Wararkii: Feb 5, 2007
- Itoobiya oo ku
hanjabtay in aysan sugi doonin Keenista Ciidamada
Afrikaanka.
- Dowladda Kenya oo
sheegtay inay ku saxsaneyd Celistii..
- Kulan looga hadlayo
dib u heshiisiinta oo maanta ka furmaya ..
- Dowladaha
Mareykanka iyo Yemen oo wada dadaal dib u heshiisiineed...
- Saraakiil ka
socotay dalka Uganda oo booqdey gobo ku yaal.
- Kulan looga
arisanayey xaaladda nabadgelyo ee muqdisho oo...
- MURAAYO OO HESHAY
IN LAGU DAAWEEYO DALKA MAREYKANKA.
Itoobiya oo ku hanjabtay in
aysan sugi doonin Keenista Ciidamada Afrikaanka.
Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa waxa uu
sheegay in uusan marnaba sugi doonin imaanshaha ciidamada
Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, balse uu ciidamadiisa
sida ugu dhaqsiyaha badan ugala bixi doono dalka Soomaaliya,
“Wax badan ayaan u sheegnay in Midowga Afrika ay soo diraan
ciidamo nabad ilaalin ah, basle waxaan dareenay in aan dheg
jalaq loo siineyn codsigayaga” ayuu yiri Meles oo sheegay in
hawshii ay u tageen ciidamada Itoobiya Soomaaliya laga
gaaray guul wax ku ool ah.
Ra’isul Wasaaraha dalka
Itoobiya waxa uu sheegay in bisha Feebaraayo askari
Itoobiyaan ah lagu arki doonin dalka Soomaaliya. Ra’isul
Wasaaraha ayaa hadlakaan waxa uu sheegay mar uu la kulmay
wafdi ka socday Midowga Afrika, waxayna wafdigaasi sheegeen
in Dowladda Itoobiya looga baahan yahay in aysan meel cidla
ah uga tegin hawshii ay ka qabatay gudaha dalka Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya ayaa
waxay cadaadis fara badani kaga imaanayaa beesha Caalamka
iyo waliba mucaaradka dalka Itoobiya kuwaas oo dalbanaya in
sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxo ciidamadiisa dalka
Soomaaliya, waxaa kaloo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya cadaadis
kaga imaanayaa dhaqdhaqaaqa ka socda xuduuda u dhexeysa
Itoobiya iyo Ereteriya kaddib markii halkaasi Ereteriya soo
dhoobtay ciidamo aad u xoogan kuwaas oo xitaa la sheegay
inay ka gudbeen goobihii ay ka caaganaayeen ciidamada.
Dowladda Itoobiya waxaa
kaloo lagu cadaadinayaa in ay ka qayb-qaadato shirweyne dib
u heshiisiin ah oo loo qabto dhamaan kooxaha Soomaaliyeed oo
ay ku jiraan Maxaakiimta Islaamiga, waxaana arrintaani wata
Dowladda Mareykanka iyo waliba Midowga Yurub. [Sida aad
wararka hoose ku arki doontid].
Dowladda Kenya oo
sheegtay inay ku saxsaneyd Celistii..
Afhayeen u hadlay Dowladda Kenya ayaa waxa uu sheegay in
Dowladda Kenya ay ku saxsaneyd in dalkeeda ay ka masaafuriso
kooxihii taageerada u ahaa Maxaakiimta Islaamiga, waxa uuna
afhayeenku sabab uga dhigay in kooxahaasi ay qas iyo
qalaanqal ka abuuri lahaayeen gudaha dalka Kenya.
“Dowladdu xaq ayey u leedahay wixii dhibaya nabadgelyada
Kenya in ay ka hor tagto” ayuu yri afhayeenka oo sheegay in
dadkii ay qabatay Kenya ay dib ugu celisay Dowladda
Federaalka, isagoo tilmaamay in iyada laga rabo in ay
dadkaasi si wanaagsan ula dhaqanto.
Dowladda Kenya waxaa maalmahan eedeeymo uga imaanayeen
golaha Muslimiinta dalkaasi iyo waliba mucaaradka kuwaas oo
ku eedeeyey Dowladda Kenya inay ku xagudubtay shuruucdii u
tiil Maxaabiista adduunka, waxayna sheegeen in wixii
dhibaato ah ee la gaarsiiyo dadkaasi ay mas’uuliyadeeda
dusha u ridan doonto Dowlada Kenya.
Ilaa iyo 60 maxbuus oo ahaa taageerayaashii Maxaakiimta
Islaamiga ah ayaa dhawaan la keenay Magaalada Muqdisho,
maxaabiistaasna ilaa iyo hadda war lagama hayo halka ay ku
sugan yihiin iyo xaaladooda, iyadoo markii dalka la keenayna
ay Dowladda Kenya u gacan gelisay ciidamada Itoobiyaanka.
Kulan looga hadlayo dib
u heshiisiinta oo maanta ka furmaya ..
Maanta ayaa la filayaa in Hotel KAAH ee Magaalada Muqdisho
uu ka furmo kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta qaranka
Soomaaliyeed, waxaana kulankaan soo qaban-qaabiyey guddiga
dib heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed.
Kulankaan ayaa la filayaa in ay ka qaybgalaan dad caan ku ah
siyaasadda Soomaaliya, Madax ka tirsan Dowladda Federaalka,
Qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana la sheegay in lagu
gorfeyn doono sidii loo heli lahaa dib u heshiisiin dhab ah
iyo sida ugu haboon ee hubka looga dhigi karo shacabka
Soomaaliyeed.
Waa markii ugu horeysay oo kulan noocaan ah loo qabto
ummadda Soomaaliyeed, tan iyo markii ay Dowladda Federaalka
ah soo gaartay Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in
kulankaani uu socon doono mudo todobo maalmood ah, iyadoo
fikradaha ka soo baxana ay noqon doonaan kuwo saldhig u
noqda dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed iyo waliba
sida ugu haboon ee hubka looga dhigi karo ummadda
Soomaaliyeed.
Dowladaha Mareykanka
iyo Yemen oo wada dadaal dib u heshiisiineed...
Dowladaha Mareykanka iyo Yemen ayaa wada qorshayaal la
doonayo in lagu soo afjaro dhibaatada Soomaaliya, waxaana
dalka Yemen haatan ku sugan ergay ka socda Dowladda
Mareykanka oo wada hadalo la leh mas’uuliyiinta wadankaasi.
Dowladda Mareykanka ayaa Dowladda Yemen waxay kala
tashaneysaa qaabka ugu haboon ee loo qaban karo shir dib u
heshiisiin ah iyo sida la isku soo hor fariisin karo
dowladda iyo maxaakiimta islaamiga ah, iyadoo dalka Yemen ay
ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga
ah.
Dowladda Yemen ayaa waxay horey u taageertay sidii loo dhex
dhexaadin lahaa Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda
Federaalka, waxayna oso dhaweysay qorshaha Midowga Yurub iyo
Dowladda Mareykanka ee dib u heshiisiinta ummadda
Soomaaliyeed.
Ergeyga Mareykanka ayaa la filayaa in uu gaaro dalka
Itoobiya halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono madaxda
dalka Itoobiya oo ay isla soo qaadi doonaan xaaladda
Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee loo qaban karo shir dib u
heshiisiin ah.
Dowladda Federaalka ayaa soo dhaweysay in la qabto shirweyne
dib u heshiisiineed, hase yeeshee waxay ku adkeysaneysaa in
kulanka dib heshiisiinta ah lagu qabto dalka gudihiisa,
waxaana arrintaani sheegay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
mar uu la hadlayey golaha Baarlamaanka.
Saraakiil ka socotay
dalka Uganda oo booqdey gobo ku yaal.
Waxaa labo maalmood magaalada Muqdisho ku sugnaa saraakiilka
tirsan dalka Uganda kuwaas oo qayb ka ahaa wafdi ka socday
Midowga Afrika oo indha-indheynayey meelaha ugu haboon ee ay
ciidamada midowga Afrika ka hawlgali karaan. Maalintii
shalay ahayd ayaa saraakiil ka socotay dalka Uganda waxay
booqdeen goobo ka mid ah Muqdisho oo ay ku jireen Dekedda
weyn iyo garoonka Diyaaradaha iyo waliba xerooyin ku yaala
duleedka Magaalada Muqdisho.
Waxaa la filayaa in dalka Uganda uu noqdo dalka ugu horeeya
ee ciidamo nabad ilaalin ah u soo dira Soomaaliya kuwaas oo
hoos tagi doona midowga Afrika, hase yeeshee mucaaradka
dalka Uganda ayaa ku gacan-saray in Soomaaliya loo diro
ciidamo, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay weli ka taagan
yihiin iska hor imaadyo iyo waliba siyaasado iska soo
horjeeda.
Maanta ayaa la filayaa in wafdigaani uu ka ambabaxo dalka
Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in ay gaaraan magaalada
Baydhabo halkaas oo ay kulamo kula yeelan donaan
mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ee halkaasi ku sugan.
Ciidamo ka tirsan
Maxaakiimta oo lagu arkay deegaanka Bu'aale.
Wararka naga soo gaaray degmada Bu’aale waxay sheegayaan in
ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah lagu arkay
Degmada Bu’aale gobalka J/dhexe kuwaas oo la sheegay in ay
si aad ah u hubeysnaayeen.
Ciidamadani ayaa waxaa lagu waramay in ay halkaasi ka
iibsadeen badeecooyin kala duwan, kaddibna ay u dhaqaaqeen
dhinaca hawdka.
Dadweynaha deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyey
ciidamadaasi, waxayna dadka u sheegeen in ay dib u soo
laaban doonaan.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Itoobiya
ee ku sugan agagaarka Jilib lagu wargeliyey, kaddibna ay
galeen feejignaan aad u balaaran.
Dhawaan ayaa agagaarka Afmadoow iyo Dhoobley oo ka wada
tirsan gobalka J/hoose lagu arkay ciidamo ka tirsan
Maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna dadku is weydiiyeen halka
ay ka yimaadeen ciidamadaasi, kadibna ayay uga laabteen
magaalooyinkaasi, iyagoo halkaasi ka iibsaday waxyaabo ay u
baahnaayeen, gaar ahaan raashinka qutul-daruuriga ah.
Dhanka kale Ciidamada Kenya ee ku sugan xuduuda ayaa sidoo
kale heegan la geliyey kaddib markii la arkay dhaq-dhaqaaqa
ciidamadaasi, waxaana lagu waramay in ciidamadaasi ay markii
dambe u dhaqaaqeen dhinaca hawdka.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa deegaanka Dhoobley ayaa
halkaasi isaga soo baxay iyagoo isugu soo uruuray Magaalada
Kismaayo.
Kulan looga arisanayey
xaaladda nabadgelyo ee muqdisho oo...
Maalintii shalay ahayd ayaa xarunta gobalka Banaadir waxaa
lagu qabtay kulan looga arinsanayey xaaladda nabadgelyo ee
Muqdisho oo waayadan u muuqatay mid faraha ka sii baxeysa,
waxaana kulankaani ka qaybgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa
ee gobalka Banaadir.
Mas’uuliyiintaas oo la kulmay madaxda Degmooyinka Gobalka
Banaadir ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida ugu haboon ee
nabadgelyo loogu soo dabaali karo Gobalka Banaadir.
Kulankaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xili ciidamada
Booliiska ee ka hawgalayey saldhigyada ay weeraro kaga
imaanayeen kooxo maleeshi-yooyin ah, waxaana ugu dambeey
dilkii loo gaystay sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliiska
Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Max’ed Cali Khalaf.
Duqa Magalada Muqdisho ayaa sheegay in ay sida ugu
dhaqsiyaha badan gacan bir ah ugu qaban doonaan kooxaha
caadeystay in ay caqabad ku nooqdaan nabadgelyada magaalada
Muqdisho, waxa uuna sidoo kale sheegay in har iyo habeen
ciidanka Booliiska uu hawgali doono, isla markaana aysan
waxba u dhimi doonin hawshooda weerarada kaga imaanaya
kooxaha dableyda ah ee aan rabin Dowladnimada.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
MURAAYO OO HESHAY IN LAGU
DAAWEEYO DALKA MAREYKANKA.
Xarunta
COGWO oo inta badan qaabilsan haweenka ayaa lagu qabtey
xaflad lagu sagootinaayey Muraayo Nuur Cali oo aheyd gabar
saddax sano ka hor magaalada Muqdisho kufsi loogu geystey.
Waxaana sagootintaani u sameeyey Hayadda COGWO waxaana ka
qeyb galay masuuliyiinta hayadda COGWO, hayaddaha samafalka
qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka. Halkaasi oo ugu
horeyn warbixin ku saabsan xaalada Muraayo ka soo jeedisey
Agaasimaha Hayadda COGWO Nuurto Sheekh Axmed oo sheegtey in
gabadhaani la kufsadey 3/ March /2002-da 11,00 AM waxaana
kufsadey nin,oo gabadhaasi u geystey dhaawac halis ah asagoo
isku furey kaadida iyo saxarada.
Intii ay warbixinta ay jeedineysey Marwo Nuurto ayaa dadkii
ka qeyb galay aad uga naxeen dhibaatada loo geystey
gabadhaani ayna sheegtey in mudadii ay gabadhaasi ay
xanuunsaneyd ay xanaaneeyteeda ay qeyb weyni ka qaadatey
hayadda COGWO.
Nuurto waxay sheegtey ini ay jaaliyada Soomaali ee ku nool
Minnesota ay u fidiyeeyn gargaar balaaran oo keenay in
gabadhaasi loo qaado dalka Mareykanka waxaana lagu
daaweynayaa Muraayo isbitaalka la yiraahdo Mayo Clinic
Rochester waxayna ay sheegtey Nuurto in si gaar ah ay gacan
ugu geysteen qoys Soomaliyeed oo is qaba iiyo haweeyney kale
oo Mareykan ah.
Nuurto Sheekh Maxamed waxay sheegtey in jaaliyada
Soomaliyeed ee Mareykanka ah ay balan qaadeen in ay
bixinayaan qarash ku baxaya Muraayo iyo aabaheed Nuur Cali
inta ay ka tagayaan dalka Mareykanka.

Nuurto waxay u mahad celisay intii gacanta u geysatey
gabadhaasi waxayna si gaar ah u mahadcelisey Bahda
warbaahinta gaar ahaan kuwii gaarsiiyey dhibka gabadhaasi
Soomalida dalka dibadiisa iyo gudahiisa sida Yaasmiin Mayow
Maxamed, Amiin Yuusuf Khasaaro, Salaad Iidoow Maxamed (Xiis)
iyo Qamar Salaad.
Xasan Sheekh Maxamed oo ah masuuliyiinta CRD oo ka Hadley
sagootinta Muraayo ayaa waxaa uu u mahad celiyey dhamaan
intii gacanta ka geysatey helitaanka daawada Muraayo.
Waxaa uuna hayadda COGWO gudoonsiiyey lacag gaareysa 1500 oo
doolar oo ay iska soo aruuriyeeyn shan hayadood.
Waxaa kaloo halkaasi ka Hadley Aabe Nuur Cali oo ah aabaha
dhalay Muraayo waxaa uuna u mahadceliyey Jaaliyada
Soomaliyeed ee ku nool Mareykanka gaar ahaan Minnesota iyo
intii kale gacanta ka geysatey gabadhaasi inay badbaadiyaan.
Gabadhaani ayaa waxa baaritaan ku sameeyey dhowr dhaqaatiir
oo dhamaantood qaabilsan cudurada haweenka oo dhaamantooda
sheegay in dalka gudihiisa ee aan waxba looga qaban Karin
xanuunka haaya Muraayo waxaana Muraayo hore u sii raacaayo
xubin ka tirsan hayadda COGWO.
Qoraalkii Hore ee Muraayo halkan ka akhri....
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5,
2007
Sweden:
Mudaaharaad Looga Soo Horjeedo Ethiopia...
Mudaharaadkaas oo ka dhacay caasimada Stockholm
Akhri...
C/llaahi Yuusuf
iyo Geedi oo isku mari la’ qaabka loo wajahayo Dib u heshiisiinta..
.C/llaahi Yuusuf oo
beesha caalamka ku eedeeyey in ay...
.Sheekh Shariif iyo diyaar garowga imaanshihiisa Yaman
.Dowladda Mareykanka oo taageertay mowqfika Italy..
.Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Cambaareysey dilkii Col Khalaf
.SOMALIDA QURBAHA OO KU KULANSAN STOCKHOLM
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Feb 4
Shir looga
hadlaayey Tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo lagu qabtey Xarunta PDRC ee
Garoowe.
BAAQ
KASOO BAXAY XARUNTA XORIYO EE NABADDA IYO WADA-JIRIDDA
Tuulada
Galooley Daa'uud oo laga furay Dugsi Cusub
Gabar
Soomaaliyeed oo Muddo Dheer La ildaran Wadne Xanuun oo Gargaar Codsaneysa...
Akhri...
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|