SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baaq Ay Soo Saareen Waxgaradka ,Aqoon-yahanka Iyo Ardayada Kasoo Jeedda Gobollada Sool, Sanaag-bari, Haylaan Iyo Cayn..

Baaqan oo ku aadan xiritaanka ay xabsiga ay ku hayaan maamulka som-land aqoon yahanada iyo culimo-udiinka kasoo jeeda gobolada sanaag bari iyo sool ayaa Khamiistii waxaa baaq kasoo saaray magaalada muqdisho waxgarad iyo aqoon yahano kasoo kala jeedda gobolada kor ku xusan ,taasoo ay ku qeexeen sida ay uga xun yihiin xiritaanka iyo xabiska loo gaystay yaasiin kilwe iyo jaamac kuutiye oo kamida aqoon yahano kasoo kala jeeda gobolada sanaag-bari iyo sool.

Kulankan oo ahaa mid ay isugu yimaadeen aqoon-yahano ,waxgarad ,arday iyo culimo-udiin ayay waxay lagu gorfeeyey xariga yaasiin kilwe cismaan iyo weliba jaamac kuutiye oo labaduba ku xiran xabsiga hargaysa ayay ku tilmaameen mid ka fog xaqiiqda islamarkaana lagu doonayo arimo qabiil waa siday hadalka u dhigeene ,iyagoo ugu baaqay maamulka som-land inuu si shuruud la,aan ah kusii daayo ragaas iyo weliba culimo-udiinka aan waxba galabsan .

Axmed jaamac oo kamid ahaa dadkii kulankan soo qaban qaabiyey islamarkaana kamid ah xubnaha sarsare ee bulshada rayidka ah ee gobolada jubooyinka ayaa ku booriyey maamulka som-land inay kala gartaan xaqa iyo xaqdarada islamarkaana sheegay inay maamulka som-land ay meel kaga dhacayaan xuquuqda aadanaha iyo tan qofkaba isagoo intaas sii raaciyey ,reer waqooyi iyagaa lahaa waa nala dulmiyey 21sano ee kacaanka hadana iyagaa maanta dadka dulmaya ,miysan ahayn ,(Hashu Geela Iyadaa Cunta Iyadaana Cabaadaysa ) waa siduu hadalka u dhigaye.

''waxaan la yaabanahay qof aan waxba galabsan oo dembi loo samaynayo som-land miyaysan ogayn in la kala arko xaqa iyo xaqdarada isamarkaana aysan socon doonin wax lagu raadiyey dulmi ii xir, ii hay iyo wax lamida ,waxaan ugu baaqaya waxgaradka ,aqoon-yahanada kasoo jeeda walaalahayaga som-land inay ka fiirsadaan dhibaatada ay u gaysanayaan dadka shacabka ah oo ay ilaaliyaan deris wanaaga islamarkaana soo daayaan maxaabiista ku xiran magaalada hargaysa'' ayuu yiri axmed jaamac oo ay ka muuqatay carro xoogan .

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale loogu soo eedeeyo maamulka som-land inay iska xireen dad rayida oo aan waxba galabsan ,zam-zam axmed ducaale oo ahayd gabadh da, yar islamarkaana ardayad ahayd ayaa sanadkii 2003-da iyadoo safar ku tagtay magaalada hargaysa lagu soo eedeeyey inay arga-gixiso tahay iyadoo dacwadeedii qaadatay ilaa 2004ta oo hal sano ay socotay .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Dawladdu waa in aay latimaado qorsha fiican ee dibuheshiissin.
Ama Dib uheshhissintii laga sugayay, waxay Noqonaysaa Maroodigii Rimanaa Ee dooliyada Dhalay?

Nairobi (Khamiis)- Guddoomiyaha ururka Xalka iyo Midnimada Soomaaliyeed Ama looyaqaan Center For Somali Solutions- ee fadhigeedu yahay Dalka Maraykanka., Mudane Mahdi Ali Xeyle ayaa ka hadlay ballanqaadkii Madaxweyne yuusuf iyo PM Gedi ee ku saabsanaa in aay keeni doonaan qorsho fiican oo dib uheshiisiin uuna soo dhisi doono dawlad tayo leh, ayaa u muuqato mid lagu hingoobay. Akhri...


Hayadda Dallaalo oo qabatey Siminaar ku saabsan Xadgudubyada loo geysto Haweenka

Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Naaso Hablood ee Magaaladda Muqdisho, lagu qabtey siminaar hal maalin ah oo ay soo qaban qaabisay hay;adda Dallaalo waxaana ka qayb galay xubno ka socday urrruradda bulshadda , iyo guddoomiyeyaasha Degmooyinka gobolka banaadir waxaan furitaankii siminaarkaas ka hadlay Guddooomiyaha Hayadda dallaalo dahabo Cumar Maxamed oo sheegtey in siminaarkan ay u qabteen sidii loo heli lahaa xad gudubyada loo geysto haweenka iyo xal u helidooda waxaana casharo ka jeedinaayey seminaarkaas Ustaad Jamaal Maxamed Barrow oo isagu halkaas ku soo bandhigay dhowr waxyaabood oo ku yimaada xad gudubyada loo geysto haweenka soomaaliyeed kuwaasoo kala ah xad gudub ku yinmaaada dhinaca dhaqanka , xad gudub ku yimaada dhinaca siyaasadda , xad gudub ku yimaada dhinaca waxbarashada , xad gudub ku yimaada dhinaca dhaqaalaha, xad gudub ku yimaadaa gudniinka fircooniga iyo xad gudub ku yimaada guurka iyo guryaha,

Ka qayb galayaashii ayaa halkaas ka soo jeediyey fikrado kala duwan oo xal loogu heli karo xad gudubyada loo geysto haweenka soomaaliyeed kuwana waxaa ay sheegeen in lagu xallin karo dhinaca diinta islaamka halka kuwa kala ay sheegeen in lagu xallin karo dowlad cadaalad ku dhisan,

Xubnihii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xaawo Ciise oo iyadu sheegety in loo baahan yahay in haweenka soomaaliyeed la siiyo wacyi galin fara badan si ay u ogaadaan wax ay ay xaq u leeyihiin iyo waxa xaqqa loogu leeyahay waxaa kaloo goobtaa ka hadashay Sahro Ceelbuur oo iyana sheegtey in haweenka looga baahan yahay in ay xoogga saaraan dhinaca waxbarashada taasoo ay sheegtey in ay ku gaari karaan waxa ay ay tiigsanayaan, seminaarkan waxaa maalgaliyey hayadda UNIFEM waxaana hirgalisay Hayadda Humanitarian Development Organization Ee Dallaalo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Siminaar hal maalin ah oo looga doodayey xuquuqda Haweenka iyo meelka dhacyada lagula kaco oo maanta lagu qabtay Hotelka Naasa Hablood ee magaalada muqdisho

“gabadha hal sab ugu rid wiilkane laba sab ugu rid aniga iyo adinae inta soo hartey weelka nuugu rog sidaa waxaa fikirkiisa ku cabiray suldaan cadaan maxamed macalin oo ka qeyb qaadanayey aqoon isweydaari halmalin ah oo looga hadlayey xadgudubyada iyo tacadiyada loo geysto haweenka kaas oo manta lagu qabtay Hotel Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho,

aqoon isdweydaarsi looga doodayay si heer sare ah xuquuqda Haweenka iyo xadgudubyada ay la kulmaan,waxaana isku soo dubarida aqoonisweydaarsigaan hay.adda dallaalo ayna ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala socotey qebybaha kala duwan ee bulshada somaliyeed iyo qaar ka tirsan Hay’adaha u dooda Xuquuqda Haweenka ee ku sugan magaaladan Muqdisho.

Hay.adda Dallaalo ayaa soo qaban qaabisay doodan waxaana furitaankeedii ka hadashay Guddoomiyaha ururka Dallaalo Marwo Dahabo Cumar Maxamed oo sheegtay iney sii kordhayaan xad gudubka loo geysanayo haweenka Soomaliyeed

“Waxaan isku dayaynaa in aan ka hortagno dhibaatooyinka loo gaysanayo Haweenka Soomaaliyeed waxaa la siiyay gabdhaha %10 waxaana xaq u leenahay in ka badan intaasi ragga waan ka dadaal badanahay maxaa yeelay waxaan soo xaraynaa dhaqaalaha dalka %70 ” ayay tiri Dahabo oo ku dheeraatay Xuquuqda Dumarka.

Ugu danbeyntii dooda iy fikirka ayaa si habsai leh loo qeybsanayey waxaana macalimiin ka ahaa siminaarkaan jamaal maxamed barrow iyo maxamed axmed macalin oo ka socday labaduba hay.adda ( CTC ) xubnihii halkaa ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa ahaa Raaxo Maxamuud (Janaqoow) Gudoomiyaha Hay’ada SAACID, Jamiilo hayle oo ah xoghayaha ururka Inxa iyo xubno kale.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2007


WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....


Zakariya Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey..
.Akhri...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH