SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Feb 18, 2007
  •  Gacma-Dheere oo xalay soo gaaray Magaalada Muqdisho..
  • C/llaahi Yuusuf “Dib u heshiisiinta aan wadno waa mid aan isugu keeneyno Beelaha diriray”
  • Salaad Cali Jeele oo beeniyey in dad ka xaqayaan Magaalada Muqdisho.
  • Mowliid Macaane oo magacaabay guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Hay’adda SWACRO oo carruur agoon ah u furtay Dugsi...

Waxaa maalintii Khasmiista ahayd Hay’adda SWACRO qabatay xaflad ay Dugsi ugu furreysay carruur agoon ah oo iyo kuwa aysan waalidiintoodo waxba haysan, waxana Dugsigaan furitaankiisa iska kaashaday Haween Soomaaliyeed oo ku nool Cariga Mareykanka.

Dugsigaan oo lagu baran doono Xifdinta Qur’aanka Kariima ah iyo barashada Tarbiyadda Diinta Islaamka ayaa furitaankii waxaa ka hadlay Wakiilka Hay’adda SWARCO ee Soomaaliya Yaasmiin Mayow Max’ed, waxayna sheegtay inay dugsigaan ugu talagaleen in wax lagu baro carruur gaareysa 50 oo ah Carruur agoon ah, kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixyaan qarash.

Yaasmiin waxay sheegtay in dugsigaan Carruurta Agoonta ah iyo kuwa aan waxba haysanba wax ku baran doonaan si lacag la’aan ah, isla markaana Macallimiinta wax ka dhigaya Dugsiga ay Hay’addu siin doonto wixii tasiilaad ah ee u baahan yihiin.

Halka uu ku yaalao dugsiga waxaa ku sadaqeystay Yacquub Cali Faarax, waxa uuna sheegay mar uu ka hadlayey furitaanka Dugsigaasi in ay ka go’an tahay in ay gacan siiyaan carruurta agoonta ah si u helaan waxbarasho. Ardayda wax lagu barayo dugsigaasi ayaa dhinaca caafimaadka waxaa gacan ka siin doona Dr. Mahad oo ka shaqeeya Isbitaalka Banaadir, iyadoo Dhakhtarkaani uu si tabarucaad ah Ardaydaasi hawlo caafimaad ugu sameyn doono.



Macallinka Dugsiga oo lagu magacaabo Suleymaan Xaaji Aadan ayaa waxa uu u mahadceliyey Hay’adda SWACRO oo uu sheegay inay qabteen hawl muhiim u ah Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan carruurta Agoonta ah oo iyagu inta badan aan awoodin qarashka wax lagu baro.



Hay’addaan oo xafiisyo ku leh Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso, Buula-Burde, blase xarunteeda weyn waxay ku taalaa dalka Mareykanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside

Gacma-Dheere oo xalay soo gaaray Magaalada Muqdisho..

Wasirka Arrimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay fiidnimadii soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib markii safar dhinaca dhulka ah uga yimaadeen magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah Dowladda Federaalka.

Gacma Dheere ayaa Muqdisho u yimid sidii uu wax uga qaban lahaa xaaladda nabadgelyo xumo ee ka jirta Magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la yeelan doona Odoyaasha iyo Waxgaradka Beelaha ku nool Magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa uu la kulmo doonaa maamulka Gobalka Banaadir, isagoo kala hadli doona arimaha nabadgelyada ee Magaalada.

Gacma Dheere mar dhawaan la wax laga weydiiyey madaafiicda ay is weydaarsadaan ciidamada Dowladda iyo kooxaha kacdoonka wada, ayaa waxa uu yiri “Macquul ma ahan in aan Ciidamada Itoobiya niraahno gacmaha laabta iyadoo lagu soo ridayo hub, marka waxaan bulshada u soo jeedinayaa in ay iska qabtaan kooxaha deegaanadooda hubka ka tuuraya”

C/llaahi Yuusuf “Dib u heshiisiinta aan wadno waa mid aan isugu keeneyno Beelaha diriray”

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay la hadlayey Xildhibaanada Baarla-maanka ayaa waxa uu sheegay in dib u heshiisiina ay wado Dowladdu ay tahay mid ay isugu keeneyso beelaha Soomaaliyeed ee colaadu kala gaartay mudadii 16-ka sano ahayd. “Dowladdu hor fariisan-meyso Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Maxaakiimta Islaamiga ah” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka looga baahan yahay in ay gacan ka gaystaan sidii meel la isugu keeni lahaa dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee xurgufto u dhexeyso loona heshiisiin lahaa.

C/llaahi ayaa maalintii shalay ahayd u ambabaxay cariga Ingiriiska, isagoo sheegay in uu casuumaad ka helay boqortooyada wadankaasi.

Salaad Cali Jeele oo beeniyey in dad ka xaqayaan Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa si kulul u beeniyey in dad fara badan ay ka qaxeen Magaalada Muqdisho ayna ka qaxeen iska hor imaadyada u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo kooxo maleeshiyooyin ah.

”Reer Muqdisho waxay soo mareen dagaalo fara badan, sida kii Afar Biloodka, Kii Hogaamiye kooxeedyada, kii Maxaakiimta iyo Hogaamiye kooxeedyada, weligoodna meel ugama qaxin, ma garanayo in maanta la yiraahdo dadka reer Muqdisho way qaxayaan” ayuu yiri Salaad Cali Jeele oo sheegay in Dowladdu ay wax ka qaban doonto ammaanka Magaalada Muqdisho, isla markaana ay soo qabqaban doonto kooxaha caadeystay inay Magaalada Arbushaan, dhanka kale dad fara badan ayaa ka qaxay Magaalada Muqdisho kuwaas oo gaaray deegaanada ku dhow dhow Magaalada Muqdisho, waxayna dadkaasi u badan yihiin carruur iyo Haweeney u adkeysan waayey madaafiicda la is weydaarsanayo.

Mowliid Macaane oo magacaabay guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Isboortiga iyo Dhallinyarada Soomaaliyeed Mowliid Macaane Maxamuud ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

”Markii aan tixgeliyey qorshaha hawlgal ee Xukuumadda Federaalka, taasoo mudnaanta koowaad la siiyey, jiheynta Dhallinyarada Soomaaliyeed, oo fursadoodii la seejiyey Mudo 16 sano ah, iyadoo laga ambaaqdayo, hadafka laga leeyahay ururinta, isukeenista iyo tayeynta Dhallinyarada Soomaaliyeed taasoo la doonayo in dhaqan xumada ay hadda faraha kula jiraan loogu bedelo in ay noqdaan rag Isboorti (Sportsmanship)” ayaa lagu yiri wareegta uu soo saaray Wasiirka Isboortiga Mowliid Macaane Maxamuud waxa uuna intaa ku sii darayaa ”Si waajibaadka kor ku xusan loo guto, waxaa lagama maarmaan noqotay in masuuliyiintii ka shaqeyn lahayd Hay’adda ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed la magacaabo”.

Haddaba waxaa Guddoomiyaha ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed loo magacaabay Salaad Xasan Cali, Guddoomiye ku xigeena waxaa loo magacaabay Siidow Xasan Xuseen, Guddoomiye ku xigeenka labaadna waxaa loo magacaabay C/raxmaan Cusmaan Yuusuf, halka Xoghayaha guudna loo magacaabay Liibaan Maaxi Macallin, waxaana wareegtaan uu soo saaray Mowliid Macaane og Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi.

Dib u dhac ku yimid imaanshihii ciidamada wadanka Uganda...

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii Uganda ee la filayey in ay yimaadaan Todobaadkaan uu dib u dhac ku yimid kaddib markii la waayey wixii tasiilaad ahaa ee lagu ambabixin lahaa ciidamadaasi, gaar ahaan dhinaca Gaadiidka.

Ciidamada Uganda oo ku sugan garoon yar oo ay leeyahay ciidamadaasi ku yaala duleedka Magaalada Kampala ayaa halkaasi waxay ku sugayaan diyaaridihii daad gureyn lahaa oo laga sugayo dalka Mareykanka.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Uganda la damacsan yahay in ay soo maraan dhinaca dhulka, kadibna ay imaan doonaan magaalada Xeebta ah ee Mombassa ee dalka Kenya si halkaasi looga soo daad-gureeyo Maraakib.

Dalka Uganda waxa uu horey u sheegay in uu Soomaaliya u diri doono ilaa iyo 2000 oo ciidamo ah kuwaas oo hawlo dhinaca nabad ilaalinta ah ka sameyn doona dalka Soomaaliya, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed intooda badan ayaa iyagu ku qanacsaneyn imaanshaha ciidamadaasi oo ay sheegeen in ay uga sii dareyso xaaladda nabadgelyo ee dalka.

Siyaasiyiinta Beesha Cayr oo cambaareeyey bamkii lagu tuuray..

waxaa habeen hore bam lagu tuuray guriga Guddoomiyaha siyaasadda Beesha Cayr Maxamuud Max’ed Culusow ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Weerarkaas banbaano oo aysan cidna wax ku noqon balse waxyeelo u gaystay guriga ayaa waxaa cambaareyey Siyaasiyiinta Beesha Cayr oo sheegay in kooxaha tuuray ay doonayaan in ay carqaladeeyaan hawlaha nabadeynta ee uu wado Mudane Culusow. Waxay kaloo sheegeen in kooxahaasi lagu raad joogo, waqti ay ahaatana la soo qaban doono, iyagoo sheegay in hawlaha uu wado Culusow uusan marnaba ka niyadjabi doonaani uu halkaasi ka sii wadi doonao hawlihii dib u heshiisiinta ee uu ka waday Bulshada dhexdeeda.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirkii Ganacsiga ee Dowladda Federaalka gurigiisa lagu weeraray Banbaano balse cidna waxba kuma noqon.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 


Siminaar ku saabsan AIDS-ka oo la soo gebagabeeyay

Siminaar Socday mudo saddex maalmood ah oo looga hadlayey halista Cudurka Dilaaga ah ee HIV/AIDS oo ay soo qaban-qaabisey hay’adda OSPAD oo gacan ka heleysay hay’adaha Global Fund iyo Hay’adda UNICEF ayna kormeeraysey hay’adda SCAC. ayaa Waxaa lagu soo gabagabeeyey Hotel Saxafi Two .

Siminaarkaan waxaa ka qaybgalay 50-xubnood oo ka kala socday Kalkaaliyaal Caafimaad iyo Dhalinyao waxaana intii uu socday cashiro ka bixinaysey Batuulo Max’ed Mursal oo iyadu aad ugu dheeraatay marxaladihii iyo heerarkii uu soo maray cudurkaasi, waxayna sheegtay in dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn halista cudurkaasi, taas oo ay sheegtay in ay ugu wacan tahay aqoondari.

Siminaarkaan oo ka mid ah siminaaro is daba joog ah oo ay qabanqaabisay Hay’adda OSPAD, ayaa kan ahaa kii Saddexaad oo ay qabato Hayaddaas Wuxuuna sheegey Guddoomiyaha hay’addasi Cabdi Nuur Cusmaan Weheliye in ay siminaaradani ugu tagaleen sidii ay bulshada ugu baraajun lahaayeen waxyeelada cudurkaasi, waxa uuna sheegay in hay’addu ay qaban doonto siminaaro fara badan si bulshada loogu wacyigeliyo dhibaatadA cudurkaasi,

Gebagabadii siminaarkaasi ayaa waxaa ka hadlay xiiriiriyaha Hayadda SCAC Dr Maxamed Maxamuud Bideeyey oo sheegay in siminaarka noocaan ah ay uga dan leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed loogu wacyigelin lahaa cudurkaasi oo marba marka ka dambeysa ku sii badanaya dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa ka hadlay Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Shiikhdoon Salaad Cilmi ahna la talyaha Caafimaadka ee Hayadda OSPAD wuxuuna sheegey in Isbitaalkooda ay Baareen ilaa 4 kun oo qof ayna Cudurka AIDS-ka heleen ilaa 40 qofood


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: Feb 18, 2007


Isbitaalka Indhaha ee Al-nuur oo ay ka bilaabay howl indhaha loogu fiiqayo caruur da’doodu yar tahay

Isbitaalka Indha ee Al-Nuur ayaa billaabay howlo indhaha loogu fiiqayo ugu yaraan 10-kun oo caruur ah, howshaan ayaa waxaa iska kaashaday Isbitalka Indhaha ee Al-Nuur iyo Hay’adda MUSLIM AID UK.

Howshaan oo laga billaabay Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur ayuu uga warbixiyay Agaasimaha Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar howsha ay qabanayaan iyo muddada ay soconayso, isagoo si weyn uga warbixiyay qaabka ay howsha u wadayaan muddada ay socoto. Akhri warkan oo dhan...


Gudoomiyaha Siyaasada Beesha Cayr Dr. Culusow Oo Xalay Gurigiisa Bam-gacmeed Lagu Weeraray..

Feb 17, 2007: Dablay hubaysan oo aan la garanayan halka ay ka amar qaataan ayaa xalay bam gacmeed ku weeraray Guriga Dr. Max'uud Max'ed Culusow,oo ah siyaasi soomaaliyeed oo ku sugan magaalada caasimada ee muqdisho .

Weerara guriga masuulkaas la weeraray ayaa ku beegnaa xili fiid horaad ah iyadoo xilligaasna uusan ku sugnayan guriga .

Bam gacmeedkan oo ku qarxay guriga daaradiisa ayaan gaysan wax qasaaro ah iyadoo qaraxa iyo diryanka bam-gacmeedkan laga wada maqay xaafadaha deegaankaas ku dhow dhow islamrkaana in cabaar ah kadibna lasoo buux dhaafiyey goobta qaraxu ka dhacay.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa weerarkan iyo weliba cidda ka dambaysa weerarka gurigiisa loo gaystay masuulkan ,arintan ayaa dadka qaarkii ku macneeyeen in dr,Culusow iyo wafdi kale uu hogaaminayo ay safar kaga soo laabteen magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia oo uu halkaas kaga soo qayb galay shir beesha uu kasoo jeedo iyo weliba maamulka tigreega iyadoo kal hore waraaqo hanjabaad ah oo lagu daadiyay wadooyinka qaar ee Muqdisho lagu sheegay in la weerarayo cidii aad Ethiopia xiriir iyo wada shaqayni dhex marto .

Si kastaba ha haatee Dr. Culusow ayaan wax jago ah u hayn dowlada fkmg islamrkaana aysan cadayn ilaa iminka sababta dhabta ah ee ka dambaysa weerarkan iyadoo ay jiraan maalmahan weeraro lala beegsanayo Mas'uuliyiinta dowlada iyo ciidamada Ethiopoia oo kusoo badanayey magaalada caasimada ee muqdisho .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Feb 17, 2007


"Kenya waxay dib u celisey Soomaali iyagoo aan Maxkamad la soo taagin" Aljazeera
  • Bashiir Makhtal oo qoyskiisu sheegeen in aysan war ka helin ilaa markii la xiray

Bashiir Maktal qoyskiisu waxay sheegeen inuu yahay ganacsade | Sawirada: Aljazeera

Aziza Osman, bidix, oo sheegtay in aysan ninkeeda wax war ah ka helinilaa markii la xiray

Dad kabadan 50 qof ayaa Kenya waxay ka xireen meel u dhow xadka Soomaaliya, dib ayaana dadkaas loo celiyey iyagoo aan wax maxkamad ah la soo taagin, sidaas waxaa yiri Maxamed Cadow oo weriye u ah Aljazeera oo jooga Nairobi.

Bashiir Makhtal, oo ah Somaali haysta dhalashada dalka Canada, iyo xaaskiisa adeerkeed ayaa ka mid ah ahaa dadkii la xiray bishii hore, oo Soomaaliya dib loogu celiyey.

Qoyskoodu waxay yiraahdeen labadaas nin waxay ka soo carareen dagaalada Soomaaliya, laakiin dawladda Kenya waxay dib u celisey ayagoo aan maxkamadi dhegeysan ama fursad loo siin in ay rafcaan qaataan.

Aziza Osman oo ah xaaska Bashiir Makhtal waxay tiri: "Ninkaygu wax dembi ah ma leh, waa ganacsade, waxana uu ka cararayey rabshadaha Soomaaliya markii la xiray." Waxayna intaas ku dartay "Xukuumada Kenya si khaldan ayey u dhoofisey. kama war hayo in uu weli nool yahay iyo in uu bed qabo. Waxaan codsanayaa in isagoo nabad ah la iigu soo celiyo."

Warbixinta Aljazeera waxay intaas ku dartay in ilaa hadda kala bar oo bar dadka sida xoogga ah loogu celiyey Muqdisho ay ku jiraan dumar iyo carruur. Waxaana warku intaas raaciyey in gabar Afar-sano-jir ah ay boolisku xabsiga ku hayeen muddo soddon maalmood ah ka hor intii aan la siideyn.

Waxaan ajirey warar hore oo tibaaxayey in dadkii la geeyey Muqdisho in loo gacan geliyey ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, isla markaana dadkaas qaar ka mid ah loo qaaday Addis Ababa

Qareenada ku sugan Kenya ee u doodaya dadka la celiyey waxay sheegeen in Kenya ay jebisey xeerka caalamiga ah ee qaxootiga, ee Geneva. Waxayna xuseen in Kenya ay ku dhaqaaqday in ay celiso dad laga yaabo in la ciqaabo iyadoo aan wax sharci ah la marsiin, arrintaas oo ka hor imaneysa xeerarka caalamiga ah ee dadka la qabto.

Dilka Dadka Rayidka Ah Loo Gaysanayo Oo Kusoo Badanaya Magaalada Muqdisho
Gacmo Dheere :Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ethiopia Way Ku Saxan Yihiin Madaafiicda Ay Ku Jawaabayaan
Akhri Feb 16

Senator Coleman oo walaac ka muujiyey xad gudubyo  loo geystay Bulshada Oromo ee ku nool Soomaaliya
Waxana uu warqad gaarsiiyey diplomaasiyadda USA u qaabilsan arrimaha Africa Jendayi Farazer...
Akhri... Feb 16


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH