SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Tacaddigii Saami Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo

Munaasabad loogu Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho

Saalim Muxiidiin Axmed waxaa uu ku dhashay Magaaladda Kharduum 25 Feb 1969-kii waxaa uu aabihii ula wareegay magaaladda Sinaar oo ku taala badhtamaha sudaan haalkaas oo uu aabihii ku ganacsan jiray. Wax barashadiisii hoose illaa sare waxaa uu ku qaatey Magaaladda Sinaar,dabadeedna waxaa uu u safray dalka Hindia halkaas oo uu shahaadada Majisteer uu ku qaatey, Suugaanta luuqadda Ingiriiska. Waxaa kale oo uuu saami uu ka soo qaatey isla dalka hindia Shahaado ah Aqoonta Computer-ka. Wax yar kadib markii uu soo qalin jabiyey waxaa geeriyootey hooyadiis waxaana uu dib ugu soo safray dalka Imaaaradka Carabta.halkaas oo uu ka helay shaqo Shirkadda Romat International ee wax soo dajinta. Dib usoo laabashadiisii waxaa uu bartey habka sawir qaadida.

1997 ayuu saami guursaday Igool Isayov oo u dhalatey dalka Aderbijan, waxaaneey u dhashay ilmaheedii ugu horreeyey sanadkii 2000.

Isla sannadkii 2000 ayuu saami tababar dhinaca sawir qaadida ah ka billaabay Chanelka Aljazeera, kadib waxaa uu si rasmi ah uga mid noqday shaqaalaha Al-jazeera dabayaaqadii sanadka 2000

Saami waxaa ay Al-jazeera u dirtey dalka Shiishaan, laakiin uma aaneey suurta galin inuu tago halkaas ka gadaal markii uu waayey fiisihii dalku galka dalkaas halkaasoo uga soo laabtey dalka Georgia. Safarkisii waxaa loo wareejiyey dalka Kosavo

Sanadkii 2001 ayuu Saami Xaaji u baqoolay magaalada Qandahaar ee dalka Afghanistan isaga iyo koox kale oo uu hogaaminayey Yusuf Al-shuulii si ay usoo tabiyaan dagaalkii mareykanka uu ku qaaday dalkaas, Kadib jabkii Ururkii Taliban ee ka talinayey dalka Afghanistan Saami iyo saaxibadii waxa ay u baxeen dhinaca dalka Pakistan, hase yeeshee mar kale ayey dib ugu soo laabteen magaaladda Qandahaar kadib markii uu amar uga yimid maamulka Sare ee Al-jazeera Markii ay ku sii laabanayeen magaalada qandahaar ayaa dowladda Pakistan waxaa ay xirtey sawir qaade Saami xaaji iyaga oo sita waraaq uu magaciisu ku qornaa, Muddo 21 maalmood ah ayuu Saami ku jiray gacanta Ciidanka dalka Pakistan

 

Muddo yar kadib Saami waxaa loo wareejiyey xabsi ku yaala magaaladda Kuweyta,halkaas oo gacantaa loo galiyey Cidamada Mareykanka, kuwaasooo iyana u sii gudbiyey saldhiga Bagram ee dalka Afghanistan oo markaas fariisin u ahayd Ciidamadda Mareykanka,

Halkaas ayaa waxaa saami uga billowday Safar dheer oo aad u dhib iyo rafaad badan iyadoo aaneey jirin wax eedeymo ah oo loo soo jeediyey. Mar kale ayey Ciidamada Mareykanka dib ugu soo celiyeen magaaladda Qandahaar isagoo aan xor ahayn oo la hayste ah. Jeelka Qandahaar waxaa lagu xasuustaa tacadigii ugu horreeyey ee lagu bahdilayey maxaabiista inuu ka dhacay, iyadoo waliba Kitaabka Quraanka Kariimka ah laagu tuntey. Bishii July ee isla sanadkaas aayaa Saami Xaaji loo duuliyey Jeelka Gontnamo, halkaas oo uu illaa iyo hadda uu ku xidhan yahay danbi la’aan mana jhirto illaa hadda wax eedeymo ah o lagu soo oogay oo ay mareykanku soo bandhigeen

Gardaradan bareerka ee lagula kacay sawir qaade Saami Xaaji oo ku gudajirey gudashada waajibkiisa shaqo ee soo tabinta Runta saxaafadeed ayaa waxaa aad uga xumaaday dhamaan dadyoowga runta iyo xaqqa u hiiliya ee adduunka oo dhan. Si hadaba aynu dareenkeena ula wadaagno dadyoowga caalamka ee run udirirka ah ayaanu dooneynaa inaanu si wada jir ah aynu uga qayb qaadano waxaana maalintii shalay ahayd Hotel Peace ka dhacday xaflad baroor diiq ah oo lagu muujinayey dhibaatada lagu hayo Saami Xaaji waxaa na ka qayb galay Qaybaha kala duwan ee bulshada iyo saxafiyiin ka kala socotey qaybaha warbaahinta dalka waxaana soo qaban qaabiyey Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaana goobtaas ka hadlay Saalax Sheekh Ibaarhin oo ka socday televitionka Al-jazeera waxaana uu halkaas ka aqriyey taariikhdii iyo sababihii loo xiray sawir qaade Saami Xaaji sidoo kale waxaa ka hadlay Ing Suudaan Cali Axmed waxaana uu sheegay in dadka ku xiran xabsiga Gontnama ay dhamaantood yihiin dad dulmaneyaal ah oo u xiran si gardarro ah sidoo kale waxaa goobtaas ka hadlay C/qaadir Ibraahin Gacal ‘Abkoow’ waxuuna sheegay in Saami ALxaaji uu u xiran yahay maxaad runta u sheegtey ?waxuna dowladda Mareykanka u soo jeediyey in si sharuud la’aan ah loo sii dayo sawir qaadahaasi. Waxaa kaloo ka hadlay Xabiibo Xaaji Jimcaale iyo Nuurto Sheekh Maxamed oo iyana sheegay in Saami Al Xaaji uu u xiran yahay si gardarro ah waxaana intaas ay raaciyeen ineey u ololeyn doonaan sidii loo si deyn lahaa dulmanahaas Saami Xaajiinat uu ku jiro xabsiga waxaa kaloo ka hadlay Cali Maxamed Xalane oo isna sheegay in suxufiyiinta Soomaaliyeed aysan ka hari doonin sidii loo sii deyn lahaa Saami, dhanka kale waxa uu sheegay gardarro tan aan ka dhicin inuu u xiran yahay Taysiir Culuuni oo uu sheegay ineey ahaayeen saaxiibo. Ugu dambeyntii waxaaa ka hadlay Madaxa TV-ga Aljazeera ee Muqdisho Abshir Buqaari wuxuuna u mahad celiyey intii codkooda ku biirisay sidii lagu sii deyn lahaa sawir qaade Saami, waxaana uu sheegay in Tv-ga Aljazeera uu u doodi doono cid kasta oo saxafi ah oo dhibaato loo geysto

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2007


Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto, islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri warka oo dhan....


WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....


Zakariya Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey..
.Akhri...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH