SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Afhayeenka RRP: DFKMG ma Shaqayn doonto Haddii aan Lala Heshiin Maxakiimta Islaamiga ah

 Waraysiga C/Naasir Guure Faarax [jeer] waxaa la yeeshay wariye xudeyfi

  • DFKMG wadahadal hala gasho Xasan Daahir Aways
  • Qaraxyada Muqdisho halagu bedelo mudaharaad Joogto ah
  • Maamulka Puntland waxa uu ku tilmaamay Keligii talis
  • Shirkadaha Macdan baarita Puntland waxa uu ku tilmaamay Maafiyo

Waraysi uu bixiyey afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party [RRP] ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], isagoo kusugan magaalada London UK, ayuu kaga hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dowlada dhexe iyo maamulka Puntland.

Afhayeenku wuxuu waxkama jiraan ku tilmaamay in ay dowlada C/Laahi Yuusuf madaxweynaha ka yahay ay shaqayso iyadoon aan maxaakiimta Islaamiga ah iyo dadka indheer garadka dibu heshiisiin lalagalin, wuxuu kaloo afhayeenku sheegay in dowladu ay joojiso erayada foosha xun ee dadka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u is ticmaalaan sida argaggixiso iyo wixii la mid ah, wuxuu afhayeenku ku booriyay dowlada kumeel gaarka inay Xasan Daahir Aways oo tageero badan wadanka gudihiisa ku leh in ay cafis u fidiso wada hadalna la gasho si loo dhiso dowlad loo dhan yahay.

Wuxuu koloo C/Naasir ka hadlay in ay khalad wayn tahay dadka qarax yada kawada magaalada Muqdisho isoogo ku tilmaamay in qaraxyadu ay sii xoo jinayaan in aysan Itoobiyanku wadanka ka bixin oo ay mar marsiyo ka dhigan doonan, waxaana ku talin ayuu yiri afhayeenku in lasameeyo mudaharaadyo joogta iyo dacwo joogta oo an aduunka u bandhigayno mowqifka aynu ka taaganahay iyo in Soomaaliya ay xasiloon tahay oo an loo bahnayn Itoobiyanka, waana sida kaliya oo aan wadanka kaga saari karno cadowga kusoo duulaay ee aynaan tabar toosa oo aan kaga hortagno hada u hayn.

Afhayeenku mar uu ka hadlaayay maamulka Puntland wuxuu ku tilmaamay mid kaligii talis ah oo xisbiyada gobalka hortagan wuxuu doonana sameeya, rabitaanka shacabkana aan dhag u dhigin.

Mar wax laga waydiiyay khayradka Puntland ee layiri waa la soosaarayaa ayuu wuxuu ku war celiyay:

Maalin dhowayd waxaa Garoowe yimi niman ajaaniba oo leh shirkado macdan baaris ayaan nahay, waxana nimankan watay maamulka Puntland, mana ahayn shirkado sax ah ee waa niman maafiya oo arimo kale u socday, wuxuuna xisbigayagu ku wargaliyay inay ka noqdaan wadanka haddii kale wixii soo gaara aysan qofna u raacan, wayna noqdeen. Waxana uu intaas ku daray: Hadda anigu Puntland ayaan u socdaa dhowaan waxana shacabka Puntland tusi doonaa dukumiitiyo sir ah oo aan muddo ka aruurinaayay nimankan leh wax baan barnaa waxaana dadka u cadayn inay arimo kale u socdan, arimahaas oo aan shaca ka qaadi doono markaan carigii gaaro haddii Allah idmo, waxaan kaloo samay markan Puntland tago dhallin yaro wadani ah oo maafiyadan waxbaan soo sari leh dhulka ka daafacda.

Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], waxaa lagala xiriiri karaa:
Emailka: keenadiid18@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 207

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH