SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Meles Zenawi oo Markii ugu Horeysey Qiray in aan Wax Al-Qaeda ah Ku Dhiman Soomaaliya

Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa waraysi uu siiyey jariidada Financial Times waxa uu shaaca kaaga qaaday in dagaalkii uu ku qaaday Soomaaliya aysan ku dhiman cid looga shakisan yahay Al-Qaeda.
Akhri:
No confirmation of Al-Qaeda deaths in Somalia: Ethiopian PM

Kooxo Hubaysan Oo Mar Kale Weerar Qoryaha Madaafiicda La Beegsaday Dekedda Weyn Ee Magaalada Muqdisho ..

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Feb 5, 2007: Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, ayaa Xalay markale lagu weeraray qoryaha daran-dooriga u dhaca ee Hoobiyaha , Weerarkan oo ay geysteen kooxo hubaysan oo aan la garaneyn, ayaa dhacay abaarihii 3:15am ee xilliga Addinka Salaadda, iyadoo ay arintaasi ku baraarugeen dadweynaha ku dhaqan nawaaxiga Dekadda.

Ma jiraan wax khasaara ah oo la sheegay inay Hoobiyayaashaasi lagu garaacay Dekadda ay gaysteen, waxaase la sheegay in bartilmaameed laga dhigtay goobaha Marsada ah oo ay Maraakiibtu ku xirtaan.

Madaafiicda Hoobiyaha oo dhowr meelood kusoo kala dhecay sida , xarunta xabsiga Gaalshiraha oo aan sidaa uga dheerayn dekeda , bacaadka xeebta oo gudaha dekeda u dhow iyo Marsada geeska ku taala oo uu shalay Markab ka furtay sida uu saaxaafada u xaqiijiyey mid kamida gaadiidlayda Dekadda badeecada kala duwan kasoo daabusha oo xilligaasi ku sugnaa bartamaha Dekadda.

Dhinaca kale, ciidamada Dowladda KMG ayaa ku dhaqaaqay hawlgalo ay ku burburinayaan Sandaqadaha ganacsiga ee agagaarka dekadda ku yaala, ka dib markii weerarada lala beegsanayo Dekadda ay noqdeen kuwa is-daba joog ah.

Dekadda Weyn ee Muqdisho, ayaa waxaa ku sugan Markab sida Shidaal dhowr Tan-ah, inkastoo ilo-wareed loo qaateen ah ay sheegayaan in Markabkaasi uu saakay ka furtay Dekadda islamarkaana uu dib u laabanayo.

Horey ayaa Dekadda waxaa loogu garaacay ilaa 8-hoobiye inkasoo khasaaraha ay sababeen aan la ogaan karin.

Prof. Geeddi :Dalka Gudihiisa Ayaa Lagu Qabanayaa Shirka Dib U Heshiisiinta Soomaaliya

Ra'iisul wasaaraha dowlada kmg ah Cali Maxamed Geeddi oo maanta soo gaaray magalaada Muqdisho ayaa caddeeyey in dowladda kmg ah ee soomaaliya ay qabanayso shir dib u heshiisiin ah oo ballaaran, islamarkaana meesha ka saaray in shirka lagu qabanayo dalka dibadiisa .

Geeddi oo maanta ka qayb galay furitaanka kulan looga hadlayay dib u heshiisiinta dalka soomaaliya ayaa sheegay in la qabanayo dhowaan shir dib u heshiisiineed oo ka baaxad weyn shirarkii hore , waxaana lagu qaban doonaa dalka soomaaliya gudihiisa.

"Ma jiraan shir lagu qaban doono dalka dibadiisa ,shirkan dib u heshiisiineed waxaa lagu qaban doonaa dalka gudihiisa waxaana isugu imaanaya dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed, waxaana dowladda kmg ahi ay ka shaqeynaysay muddo dheer sidii uu shirkani u qabsoomi lahaa '' ayuu yiri Geeddi

"Waxaa baryahaan maqlayay shir dib u heshiisiin ah ayaa dibadaha lagu qabanayaa, hadaba waxaan idiin sheegayaa inaysan dowladdu diyaar u ahayn in wax shir la yiraahdo lagu qabto dalka dibaddiisa, ciddii taas ku riyoonaysana iyada ay quseyso" ayuu cod dheer ah ku yiri, Geeddi .

Hadalka ra,iisal wasaare geedi ayaa kusoo beegmaya xili ay jiraan qaban qaabo shirar dib u heshiisineed oo soomaalida ah oo ay wadaan dalal ka mid ah Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo doonaya inay ka qayb geliyaan Maxkamadaha Islaamka soomaaliyeed.

Qaar Kamida Gaadiidka Dadweynaha Ee Isaga Kala Goosha Degmoyinka Iyo Xaafadaha Caasimada Muqdisho Oo Shaqo Joojin Sameeyey Iyo Dowlada Kmg oo Halkaas Howl-Galo Ka Bilowday...

Gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala dhex Goosha Isgoysyada Siinaay iyo km4 ee wadada Wadnaha ayaa saaka gabi ahaanba ka hakaday shaqadoodii caadiga ahayd ka dib markii ay Gaadiidlaydaasi ka cowdeen baabuur xamuul ah oo wadadaas hareeraheeda tuban iyadoo qaybo ka mid ah wadadaasi wadnaha gaar ahaan agagaarka isgoys-ka howl-wadaag ay noqotay goob ay boosteejo ka dhigteen baabuurta xamuulka ah ee aada gobolada baay iyo bakool .

Gaadiidlaydan ayaa baabuurtoodii madaxa isu geliyey bartamaha wadadaas ,islamarkaana shaqo joojintooda ku sheegay in ay ka dhalatay ka dib markii ay wadada wadnaha hareeraha iyo bartamahaba ka jareen Gawaarida Xamuulka ah ee Dekadda kasoo daabula badeecadaha kala duwan.
"Waxaa nagu adkaatay marida wadada, waayo 4-ta gees ayey ka dhigteen gawaarida xamuulka ah ee isjiidaya, waan u cabanay dhowr jeer,balse dheg jalaq nalooma siin, anaga saaka ayaan waxaan go'aansanay in aan wadada jarno" sidaana waxaa yiri Mid ka mid ah milkiilayaasha gadiidka BL-ka xilli uu ku sugnaa goob buuq badan oo wadada bartmaheeda ah .

Maamulka gobolka banaadir ayaa sidoo kale howl galo ku aadan qaska iyo qalalaasaha ka taagan wadadan ka bilaabay iyadoo ibraahain shaaweeye oo ah ku xigeenka duqa maagalada muqdisho ee dhinaca amniga uu ku guulaystay in baabuutii wadada xiratay ee shaqo joojinta samaynaysay uu halkaas ka qaado .

waxaa kaloo ibraahin shaaweeye uu bilaabay in gaadiidka xamuulka ah ee la dhigo bartmaha wadada ee gaadiidleyda BL-ku ka cabanayeen uu goobtaas ka wareejiyo iyadoo ay yar yihiin gawaarida dadweynaha ee maanta shaqadoodii caadiga ahayd wadata lana arkayo dadweyne isugu jira arday iyo dadka ka shaqaysta suuqa weyn ee bakaaro oo cagtooda maalaya .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2007

Itoobiya oo ku hanjabtay in aysan sugi doonin Keenista Ciidamada Afrikaanka.
.Dowladda Kenya oo sheegtay inay ku saxsaneyd Celistii..
.Kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta oo ka furmaya xamar
.Dowladaha Mareykanka iyo Yemen oo wada dadaal dib u
.Saraakiil ka socotay Uganda oo booqdey gobo ku yaal...
.Kulan looga arisanayey xaaladda nabadgelyo ee muqdisho
.MURAAYO OO HESHAY IN LAGU DAAWEEYO DALKA USA
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Feb 5


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH