gaadhey oo aan dacwadii isla gaarey, Qareemo caalami ah (International Lawyers) ayaan soo dhex geliney. Arrintu meel halis ah ayey hadda sii mareysaa, maalin walba laba nin ayaa la keenayaa oo dhuumaalaysi lagu keenayaa, laba oday iyo dhawr dhallinyaro ah oo amuurahaas kumashquulsan oo ay dadka ku maaweelinayaan khayraad ayaan soo saareynaa. Heshiiskaas uu waagaas saxiixay Cadde sharci uma uu lahayn oo ma ahan in uu isagu saxiixo karo."

Waxaa markaas Faroole la weydiiyey "adigu miyaadan wax ka saxixin heshiiskaas markii aad ahayd wasiirkii Qorshaha." Waxa uu ku jawaabey "MAYA, waan diidey, anigu ninkii diidey ayaan ahaa, dadka Soomaalida oo dhan waa ogyihiin, Puntland-na gaar ahaan waa laga ogyahay, Golaha Wasiiraduna waa ogyihiin."

Dr. Faroole oo ka hadlayey ka tegidiisii DGPL waxa uu yiri: "Ka tegidaydu wax caan ah ayey ahayd oo dadka aan ka qarsoonayn, madaxda maamulka iyo anigu waxaan isku qabanay Khayraadka dabiiciga ah ee dalka oo qaab xun heshiisyo inta loola galay dad aan u qalmin khayraad dabiic ah in ay soo saaraan oo loola jeedey oo qura wax ka dhifso oo ka dhaqaaq uun baan anigu kaga tegey oo aan isku hor fadhiney muddo siddeed bilood ah oo aan maamulka ku jirey gudihiisa ayaan isku haysaney, sidaas ayaan kaga tegey ee kama ciil qabo, oo waxaan aaminsanahay in ayan waxba ka tari karin.."

Waraysiga waxa uu Dr. faroole kaga hadlay ammaan darida ka jirta Puntland isagoo shacabka Puntland ugu baaqay in ay ammaanka dhawraan, isla markaana soo daayaan labaad dumarka ah ee afduubka lagu qafaashay.

Yaa leh Shirkadda 'Consort ltd'

Saamiyada Range Resources boqolkiiba 15% waxaa leh 'Consort ltd', Waxaana Consort wax ku leh madaxda sare ee Puntland.....

adde muuse hersi
Terry iyo Gen. Cadde Muuse

Waxaa dhici karta in akhristuhu is weydiiyo waxa keenay muranka daba dheeraaday ee shidaalaka Puntland. Arrintaas si aad u fahamtid waxaa muhiim ah in aad xusuusatid sidii uu ku bilowday mashruuca loogu magac daray 'shidaal qodista Puntland' iyo cidda wax ku leh.

Arrimaha shidaalka ee Puntland waxay ku bilowdeen kaddib markii uu Puntland yimid February 2005 nin lagu magacaabo Terry Donnely oo ka tirsanaa hay'adda Kids in Needs oo hoos timaada World Vision. Muddo gaaban ka bacdi Terry waxaa la arkay isaga oo ka mid ah waftiga madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, waxana uu durbadiiba Terry soo abaabuley shirkad lagu magacaabo 'Consort ltd' oo laga soo diiwan geliyey dalka Maldives.

Waxaa xusid mudan in Toufic Rahi (oo asal ahaan ka soo jeeda jasiiradda Maldives) in ay markii dambe soo shaac baxday in uu qareen u ahaa Terry Donnely iyo Anthony Black (oo ka mid ah aasaasayaashii Consort) waxana uu Toufic markii dambe ka mid noqday agaasimayaasha Range Resources. Isla xilligaas (May 25, 2006) waxaa kale oo agaasimayaasha Range lagu daray Liibaan Muuse Boqor kaddib markii Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Gen. Cadde) uu difaacey shirkadda Range. Waxaa isla maalintaas la magacaabay Liibaan iyo Toufic (Khamiis May 25, 2006) jagadii agaasimaha guud ee Range iska casiley Mr. Jim Marinis. Toufic Rahi waxa uu is casiley July 04, 2007.

Sida ay qortay jariidada Indian Ocean Newsletter, caddadkii June 21, 2006, xubno ka mid ah shirkadda Range ayaa qiray in guddiga sare (board) ee shirkadda Consort Private Ltd ay ku jiraan wasiirro ka tirsan maamul goboleedka Puntland. Sidoo kale agaasimihii hore ee Range Mr. Jim Marinis ayaa sheegay "in agaasimayaasha Consort ay ka mid yihiin wasiiro ka mid ah dawlada" (Puntland), arrintaas waxa uu October 7, 2005 u sheegay jariidad ka soo baxda dalka Australia, waxana uu ka gaabsaday in uu madaxdaas magacaabo, taas isagoo ka hadlayana waxa uu yiri "ma aqaan kuwa ay yihiin agaasimayaashu".

Jariidada Africa Energy Intelligence, caddadkeedii June 21, 2006,  waxay qortay in markii Consort laga iibiyey Range in lacagtii ugu horeysey ee la bixiyey ee ahayd $2.5 million ay dheerayd in saami dhan 85(million shares) oo ah Range la siiyey dadkii lahaa 'Consort ltd' oo ay ka mid yihiin dhawr sarkaal sare oo ka tirsan Dawladda Puntland [Arrintaas waxay muujineysaa in madax ka tirsad DGPL ay saamiyo ku leeyihiin Range Resources]. Waxaa kale oo xusid mudan in aan gebi ahaanba shirkaddii 'Consort ltd' la iibsan, balse uu weli jiro waxa loo yaqaan 'macaashka' ama 'Royalties' oo ah haddii mashruucaasi shaqeeyo in weligeed lacag 'macaash ah' ay u socon doonto dadka leh shirkadda 'Consort ltd'..

14kii July 2006 qoraal ay shirkadda Range resources u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) waxay ku cadaysay in qodobbada heshiiska ay Range kula wareegtey 100% xuquuqdii lahaanshada qodista macdanta iyo batroolka Puntland in qodob ka mid uu ahaa in "Consort ltd" lagula heshiiyey macaash joogto ah (Royalty) oo dhan 2.5% saafi-ah ee mashruuca Puntland [2.5% net royalty] - halkaas oo laga fahmayo in ay jirto lacag joogto ah uu socon doonta mulkiilayaasha Consort ltd - xusuusnow cidda ku jirta mulkiilayaasha Consort!.

29kii November 2007 Cilmi baaris dheer oo ay samaysay "t1ps.com Limited" (oo qaabilsan adeegyada la talinta shirkadaha iyo saamileyda, xarunteeduna tahay magaalada London ee dalka UK,) ayaa shaaca ka qaaday in saamiyada ugu badan ee Shirkadda Range Resources ay wax ku leedahay Shirkadda 'Consort Private Ltd' (oo ah boqolkiiba 15%).

Shaxda hoose waxay muujineysaa cilmi baarista "t1ps.com Limited" ay ka samaysay Range Resources oo ay ku muujisay saamiyada ugu badan oo ah 15% in ay leedahay 'Consort ltd'.




Isha:  "t1ps.com Limited" | Nov 29, 2007

Cilmi baarista "t1ps.com Limited" waxa kale oo ay sheegtay in shirkadda Range ay hadda Puntland ka wado macdan baaris.

Jariidadda Sydney Morning Herald, caddadkii April 18, 2006, oo waraysi la yeelatay agaasimaha Range Resources, Mike Povey, ayaa qortay in shirkadda Range ay Dawlad Goboleedka Puntland bil kasta siiso lacag dhan $200,000 oo doolarka Maraykanka sida uu dhigayey heshiis.

Range Resources waxay hadda ku dadaaleysaa in Puntland ka go'da Dawladad Federaalka ama Soomaaliya inteda kale si markaas ay ugu madax bannaanaato badda Puntland.

:NIGER DELTA: OIL & POVERTY:
Delta
Daawo: Sida ay faqiir u yihiin dadka deggan Niger Delta  oo ah gobol qani ku ah Batroolka...
Poverty in oil-rich Niger Delta

Ma jiro qorshe sugan oo muujinaya cilmi baaris lagu sameeyey raadka uu ku reebi karto degaanka Soomaaliya mashruuca ay wadato Range, iyadoo laga qiyaas qaadanayo arrimaha ka dhacay Niger Delta ee la xiriira Batroolka. Mana jiraan qoraal sugan ama warbixin ay maamulka Puntland ka diyaariyeen saamaynta degaanka ee mashruucaas oo ay ahayd in marka hore la derso.

Arrimahaas marka la isku daro, heshiisyada lala gelayo Range Resources waxay u muuqanayaan kuwo aan dhinacyada heshiis-yadaasi dhex mareen aysan daacad ka noqon karin, waayo waxaa meesha soo gelaya dan gaar ah ama nidaamka loo yaqaan "Conflict of Interest".

Su'aashu waxay tahay shacabka Soomaaliyeed ma aqbali doonaan in Puntland laga gooyo Soomaaliya?

Maamulka Puntland waxa uu ku dadaaley sidii uu DFKMG ah uga dheerayn lahaa heshiisyada batroolka ee Puntland. Ifafaalaha arrintaas waxaa ka mid ah in December 15, 2007 madaxweynaha DGPL uu wasaarad cusub u sameeyey Batroolka Puntland, arrintaas oo sida ku xusan qoraalka sare uu durbadiiba ka hadlay wasiir kuxigeenka wasaarada Batroolka DFKMG oo sheegay in Khayraadka Dabiiciga ee Soomaaliya uu hoos yimaado DFKMG. Arrintan oo keeni karta xurguf hor leh oo soo kala dhex gasha Garoowe iyo Baydhabo. Waxaa xusid mudan in ay jirtey xurguf hore u soo kala dhex gashay xukuumadii hore ee DFKMG iyo Puntland taas oo la xiriirtey Batroolka.

Su'aasha kale waxay tahay, baarlamaanka Baydhabo ee fadhiidka ah ma ansixin doonaa sharciga Batroolka Soomaaliya, sharcigaasi Puntland ma aqbali doontaa, C/laahi Yuusuf ma waxa uu gacan siin doonaa Gen. Cadde Muuse mase ra'iisul wasaaraha uu soo magacaabay Col. Nuur Cadde haddii ay labada dhinac ee DGPL iyo DFKMG isku khilaafaan sharciga cusub ee batroolka. Shirkadda Shiinaha ee CNOOC heshiiskii lala galay xaggee kudambayn doonaa, shirkadihii Dowladii hore la gashay haddii la soo celiyo Gen. Cadde ma aqbali doonaa?

Gabagabadii waxaa muuqata in shacabka Soomaaliyeed inta dhexdooda la isku mashquuliyey markaas korkooda laga shaxayo, oo loo tashanayo khayraadkooda. [Waxaa hadda arrimaha Batroolka kusoo biiray Yemen dhanka badda u dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen, gaar ahaan aagga Suqadara batroolka laga baarayo..]

Xaaladda Guud ee Soomaaliya Hal Sano kaddib Imaanshadii Ciidamaad Itoobiya

  • Waraysi ku saabsan hal sano kaddib imaanshadii ciidamada Itoobiya ay yimaadeen Soomaaliya ayaa waxay idaacadda Codka Maraykanku (Dec 23, 2007) la yeelatay Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf, iyo Guddoomiye ku xigeenka ururka Dib u xoreynta Soomaaliyeed Jaamac Maxamed Qaalib iyo afhayeen u hadlayey Itoobiya, gaar ahaan waxaa la weydiiyey immisa ciidammo Itoobiyaan ah ayaa Soomaaliya ku sugan kuwaas oo tiradooda uu caddayn ka bixin waayey madaxweynaha DFKMG... Halkan ka dhegeyso ama Halkan (mp3)
     
  • Waraysi uu bixiyey SALIM LONE oo afhayeen u ahaan jirey Qaramada Midoobey, oo hadda ka tirsan wargeyska Daily Nation ee Kenya, ayaa muujiyey in adduunku dhinaca kale uga jeestay dhibaatada ka taagan Soomaaliya... Daawo: video Video: Adduunka oo Indhaha ka laabtay Soomaaliya..

Qoraallada bogga waxaa isku soo dubaridey bahda SomaliTalk.com


  • Faahfaahin dheeraad oo ah ku saabsan cidda ay u diiwaan gashantahay shirkada "Consort pvd Ltd" iyo xilliga dalka Maldives laga diiwaan geliyey, waxaa toos loogala xiriiri karaa Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Maldives: Teleofoon:: +960 3323668, ama Tel: +960 3315593. Fax: +960 3323840. Ama Email: contact@trademin.gov.mv Ama Xafiiska madaxweynaha Maldives, Maumoon Abdul Gayoom, Emailka: info@presidencymaldives.gov.mv

Akhri: DAGAALKA, BATROOLKA IYO SOOMAALIYA

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2007 | Dec 23, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH