SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii:: Jan 23, 2007

  • Canada oo aad uga Carootay Kenya oo Nin Somali-Canadian ah u Dhoofisey Soomaaliya, Lagana Cabsi in Itoobiya loo gacan geliyey....
  • Garoonka Diyaaradaha oo shalay laga duuliyey 22 Qofood oo u dhashey Qowmiyadda Oromada..
  • Sheekh Shariif oo la xaqiijiyey in uu ku sugan yahay Nairobi
  • Ciidamada Itoobiya oo Suuqa Xoolaha ku dilay 4 qofood..
  • Ciidamada Itoobiya oo gebi ahaanba ka baxay Degamada Dhuuso Mareeb.
  • Axmed Kiimiko oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Madaxbanaanida Fikirka
  • Garowe:180 macalin oo ay haayada Adra ay siminaar uga furmay garowe ku saabsan khatarka cudurka AIDS-ka.

Shuftada badda oo Soo Laabatay Maxkamadihii Ka Dib...

Sida uu sheegay raadiyaha Maraykanka ee VOA, xilligii ay maxkamadaha Islaamku ka talinayeen koonfurta Soomaaliya waxaa hoos u dhacay shuftadii Badda, laakiin shuftadaasi hadda ayey soo laba kacleeyeen... Dhegeyso Halkan... ama Halkan Dhegeyso... ama Akhri Halkan....

Midowga Yurub oo Shuruud Ku Xiray Taageerada Soomaaliya....

  • Midowga Yurub ayaa Taageero Dhaqaale oo ay Siiyaan Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya waxay ku Xireen in DFKMG ay wadahadal la furto Maxkamadaha Islaamiga iyo Qaybaha Kale ee Soomaalida....

Brussels: Midowga Yurub ayaa sheegay in taageero dhaqaale oo lasiiyo ciidamada Nabad Ilaalinta ee Afrikaanka ay ku xiran tahay oo keliya haddii ay Dawladda KMG ay la xiriirta Maxkamada Islaamiga iyo qaybaha kale ee Soomaalida si loo gaaro nabad, sidaas waxaa Isniintii yiri madaxa Midowga Yurub.

"Xaaladda Soomaaliya waa mid aad uga fog deganaansho. Weerarkii lagu qaaday Villa Soomaaliya oo ah halka uu madaxweyne Cabdullaahi Yusuuf joogey waa arrin muujineysa halis in dagaalkii ahliga ah soo laabto" Sidaas waxaa yiri Louis Michel oo ah madaxa ururka reer Yurub oo warfidiyeenada la hadlayey Isniintii.

Dawlad loo dhanyahay "waa habka keliya oo lagu gari karo Soomaaliya oo siyaasad ahaan u deggan, sidaas daraaded waxaan isku xiray xiriirka u dhexeeya caawinaada dhaqaale ee ciidamada nadab-ilaalinta iyo in la furo wadahadal iyo nidaamka dib u heshiisiinta" ayuu yiri Mr. Michel.

15 million euros ($19 million) oo ay Midowga Yurub (EU) si khaas ah gooni ugu qoondeeyeen in lagu caawiyo maalgelinta ciidamada Nabad ilaalinta ee Afrikaanka, oo lagu bedelo Ciidanka Itoobiya ee jooga Soomaaliya, waxaa lacagtaas la dhiibayaa oo keliya haddii ay jirto nidaam dib u heshiisiin oo dhab ah, ayuu ku adkaystay Michel.

"Waxaa aad iyo aad muhiim u ah in la xaqiijiyo in dhammaan dhinacayada ay ka mid yihiin hoggaamiyayaasha beelaha, hoggaamiyayaasha Islaamiga, ganacsatada, bulshada rayadka ah iyo dumarka in laga qayb geliyo siyaasad loo dhanyahay iyo nidaam dhiska," sidaas waxaa yiri wareegto ka soo baxday wasiirada arrimaha dibada ee Midowga Yurub. [Isha warka Reuters: Eeg Halkan...].

Wasiirada Midowga Yurub waxa ay cambarayn dusha uga tuureen xilkaqaadistii ay Baarlamaanka DFKMG sheegeen in ay xilka kaga qaadeen Guddoomiaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aaden. Waxaa warku sheegay in 27 dawladood oo reer Yurub iyo Maraykanku ay sheegeen in xil ka qaadistaasi ay dhaawac gaarsiisey dib u heshiisiinta Soomaaliya. EU waxay DFKMG ugu baaqday in way wada hadal la furaan maxaakiimta [Eeg Halkan...]

Dhanka kale waxaa wararkaka imanay Kenya ay xaqiijiyeen in Guddoomiyaha Maxkamada Islaamiga Sh. Shariif uu ku sugan yahay Nairobi.

Farih Muallim oo ah hoggaamiyaha xisbiga Sake Of Kenyan People's Party waxa uu meesha ka saaray in Sheikh Shariif uu xiran yahay, waxan uu yiri :Waxaan u malaynayaa in Sheikh Shariif Axmed uu Kenya ku joogo casumaad uu ka helay Safaaradda Maraykanka, sida uu Safiirka Kenya dawr beri ka hor u yiri waxaan jecelahay in aan la kulano xubno ka tirsan maxkamadaha Islaamiga ah ee aan xag jirin, sidaas waxaa werisey Aljazeera.

Canada oo aad uga Carootay Kenya oo Nin Somali-Canadian ah u Dhoofisey Soomaaliya, Lagana Cabsi in Itoobiya loo gacan geliyey....

Dalka Canada ayaa aad uga carooday in dalka Kenya laga dhoofiyey Bashir Ahmed Makhtal oo ah nin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Canada, loona dhoofiyey Soomaaliya oo loo malaynayo in gacanta loo geliyey Itoobiya, waxaana laga casbi qabaa in durbadiiba loo gudbiyey magaalada Addis Ababa.

Waxaa aad loogu cabsi qabaa ammaanka Bashir Ahmed Makhtal, maadaama awoowihiis uu ka mid ahaa raggii asaasay jabhadda Xoraynta dhulka ay xabashidu gumaysato ee Soomaali Galbeed.

Bashiir Makhtal waxa uu ka ganacsan jirey dharka oo uu ganacsigiisu ahaa Kenya iyo Soomaaliya. Xaaskiisa oo magaceeda la yiraado Aziza Osman waxay telefishanka Canada ee CBC u sheegtay in Bashiir Makhtal uusan wax shaqo ah ku lahayn wax haba yaratee ah urur xag-jir ah. Waxayna tiri waxa uu ahaa ganacsade.

Sabtidii ayaa Kenya waxay Bashiir Makhtal iyo 29 qof oo kale u dhoofisey Soomaaliya, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo aad u farabadan oo Itoobiyaan ah. CBC TV waxa uu yiri: Itoobiya aad ayey u joogtaa Soomaaliya kaddib markii ay muruq siiyey dawladda taagta daran ee ah secular-ka (Secular = aan diin iyo aakhiro toona shaqo ku lahayn), waa sida warku u dhigay'e, si ay awood ugu hesho ka itaal roonaanshada ciidamadii Islaamiyiinta.

Canada waxay aad ug carootay sababta ay dawladda Kenya qof haysta Dhalashada iyo Baasaboor Canadian ah ugu dhoofisey dalka Soomaaliya oo ay ugu soo dhoofin weydey Canada.

Afhayeen u hadlayey wasaaradda Arrimaha dibada ee Canada ayaa Isniintii waxa uu magaalada Ottawa ka sheegay in Canada ay aad uga soo horjeedo go'aanka ay Kenya qaadatay ee ahaa in ay Bashir Ahmed Makhtal ugu dhoofisey Soomaaliya, sababtoo ah wasaarada Arrimaha dibada ee Canada waxay Soomaaliya u tixgelisaa meel halis ah oo ay dadkeeda kula talisay in oo aan loo safri karin oo ay dhammaan dadka Canadian-ka kula talisay in ay dalka Soomaaliya ka baxaan.

Afhayeenka, Réjean Beaulieu, waxa uu sheegay in arrintaas ay Canada gaarsiisey meesha ugu saraysa oo ay kala hadashay saraakiil Kenyan ah oo kusugan Ottawa oo ah Caasimaada Canada iyo Nairobi oo ah caasimada Kenya.

Dalka Canada waa dal aad looga tixgeliyo xuquuqda aadamiga, isla mar ahaantaana waa dal tixgelin aad u weyn siiya muwaadiniintiisa ama dadka haysta dhalashada dalkaas.

Ehelka Bashiir Makhtal, oo da'diisa lagu qiyaasay 40-jir, waxay aad uga walaacsan yihiin gacanta uu u galay dal ka tirsan dunida saddexaad oo wax kasta laga filan karo, waa Itoobiya'e.

Qoraal dheer oo Telefishanka Dalka Canada ee CBC uu arrintaas ka qoray ka ka akhri halkan..... . Sidoo kale akhri Jariidada kasoo baxda Toronto ee The Toronto Star....

bananbax 074Bannaanbax Ballaaran oo Looga Soo Horjeedo Itoobiya oo ka Dhacay Canada...

Banaan baxan ayaa waxa uu ka dhacay Bartamaha magaalada Windsor, Ontario, ee dalka Canada gaar ahaan xafiiska laga xukuma magaalada Windsor ee City Hall  maalintii Jimcada oo tariikhdu aheyd January 19, 2007. Banaan baxan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Midowga Jaaliyad Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan United Somali Diaspora. Waxaana taageero u fidiyay banaan baxan kana soo qeybgalay ururada Bulshada ee magaalada Winsdor oo ay ka mid yihiin: Windsor Peace Coalition oo ah urur mar walba u taagan kana soo horjeeda dagaalada lagu qaado dadka iyo dalalka laga awooda badan yahay ee xaq darada ah. Warka oo dhan akhri....

Garoonka Diyaaradaha oo shalay laga duuliyey 22 Qofood oo u dhashey Qowmiyadda Oromada..

somaliShalay galabnimadii ayaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa laga duuliyey 22 qofood oo oromo aha oo intooda badan ahaa dad mudo deganaa magaalada Muqdisho.

Oromadaan ayaa loo qaaday sida ay noo sheegeen dad ku sugnaa garoonka Diyaaradaha dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in raggaasi ay indhaha ka xirnaayeen oo ay gacmahana ka xirnaayeen.

Oromadaan ayaan qaarkood laga soo qabtay gobalka Sh/dhexe, kuwana waxaa laga qabtay magaalada Muqdisho, halka kuwo kalana laga keenay xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Dadka Oromada ah ee ku sugan Gudaha Soomaaliya ayaa dhibaato ku qabay soo gelitaankii Ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya, qaarkoodna waxaa lagula kacay dil iyo dhac, waxa uuna sheegay Guddoomiyaha Oromada in dadka Oromada ah aysan ilaabi doonin waxyaabihii lagula kacay.

Sheekh Shariif oo la xaqiijiyey in uu ku sugan yahay Nairobi

  • Farih Muallim: "Sheekh Shariif Waxa uu Kenya ku joogaa Casumaada Maraykanka..."

Saxaafadda qaar ka mid ah ayaa shalay oo dhan faafinayey warar sheegaya in Shiikh Shariif uu ku sugan ayahay oo ilaalo ka hayaan Ciidamo Maraykanka iyo kuwa Kenyaati ah ka dib markii uu Guddoomiyaha Golaha Fulinta la sheegay in uu ka gudbay xuduuda u dhexeysa Kenaya iyo Soomaaliya hase yeeshee ma aysan faafaahin in Shiikh Shariif uu isu dhiibay Ciidamada Waddanka Kenya.

Mar aanu la xiriiray Dad ku sugan Waddankaasi ayaa waxa ay noo sheegeen in Shiikh Shariif aan laga soo deyn Telefishinka Waddankaasi,  balse waxa ay noo sheegeen inay maqlayeen maaalmahaan in Shiikh Shariif uu ku sugan yahay Dalka Kenya tagista Shiikh Shariif ee Dalka Kenya uu tagay warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaar waxa ay sheegayaan in Shiikh Shariif uu halkaa uu u tagay sidii wada xoojood uu ula yeelan lahaa Dowladda fedaraalka, isla markaana loo dhamayn lahaa khilaafyada ka jira gudaha Waddanka Soomaaliya maadaama ay sii kordheen weerarada lagu hayo Ciimada itoobiya iyo kuwa Dowladda fedaraalka ka dib markii dhawaan la weeraray Xarunta Madaxtooyada Dowladda fedaraalka oo uu fadhiyo Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed Dowladda.

Kenya ayaa waxay maalintii shalay ahayd shaaca ka qaaday in Shiikh Shariif uu ku sugan Magaalada Neroobi ee Dalka Kenya balse Dowladda Kenya xaqiiqda dhabta ah kama hadlin ee uu Shiikh Shariif ku gaaray Waddanka Kenay taageerayaasha Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa aad u soo dhweeyey markii ay mqaleen in Shiikh Shariif uu sii wadi doono wadahadaladii u dhexeeyey Maxaakiimt islaamiga ah iyo Dowladda fedaraalka dhanka kale Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa shalay aqbalay in uu wadahadal la galayo Maxaakiimta islaamiga ah lamana garanayo sababaha uu Geedi u aqbalay inuu wadahadal la galo Maxaakiimta islaamiga ah,waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Dalka Suudaan wadahadal ay isugu yimaadaan maxakiimta islaamiga ah iyo Dowladda Fedaraalka.

  • Farih Muallim oo ah hoggaamiyaha xisbiga Sake Of Kenyan People's Party waxa uu meesha ka saaray in Sheikh Shariif uu xiran yahay, waxan uu yiri :Waxaan u malaynayaa in Sheikh Shariif Axmed uu Kenya ku joogo casumaad uu ka helay Safaaradda Maraykanka, sida uu Safiirka Kenya dawr beri ka hor u yiri waxaan jecelahay in aan la kulano xubno ka tirsan maxkamadaha Islaamiga ah ee aan xag jirin, sidaas waxaa werisey Aljazeera.

Ciidamada Itoobiya oo Suuqa Xoolaha ku dilay 4 qofood..

Ciidamada Itoobiya ee ku suga Dalka isla markaana Gacansiinaya Dowladda Federaalka ayaa shalay howlgal ay ka fuliyeen ku dilay 4 qofood, isla markaana ay ku dhaawacmeen ila iyo lix qofoodoo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

Dilkaan ayaa yimid markii dadweynaha deegaanka ay ka caroodeen labo qofood oo ku sugnaa deegaankaasi oo ay la baxeen ciidamada Dowladda Federaalka ah oo uu ku jiray nin ganacsade ahaa.

Dadweynuhu waxay sameeyeen banaanbax rabshado watay, oo ay ku muujinayaan caradooda, hase yeeshee waxaa goobtii ka dhacday iska hor imaadyo khasaaro sababaxay.

Suuqa xoolaha oo ah meesha ay ka dhacaan rabshadaha ugu badan ee looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ayaa waxay qaar ka mid ah dadweynuhu noo sheegeen in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kaga soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya, iyagoo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay yihiin kuwo soo duulay dalka Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya oo gebi ahaanba ka baxay Degamada Dhuuso Mareeb.

Kaddib markii dhowr jeer weeraro lagu soo qaaday Ciidamada Itoobiya eek u sugan Magaalada Dhuusa-Mareeb uuna ugu dambeeyey taliyihii Ciidamada Aagaasi ayaa shalay subaxnimadii dhamaan ciidamadii itoobiya eek u sugnaa magaaladaasi ay isaga baxeen.

Dad loo xirxiray qaraxyadaasi ayaa la sii daayey oo ay tiradadoodu gaareysay 11 qofood, waxayna bixitaanka ciidamadani qayb ka yihiin kaddib markii Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya eek u dhawaaqay in Ciidamada Itoobiya ay si tartartiib ah ugabixin doonaan dalka Soomaaliya oo aysan sugi doonin ciidmada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Ciidamada Itoobiya ee soo galay dalka Soomaaliya ayaa weeraro ay waxa kaga imaanayeen dadka ka soo horjeeda soo gelitaankooda, waxana dhowr meelood oo dalka ah ka dhacay weeraro looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya gaar ahan Magalada Muqdisho oo shalay ay ka dhaceen iska hor imaadyo.

Axmed Kiimiko oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Madaxbanaanida Fikirka

Afar maalmood ayaa Hotel Saxafi waxaa ka socday kulan loogu magacdaray (Kulanka Madax-banaanida Fikirka), waxaana soo qaban-qaabiyey Hay’adda NOSOJ oo gacan ka heleysa Hay’adda UNESCO, waxaana ka qaybgalay saxafiyiiin ka kala socotay qaybaha Warbaahinta oo ka kala yimid Somaliland, Puntland, Gobalada Dhexe, Koonfurta Soomaaliya iyo Waliba Gobalka Banaadir. ,Bulshada Rayidka iyo Hayadaha Xaquuqda Aadanaha

Gebagabadii kulankaasi ayaa waxaa lagu doortay Gole la magacbaxay Golaha Madax-banaanida Fikirka, waxaana guddoomiye loogu doortay Cumar Max’ed Cali (Kiimiko), Xubnihiisa waxay ka kooban yihiin Mawliid Xaaji Cabdi, C/llaahi Xasan Shiikhaalow, Max’ed Cabdi Afgooye, Max’ed Shiil Xasan, Sahra Cabdi Axmed, Cabdi Aadan Guuleed, Hilaal Sheekh Shuceyb, Max’ed C/llaahi Gaas, Cumar Faaruuq, AVV. Sakariye, Malyuun Sheekh Xaydar, Siidow Xasan Mahdi iyo Faadumo Sheekh.

Axmed Kiimiko oo ka hadlay halkaasi doorashadii kadib waxa uu sheegay in uu xilkaasi u gudan doono si cadaalad ah, isla markaana Golaha uu u doodi doono dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada marka ay timaado madax banaanida fikirka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Jan 23, 2007


Garowe:180 macalin oo ay haayada Adra ay maanta siminaar uga furmay garowe ku saabsan khatarka cudurka AIDS-ka.

Siminaarkan oo ay maal galisay midowga yurub ayna fulinayso Hayadda Adra ayaa maanta uga furmay 180 macalin oo ka kala yimid guud ahaan Gobalka Nugaal dagmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa kala duwan ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Dusiga Dhexe ee Magaalada Garowe.

Siminaarkan oo uu maanta furay wasiirku xigeenka wasaarada waxbarashada Cabdi goobe ayaa ugu horaynaba mahadnaq u soo jeediyay waaxyihii kala duwanaa ee isku hawlo habsami u qabsoomida Siminaarkan isaga oo ku tilmaamay mid loo baahnaa islamarkaana ugu baaqay dhamaan ka soo qayb galayaasha siminaarkan in ay ka faa iidaystaan islamarkaana ay uga faa'iideeyaan shacabka intiisa kale ee ay ka yimaadeen iyaga oo ay masuuliyadi ka saarantahay maadaama intooda laga sooqaatay ayuu yiri wasiir kuxigeenku.

Wasiirka ayaa sidoo kale codsi ku saabsan lama laabida shaqada u jeediyay Hayadda Addra oo uu goobtii furitaanka shirka uga jeediyay hadalkaasi islamrkaana ay garawsadeen masuuliyiintii ka socoday Hayadda Adra.

Siminaarka oo socon doona 5maalmood ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galau masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Elly Nyandiga oo ah kuxigeenka mashruuca (Deputy Project Coordinator Basic) iyo Maxamuud Axmed Oday (Assistant Education Officer).

Sikastaba maahan markii ugu horaysay oo Siminaar ku saabsan Ka hortaga ama ka wacyi galinta loo qabto macalimiin ka kala socota gobalka waxaase jiray marar badan oo loo qabtay simnaar noocaan oo kale ah.

A/rizak koronto
Garowe Puntland


Wararkii: Jan 22, 2007


Suudaan oo Diidey in ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah u Dirto Soomaaliya


Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan al-Bashir oo la kulmay ra'iisul wasaaraha DFKMG Cali Maxamed Geeddii. Khartoum, January 21, 2007. (Reuters)

Wararka ka imanaya magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Suudaan ay diidey in ay Ciidamo Nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya, ayadoo sheegtay in ay muhiimada Siineyso nabadaynta dalka.

Axadii kulan ay Khartuum ku yeesheen madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG Cali Maxamed Geeddi, kaddib ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Ali Kerti, waxa uu warbaahinta u sheegay in ciidan kasta oo shisheeye oo loo diro Soomaaliya uu weerar kaga iman doono Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxana uu intaas raaciyey in Suudaan ay danayneysa xaqiiqsiga nabadda Soomaaliya.

Sarkaalka reer Suudaan waxa uu intaas ku daray in Dawladda Soomaaliya ay bedeshey weydiisashadeedii ahayd ka qaybqaadashada ciidamada Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta oo ay ku bedeshey in ciidamada loo diro si ay tababar siiyaan militariga Soomaliya, booliska, ciidanka ammaanka iyo maamulka madaniga ah.

Madaxweyne Al-Bashiir waxa uu Ra'iisuwasaare Geeddi u caddeeyey sida ay Suudaan ugu taagan tahay wada jirta, nabada iyo deganaanshaha Soomaaliya. Waxa kale oo uu u caddeeyey sida ay muhiimada u leedahay in miiska wadahadalka ay isugu yimaadaan garabyada Soomaaliya si loo gaaro nabadgeliyo.

Markii uu weydiistey Cali Maxamed Geeddi, ayaa Al-Bashiir waxa uu u xaqiijiyey sida uu diyaarka ugu yahay in uu sii wado sidii meel la isugu keeni lahaa dhammaan qaybaha Soomaaliya si ay u wada hadlaan, sidaas waxaa weridey SUNA oo ah warbaahinta ay gacanta ku hayso xukuumada Suudaan.

Waxaa warku intaas raaciyey in Janaayo 19keedii markii uu Cali Maxamed Geeddi yimid Suudaan in laga soo weriyey in uu ku gacan sayray wax wada hadal ah oo dhex mara Dawladiisa iyo Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah.

Wasiiru-Dowlaha Suudaan waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay aqabashay in Suudaan ay sii wado dhexdhexaadintii iyo soo noolaynta wadahadaladii.

Xuseen Bullaale: Ciidamada Itoobiya waxay ku baxayaan laba toddobaad


Xuseen Bullaale. Sawirka: GulfNews

Safiirka Soomaalida u fadhiya imaaradka Carabta (UAE), Hussain Bullaleh, waxa uu Gulf News u sheegay in "Xaaladda ammaan ee Soomaaliya faraha lagu qabtay iyo in Ciidamada Itoobiya ay kaga bixi karaan dalka muddo ka yar laba toddonbaad" Waxana uu intaas ku daray "Ciidamada Afrikaanka ayaa la filayaa in ay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ku bedelaan in ka yar laba todobaad"

Waxa uu intaas ku daray in: Siddeed kun oo ah ciidamada Afrikaanka ay aay imanaya Soomaaliya, Itoobiyana markaas boos ay ku joogto dalka uma furna.


Sawrada Mudahraadkii UK iyo Norway Halkanka daawo

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

Safiirku waxa uu yiri: Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah "Qaar ahaan waa la burburiyey", inta ka hartayna waa wax dalka ka baxay ama in ku dhuumaalaysanaya baadiyaha.

Waxa uu wax kama jiraan ka soo qaaday dagaalka ku-dhifo-oo-ka-dhaqaaq ee ay maxkamaduhu sheegeen in ay ku qaadayaan dawladda KMG. Waxana uu yiri: Maxkamaduhu Soomaaliya waxay ku haystaan taageero aad u laciif ah, gaar ahaan Muqidho. Dawladda Kumeeglaarka aad ayaa dadku u taabacsan yihiin. Ayuu yiri Xuseen Bullaale. Isha warka: GulfNews.

Ciidamada Itoobiya oo Fakad ahaan uga Baxaya Soomaaliya

Sida laga soo xigtey shabakada Shabait.com ee dawladda Eritrea, Ciidamada xukuumada TPLF, waxay awoodi kari waayeen in ay u adkaystaan cadaadiska aadka u xoogga weyn ee ka soo hor jeeda joogitaankooda Soomaaliya, waxaana khasab looga dhigay in ay dib si degdeg ah uga baxaan iyagoo carar ah, kaddib markii la soo gaarsiiyey khasaare aad u farabadan oo laga diley kumanaan askari oo ay kamid yihiin saraakiil.

Waxaa warku intaas raaciyey ilaa markii ay ciidamda TPLF cagta dhigeen ciidda Soomaaliya waxaa ka yaabiyey oo ay la fajaceen sida xoogga weyn ee dadka Soomaaliyeed ay uga soo hor jeedaan.

  • Mudaharaadyo aad u xoogbadan ayaa maalmahan waxaa dhigayey jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, mudaharaadyadas oo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya. Mudaharaadyadii ugu dambeeyey waxay ka dhaceen Canada, Ingiriiska iyo Norway... [Sawrada Mudahraadkii UK iyo Norway Halkanka daawo]

RaabehIsbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed : Baaq Culus #2
unugga horseedka u ah abaabulka iyo mideynta xoogagga wadaniyiinta Soomaaliyeed ayaa magaalada Ottawa, Canada waxa uu Akhri...


Suudaan oo Diidey in ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah u Dirto Soomaaliya
"ciidan kasta oo shisheeye oo loo diro Soomaaliya waxaa weerar kaga iman doono Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliyeed," sidaas waxaa yiri wasiirka A/D.. Akhri... 22/1

"Dowladda Kenya ay jabisay sharciyada Maxaabiista"....
Sidaas waxaa yiri garyaqaannada kenya oo intaas ku daray in "Kenya ay Dusha u ridan doonta Dhibka ah ee loo geysto dadkii iyaga soo magan galay ee ay gacanta u Gelisey Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya .. Akhri... 22/1
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH